Home Blog Page 46

QAAR KA MID AH ISIMADA SSC OO CAASIMADDA SOOMAALIYA KU WAJAHAN

isimo ssc

Shan Isim oo ka mida Isimada dhaqanka SSC ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Isimadan ayaa ujeedada socdaalkoodu yahay aqbalaad martiqaad ay Dawladda Federaalka Soomaaliya u fidisey, halkaas oo lagaga wadahadli doono arimaha ku saabsan masiirka SSC Khaatumo.

Casuumada Villa Somalia u fidisay SSC-Khaatumo waxa ku matalaya Isimada kala ah:

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
Garaad C/Risaaq Garaad Soofe.
Garaad C/Salaan Xasan Maxamed.
Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed.
Ugaas Maxamuud Ugaas C/Laahi.

WASIIRADA ARRIMAHA DIBADA SOOMAALIYA IYO RUUSHKA OO SHIR GAAR AH YEESHAY

fm russia iyo somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya , Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaa oo uu wada-hadallo kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.

Lavrov ayaa sheegay in ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobbankii sanno ee uu tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan.

Wuxuu intaa ku daray inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah.

Sidoo kale , labada dhinac ayaa ka wada-hadlay u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg.

MAREYKANKA OO TALLAABO KA QAADAYA DADKA HURINAYA COLAADDA LAASCAANOOD

amb larry ande iyo muuse biixi

Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ku sheegay in shakhsiyaadka ku lugta leh hurinta colaadda Laasacaanood ay ka qaadi doonaan tallaabo, waa haddii ay sii wadaan ficiladooda.

Danjiraha ayaa sheegay in Maraykanka ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn ka dhan ah shakhsiyaadkaas oo aanu magacaabin.

Colaadda Laasacaanood ayaa socotay tan horraantii February, waxaana ku dhintay boqolaal qof. Safiir André oo ka jawaabaya su’aal ay BBC weydiisay oo ay ahayd doorkooda ah in la joojiyo colaadda Laascaanood ayaa yiri:

“Anaga iyo saaxiibadda kale ee caalamiga ah waxaan war saxaafadeed ka soo saarnay xaaladda Laasacanood durbadiiba markii uu bilowday dagaalka. Waxaan ku baaqnay in colaadda la joojiyo, miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka iyo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalka. Waxaan si toos ah ula hadlay hogaamiyayaasha Hargeysa, Laasacaanood iyo Garowe.”

Safiirka oo ay BBC-da weydiisay waxa uu xukuumadda Hargeysa uu kala hadlay ayaa ku jawaabay:

“Waan wadahadalnay, waxaana arrintaas oo soo dhigay baraha bulshada. Waxaan u sheegay inta aan goor dhaweyd kuu sheegay oo ah in aan u baahannahay in la joojiyo colaadda, dhinacyadu ay joojiyaan rasaasta ay is weydaarsanayaan, in arrimaha u dhexeeya dhinacyada lagu xalliyo wadahadal iyo in dadka dhibaataysan la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo dhinac kasta oo uu uga iman karaba.“

Safiirka ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo su’aal ahayd arriimaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen isaga Madaxweyne, waxa uuna ku ku jawaabay:

“Biixi Si qoto dheer ayaan u wadahalnay, kadibna waxaan soo dhigay baraha bulshada.

Haddii aan caado ka dhigto in aan si shaac baxsan uga warramo waxyaabaha aan sida hoose ugala hadlo hogaamiyayaasha, taasi waxay dhalin doontaa in aanay hogaamiyayaasha mar dambe ila hadlin. Arrin kale oo aan kala hadlay ayaa ah in doorashada madaxtooyada Somaliland ay aad dib ugu dhacday, arrintaasoo kalena ay caqabad ku noqotay qeybaha kale ee Soomaaliya oo maamulkii hore uu xafiiska joogay wax ka badan muddo xileedkiisa, taasina ay horseedaysa xassilloni darro ba’an.”

Waxa ay shacabka Soomaalida doonayaan in ay ogaadaan ayaa ah waxa aad isla meel dhigteen adiga oo ah safiirka Maraykanka ee Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland si xal looga gaaro colaadda magaaladaas? Danjire André oo ka jawaabaya su’aashaas ay BBC Somali weydiisay ayaa yiri:

“Waxaa weli socda wadahadalka u dhexeeya Maraykanka, saaxiibbada kale ee caalamka iyo hogaanka Soomaaliya ee Muqdisho ee ku aaddan arrinta Laasacaanood. Waxaa arrinta qeyb ka ah madax dhaqameed ay dirtay dowladda Muqdisho oo la kulmay dhiggooda iyo hogaanka Hargeysa. Xogta wadahalladaas ayaa la shaacin doonaa marka ay dhinacyada heshiis gaaraan.”

MUUSE BIIXI OO U YEERTAY WIIL MASKAXDA KA XANUUNSAN OO INA GARAAD CABDI QANI AH

muuse biixi2

Maamulka naflacaariga ah ee Muuse Biixi ee SSC Khaatumo ku bahdishay dagaaladda ka socda Gobolka Sool iyo Beesha Caalamka ayaa hadda waxaa dhib xoog lihi ka haysataa siduu u heli lahaa dad ka soo jeeda degaamadda SSC, isagoo mudo raadinayey xubno uu ku bedelo Wasiiradda qalfoofka ah ee Xukuumadiisa ku jira.

Muuse oo ay haysato gabaygii “HEYLAALE RARAY GEEL NINKII HODANKII WAAYAAYE, HAYIN NIN UU KA JIIFSADAY WUXUUN HILAYGA SAARSAAR” ayaa wuxuu u yeertay wiil mudo qurbaha ku xanuunsanayey oo uu dhalay Garaad Cabdi Qani Garaad Jaamac oo lagu magacaabo Raage oo mudo maskaxda ka jiranaa, si uu Wasiir uga dhigto, arintan ayaa waxay ka markhaati kacaysaa xaaladda Somaliland oo maraysa heer ay markay shacabkii iyo degaamadii lumiyeen ay dadkii Cilaajyadda xilal ugu yeeraan.

SAFIIRKA UK OO MUUSE BIIXI KALA HADLAY JOOJINTA DAGAALKA LAASCAANOOD

muuse biix iyo safiirka uk Amb Mike Nithavrianakis

Madaxweynaha Maamulka Hargeysa Muuse biixi Cabdi iyo Safiirka Uk ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis oo maanta Magaaladda Hargeysa kulan ku yeeshay ayaa ka wada hadlay sidii Dagaalka Gobolka Sool loo joojin lahaa.

War ay soo saartay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulanka lagaga hadlay sidii dagaalka Laascaanood loo joojin lahaa.

Muuse Biixi ayaa safiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda xabbad joojin iyo nabad.

Dhinaca kale waxa uu safiirku uu kala hadlay Muuse Biixi arimaha doorashooyinka, isagoo Muuse usheegay safiirka inay hawlaha doorashadu si wanaagsan usocdaan, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay madaxtooyada Somaliland.

Dhawaan ayay ahayd markii Muuse Biixi sheegay in dagaalka Laascanood aanu istaagayn ee uu soconayo ilaa inta dhulka Somaliland ay ku jiraan dad uu ku sheegay cadawga Somaliland.

SAFIIRKA MAREYKANKA OO SOO JEEDIYEY IN SOMALILAND KA QAYB GASHO SHIRARKA MAAMUL-GOBOLEEDYADA IYO DF

Larry Andre us amb

Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dawladda Federaalka, sidoo kale wuxuu codsaday in Somaliland kursi looga baneeyo shirarka Maamul Goboleedyadda iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay heshiis ka gaaraan awoodaha iyo mas’uuliyada ay kala yeelanayaan labada heer ee dowladda.

Danjiraha oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa yiri:

“Waxaa aad muhiim u ah in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto awoodaha iyo shaqooyinka ay kala yeelanayaan maamul Goboleedyadda iyo dowladda dhexe. Si taa loo helo, waxaa muhiim ah in ay dhacaan shirar wadaxaajood, sida kan madasha qaranka oo ay iska dhex arkaan Soomaalida oo dhan”.

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan jeclaan lahaa in kulamadaas Maamul Goboleedyada iyo D Federaalka kursi looga banneeyo Somaliland.” hadalkan ayaa wuxuu meesha ka saaraysa Madaxbanaanidii iyo Gooni-isutaaggii ay 32 sano sheeganayeen, hadaladda noocan oo kale ah ayaa waxay bilow u yihiin sumcad xumadda uu dagaalka Laascaanood Somaliland u soo hooyey, iyadoo ay dhamaan Beesha Caalamku dhabarka u jeediyeen, kadib Maleeshiyadu tacadiyo iyo barakicin baahsan geysteen.

Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba uusan madaxweyne Deni ku raacsanayn inuu ka maqnaado kulamada Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

“Kuma raacsani oo xitaa waan u sheegay Madaxweyne Deni in kulamadaas ay ka maqnaato Puntland. Maamul goboleedkaas waxa uu ahaa mid Soomaaliya ka tirsan oo si habsami leh u shaqeynayey muddo 25 sano ah. Waxa uu leeyahay qiso muhiim ah oo uu la wadaagi karo Soomaaliya inteeda kale.”

“Si guul buuxda looga gaaro Soomaaliya, waxaa muhiim ah in Puntland ay qeyb ka tahay. Waxaan Deni u sheegay in xitaa haddii uu ka baaqdo kulamada uu muujiyo aragtida uu ka qabo arrimaha masiiriga laga hadlayay. Laba goor ayaan arrintaa kala hadlay, wax jawaab ahna ima uusan siin,” ayuu yiri danjire Andre.

Bilowgii sannadkan ayuu soo shaac-baxay khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland kaddib markii Puntland ay soo saartay bayaan muran dhaliyay kaas oo tibaaxayay in dowladda dhexe in ay “hagardaamo” ku waddo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

Sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.”

Danjiraha oo ka hadlayay qibradda uu u leeyahay Soomaaliya iyo markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya tago ayaa yiri:

“Waxaan Soomaaliya markii ugu horreysay booqday sanadkii 2001. Haddii aan isbarbar dhig ku sameeyo sidii ay Soomaaliya ahayd 22 sano ka hor iyo maanta, horumar badan ayay samaysay. Waxaan si weyn ugu kalsoonahay in Soomaaliya ay si buuxda u soo kaban doonto. Waxaase jira dhibaatooyin dhanka dowladnimada ah, amniga ah, bani’aadannimada ah maadaama ay dhacday abaar aan nooceeda horay looga arag Soomaaliya.”

XIGASHO: BBC SOMALI

DHULBHANTE WAX IDIINKAMA BAAHNA EE GUDABIIRSAY BAA WAX TABANAYEE WAX MAYDIN DHEER YIHIIN

somaliland vs khaatumo

Waxaa wax lala yaabo ah Madaxda iyo Siyaasiyiinta Isaaq ee weli ku hadaaqaya DHULBAHANTE muxuu tabanayaa, ninka wax tabanayaa waxaa nin laga adkaaday oo itaal iyo tol u soo hiiliya lahayn sida GUDABIIRSAY.

Wiilasha iyo gabdhaha Dhulbahante ee Qalasyadda iyo Jamaahiirta la baxay ee Ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba kaaga adkaaday, ku tusay cida gooni-isutaagga iyo aqoonsigu gacantiisa ku jiro, Somalandtii aad 32 sano ku faanaysay u bedelay Jamhadda Argagixisadda SNM, lafihii aad la wareegi jirtay lafo cusub oo qoyan ka dabo keenay, caalamka ka dhaadhiciyey inaad Xasuuq, barokicin, burnurin iyo qabiilnimo ku dagaalamayso, sumcaddii Beesha Caalamku kuu haysay khad madow ku shubay ee kaaga yeersiin caalam uma baahnin, tolkii iyo Soomaaliba kuu soo kaxaystay, waa cay iyo meel ka dhac in la yiraahdo Dhulbahante Muxuu tabanayaa, Ninka xoogga leh Muxuu doonayaa baa la yiraahdaa, Maxaad tabanaysaan GUDABIIRSAY iyo beelaha aan waxba iska celin karin bay ku waajibtay.

Intaad dabo-ordaysaan nin xoog kuu sheegtay oo kaa maarmay, haddii wax idiin dheer yihiin Gudabiirsay oo aad ka adkaateen, Madaxweyne ku xigeenkoodu aanu xor ahayn oo aad cayda SSC u adeegsataan, ayaa wax idiinka tabanayee wax uga qabta.

DALALKA G7 OO QAATAY GO’AAN KA DHAN AH DALKA SHIINAHA

g7 2023

Xilli ay G7 farriin adag u direen Ruushka iyaga oo kulankoodii Heroshima ku casuumay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, waxay sidoo kale maanka ku hayeen Shiinaha.

Raiisul wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa sheegay in Shiinuhu uu soo bandhigay “caqabadda ugu weyn ee xilligan lagu jiro” marka la eego amniga iyo horumarka caalamiga ah, iyo in uu “si xawli ah u awoodeysanayo dal iyo dibedba”.

Mana aha hal, balse laba bayaan ayey hoggaamiyeyaasha dalalka ugu qanisan dimuqraadiyadda adduunku si cad ugu sheegeen Beijing, mawqifkooda ku aaddan arrimaha kala qaybinta sida Indo-Pacific iyo Taiwan. Laakiin qaybta ugu muhiimsan ee fariintoodu waxay ku qotontaa waxa ay ugu yeedheen “dhaqaale qasbadka”.

Waa fal dheellitir oo ku dhib badan G7. Ganacsi ahaan dhaqaalahoodu wuxuu noqday mid si aan kala go’ lahayn ugu tiirsan Shiinaha, haddana tartanka Beijing ayaa kordhay waxayna isku khilaafeen arrimo badan oo ay ku jiraan xuquuqda aadanaha.

Hadda, waxay ka walaacsan yihiin in xoog lagu haysto.

Sanadihii la soo dhaafay, Beijing waxay ka waaban wayday inay cunaqabatayn ganacsi ku dhufato dalal aysan raalli ka ahayn. Waxa ka mid ah Kuuriyada Koonfureed, markii Seoul ay rakibtay nidaamka difaaca gantaalaha ee Maraykanka, iyo Ustaraaliya xilligii dhawaa ee xidhiidhka qabow.

Midowga Yurub ayaa si gaar ah uga naxay markii Shiinuhu uu xannibay dhoofinta dalka Lithuania uu Shiinaha wax u dhoofsho ka dib markii dalkan Baltic-ga uu u ogolaaday Taiwan in ay safaarad dhab ah ka sameysato halkaas.

Markaa ma aha wax lala yaabo in G7 ay cambaareeyaan waxa ay u arkaan “kor u kaca qaska” ee “u adeegsiga dhaqaalaha, hub ahaan”.

Qasbashadan ayay yiraahdeen, waxaa la doonayaa in lagu wiiqo siyaasadda dibadda iyo gudaha iyo mawqifyada xubnaha G7 iyo sidoo kale saaxiibbada caalamka.

Waxay ku baaqeen “ka-hortagga-khatarta”- siyaasadda ay Ms von der Leyen oo ka qaybgalaysa shir-madaxeedka ku ololaysay. Kani waa nooca dhexdhexaadka ah ee fikradda Maraykanka ee “ka foganshaha” Shiinaha ,halkaas oo ay si adag u hadlayaan dhanka diblomaasiyadda, ganacsiga lakala weydaarsanayo, iyo shiinaha oo laga dhowro ganacsiga iyo farsamada.

Waxaa kale oo ay daah fureen “madal isku-dubbarid ah” si ay uga hortagaan muquuninta iyo in ay la shaqeeyaan wadamada dhaqaalaha soo koraya. In kasta oo ay weli mugdi ku jirto sida ay tani si sax ah u shaqeyn doonto, waxay u badan tahay inaan aragno waddamo is caawinaya midba midka kale oo kordhinaya ganacsiga ama maalgelinta si looga shaqeeyo xannibaad kasta oo Shiinuhu sameeyo.

G7 waxa kale oo uu qorshaynayaa in la xoojiyo silsiladaha sahayda ee alaabta muhiimka ah sida macdanta iyo semiconductors, iyo in la kordhiyo kaabayaasha dhijitaalka ah si looga hortago jabsiga iyo xatooyada tignoolajiyada.

Laakiin usha ugu weyn ee ay qorsheynayaan in ay adeegsadaan waa xakameynta dhoofinta dhinacyo badan leh. Tani waxay ka dhigan tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo hubinta tignoolajiyadooda, gaar ahaan kuwa loo isticmaalo militariga iyo sirdoonka, inaysan ku dhammaanin gacmaha kuwa “xasadnimada ku dhaqma”.

Maraykanku diyaara ayuu u yahay in uu sidan sameeyo isaga joojinaya in Shiinaha loo dhoofiyo Chip-ka iyo teknoolajiyadiisa, tan oo ay Japan iyo Holand ku biireen.

G7 waxa ay caddaynaysaa in dadaalladan oo kale aysan sii socon doonin oo keliya, balse ay kor u kacayaan in kasta oo Beijing ay mudaaharaadayso.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay sii wadi doonaan joojinta “gudbinta aan wanaagsanayn” ee teknoolajiyada ee la iskula wadaago cilmi-baarisyada. Maraykanka iyo kuwa kale oo badan waxay qabaan walaaca ku aaddan gudbinta siraha farsamada waxayba xabsi geliyeen dad ku eedeeyeen in ay xadeen sir la xiriirta teknoolaji.

Isla markaas waxay hogaamiyeyaasha G7 cadeeyeen in aanay doonayn ku tiirsanaanta cida kale.

Inta badan luqaddooda ku aaddan qasabka dhaqaale ma aysan magacaabin Shiinaha, isku day dublamaasiyadeed oo muuqda oo ah in aysan si toos ah farta ugu fiiqin Beijing.

Markii ay ka hadleen Shiinaha, waxay u istaageen si aan qarsoodi ahayn.

Waxay doonayeen in ay meel dhigaan Beijing, iyaga oo leh siyaasadooda “aan loogu talagalin in lagu waxyeeleeyo Shiinaha, mana raadineyno inaan hor istaagno horumarka dhaqaalaha iyo horumarka Shiinaha”.

Laakiin waxay sidoo kale cadaadis ku saareen Shiinaha inay iska kaashadaan, iyagoo sheegay in “Shiinaha sii kordhaya ee ku ciyaara shuruucda caalamiga ah ay noqon doonto mid dano caalami ah leh”.

Waxay sidoo kale ku baaqeen ka-qaybgalka “runta” halkaasoo ay weli walaacooda si toos ah ugu sheegi karaan Shiinaha, iyagoo muujinaya rabitaankooda ah inay furaan khadadka isgaarsiinta jawi kacsan.

Ma ogaan doonno sida si gaar ah, hoggaamiyeyaasha Shiinaha iyo diblomaasiyiintu u qaadan doonaan farriinta G7. Laakiin warbaahinta dawladda ayaa hore u soo celisay reer galbeedka inay isku dayaan inay yeeshaan labada dhinacba, “iyagoo dhaleeceeyay Shiinaha iyagoo sidoo kale ku raaxaysanaya miraha iskaashigooda dhaqaale”.

Hadda Beijing waxay dooratay inay dib ugu noqoto odhaahdeedii caadiga ahayd ee cadhada ahayd ee jawaabteeda dadweynaha.

Shiinaha ayaa si cad uga ula socday hadallada G7 maalmihii shirku soo dhawaana waxaa la arkayey warbaahinta dawladda oo iyo safaaradaha oo dhaleecayn u jeedinaya Maraykanka kuna eedeynaya dhaqaale qasbasho iyo munaafaqnimo.

Habeenimadii sabtida waxay G7 ku eedeeyeen “aflagaadeyn iyo weerar” ka dhan ah Shiinaha waxayna dacwad u gudbiyeen Japan oo shirka marti gelisay.

Waxayna dalalka kale ee xubnaha ka ah G7 ugu baaqeen in aanay ku garab siin Maraykanka “sandulleynta dhaqaale” iyaga oo sidoo kale ugu baaqay in ay “joojiyaan xulafaysiga budhcadnimo” iyo “go’doominta dalalka kale”.

Waxaa xusid mudan in Shiinuhu uu sidoo kale damcay inuu isbahaysi u gaar ah la sameeyo waddamo kale, iyadoo dabayaaqadii todobaadkii hore markii uu furmay shirka G7, uu marti galiyay shir barbar socday oo uu la yeeshay dalalka bartamaha Aasiya.

Wali ma cadda in qorshaha G7 uu shaqayn doono. Laakiin waxay u badan tahay inay soo dhawaynayaan kuwa ku baaqay istaraatijiyad cad oo lagu maareynayo xad-gudubyada Shiinaha.

XIGASHO BBCSOMALI

HAYADDA MAAREYNTA MUSIIBOOYINKA SOMALIA OO SSC SHIXNAD GARGAAR U DIRTAY

shixnad ssc sodma

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta diyaarad wada shixnad Gargaar daawo ah u dirtay Magaalada #Laascaanood ee xarunta Gobolka #Sool oo ay ka socdaan dagaalo qaraar.

Diyaradaan oo #Garoowe ka dajindoonto gargarkaan ayaa magaladaas waxaa looga qadayaa gawaari si ay u gaarsiyaan isbitaalada Laascaanood.

Shixnadaan daawada ah ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee daawada waxaana loogu talagalay dadka rayidka ah ee colaada lascaanood qasaaraha ka so gaartay.

Agaasimaha guud ee Arrimaha Bini’aadantinimo Hay’adda Mareeynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Abdirashiid Maxamuud Hassan, Madax Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Hey’adda SoDMA Dr. Cabdullahi Muuse Axmed iyo Masuuliyiin kale oo katirsan SoDMA ayaa diyaradaan ka sagootiyey garoonka Aadan cade.

Dhamaad

Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka Dadweynaha

Communications@sodma.gov.so

RUUSHKA OO LIISKA DADKA LA RAADINAYO KU DARAY MADAXA MAXKAMADA ICC

ICC Karim Khan

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa sheegtay “in aad uga xuntahay in Ruushka oo galiyay dacwad oogaha guud liiska dadka la raadinayo.

Waxay ku soo beegantay laba bilood ka dib markii uu madaxa maxkamadda ICC Karim Khan uu soo saaray warqad lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Bayaan ay soo saartay Sabtidii, ayay maxkamaddu ku sheegtay in tallaabadani ay tahay isku day lagu doonayo in lagu wiiqo “waajibaadkeeda sharciga ah ee lagu xaqiijinayo isla xisaabtanka dembiyada ugu waaweyn”.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY