Home Blog Page 336

Khabiir shaaciyey tallaabo ka dhan ah Somaliland oo uu Shiinaha damacsan yahay

China Navy

Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa maalin-nimadii Isniintii daabacay warbixin dheer oo uu ka diyaariyay xiriirka curdinka ah ee Somaliland iyo Taiwan, iyo weliba walaaca xoogan ee uu ka qabo Shiinaha.

Wargeyska oo ugu horeyntii ku dheeraaday marxaladaha kala duwan ee xiriirkaasi uu soo maray, ayaa haddana waxa uu toosh ku ifiyey qorshe cusub oo dowladda Shiinuhu ay ugu cago-jugleynayso Somaliland.

Wuxuuna sheegay in xukuumadda Beijing ay doonayso inay dhoolatus millateri ka sameeyo xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa waqooyi ee Somaliland, iyada oo soo dhex maraysa dowladda Soomaaliya oo iyaduna ka hortimid xiriirkaasi.

“Sida uu sheegay khabiir amni oo ka shaqeeya Geeska Afrika  oo aan doonayn in magaciisa la sheeego  falcellinta cadhada leh ee Shiinaha iyo Sooamaliya aad ayay uga ballaadhan tahay qoraallada cadhada ah ee ay soo saareen. Iyada oo iskaashiga ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland uu kor u socday bilihii u danbeeyey, Shiinuhu wuxuu soo bandhigay inuu Soomaaliya ula sameeyo si wadajir ah ilaalin ciidamada badda ah, sida uu sheegay [khabiirku],” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska.

Wargeyska oo soo xiganaya Khabiir aan magaciisa la shaacin, ayaa waxa uu sheegay in howl-galka ilaalinta ee Shiinuhu qeybta ka yahay uu si buuxda uga adeegsan karo daan-daansi nooc cusub ah oo uu ku cadaadinayo Somaliland.

“Shiiinuhu inta uu tegay Muqdisho ayuu yiri waa sidee xaalka ilaalinta aad ku samaysaan baddiina dhinaca woqooyi? Aannu idinka caawinno inaad sidaas samaysaan. Waa arrin si buuxda loogu adeegsan karo gor-gortan isla-markaana ah xirfad daan-daansi ah inuu maraakiibtooda ka keenno Jabuuti,” ayuu yiri Khabiirka uu soo xiganayo wargeysku.

Khabiirkaasi ayaa sidoo kale sheegay in suurta-gal tahay in daan-daansiga ay maraakiibta Shiinaha ka wadaan xeebaha Somaliland ay sababi karto in maraakiib millateri oo uu Mareykanku leeyahay ay tagaan dekedda Berbera.

Mareykanka ayaa hore usoo dhaweeyay xiriirka Somaliland iyo Taiwan, xili ay xiisad kala dhaxeyso Shiinaha, waana sababta u weyn ee xiligan loolan cusub oo dhoolatus ka abuuri karta xeebaha Somaliland.

Xiriirka cusub ee Somaliland iyo Taiwan ayaa abuuray xiisad xoogan, iyada oo gaashanka u daruuren labada maamul cadaadisyada uga imaanaya dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo iyagu isku baaheystay wiiqista heshiiskaasi.

Madaxweyne Waare oo si adag u weeraray Madaxda Jubbaland iyo Puntland

madaxweyne waare

Madaxweynaha Wakhtigiisa sii dhamaanayo Ee Maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa khudbadiisii maanta uu shirka Baydhabo ka jeediyey abuurtay xiisad cusub.

Waxa uu si dhego hadal ah u weeraray Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo Muqdisho isbuuc ka badan joogay.

Xitaa Madaxda Dawlada dhexe ee Axmed Madoobe iyo Siciid Dani la kulmeen ayuu ku dhaleeceeyey in la baalmaray dadkii xaqa u lahaa Ra’iisal Wasaare in lasoo magacaabo balse iyaga lala tashaday.

Daawo Madaxweyne Waare

Daawo Madaxweyne Qoor Qoor:

Madaxda Khaatumo iyo Beesha Caalamka oo kulamo ku leh Magaalada Adisabbaba

Cali Khaliif1

Waxaa magaalada Adisabbaba ee Caasimada dalka Itoobiya kulamo uga socdaan Madax ka mid ah maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Madaxda Khaatumo oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr ayaa ka arinsanaya mustaqbalka Maamulkaas kadib markii laga quustay heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa dhabarka u jeediyey heshiiskii ay wadagaleen xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Cali Khaliif, taasoo Cali ku kalifaysa inuu shacabka Khaatumo u celiyo masiirkoodii uu kala soo deg degay, taasoo 4 sano kadib uusan wax la taaban karo ka haynin.

Wararka laga helayo madaxda Khaatumo ayaa xaqiijiyey in Cali Khaliif uu masuuliyiinta Khaatumo ka codsaday in la siiyo mudo yar oo uu Somaliland kaga soo quusto, taasoo keenaysa inuu mar kale hargeysa dib ugu soo laabto.

Dhanka kale waxaa xubno Beesha Caalamka ka tirsan looga warbixiyey meesha uu ku dambeeyey hesiiskii Khaatumo iyo sida quusta looga joogo Somaliland.

Madaxweyne Cali Khaliif ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda uu hargeysa dib ugu laabto.

Faah-faahinta qaraxii is-miidaaminta ee maqaayadda Blue Sky iyo khasaaraha ka dhashay

qarax muqdisho 2272019

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xoogaan oo maqribkii ka dhacay maqaayad ku taalo bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabo Blue Sky Restaurant.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo maqaayadda beegsaday.

Qaraxa ayaa waxaa ilaa hadda, sida la xaqiijiyey ku dhintay ugu yaraan saddex qof, waxaana ku dhaawacmay toddoba kale, sida uu sheegay afhyeenka, waxaase laga cabsi qabaa in khasaaraha uu intaas ka bato.

Ismaaciil Oronjo ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “3 Qof ayaa dhimatay 7 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii Qof naftii halige ah uu isku qarxiyay Banaanka Maqayadda Blue Sky, dadka dhintay waxaa ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan meydkiisa la aqoonsan.”

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa xiray meesha uu ka dhacay qaraxa, mana jirto cid weli sheegatay inkastoo qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay kooxda Al-Shabaab

Waa markii 6-aad oo qarax lala eegto Maqaayadda Blue Sky oo ku taalo agagaarka Tiyaatarka Qaranka, oo ah goob amnigeeda aad loo ilaaliyo.

Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen oo yimid Muqdisho

qoorqoor laftagareen iyo waare

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib kulan wadatashi ah oo ay kusoo qaateen magaalada Baydhaba.

Axmed Qoorqoor, C/Casiis Lafta-gareen iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde International Airport, waxaana la filayaa iney kulan qorsheysan la qaadan doonaan xubno ka tirsan beesha caalamka.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka, waxaana rajo laga qabaa iney ka mid noqdaan shirka ay iclaamisay dowladda Federaalka oo berito ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa loo soo raray caasimadda kadib markii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku qanci waayeen wixii kasoo baxay magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba berito oo ku beegan 10-ka September waxaa loo fadhiyaa inuu qabsoomo shir ballaaran oo looga arinsanayo xaaladda kala guurka ee wadanka, nuuca doorashada iyo wakhtiga ay qabsoomi doonto.

Doorashada gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya oo bilaabatay

doorasho tigree

Doorashadii gobolka ismaamulka Tigreega ayaa saaka waxaa ka bilaabatay doorasho ay codeynayan shacabka gobolkaasi, iyaga oo iska dhaga tiray baaqa dowladda dhexe ee ah in aan dorashadaasi la qaban Karin.

Codbixiyayaasha ayaa waxay aroortii hore ee saaka u dareereen goobaha loo asteeyay inay codeynta ka dhacdo.

Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay hor istaagto doorashada.

Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa liiday muhiimada ay leedahay doorashadan, isaga oo sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June.

Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona.

Mr Abiy ayaa sheegay in doorashada maanta dhacayso aysan wax farqi ah ku keeni doonin go’aankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada.

Waxaa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladiisa aysan tallaabo militari qaadi doonin .

“Doorashadu ma aha mid sharci ah sababto ah guddiga doorashada oo kali ah ayaa doorasho qaban kara,”waxaa uu sidaasi Dr Abiy ku sheegay wareysi uu siiyay xalay telefishinka qaranka Itoobiya.

“Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari.”ayuu intaa ku daray

Xisbiga TPLF iyo dowladda dhexe ayaa tan iyo intii uu xafiiska yimid Dr Abiy Axmed waxaa u dhaxeeyay muran xooggan.

Shan xisbi ayaa lagu wadaa in doorashada maanta ay ka qeyb galaan, halka kuwa kalana ay qaadaceen.

Xaflad lagu furayay xafiiska Soomaliland ee Taiwan oo maanta ka dhacday Taipei

safiir taiwan somaliland

Waxaa magaalada madaxda Taiwan ka dhacday xaflad xarigga looga jarayay oo lagu furayay xafiiska wakiilka Jahuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan Joseph Wu ayaa ka qeyb galay xafladdii lagu furayay xafiiskaasi soomaaliland ay ku yeelan doonto magaalada Taipei.

Mr Wu oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa yiri “Taiwan waa gurigiinii labaad!”

“Anaga iyo kuwa aan isku fikirka nahay waxaan hormarinaynaa nabadgalyada, barwaaqada iyo anaga oo ilaalinaynaa hab noolaleedkeena dimuqraadiyada,”ayuu intaa ku daray Mr Wu.

Sida uu qoray bogga Taiwan news waxaa sidoo kale xaflada lagu furayay xafiiska Soomaaliland ee Taiwan goobjoog ka ahaa wakiilka Soomaliland u fadhin doona magaalada Taipei Mohamed Omer Hagi.

Waxaa goobtii ay ka dhacaysay xafladda lagu furayay xafiiska Soomaaliland sidoo kale laga siidaayay muuqaalka khudbad horey loo sii duubay oo jeedinayay madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Maanta waxan aad ugu faraxsanahay aana soo dhaweynayaa aan u hambalyaynayaa dowladda Taiwan in ay si rasmi ah u aqbasho inay furto xafiiska,”ayuu yiri Mr Biixi.

Waxaa uu khubadiisa ku sheegay in labada dhinac ay dimuqraadiyada iska kaashan doonaa, ayna wadaagi doonaan arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo iskaashiga hormarka labada dhinac.

Madaxwayne Biixi ayaa waxau sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dhinac uu yahay mid ku saleysan mabaadi’da ay wadaagaan ee ku qotoma xorriyadda iyo dimuqraadiyadda.

17 bishii Augst ayaa waxay xukuumadda Taiwan xafiis wakiileed ka furatay magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Markii ay bishii July ku dhawaaqeen Taiwan iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida inay xiriir laba geesood ah yeelan doonaan ayaa waxaa arrintaa ka dhalatay cambaareyn.

Canbaareynta ayaa ka timid Shiinaha iyo dowladda fedaraalka ee Soomaaliya oo labadaba ku baaqay in la ilaaliyo madaxbananida iyo midnimada dalalkooda.

Xukuumadda Shiinaha ayaa rumaysan in jasiiradda Taiwan ay ka mid tahya dhul waynaha Shiinaha.

Madaxweynaha hadda ee Taiwan, Tsai Ing-wen
Qoraalka sawirka,Madaxweynaha hadda ee Taiwan, Tsai Ing-wen

Haddaba, Maxay tahay Taiwan?

Jahwareer iyo khilaaf ayaa ka taagan waxay Taiwan tahay iyo weliba wixii loogu yeeri lahaa – dal mise gobolka k tirsan Shiinaha.

Taiwan waa Jaziirad leh wax walbo oo madaxbanaani ay ku heli karto, tan iyo sanadkii 1950kii, balse Shiinaha wuxuu u aqoonsanyahy gobol ka mid ah dhulkiisa oo gooni is taag doonaaya, waxaase lagu qasbayaa in ay ka mid tahay Shinaha xita hadii “xoog loo adeegsanaayo”.

Shiinaha ayaa bilaabay inuu sheegto Taiwan in ay dhulkiisa qeyb ka tahay sannadkii 1949kii, wixii ka dambeyay dagaalkii sokeeye ee Shinaha.

Xilligaa waxay ahayd markii laga adkaaday dowladdii wadaniyiinta ee Shiinaha oo kadibna u qaxay Jaziradda waxaana awoodda la wareegtay xukumaddi Shuciyiinta ee uu hogaaminayay Mao Zedong.

Afrika iyo Taiwan

Daafaha caalamka, in ka yar 20 dal ayaa hadda Taiwan u aqoonsan waddan madaxbannaan.

Sannadkii 2018-kii, dalka jamhuuriyadda Dominican aya dhanka Shiinaha u wareegatay. “Waa saameynta dunida, taiwan na taageero ayey sii lumineysaa,” ayuu yiri nin arrimaha caalamka ka faallooda oo lagu magacaabo Khan-Maxamed.

Dadka qaar waxay sheegaan in taageerada ay Taiwan lumisay ay sababtay in dal ahaan looga aqoonsan waayo caalamka.

Marka Qaaradda Afrika la eego, Shiinaha mar buu ka ahaa wax aan si wayn looga taageerin, Taiwan na ay xoog ku leedahay. Balse hadda waxay u muuqataa in Taiwan laga masaxay qaaradda.

Taiwan waxay markasta ka feejigantahay suuragalnimada weerar kaga Yimaada dowladda Shiinaha.
Qoraalka sawirka,Taiwan waxay markasta ka feejigantahay suuragalnimada weerar kaga Yimaada dowladda Shiinaha.

Horraantii 1960-meeyadii, xilligii Afrika ay qaadaneysay madaxbannaanida, Wakiillada Beijing iyo Taipei – caasimadda Taiwan – waxay doonayeen in xiriir adag oo diblumaasiyadeed la yeeshaan Afrika.

Taiwan waxay diiradda saartay caawinta beeraleyda Afrika ee bariiska soo saara. Taageeradaas waxay ahayd mid salka ku haysay arrimaha tiknolojiyadda iyo tababaridda beeraleyda. Taiwan waxay maalgelisay barnaamijkaas, waxayna dalalkii ay xulafada ahaayeen ee Afrika qabteen shir wayne.

Inta badan, 1960-meeyadii, Taiwan waxay Shiinaha kaga guuleysatay Afrika, marka la eego dhanka xiriirka diblumaasiyadeed. Balse xiriirkaa wuu sii baaba’ayay marba marka ka dambeysa. Taageerada bini-aadamnimo ma uusan u horseedin helidda taageero siyaasadeed, waxaana taas ay sababtay in Taiwan laga diido Qaramada Midoobey.

Sannadkii 1971, Golaha Guud ee Qaramada Midoobeey wuxuu mariyay qaraar Taiwan u diiday in kursi ay ka hesho xarunta UN ee Mareykanka, waxaana lagu xaqiijiyay kusriga Shiinaha ee Golaha uu ku leeyahay.

Illaa 27 dal oo Afrika ah ayaa qaraarkaas u codeeyay, taas oo si rasmi ah loogu diiday in Taiwan ay tahay dal madaxbannaan. Sidoo kale, 12 dal oo Afrika ah ayaa Mareykanka taageeray waxayna diideen qaraarkaas.

“Qaramada Midoobey oo ay ka maqan tahay, iyo codkeeda oo aan la maqleynin, taiwan waxaa markasta ku sii xumaaneysa xaaladda”.

Wixii ka dambeeyay 1990-maadkii, Taiwan waxay tallaabooyiin adag u qaatay sidii ay caalamka uga heli lahayd aqoonsi.

Qaaradda Afrika, taas waxay uga heli kartaa in maalgashi ay ku badalato xiriir diblumaasi. Sannadkii 1992, illaa $50 milyan oo dollar oo deyn ah oo ay Niger siisay waxay kaga badalatay aqoonsiga dal ahaan. Seddax sano ka dib, Taiwan waxay $35 Milyan oo dollar siisay Gambia si isla arrintaas aqoonsiga uga hesho.

Maalgashiga waa muhiim, balse laguma iibsan karo daacadnimo. Taiwan waxay markasta la safan tahay hoggaamiyeyaasha taageera madaxbannaani iyo dimuquraadiyad.

Taas waxay sababeysaa in hal dal uu dhowr goor is bedbedelo; in marna uu aqoonsado Taiwan marka uu xiriir la yeesho Shiinaha.

Sababaha Shiinaha uu guusha u gaarayo waxay tahay in uu diiradda saaro maalgashiyo ballaaran oo balaayiin dollar ay ku bexeyso taas oo deyn ku ah dalalka Afrika, iyo galaangal militari ee uu leeyahay.

Mareykanka oo taageeray dib u habeyn lagu sameeyo qeybaha amniga Soomaaliya

US embassay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageereyso dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay inay mustaqbal ifaya u hogaamin doonto Soomaaliya iyo Soomaalida.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka oo lasoo dhigay barta twitter-ka ayaa sidoo kale looga digay musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka Soomaaliya.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga taasi oo mustaqbal ifaya u hogaamin doonta Soomaaliya iyo dhammaan Soomaalida. Musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka waxay dib u dhigaan horumarka isbedellada, waxay waxyeeleeyaan amniga shacabka Soomaaliya, waxayna xoojiyaan cadowga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma cadda waxa xilligan kusoo beegay qoraalkan, hase yeeshee wuxuu imanayaa maalin kadib markii askari Mareykan ah uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.

Toddobaadkii tegay dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in in ka badan 3 bilyan oo dollar ku bixisay amniga Soomaaliya, sidaas oo ay tahayna aanay ka muuqan wax horumar ah oo la taaban karo.

Villa Somalia oo shaacisay waqtiga uu furmayo shirka DF iyo maamul goboleedyada

villa somalia

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay waqtiga uu furmayo shirka Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in shirka Maamulada dalka iyo Dowladda Dhexe uu Maalinta Khamiista ah ee taariikhda tahay 10 Bisha September ka furmi doono Madaxtooyada.

Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in shirkaas lagu dhameystiri doono hanaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3 ay asal u noqon doonaan shirka dhawaan u furmayo Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay isku fahmeyn in shir kale loo qabto dhammaan maamul Goboleedyada si loo gaaro go’aan loo dhan yahay oo ku saabsan qaabka ay noqoneyso doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Hadalka kasoo baxay madaxtooyada ayaa kusoo aadayo xilli madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ay shir ku yeelan rabaan Magaalada Baydhabo halkaas oo ay kaga tashan doonaan shirka Muqdisho ka furmayo, waxaana hadda Baydhabo ku wada sugan Lafta Gareen iyo Maxamed Cabdi Waare iyadoo la filayo inuu ku biiro Axmed Qoor Qoor.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Agaasime Cabdinuur.

Daawo Maxamuud Xaashi oo eedaymo ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi

maxamuud xaashi

Maxamuud Xaashi oo eedaymo ujeediyay Madaxweyne Muuse Biixi, Kana hadlay hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.

DAAWO:

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY