Home Blog Page 488

Maxay noqotay natiijada tallaalkii loo sameeyay ka hortaga HIV?

HIV

Rajadii laga qabay tallaal ka hortag ah oo loo abuuray caabuqa HIV-ga ee sababa cudurka AIDS-ka ayaa lagu hungoobay ka dib markii lagu guul darreystay tijaabooyinkii la sameeyay.

Xarunta qaran ee caafimaadka ayaa joojisay tijaabadii ay ku magacowday HVTN 702, taasoo lagu sameeyay in ka badan 5,000 oo ruux oo ku sugan Koonfur Afrika, maadaama la ogaaday in tallaalka lagu hanweynaa uusan ka hortagi karin HIV-ga.

Khubarada howshaas waday ayaa muujiyay “niyadjab weyn” laakiin waxay intaas ku dareen in lasii wadi doono cilmi baarista loogu jiro dawada ka hortagga HIV-ga, dadaalkana halkaas laga sii ambaqaadi doono.

Tallaalada noocan ah ayaan lagu darin unugyo HIV ah, sidaas darteedna wax khatar ah uma keenayaan qofkii lagu tijaabiyo.

Muxuu yahay tallaalku?

Tallaalkan ayaa ahaa nooc ka mid ah tallaalada ugu horreeyay ee lagu hanweynaa inuu unugyada jirka bani’aadanka ka difaaci karo cudursidaha HIV-ga – waxaana horay loogu soo bandhigay xarun caafimaad oo ku taalla waddanka Thailand.

Tallaalkan ayaa tijaabadiisa lagu sameeyay waddanka Koonfur Afrika, oo ka mid ah dalalka ay ka jirto tirada ugu badan ee cudurkaas, marka loo eego caalamka intiisa kale.

Waxaa jiray hammi weyn oo laga lahaa in tallaalkaas uu shaqeyn doono, waxaana lagu waday in marka lagu guuleysto loo sii gudbiyo meelo kale oo dunida ka mid ah.

Maxaa ku dhacay tijaabadii?

.
Khubarada caafimaadka ayaa aad uga niyad jabay natiijada tallaalkii ay rajada weyn ka qabeen

Dad si iskood ah isu isxilqaamay ayaa la siinayay tallaalkan tijaabada ah.

Xogtii hordhaca ahayd ayaana muujisay in tallaalkaasi uusan waxba ka tari karin shaqadii looga dan lahaa, taasoo ahayd inuu awood u helo sidii uu ku difaaci lahaa caabuqa.

Dr Anthony Fauci, oo ka socda xarunta caafimaadka qaran ee NIH ayaa yiri; “In tallaal loo helo HIV-ga waxay sababi lahayd in dunida la farxad galiyo annaguna waxaan rajo ka qabnay in dawadan tijaabada ku jirtay lagu guuleysan doono, waxaanse ka qoomameyneynaa inaysan waxba tarin”.

“Cilmibaaristu wali way socotaa, waxyaabo kale ayaana laga shaqeynayaa si loo sameeyo tallaal badbaado u ah HIV-ga, ilaa haddana waxaan aaminsan nahay in la heli doono”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Linda-Gail Bekker, oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee Aids-ka ayaa tiri: “Inkastoo tani ay dhabarjab weyn ku tahay dadaalkeenna, waan sii ambaqaadi doonnaa raadinta tallaal ka hortag ah”.

Wali waxaan rajo ka qabnaa in tallaalo kale ay u shaqeyn doonaan sida loo rabo.

Sidee loo joojin karaa HIV?

Dawo magaceeda afka qalaad loogu soo gaabiyo (Prep) ayaa hadda shaqeyneysa waxaana la ogaaday inay ka hortagi karto caabuqa HIV-ga, laakiin waxay ka duwan tahay tallaalka, waxaana loo baahan yahay in maalin kasta la qaato.

Dalalka aysan dawooyinka noocaasoo kale ah dadku ka heli karin, habka kaliya ee loo adeegsan ka hortagga xanuunkaas waa in cinjir la isticmaalo xilliga galmada.

Dhawaan waxaa la helay dawooyin wakhtiga u dheereyn kara dadka uu haleelo caabuqa HIV-ga.

Ciidamada dowladda oo la wareegay gacan ku haynta Beled-Xaawo iyo Doolow

gorgor ururka 3aad5

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo heer federaal ah ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmooyinka Beled-xaawo iyo Doolow ee gobolkaas.

Ciidamada federaalka ayaa galabta la wareegay Doolow, halka Beled-Xaawo ay la wareegeen caawa, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku haya caawa garoonka diyaarada Doolow.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii tagey ciidamo ku daabuleysay gobolka Gedo, oo qorshuhu ahaa inay si buuxda ula wareegto, taasi oo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay gacanta ugu wada dhigeyso deegaanada Jubbaland.

Qabsashada Beled-Xaawo iyo Doolow ayaa macnaheedu yahay in dowladda ay iminka si buuxda gacanta kugu wada hayso dhammaan degmooyinka gobolka Gedo.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo degmada Beled-Xaawo uu maanta gaaray wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, kaasi oo saacado ku sugnaa kadibna u gudbay magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku hayso dowladda Kenya.

Booliska Soomaaliya ayaa maanta dalbaday waaran caalami ah oo lagu soo xirayo Cabdirashiid Janan oo booliiska ay sheegeen in 28-kii bishii Janaayo uu ka baxsaday magaalada Muqdisho.

Cumar Finish oo go’aan ka soo saaray xoolaha dhex jooga magaalada Muqdisho

cumar filish2

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa go’aan ka soo saaray xoolaha dhex jooga magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in Magaalada laga xareynaayo.

Wareegto uu soo saarey Guddoomiyaha oo uu Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xassan ayaa lagu sheegay in laga bilaabo Maanta Magaalada aan lagu arki karin Xoolo dhex socda oo aan cidla la jirin.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xoolaha dhex socda Magaalada ay sababi karaan arrimo ay ka mid yihiin Caafimaad darro, isla markaana Xoolihii lagu arko Magaalada dadkii lahaa la ganaaxi doono.

Ugu dambeyn waxaa Maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in Xoolaha Baadida ah ee Magaalada laga qabto la geyn doono Xarunta baadi-qabka ee dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxweyne Waare oo qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey

waare afay

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Beledweyne ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo gaaray halkaasi kuwaasi oo u kuurgalaya Xaaladda Barakacayaasha Beledweyne ku nool.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR ee bariga Africa Maxamed Cabdi Afey.

Ujeedka safarkoodu uu ahaa sidi xal waara looga gaari lahaa dib u dejinta arrimaha arrimaha Barakacayaasha.

Kulanka waxaa waxaa goob joog ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan Degmada.

Cabdirashiid Janan oo ka baxay Beled-Xaawo iyo wararkii ugu dambeeyey

cabdirashiid janan

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa waxa uu galabta iskaga baxay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, oo galinkii hore ee maanta uu ka degay, kadib markii uu ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Beled-Xaawo ayaa noo sheegay in wasiir Cabdirashiid Janan uu dhulka ah ku gaaray magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, in kastoo ay faahfaahin intaas ka badan aysan bixin.

Intii uu maanta wasiir Janan ku sugnaa magaalada Beled-Xaawo, ayaa war kasoo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Booliska lagu dalbaday waaran caalami ah oo lagu soo qabanayo wasiir Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday guri uu uga xirnaa Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay arrinkaas xiriir kala sameysay hey’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Isniintii shalay ee 3-dii bishan, hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inay qabato Cabdirashiid Janan, isla markaana ay u gacan galiso dawladda Soomaaliya si loo maxkamadeeyo, xilligaas oo uu ku sugnaa magaalada Nairobi.

Sawirro Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Galmudug

qoorqoor amniga

Madaxweynaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshey hoggaanada kala duwan ee Ciidamada Amniga ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Waxa uu uga mahadceliyey Madaxweynaha taliyayaasha amniga Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkooda intii ay socdeen doorashooyinkii Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee ka dhacay magaalada Dhuusomareeb.

Axmed Qoor Qoor ayaa faray taliyaasha amniga in ay ka shaqeeyaan xaqiijinta amaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna sheegay in maamulkiisa muhiimad weyn siin doono amaanka.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa bilihii ugu dambeeyay ka shaqeenayay amaankeedana gacanta ku hayay ciidamo kala duwan oo dowlada federaalka Soomaaliya ka keentay magaalada Muqdisho.

Soomaaliya oo dalbatay waaran caalami oo lagu soo xirayo Cabdirashiid Janan

cabdirashiid janan

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay waaran caalami ah (International Warrant), oo ku dooneyso in loogu soo gacan geliyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo kasoo baxsaday xabsi uu kaga jiray Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.

Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah.

Musharax kale oo taageeray doorashadii Dhuusamareeb ee Axmed Cabdi Qoor Qoor

Cabdullaahi Faarax wehliye

Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ka mid ahaa afartii musharrax ee ugu saameynta badnaa doorashadii Galmudug, balse ka haray tartanka doorashadaasi ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi iyo isbedalladii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wehliye oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa marka hore taageeray doorashadii Dhuusamareeb ee lagu doortay Qoor Qoor, isagoona sidoo kale u hambalyeeyey.

Sidoo kale qoraalkaan ayuu Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Wehliye uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Galmudug, wuxuuna tilmaamay inuu isagu gartay inuu tanaasulo, si loo soo afjaro khilaafaadka la dagay horumarka maamulkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Halkaan hoose ka aqriso:

GALMUDUG la wada leeyahay baadi goobkeeda waxaan bilaabay April 2017 kadib markii aan la wareegey xilka Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.
Dadaal dheer kadib waxaa Alle nagu guuleeyey aniga iyo intii igala shaqeysayba guulahaan :-
1. Curintii, Abaabuulkii iyo hirgelintii heshiiskii Djibouti ee Galmudug iyo Aswj lagu mideeyey.

2. Isku darkii baarlamaankii Galmudug iyo Aswj ee Dhuusamareeb.
3. Heshiiskii DFS iyo Aswj ee Raysulwasaaruhu ku tegey Dhuusamareeb si loo yagleeli Galmudugta Cusub ee maanta.
4. Isku dhafkii Ciidanka DFS iyo Galmudug/ASWJ.

In lagu guuleysto shaqooyinkaas waxaa suurta geliyey kana qeyb qaatay masuuliyiinta kala ah:-

1. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

2. Raysulwasaaraha XFS Mudane Xassan Cali Kheyre

3. Wasiirkii Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
4. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye
5. Wasiirkii Arrimaha Gudaha Mudane Cabdisamad Macalim Maxamuud
6. Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf
7. Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan.
8. Hogaamiyaha Sare Aswj Macalim Maxamuud Sh Xassan
9. Xildhibaan Mahad Salaad
10. Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame
11. Wasiirkii Qorsheynta Galmudug Mudane Cabdikaafi Qaaf
12. Cali Yare Cali
13. Aadan Cismaan Xusseen
14. Maxamed Cabdixaliim.
15. Urur Goboleedka IGAD.

Musuuliyiinta kor xusan waxaan uga mahad celinayaa doorkii ay ka qaateen dib u soo nooleenta Galmudugta cusub.

Intaas kadib waxaan kamid noqday musharaxiintii usoo istaagey xilka Madaxweynaha Galmudug 2020-2024, hase ahaatee masuuliyiintii Dowladda Dhexe iyo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug waxaan ku kala fikir duwanaaney qaabka loo marayo Doorshada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, sidaas ayaana uga haray Doorashadii Galmudug ka dhacday 02-02-2020 ee lagu doortay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Hadaba anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah.

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa madaxda la doortay iyagoo kaashanaya DFS, Saamileyda Siyaasada iyo Bulshada reer Galmudugba iney isku doonaan dhinacyada tabashooyinka qaba gaar ahaan ASWJ iyo Madaxweyne Xaaf si loo gaaro xal waara Galmudugna looga daba geeyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Waxaan mar kale si gaar ah ugu mahad celinayaa Raysulwasaaraha XFS dadaalkii aan qiyaasta laheyn ee uu geliyey Galmudug waxaan leeyahay mirihiisii waa la gaarey ee aan xajino Inshallah.

NISA oo shaacisay in Amiirka Al-Shabaab uu xilalkii ka xayuubiyay labo ka mid ah hoggaanka ururka

NISA

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa caawa shaaca ka qaaday xog ku saabsan in khilaaf soo kala dhex galay Hoggaanka sare ee Ururka Al-Shabaab.

Sida lagu daabacay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in Amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye uu ka saaray Golaha Fulinta ee Xarakada Mahad Karateey iyo Bashiir Qoorgaab oo labada ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee hoggaanka Al-Shabaab.

Labada nin oo ka soo jeeda Gobolada Dhexe ayaa awood ballaaran ku leh hoggaanka xarakada, waxaana madaxooda dul saaran lacag gaareysa shan milyan oo doollar oo Mareykanka ku doon doonayo cidii keenta akhbaar ku saabsan halka ay joogaan.

Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa u qornaa sidan “Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.

Haddii arrintan xaqiiqo noqoto waxay noqon doontaa in mar kale Al-Shabaab khilaaf dhanka fikirka ah uu soo kala dhex galay Hoggaankooda sare, kaddib Mukhtaar Roobow iyo Zakariye Ismaaciil oo horay uga mid ahaa saraakiisha sare ee Al-Shabaab oo ka soo goostay Ururka Al-Shabaab, kaddib khilaaf dhanka fikirka ah oo soo kala dhex galay hoggaankii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane Abuu Zubeyr.


Taageerada Dunidu u muujisay Galmudug iyo welwelka Mucaaradka Xariir miyaa ka dhexeeya?

calanka galmudug

Baarlamaanka labaad ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shalay soo af-meeray xilalka Dastuuriga ah ee la doorto, waxaana sidaas ku dhammeystirmay qorshihii ku dhawaad sannadka soo socday ee lagu baadi goobayay dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay oo ay ka faa’iideystaan dhammaan dadkeeda, qaybna ka qaadata horumarka guud ee dalka.

Kadib doorashadii shalay ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka waxaa si buuxda hambalyo ugu diray dowladaha Mareykanka, Shiinaha oo ah dalalka hoggaamiya siyaasadda iyo dhaqaalaha dunida, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo AMISOM, waxaana sidoo kale si diirran usoo dhaweeyay madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada marka laga reebo madaxweynaha Puntiland oo siyaasad ahaan dowladda federaalka howlaheeda diidan iyo hoggaamiyaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Dhammaan dowladaha, hey’adaha iyo urur gobaleedyada taageeray ka mira dhalinta dadaalladii lagu dhisayay Galmudug, waxa ay ugu baaqeen dhammaan dhinacyadu inay ka fogaadaan qalalaaso ayna qayb ka noqdaan hannaanka horumarka ee Galmudug ka socda.

Taageerada xooggan iyo Culeyska filan waaga ah ee Mucaaradka

Taageerada xooggan ee loo muujiyay maamulka ka curtay Galmudug waxa ay culeys iyo wax aan la qaadan karin ku noqotay dhinacyada diiddan hoggaanka dowladda Federaalka oo u badan siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug.

Qaar kamid ah xisbiyada kumeel gaarka ah ee dalka ka jira iyo siyaasiyiin xubna ka ah oo ay kamid yihiin Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Cabisharkuur ayaa dhammaan qarsan waayay culeyska xooggan ee kasoo wajahaya taageerada iyo hambalyada aan lala soo daahin ee la huwiyay maamulka cusub ee Axmed Cali Kaariye (Qoor-qoor) uu hoggaanka u noqday.

Maxaa laga faa’iidayaa taageerada Mareykanka iyo Shiinaha?

Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo Ingiriiska waa shanta dal ee leh codka diidmada qayaxan, riglina ka ah golaha ammaanka, sidoo kalana jaan gooya siyaasaddaa caalamka, waxaana taageeradoodu ka dhigantahay in saacidihii ugu horreyay ee natiijada doorashada kadib in 40% ay taageertay Galmudug iyo natiijada doorashada.

Mucaaradku Maxey u dhibsadeen taageerada?

Mucaaradka oo waayay daaqad ay kasoo galaan hannaankii waqtiga dheer soo socday ee lagu yagleelayay Galmudug-ta cusub, ayaa goor hore waxa ay sii billaabeen qeyla dhaan u muuqatay “Illin Yaxaas” oo ay ugu gogol xaarayeen in dunidu ay sheegashadooda u aragto xaqiiqo, oo natiijada doorashada aan lasoo dhaweyn, waxaana soo dhaweynta aan lala soo daahin ay iyaga iyo mustaqbalkooda siyaasadeed ku noqtay filan waa iyo dhabar jab aad u xooggan, oo ay adagtay sida looga soo kabsado.

Maxaa sidaas Muhiim uga dhigay Galmudug?

Deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug oo xilli dheer xaaladdiisu murugsaneyd, cid si gaar ah ugu tashan kartana jirin, waxa uu muhiim u yahay jaan goynta siyaasadda qaranka, waxaana kasoo wada jeeda Ra’iisul Wasaaraha oo ku dhawaad sannad ka shaqeynayay helidda Galmudug loo dhanyahay, Madaxweynaha iyo siyaasiyiin badan oo saameyn ku leh dalka, dhammaan dhinacyaduna waxay muhiim u arkaan in maamulka ka taliya uu noqdo mid ay isku aragti yihiin oo kala shaqeeya qaabeynta doorashooyinka dalka kusoo socda.

Madaxweynayaasha is-bar Yaacaya.

Kooxda Ahlusunna oo qayb wayn ka aheyd dib-u-dhaca waqtiga dheer qaatay ee marar badan ku yihid dhammeystirka qorshaha dhammeystirka dhismaha Galmudugta Cusub, dadka qaarna ay ku tilmaamaan koox ay hoggaamiyaan rag aan dowlad aqoon aheyn oo damacoodu hoggaamiyo, ayaa kadib markii 20 xildhibaan loogu daray baarlamaanka, musharaxoodii guddoomiye ku-xigeenkana laga adkaaday waxa ay sii wadeen xagal daacintii qorshaha, hase yeeshee dheg jalaq looma siin, arrintaas ayaana keentay in xildhibaanno aan ilaa iyo hadda magacyadooda la leyn ay gacan taag madaxweyne ugu aqoonsadaan Sheekh Shaakir oo Dhuusameeb uga sugan xarunta Inji.

Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday ee mar hore walaayada dhismaha maamulka ku wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa isna Gaalkacyo waxa uu ka sameeyay baarlamaan qaarkood sawirro laga soo qaaday iyaga oo macawiisyo leh oo safiinatu salad, Arbaciin iyo Jus Camo ku dhaaranaya, waxuuna sheegay in ay doorteen guddoomiye baarlamaan iyo madaxeyne ku-xigeen.

Dhammaan dhinacyada qaylinaya oo la aaminsanyahay qaarkood inay xariir dhaw la leeyihiin dowlado diidan madaxda dalka oo doonaya inay dalka ku yeeshaan saameyn ay uga qayb qaadan karaan bedelidda, ayaa dareemay in ay darbi xiran uga tagtay waddadii ay doonayeen in ay gayso xafiiska looga arrimiyo Galmudug.

Galmudug malagu kala adkaaday?

Gabagabadii, Waxaa maalin cad lagu kala adkaaday siyaasad ahaan iyo gacan ku heynba, maamulka Dowlad gobaleedka Galmudug, waxaana si buuxda uga gacan sarreysa dowladd federaalka Soomaaliya oo soo saartay hoggaan iyo baarlamaan kala shaqeyn kara xaqiijinta himilooyinka dadka reer Gamudug iyo guud ahaan horumarinta danaha qaranka iyo sidoo kale qaabeynta qorshaha afarta sano ee xigta lagu hoggaaminayo dalka.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY