Home Blog Page 487

Gaadiid dagaal ay leeyihiin Ciidamada Dowladda oo caawa la geeyay B/Xaawo

Gaadiid dagaal

Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa degmadaasi la geeyay gaadiid dagaal, oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Somaliya.

Ciidamada Dowladda ayaa fiidnimadii xalay si nabadgelyo leh kula wareegay gacan ku haynta Degmada Beled Xaawo, ka dib markii ay isaga baxeen ciidankii taabacsanaa Maamulka Jubbaland.

Gaadiidka dagaalka ee ay leeyihiin Ciidamada Dowladda ayay maanta diyaarado ka dejiyeen Garoonka Degmada Doolow, ka dib markii ay ka daad-gureeyeen Magaalada Muqdisho.

Daahir Aadan Maxamuud oo ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo ayaa sheegay in gaadiidkan ay u badan yihiin kuwo dagaalka.

“Anaga waxaan aragnay labaatan tikniko iyo saddex gaari oo kale oo kuwa raaxada ah. Waxaana jira in la leeyahay baabuurta kale ee qufulan ayaa ku soo wajahan Magaalada Beled Xaawo.” Ayuu yiri Daahir Aadan.

Daahir Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dabaaldeglyo ayaa caawa ka socda Magaalada Beled Xaawo oo lagu soo dhaweynayo Ciidamada Dowladda iyo gaadiidkooda la keenay magaalada. Dadka waxay isugu soo baxeen wadooyinka, iyagoo si aan caadi ahayna u soo dhaweeyay.”

“Qoladii kale ee ka baxday magaalada waxay hadda jooggaan kastamka xuduuda ee Mandheera. Maanta ayay u taggeen Odayaasha Dhaqanka oo ugu tagey inay la midoobaan Ciidamada Dowladda, way ka diideen.” Ayuu yiri Daahir Aadan.

Maamulka Jubbaland ayaa horey Dowladda Federaalka ugu eedeeyay in Gobolka Gedo, ay ka go’doomineyso Jubbaland inteeda kale.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa si weyn isugu khilaafay doorashadii lagu murmay, ee marka labaad lagu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland.

Maamulka Beled-Xaawo oo sheegay inay ku faraxsan yihiin soona dhoweynayaan ciidamada dowlada

sagootin ciidan4

Maamulka degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ka hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaaladaas.

Ciidamada dowladda ayaa halkaas gaaray islamarkaana la wareegay saacado un kadib markii uu magaalada soo galay wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, kaasi oo markii dambe ka baxay magaalada una gudbay magaalada Mandhera ee waqooyi Bari Kenya.

Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo ee dhanka dowladda Cabdi Casiis Xareed ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soona dhoweynayaan ciidamada dowladda.

Cabdicasiis ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in qorshaha ciidamada dowladda ay ku galeen Beled-Xaawo uu qeyb ka ahaa heshiis horey u dhex maray maamulka iyo dowladda.

“Ciidamada dowladda waan soo dhaweyneynaa, dadkana waxaan u sheegayaa in dowladda federaalka ay mas’uul ka tahay xuduudaha badda, dhulka iyo cirka, ciidanka dowladda cadaw ma ahan, waana in lasoo dhaweeya” ayuu yiri Cabdi Casiis Xareed.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaan difaacayaa oo aan ku shaqeynayaa heshiis aan lasoo galnay dowladda dhexe.”

Cabdi Casisi ma uusan faah-faahin waxa uu yahay heshiiska, hase yeeshee dowladda ayaa horey inta badan maamulka gobolka Gedo uga dhaadhicisay inay ka goystaan Axmed Madoobe, oo ay hoostagaan  dowladda dhexe.

Soomaaliya oo Kenya uga digtay faro-gelinta siyaasadeed iyo midda amni ee ay ka waddo Soomaaliya

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay faragelin siyaasadeed iyo mida amni, oo ay sheegtay in dowladda Kenya ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in faro-gelintaas “aysan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee walaalaha iyo deriska ah, iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay ka mid tahay la-dagaalanka Argagixisada.”

“Xuduudaha labada dal waxaa masuul ka ah caasimadaha dalalka, waana iney ka wada shaqeeyaan sidii labada shacab ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo. Wixii labada dowladood dhexdooda ah, waxaa jira wadiiqooyin sharci ah oo lagu xaliyo, sida dacwada Badda ee labada dal dhextaala oo ay Dowlada Soomaaliya ku dhegantahay mawqificeeda ahaa in loo dhaafo maxkamada oo laga war-sugo go’aankeeda,” Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inaysan u adeegsan ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya magaca dallada AMISOM faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya.

“DFS waxay mar walba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, waxayna shacabkeeda u balan qaadaysaa ineysan aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka aqriso qoraalka

Wasiir Beyle oo shaaciyey dalka labaad ee deymaha ugu badan ku leh Soomaaliya

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ka warbixiyey kulan gaar ah oo uu dalka Jabuuti kula soo qaatay safiirka Ruushka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mikhail Golovanov.

Beyle oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu wasiirku shaaciyey in Ruushku yahay dalka labaad ee deynta ugu badan ku leh Soomaaliya, islamarkaana uu kulankooda ku soo dhamaaday is afgarad.

“Djibouti: Waxaan maanta la kulmay Safiirka Dowladda Russia ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay Arimaha Deyn-Cafinta Soomaliya, Ruushka waa dalka 2aad ee deynta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu waxa uu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen.” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dowladda federaalka ayaa dadaal dheer ku bixineysa sidii loo cafin lahaa dhammaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo muhiim u ah maalgashiga dalkeena.

Dhowaan xukuumadda Soomaaliya ayaa buuxisay shuruuudihii ku xirnaa wejiga 4aad ee barnaamjika deyn cafinta, taas oo ay Soomaaliya ku amaantay hay’adda IMF.

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo dheeraad u daabuleysa Gobolka Gedo

sagootin ciidan1

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ciidamo dheeraad ah ay u daabusho degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, iyadoo Ciidamadan ay yihiin kuwa Booliska gaarka u tababaran ee Haramcad.

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan ayaa la geynayaa degmooyinka Baardheere, Beledxaaw iyo Luuq, waxaana ciidamadan ay xoojinayaan kuwii maalmo ka hor loo geeyay deegaanadaas.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda Federaalka la wareegeen Beledxaawo iyo Doolow, oo ahaa labo degmo oo awood ciidan uu ku lahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Federaalka.

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo shalay subax tagay Beledxaawo ayaa gelinkii dambe isaga baxay deegaanka, isagoo gaaray degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in ammaanka deegaanadaas ay yihiin kuwo dowladda ay si guud gacanta ugu heyn doonto, iyadoo la magacaabay Taliyaha Ciidanka Xasilinta Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii Gobolka Gedo oo dhan ula wareegi laheyd, isla markaana ka goyn laheyd Maamulka Axmed madoobe ee Jubbaland, waxaana haddii dowladda si buuxda gacanta ugu dhigto Gedo uu qorshaha labaad yahay Gobolka Jubadda Dhexe oo duulaan ay ku qaadi doonto, maadaama Al-Shabaab ay si buuxda u maamulaan.

Jubbaland oo sheegtay in DF Soomaaliya ay guluf ciidan kula wareegtay Gobolka Gedo

calanka jubbaland

Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Axmed oo u warramay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay dhaq dhaqaaqyada ay dowladda federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo ee hoostaga maamulkaasi.

Wasiirka ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday qabsashada degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq oo ay saacadiihii la soo dhaafay ay la wareegeen ciidanka dowladda, wuxuunta tilmaamay in magaalooyinkaasi ay hadda ka baxeen gacanta maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda dhexe inay isku ballaarineyso gobolka Gedo, iyada oo ka leh dano siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkaasi, siduu hadalka u dhigay.

Cabdi Xuseen Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in Jubbaland aysan dooneyn gacan ka hadal iyo in dagaal uu ka dhaco gobolkaasi, isaga oo ka digay dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda ee haatan ka socda gobolkaasi Gedo.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladdu aysan dooneyn inay la dagaalanto Al-Shabaab, balse ay rabto kaliya inay burburiso Jubbaland.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo u dhexeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka socdeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Shalay ayey sidoo kale aheyd markii wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda uu gaaray degmada Beled-Xaawo, kaas oo markii dambe uga sii gudbay dhinaca magaalada Mandeera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Diyaarad Gaadiid Dagaal iyo Hub u sida ciidamada Dowladda oo ka degtay Doolow iyo Wararkii ugu danbeeyay

Gaadiid dagaal

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu si xowli ah u socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada dowladda Soomaaliya oo shalay iyo xalay la wareegay degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo oo ay hore u maamulayeen ciidamo taabacsan maamulka Jubbalanad ee Axmed Madoobe.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in saaka ay diyaaradii ugu horeysay ka degtay garoonka degmada Doolow, iyadoo geysay gaadiid dagaal iyo hub laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada dowladda ay shalay galab la wareegeen degmada Doolow, iyadoo saldhigyo ka sameystay gudaha iyo daafaha magaalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa oo ku dhow 2000 askari isugu geysay degmada Luuq intii aanay la wareegin Doolow iyo Beledxaawo, waxaana la sheegay inuu qorshahooda yahay xoreynta Gobolka J/Dhexe oo saldhig weyn u ah Alshabaab.

Ciidamadii taabacsanaa C/rashiid Janan ee ku sugnaa Doolow ayaa wararku sheegayaan inay ka baxeen halkaasi iyagoo ku sii jeed degmada Beledxaawo, inkastoo aysan gaarin, halkaasoo xalay ay sidoo kale la wareegeen ciidamada dowladda.

Duqayn ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo iyo Hogaamiye sare oo lagu dilay

AlShabaab drone

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Talaadadii weerar dhinaca cirka ka fuliyay Deegaanka Beerxaani, oo dhaca Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqayntan ayaa waxaa lagu dilay xubin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM).

Taliska AFRICOM ayaa qoraalka ku sheegay in duqaynta oo u dhacday sidii la qorsheeyay lagu qaarajiyay xubinta ka tirsan Al Shabaab, inkastoo aan magaciisa la carab dhabin.

Qoraalka ayuu Taliska AFRICOM ku sheegay inaanay jirin wax rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay duqayntan laga fuliyay Gobolka Jubbada Hoose.

Waa duqayntii lixaad oo sanadkan ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ka fuliyan Gobolada Koonfurta Somaliya.

Mareykanka ayaa dardar-geliyay weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah Al Shabaab, tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Donald Trump.

Marwo koobaad oo loo haysto dilka xaaskii hore ee seygeeda

Maesiah Thabane iyo seygeeda Thomas Thabane

Marwada koobaad ee dalka Lesotho ayaa loo haystaa dilka xaaskii hore ee ra’iisal wasaaraha waddankaasi Thomas Thabane.

Booliska dalkaasi ayaa xaqiijiyay in marwadaasi maanta oo Arbaco ah la soo taagi doono maxkamadda sare ee Lesotho.

Haweeneydan oo muddo bil ah dhuumaalaysi ku jirtay ayaa isu soo dhiibtay booliska caasimadda Maseru si ay su’aallo u weydiiyaan.

Marwada koobaad oo lagu magacaabo Maesiah Thabane ayaa xalay ku bariday xabsiga, kadib markii shalay oo dhan su’aalo la weydiinayay dilka xaaskii hore ee seygeeda ahna ra’iisal wasaaraha Lesotho.

Taliyaha booliska ee dalkaasi Holomo Molibeli ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Mrs Thabane maanta la horgeyn doono maxkamada sare iyadoo si rasmi ah loogu soo oogi doono dilkaasi dhacay 2017.

Lipolelo Thabane oo ay si adag isu hayeen seygeedii hore Thomas Thabane ayaa lagu toogtay meel u dhaw gurigeeda oo ku yaalla afaafka hore ee caasimadda, laba maalin uun ka hor inta aan ra’iisal wasaaraha xilka loo dhaarin.

Wararka ku aaddan ku lug lahaanshaha marwada koobaad ee dilkaasi ayaa waxaa aad uga hadlay warbaahinta Lesotho, waxaana ay arinta sii adkaatay markii ay haweeneydaasi ka baxsatay dalka.

Dilkaasi ayaa sidoo kale waxbadan u dhimay sumcadda ra’iisal wasaaraha.

Ma cadda in marwada koobaad ay maxkamadda ka codsan doonto in damaanad lagu sii daayo, balse booliska ayaa sheegay inay maxkamadda ka codsan doonaan in aan la sii deyn.

Jeneraalka Soomaaliga ah ee badbaadiyay madaxtinimadii Moi

Waxaa maanta Magalaada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxwyenihii hore ee Kenya, Daniel Toroitic Arap Moi oo Kenya soo maamulayay muddo 24 sano.

Xukunkii Moi waxaa aad loogu xusuuta afgembigii dhicisoobay ee uu ka badbaaday sanadkii 1982.

Inkastoo Maamulkii Moi uu gacan bir ah ku qabtay Kenya, haddana waxaa jiray rag ka tirsanaa milateriga oo isku dayay inay xilka ka turaan.

Saraakiil ka tirsanaa ciidammada cirka ee milateriga ayaa sanandkii 1982 sameeyay isku day afgambi oo markii dambe fashilmay, kadib markii uu soo farageliyay Jeneraal Maxamuud oo ah nin Soomaali ah oo ka tirsanaa milateriga, kana soo jeeda gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Jeneraal Maxamuud oo ahaa taliye ku xigeenka ciidamada lugta ayaase sabab u nqoday in Moi uu dalka Kenya maamulo 24 sano, kana badbaado qeyb ahaan isku day afgembi oo ay dhici kartay in ay noolashiisa galaafato.

Jeneraal Maxamuud- ninkii badbaadiyay madaxtinimadii madaxweyne Moi
Jeneraal Maxamuud

Markii uu afgembiga dhacay, madaxweyne Moi waxaa uu ku sugnaa beer uu ku lahaa deegaanka Kaparnet oo uu Moi ka soo jeeda. Jeneraal Maxamuud ayaa markiiba waxaa uu tegay beertii uu ku sugnaa Madaxweyne Moi, waxaana uu ka dalbaday in uu u fasaxo sidii uu uga hortagi lahaa afgembiga.

Dadkii usoo joogay xilligaas waxay shegeen in Jeneraalka oo wata askar lagu qiyaasay 40 uu cagta mariyay askartii isku dayaysay afgembiga, waxaana uu markale xukunka kus oo celiyay madaxweyne Moi.

“Markii Moi xilka laga tuuray oo afgembiga uu dhacayay wuxuu ku sugnaa beertiisa, aad ayuu u khalkhalay, talana way ku ciirtay,balse markiiba waxaa usoo gurmaday oo arrinta soo farageliyay Jeneraal Maxamuud o ciidankii cirka ee arrinta ka dambeeyay fashiliyay”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Faarax Macallin oo xildhibaan ahaa xilligii madaxweyne Moi.

Faarax Macallin ayaa waxaa kale oo uu sheegay in wixii markaas ka dambeeyay Jeneraal Maxamuud madax looga dhigay ciidanka cirka, si uu dib u habeyn ugu sameeyo, waxaana uu madax ka ahaa afar sano.

Faarax Macallin ayaa sidoo kale sheegay in Jeneraal Maxamuud uu markiiba laayay ciidanka afgembiga sameeyay, wuxuuna idaacadda Qaranka ee VOK la oran jiray ku amray in weriyihii joogay uu dadka u sheego in afgembigii fashilmay, waxaana sidaas markale xukunka ula wareegay Jeneraal Maxamuud.

Aden Ducaale
Jeneraal Maxamuud hadda waa hawlgab

Xilligaas waxaa taliyaha ciidamada ee Kenya ahaa Jeneraal lagu magacaabi jiray Mulinge, balse markii uu afgembiga fashilmay waxaa uu madaxweyne Daniel Moi uu xilka taliyaha ciidamada sanadkii 1986 u magacaabay Jeneraal Maxamuud Maxamed Barow oo hayay tan iyo sanadkii 1996.

Wixii intaa ska dambeeyay Jeneraal Maxamuud waxaa lagu tilmaami jiray in uu ahaa ninkii ugu dhawaa madaxweyne Moi ee uu aad ugu kalsoonaa.

“Wixii afgembiga ka horeeyay Soomaalida dalka Kenya waxaa laga heystay fikir khaldan, balse afgembigii dhacay iyo sida Jeneraal uu uga falceliyay ayaa waxbadan ka badeshay sawirka laga heystay Soomaalida, shaqooyin badan ayaa la siiyay, hey’adaha dowladda oo aan markii hore loo oggoleyn ayaa madax looga dhigay, waxbadanna waa loo qabtay Soomaalida Kenya oo ay kamid tahay waxbarashada”, ayuu raaciyay Faarax Macallin.

Jeneraalka oo hawlgab ah ayaa haatan ku nool Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, waxaana BBC-da ay isku dayday inay la xiriirto, balse nooma aysan suurtagelin in aan helno.

Cyrus jirongo oo ah xildhibaan hore, aadna ula soo shaqeeyay xisbigii madaxweyne Daniel Arap Moi ee Kanu ayaa BBC-da u sheegay in Jeneraal Maxamud uu kamid yahay dadka fara kutiriska ah ee badbaadiyay Kenya, sababna uu u yahay meesha ay Kenya maanta ay joogto.

PPS
Jeneraal Maxamuud wuxuu si dhaw ula soo shaqeeyay Moi

Wuxuu sheegay in markii uu afgembiga dhacay Jeneraal uu ku sugnaa Magaalada Nakuru, balse saacado gudahod uu idaacadda Qaranka kala wareegay ciidanka afgembiga sameeyay.

“Dalkii oo jahwareersan ayuu Jeneraal Maxamud waxaa uu soo kaxeeyay madaxweyne Daniel Arap Moi, oo wuxuu horkeenay idaacadda Qaranka, wuxuuna la hadashiiyay shacabka, wuxuuna uu xaqiijiyay in Madaxweynaha uu nool yahay, dalkana uu ka taliyo, ciidankana ay isaga ka amar qaataan”, ayuu yiri Cyrus jirongo.

Siyaasigan ayaa sidoo kale sheegay in qofka Soomaaliga u maanta ka fursad wanaaagsan yahay wixii ka horeeyay afgembiga, suurtagaln ay tahay in qof Soomaali uu madaxweyne ka nqodo Kenya, maadaama sumcad wanaagsan loo hayo Soomaalida Kenya, arrintaasina uu sabab u yahay Jeneraal Maxamuud.

“Maxamuud waxaa uu badelay fikirkii qaldanaa ee laga heystay Soomaalida, waxaa uu sare u qaaday kalsoonida lagu qabo Soomaalida, waxayna taas keentay in si dhab ah loo aqoonsado jiritaanka dadka Somaalida ee Kenya, waana geesi badbaadiyay Kenya, waligiina la xusi doona”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Jeneraal Maxamuud ayaa waxaa uu lasoo shaqeeyay gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1953, waxaana uu xilligaas madax kasoo noqday taliyaha ciidamada lugta ee Kenya, kadib markii Kenya ay xornimada qaadatay

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY