Home Blog Page 337

William Ruto oo ganacsatada qaadka ugu baaqay inay samraan inta Farmaajo la bedelayo

V pr William Ruto

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa ka hadlay joojinta lagu sameeyey qaadka Kenya ay gayn jirtay Soomaaliya iyo waxa ay damacsan tahay dowladda federaalka.

Beeraleyda iyo ganacstada jaadka dalka Kenya ayaa ku qasban iney sugaan ilaa doorashada soo socota si ay u ogaadaan hadii laga qaadayo xanibaadda dhoofinta qaadka ay geyn jireen Soomaaliya.

Waxey sidoo kale ku qasban yahiin iney sugaan in dib loo bilaabo wada-hadallada diblomaasiyadeed ee labada wadan oo hakad galay, sida uu sheegay Ruto.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa aaminsan in doorashada laga yaabo iney Soomaaliya ka dhacdo horaanta sanadka soo aadan kadib ay dib u bilaabi karaan wadahadallada.

William Ruto wuxuu aaminsan yahay in hogaamiyayaasha Soomaalida ay hadda mashquul ku yahiin arrinta doorashada oo kusoo fool leh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay gorgortan ay ka gasho muranka ka jira badda darteed ay u mamnuucday qaadka miirowga.

“isfaham la’aan arinta badda ah ayaa ka dhex jirta Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu Wiliam Ruto u sheegay Weru TV.

“Waxaan ku jirnaa wadahadallo aan ku kala saareyno labada arrimood, balse doorashada ayaa gaabis keentay, waxaan rajeynayaa in doorashada kadib aan soo dhameyn doonno wadahadalka ku saabsan dib usoo celnita ganacsiga,” ayuu yiri Ruto.

Waa kuma Agaasimaha cusub ee bankiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya?

Keith Hansen Bangiga Adduunka

Keith Hansen oo ah garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa laga bilaabo 8-da bishan September loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda.

Keith oo ah aqoonyahan leh khibrad 30 sano ayaa bedalaya Carlos Felipe Jaramillo, kaas loo wareejiyey inuu noqdo ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Latin America.

Qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu sheegay in Keith Hansen uu gacan ka geysan doono, sidii loo gaari lahaa koboc dhaqaale iyo yareynta saboolnimada.

Magacaabistan ayaa timid xilli wadamada Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda ay wajahayaan saameyn dhaqaale oo ka dhalatay cudurka faafa ee Coronavirus.

Agaasimaha cusub ayaa horey shaqooyin iyo xilal kala duwan uga soo qabtay Bangiga Aadduunka, waxaana hadda la filayaa inuu xoogga saaro ka soo kabashada cudurka safmareenka ee Covid-19.

M. Keith Hansen wuxuu saldhiggiisu uu noqon doonaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Bangiga Adduunka ayaa si weyn u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo dhowaan ugu deeqay lacago badan oo wax looga qabanayo arrimaha bani’aadanimada.

Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Balcad oo saaka ay weerareen Al-Shabaab

shabaab2

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii degmadaasi ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Dad ku sugan Balcad ayaa xaqiijiyey in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta afar Xaafadood oo ka mid ah kuwa degmada.

Waxaa jira dad rayid ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay dagaalka, waxaana la xaqiijiyey dhaawaca toddoba qof oo shacab ah.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigeen xarunta maamulka degmada Balcad, saldhigga Booliska, xabsiga dhexe iyo dhammaan koontaroollada lagasoo galo magaalada, balse si madax banaan looma xaqiijin karo sheegashadaas.

Ciidanka dowladda ayaa saaka dib ula wareegay magaalada.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda daggan tahay.

“Kooxdii soo weerartay waxaa laga dilay 14 maleeshiyo ah, halka ciidamada Dowladda uu ka dhintay hal Askari, iyo dhawaca 7 qof oo shacab ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Degmada Balcad oo 30 Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayaa bilihii tegay bartilmeed u ahayd kooxda Al-Shabaab oo ka fulisay weeraro kala duwan.

Maamulka degmada ayaa marar badan dowladda federaalka ka codsaday inay soo dirto ciidamo magaalada iyo gobolkaba ka xoreeya Al-Shabaab, balse cidna ma dhageysan baaqooda.

MAREYKANKA oo qirtay in khasaare uu kasoo gaaray weerarkii Janaa Cabdalle

Marine usa

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qirtay in khasaare uu kasoo gaaray weerarkii maanta kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Chris Karns oo ah afhayeenka AFRICOM ayaa VOA u sheegay in hal askari oo Mareykan ah uu ku dhaawacmay weerarka, wuxuuna intaas ku daray in askarigaas ay iminka xaaladdiisa degan tahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhaawaca uusan ahayn mid helis gelinaya nolosha askariga.

Chris ayaa dhanka kale sheegay inay dileen mid ka mid ah dagaal-yahanada ururka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday

Saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ku yaalla deegaanka Janaa Cabdalle oo ilaa 50 km dhinaca Galbeedka ka xigta magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta qarax ku weeraray Al-Shabaab. Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay fashiliyeen gaari noociisu yahay Toyota Surf oo ay Al-Shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qarax is miidaamin ah la beegsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa Maraykanka, islamarkaana ay weerarka ku dileen 4 askari oo Mareykan ah iyo 16 Soomaali ah oo Mareykanka uu tababaray.

Ciidamada maamulka Jubaland ayaa toddobaadkan dib u qabsaday degaanka Janaa Cabdalle.

Noor Bin Ladin: Weerarkii September 11 oo kale ayaa kusoo socda Mareykanka

noor bin laden

Noor Yeslam Bin Ladin oo ah gabar uu adeer u ahaa hoggaamiyihii Al-Qacida Sheekh Osama Bin Laden ayaa wareysi ay siisay wargeyska The New York Post waxay taageero xooggan ugu muujisay madaxweyne Donald Trump.

Noor, ayaa sheegtay in Mareykanka uu wajahayo weerar la mid ah kii September 11, islamarkaana Trump uu ka hortagi doono haddii dib loo doorto.

“Kooxda Daacish waxay kobacday intii ay xukunka hayeen Obama iyo Biden, taasi oo hoggaamisay inay Yurub yimaadaan. Trump wuxuu muujiyey inuu Mareykanka iyo annaga [Yurub] naga bad-baadin karo heslista dibedda, isaga oo ciribtiraya argagixisada ka hor inta aysan helin fursad ay weerar ku gaystaan ayey tiri Noor.

Noor oo ku nool Switzerland ayaa u sheegtay New York Post inay muddo taageero u ahayd Trump, oo mid ka mid ah ballan-qaadyadiiisa ugu weyn ee doorashada 2016 ay ahayd inuu muslimiinta ka mamnuuco inay soo galaan Mareykanka.

“Waxaan Trump taageero u ahaa tan iyo markii uu ku dhowaaqay inuu musharax yahay 2015. Meel fog ayaan ka daawadaa waxaana jeclahay go’aanadiisa. Waa in dib loo doortaa, taas waxay muhiim u tahay mustaqbalka Mareykanka iyo dunida ilbaxday ee reer galbeedka,” ayey tiri.

“U fiirso dhammaan weeraradii argagixiso ee ka dhacay Yurub 19 sano ee tegay, aad ayey noo ruxeen. Islaamka xagjirka ah aad ayuu u dhex galay bulshadeena,” ayey Noor ku dartay hadalkeeda. “Waa murugo in bidixda [Dimoqraadiga Mareykanka] ay la saftaan dad noocaas ah.”

Noor ayaa badanaa twitter-ka soo dhigta sawirro muujinaya ayada oo xiran dhar ay ku qoran yihiin erayo ay ku taageereyso Trump.

Waxay sidoo kale faafisaa warar been ah oo lagu weeraro dhaq-dhaqaaqa Black Lives Matter, ayada oo soo qaadata qaar ka mid ah muuqaallada Fox News iyo suxufiga ka shaqeeya ee Tucker Carlson oo xulufo la ah Trump.

Noor Bin Ladin ayaa waxaa iska dhalay walaalka ka weyn Osama Bin Laden ee Yeslam Bin Laden iyo haweeney qoraa ah oo u dhalatay dalka Switzerland oo lagu magacaabo Carmen Dufour, taasi oo 2004 qortay buug aad u gadmay oo ay kaga hadashay waqtigii ay la qaadaty qoyska Bin Laden.

Yeslam iyo Carmen ayaa kala tegay 1988-kii, waxaana Noor ay sheegtaa inaysan waxba ka gelin qoyska aabaheed ee reer Sacuudi.

Noor waxay wargeyska New York Post u sheegtay inay ka qaadatay shahaadada Maamulka Ganacsiga Jaamacadda University of Geneva iyo Shahaadada Sharciga Ganacsiga ee  Jaamacadda University of London.

Wareysigeeda ayey ku sheegtay in ku koritaankeeda Galbeedka uu macnaheedu yahay inay aad ula dhacsan tahay qayimka reer galbeedka.

Sawirro Ingiriiska oo gaadiid dagaal ku wareejiyey DF Soomaaliya

gaadiid ciidan2

Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah kala wareegtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dowladaha sida weyn u taageero Soomaaliya.

Munaasabadda lagula wareegay baabuurtan oo ka dhacday magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno ka socda Ingiriiska, taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Gaadiidkan oo ah kuwa casri ah ayaa waxaa loogu talagalay inay isticmaalaan ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey dowladda UK, wuxuuna tilmaamay inay si deg-deg ah uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda UK oo nagu wareejisay gaadiid nooca dagaalka ah, ayna ka soo jawaabtay codsigeena oo ah in ay nagala qaybqaataan dib u dhiska Ciimadameena Qalabka sida.” ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe taageero kala duwan ka heleysay saaxiibada Soomaaliya, waxaana dhowaan gaadiid gaashaaman oo casri ah ay kala wareegtay dowladda Turkiga oo iyana ka mid ah dalalka sida weyn u taageero Somalia.

G/Banaadir oo shaaciyey 23 Shabaab ah iyo qaraxyo Muqdisho lagu qabtay

muqdisho no4

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta waxa uu faah-faahin ka bixiyey howgallo sacadihii lasoo dhafay ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho.

Howgaladaas ayaa sigaar ah uga dhacay xafadaha kala ah Xoosh, Ciisa-Cabdi, Suuqa-Xoolaha, oo ka kala tirsan degmooyinka Deyniile, Hiliwaa iyo Wadajir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdsho, sida uu shaaciyey maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay intii ay socdeen howgalladaas in lagu soo qabtay 23-qof oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo sida uu sheegay badankood lagu qabtay waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in degmada Yaaqshiid ay xalay ciidamada ammaanku ku dileen mid ka mid ah seddax nin oo qarax ku aasayey wado ay isticmaalaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Yaaqshiid.

Maamulka DF ee G/Gedo si kulul beeniyey wararka sheegaya in looga yeeray Muqdisho

beledxaawo

Maamulka DF u sameysay gobolka Gedo ayaa beeniyay, warar sheegayay in looga yeeray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo Axmed Barre ayaa wax lal yaabo ku tilmaamay wararka sheegaya in maanta ay imanayaan Muqdisho.

Axmed Barre ayaa intaa ku daray in gogol looga hadlayo arrimo masiiri ah ay dhigi doonaan magaalada Garbahaarey, taasoo dhammaanba ay ka qayb galayaan maamulka gobolka Gedo, isagoo tilmaamay in Axmed Madoobe uu imaan karo gogoshaas, balse iyagu aanay u aaminsaneyn Madaxweyne.

Waxaa uu sheegay in maamulkii DF u magacowday gobolka Gedo uu howlihiisa si caadi ah u wato, aysana qorshaha ugu jirin iney tagaan magaalada Muqdisho.

Hadalkan Axmed Barre ayaa ku soo aadaya xili saacadihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Maamulka DF u magacowday gobolka Gedo iyo ciidamada halkaas la geeyey dib loogu soo celinayo Muqdisho ka dib heshiis ay arrintaas ka gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo qodobkaas shuruud uga dhigay inuu furmo shirka Muqdisho.

Rayaalow kuraastii Sool adigaa lumiyey kuwii Salelna adigaa reerkiina dhacay ee saami iyo Beelo darafyo ha ka hadlin

daahir rayaale2

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo saxaafada la hadlay ayaa qodobo uu ugu xagal reecinayo beeshiisa.

Rayaale wuxuu sheegay in beelaha darafyada uu saami ka maqan yahay, isagoo soo jeediyey in 18 kursi lagu daro ama sidii 1993 wax lagu galo.

Madaxweyne Rayaale wuxuu ahaa ninkii isagoo doorasho doonaya kuraastii Sool u dhacay Beesha dhexe, kuwii Beesha Ciise ama Selalna u boobay Beeshiisa ee xishoon waayey.

Daahir Rayaalow majirto cid Beelo darafyo kula ah, ama inaad u doodo kaaga baahan, dheeliga maanta Goleyaasha Somaliland ka jirana adigaa abuuray, Somalilandna waxaa saamiqaybsi laysku raacsan yahay u ahaa kii 1960, isagaana doorashada lagu gelayaa, ee haddii aad Somaliland wax tarayso Reerkiina kuraastii aad u boobtay ka qanci, shacabka Reer Soolna waa kuu hayaan xumaantii aad kula kacday mudadii aad Madaxtinimada somaliland haysay.

Waxaa kale oo uu Daahir Rayaale ilaaway inaan Ugaasku aanu ugu horeyn Madax-dhaqameedyo jeelka lagu rido ama la celiyo, mana jirto cid raaligelin la siiyey.

Daawo hadalkii Daahir Rayaale

25,000 NEEF OO GEELA OO XALAY LAGA DHOOFIYAY DEKEDDA BOOSAASO

Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxa Xalay ka laga dhoofiyay 25,000 kun oo neef oo geel ah kuwaas oo loo iib-geeyay Khaliijka.

Markabka sida xoolahan ayaa dhammaantood geyn doona dalka Sacuudi Carabiya halkaas oo loo iib-geeyay sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda dekedaha Puntland.

Sidoo kale gudaha dekedda waxa haatan ku xiran doonyo kale oo u diyaarsan in ay maalmaha soo socda xoolaha u daabulaan dalalka Khaliijka gaar ahaanna Sacuudiga iyo  Imaaraadka Carabta.

Dekedda Boosaaso ayaa laga soo sheegaya mashquul saa’id ah xilli maalmaha soo socda laga dhoofin doono kumanaan neef oo xoolaha kala duwan ah.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY