Home Blog Page 467

JAMES SWAN OO GOLAHA AMNIGA UGA WARBIXIYAY XAALADDA SOOMAALIYA

james swan

Kulan gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa lagu soo geb-gabeeyey Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka kaas oo diirada lagu saarey arrmo ay kamid yihiin,Siyaasadda,Amniga iyo doorashada la filayo inay dhacdo 2020 2021.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka waxaa uu u gudbiyey warbixin ku saabsan geedi socodka Ammaanka, Siyaasadda iyo Doorashooyinka Soomaaliya.

Khudbad Dheer oo uu Amb, James Swan ka jeediyey Kulanka gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan gelisay in la meel mariyo hanaanka doorashooyinka ,isla markaana Qaramada Midoobey ay taageero ku siineyso.

“Sanadka 2020 wuxuu leedahay awood ay u noqon karto sanad isbedel ku keena Soomaaliya. Dhowr arrimood oo muhiim ah oo qaran ah ayaa la soo gabagabeeyey waxayna saameyn ku yeelan doonaan himilada Soomaaliya sannadaha soo socda” ayuu yiri Amb, James Swan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah ay ku heshiiyeen ahmiyadaha ugu waaweyn ee ah inaysan in Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2020 doorasho loo dhan yahay oo qof iyo Cod ah.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya in sidoo kale la sameeyay horumar la xiriira sharciyeynta muhiimka ah ee lagu xoojinayo qaab dhismeedka maaliyadda Soomaaliya, sida Sharciga Shirkadaha iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda. Miisaaniyadda 2020 ee uu ansixiyay baarlamaanku uuna saxeexay Madaxweyne Maxamed C abdullaahi Maxamed Farmaajo, kaas oo uu sheegay in uu ka tarjumayaa kobaca dakhliga ee joogtada ah ee dalka.

PUNTLAND IYO SOMALILAND OO KU DAGAALLAMAY DEGMADA LAASQORAY

puntland iyo somaliland

Wararka ka imaanaya degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaas dagaal kooban ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in isku dhacaas ka dhex bilowday ciidamo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland  Cali Xuseen Soomaali iyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ugu magacaaban Somaliland Maxamuud Xaamud.

Wararka hordhaca ah ee laga helay Laasqoray ayaa xaqiijinaya in hal askari ku dhintay dagaalkaas oo si kedis ah ku bilowday balse weli faahfaahin dheeriya lagama hayo khasaaraha rasmiga ah.

Labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland midkoodna weli kama hadal dagaalka saaka ku dhexmaray degmadaas Laasqoray ee ku taalla xeebta Badda Cas

Daawo Warbixinta Guud Qaramada midoobay ee daneyeyaasha soomaaliya

un security c

Daawo Warbixinta Guud Qaramada midoobay ee daneyeyaasha soomaaliya:

Warbixinta Guud Qaramada midoobay ee daneyeyaasha soomaaliya iyo Somaliland

Slået op af Cabdiraxim Xaashi Cumar i Mandag den 24. februar 2020

Daily Nation: Al-Shabaab oo qabiil u kala qeybsamay

shabaab sarkaal

Waxaa sii ballaaranaya khilaafka ka dhaxeeya kooxda Al-Shabaab, kadib markii la ceyriyey laba hogaamiye oo ka tirsanaa madaxda kooxda, waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation ee Nairobi.

Wargeyska ayaa sheegay in warbixino sirdoon ay sheegayaan in hoggaamiyayaasha kooxda ay u kala jabeen saf qabiil, kadib markii la isku qabtay qeybsiga kheyraad.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu xanuunsanayo, islamarkaana uu xilalka ka qaaday Bashiir Qoorgaab iyo Mahad Karate. Xogtan ayaa waxaa sidoo kale horey u sheegtay hay’adda NISA.

“Waxaa la isku qabsaday dhaqaale ka mid ah canshuurta kooxdan soo gasha. Waxaaa jira in madaxda qaar ay ka carroodeen sida beelaha qaar loola dhaqmo,” waxaa sidaas yiri qofka lagu soo xigtay xogtan.

Xubnaha carreysan ayaa la sheegay inaysan ku qanacsaneyn sida hoggaanka Al-Shabaab u canshuuro islamarkaana ula dhaqmo ganacstada beeshooda.

Wargeyska ayaa sheegay in taliye sare oo ka tirsan Al-Shabaab uu aas-aasay koox fallaago ka ah Al-Shabaab, si uu uga dagaalamo caburinta lagu hayo beeshiisa ee ah canshuurta joogtada ah. Lama magacaabin hoggaamiyahan.

Sanadii tagtay, Zubair al-Muhajir ayaa ka goostay kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay “hareer mareen Islaamka iyo Qur’aanka”.

Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadli khilaafyadan la sheegay inay ka dhex jiraan hoggaanka kooxda.

Muxuu yahay dhagaxa qaaliga ah ee la sheegay in Al-Shabaab loo iibinayay?

dhagax

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay dhagax la sheegay inuu yahay “kheyraad qaali ah” oo si “sharci darro ah” looga soo qaaday deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay cidda soo qaadatay dhagaxan oo yaallay meel ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in dad u adeegaya Al-Shabaab ay qaadeen dhagaxan ayna ku howlanaayeen sidii ay ugu iib geyn lahaayeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre , oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Al-shababaab ay ku baraarugeen in dhagaxan uu yahay mid qeyrul-caadi ah.

“Kooxaha argagixisada ah waxay ka kooban yihiin qaar Soomaali iyo kuwo ajnabi ah, marka ajnabigii ayaa gartay in waxan ay yihiin wax dheef leh. Sida aan xogta ku haayo, waxay soo dirsadeen kooxo dillaaliin ah Soomaali ah, kuwaasoo ay ku dhaheen waxaad sheegataan inaad idinku leedihiin dhagaxa oo aah ka ganacsaneysaan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Hase yeeshee warar kale oo soo baxay ayaa shegaya in ganacsato Soomaali ah ay dhagaxan lacag dhan $264,000 oo doolar uga soo iibsadeen Al-Shabaab, ayna doonayeen inay iskood usii iib geystaan, inkastoo guddoomiye Barre uu arrintaas si kulul ugu gacan seyray.

“Waxaas waa naloo sheegay laakiin wax ka jiro ma laha. Caqliga saliimka ah wuxuu diidayaa in Al-Shabaab ay 260 kun oo doolar ku qaataan dhagax malaayiin doolar jooga, ayna dhahaan orda idinku dhoofsada. marka xogta aan annagu heyno waa in dhagaxaas Al-Sabaab loo iibinayo,” ayuu yiri.

Dadka deegaanka ayaa “ku dagaallamay” in dhagaxaas laga qaado meesha uu muddo qarniyo ah yaallay, sida uu BBC-da u sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka feredaalka ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Wuxuu xildhibaanku sheegay in xitaa arrintan darteed uu dhiig u daatay.

“Dadka taariikhda degmada yaqaanna markii la weydiiyay dhagaxa wuxuu ahaa mid kumannaan sano meesha yaallay, laakiin annagu wuxuu yahay ma aannaan ogeyn, mar qura ayaan aragnay iyadoo wiishash xamar ka baxay ay dhagixi qodayaan, oo dadkii deegaanka ay ku dagaalamayaan, markaas unbuu xiisihiisa kacay. Al-Shabaab ayaa loo adeegsaday dadka, labo qof ayaa ku dhimatay, odayaal kalena way ku dhaawacmeen”.

Dhanka kale wuxuu xildhibaanka khalad ku tilmaamay habka lagu kala iibsaday dhagaxaas, wuxuuna yiri: “Milkiyadda wax lagu kala gatay ee khaldan waa in Al-Shabaab laga beecsaday, dadka deegaanka ayaan arrintaas noo sheegay. Kuwii soo gatayna waxay leeyihiin annaga dhagaxaan waxaan kasoo gadanay Al-Shabaab, oo noo oggolaatay”.

Muxuu yahay Dhagaxa?

.
Wali si rasmi ah looma oga waxa dhabta ah ee uu ka sameysan yahay dhagaxan

Ma jirto xog rasmi ah oo ilaa hadda laga hayo dhagaxan, marka la reebo inuusan u ekeyn dhagaxyada kale ee caadiga ah, mana jiro baaritaan cilmi oo lagu sameeyay.

Hase ahaatee waa dhagax ay aqoon fiican u leeyihiin dadka deegaanka Ceel Cali iyo nawaaxigiisa, sida uu sheegay xildhibaan Amiin Jeesoow oo kasoo jeeda aaggaas.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inay hadda ka war sugayaan dhinaca dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Biyaha iyo Macdanta, taasoo la filayo inay baarto dhagaxa, macluumaadna kasoo saarto.

Arrinta kale ee isha lagu wada hayo waa in si sax ah loo ogaado qiimaha lacageed ee uu ku fadhiyo dhagaxan aadka u culus iyo waliba sida loo qeybsanayo kheyraad ahaan.

Inkastoo haddaba la sheegayo in lacago badan la kala siistay dhagaxa, lama oga in xaaladdu ay ku soo biyo shuban doonto “la mood noqonse weyday”, oo markaas dhagaxa uuba noqdo mid aan waxba goynin.

Gaari la jiirsiiyay dad isugu tagay magaalo ku taalla Jarmalka

police germany

Qof gaari watay ayaa dhex galay dadweyne isugu tagay munaasabad ka socotay magaalada Volkmarsen ee dalka Jarmalka, sida ay taliska booliska sheegeen.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen halkaas, sida ay warbaahinta maxalliga ah tabiyeen. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in la xiray darawalkii gaari waday.

Wali lama oga ujeeddada rasmiga ah ee weerarkan.

Tiro badan oo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa lagu arkayaa goobta uu falkan ka dhacay ee magaaladaas yar, oo ku taalla gobolka Hesse ee galbeedka Jarmalka.

Wariyeyaasha maxalliga ah ayaa sheegay in gaari noociisu yahay Mercedes, oo midabkiisu qalin yahay uu jiiray dadka, saacaddu markii ay ahayd abaare 14:30, wakhtiga maxalliga ah.

Sawirro lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaari noocaas ah oo ay ku hareereysan yihiin baabuurta gurmadka deg degga ah.

.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta Jarmalka u sheegay in darawalka uu gaariga xoog u kaxeeyay markii uu ku dhawaaday goobta ay dadka isugu tageen, uuna u muuqday inuu si gaar ah u bartilmaameedsanayay carruurta.

Falkan ayaa dhacay xilli lagu guda jiro dabaaldagga loo yaqaano Rosenmontag ama Isniinta Cas – kaasoo sanadkiiba hal mar laga sameeyo qeybo ka mid ah dalka Jarmalka iyo sidoo kale qeybo ka mid ah waddamada Austria Belgium iyo Switzerland.

Iskuullada ayaa badanaa la xiraa maanta oo kale, inkastoo arrintan aysan fasax qaran ka ahayn waddanka Jarmalka.

Buuhoodle: Daawo Garabyo hubaysan oo Jamhada SSC ka tirsan oo heshiis midnimo gaadhay

jamhada ssc

Buuhoodle: Daawo Garabyo hubaysan oo Jamhada SSC ka tirsan oo heshiis midnimo gaadhay.

Daawo Farduus Ibrahim: Farmaajow xaq maaha inaad Beelaha Waqooyi qaarkood Godob-reeb u bixiso

gabadh reer khaatumo2

Farduus Ibrahim oo ka soo jeeda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa si adag uga raaligelintii Madaxweyne Farmaajo uu hal beel ah reer waqooyi u aqoonsaday, wixii ay geysteena iyo dadkii ay xasuuqeena aanu soo hadal qaadin, taas oo ay ku macneysay Godob reeb.

Farduus waxay sheegtay in lafaha la soo qufaa ay yihiin dadkii SMN laysay, iyadoo inay Goobjoog ahayd 80 qof oo ay dardaarinkii ka qortay, taasoo ka dhacday Berbera.

DAAWO FARDUUS:

Wasaaradda H. Caafimaadka Somaliland oo la wareegtay MCH Deegaanka Dhaboolaq laga dhisay

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa xadhiga ka jaray Xarunta Caafimaad oo laga hirgaliyay Deegaanka Dhaboolaq ee Degmada Farawayne.

Dhismaha Xaruntan Caafimaad oo ay iska kaashaadeen haween waynaha deegaanke ee ururka Gabdhaha Walaalaha Bureeqa (Bureeqa Sisters), iyadoo wixii agab iyo shaqaale Caafimaad ah ay Wasaaraddu sida ugu macquulsan ugu dari doonto si bulshada loogu qabto adeegyadda Caafimaad oo looga shaqaysiiyo xaruntan, waxayna wax wayn ka tari doona baahida adeega Caafimaad ee deegaankaasi.

Fadhigii 14aad ee Gudidda ka hortaga CORONAVIRUS iyo Gurmadka Degdega ee WHC Somaliland iyo MCH Dhaboolaq

whc iyo who1

Fadhigii 14aad Gudidda Kahortaga Xanuunka CORONAVIRUS iyo Gurmadka Degdega ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo uu Gudoominayo Wasiirka Wasaarada Cafimaadka ayaa goor habeenimo ka qabsoomay xaruunta WHC.

Kalfadhigan 14aad ayaa lagaga hadlay qodabadii kasoo baxay kulankankii Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo Wasaarada Caafimaadka Dawladda Federaalka Ethiopia ee shalay ka qabsoomay magaalo xuduuddeedka Wajaale ee DDSI, iyo xogaha kasoo baxay xuduudaha dalka dibadiisa lagaso galo oo ay maalmahan dambe kormeer ku marayaan masuuliyiin ka tirsan gudidda kahortaga cudurka CORONAVIRUS.

Kulankamadan joogtada ah ayaa qayb ka ah heeganka ay Wasaaradda H. Caafimaadka JSL mudooyinkii udambeeyay ay ugu jirto kahortago iyo xakamaynta xanuunada faafa iyado ay xiligan dunida iska kaashanayso kahortaga CORONAVIRUS.

Dhanka kale Wasaaradda H. Caafimaadka Somaliland ayaa la wareegtay MCH laga dhisay degaanka Dhaboolaq ee Degmada Farawayne, waxaana xariga ka jaray Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda.

Dhismaha Xaruntan Caafimaad oo ay iska kaashaadeen haween waynaha deegaanke ee ururka Gabdhaha Walaalaha Bureeqa (Bureeqa Sisters), iyadoo wixii agab iyo shaqaale Caafimaad ah ay Wasaaraddu sida ugu macquulsan ugu dari doonto si bulshada loogu qabto adeegyadda Caafimaad oo looga shaqaysiiyo xaruntan, waxayna wax wayn ka tari doona baahida adeega Caafimaad ee deegaankaasi.

DAAWO Fadhigii 14aad ee Gudidda ka hortaga CORONAVIRUS

Fadhigii 14aad Gudidda Kahortaga Xanuunka CORONAVIRUS Iyo Gurmadka Degdega Ah Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL…

Slået op af Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSLMandag den 24. februar 2020

Daawo MCH Dhaboolaq

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY