Home Blog Page 468

DF oo qaadatay dhagaxii qaaliga ahaa ee la helay kadib markii lagu iibiyey $264,000

astaanta soomaaliya

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamanka maamulka Hir-Shabeelle oo shir jara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in dadkii lahaa lagu wareejiyo “dhagax qaali ah” oo laga helay deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.

Dhagaxaan ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay heleen dadka deegaanka Ceel-Cali, kadibna ay Al-Shabaab xoog uga qaateen, iyagoo laba ruux ka dilay, kuwo kalena ka dhaawacay dadkii helay dhagaxaas.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibanada qabtay shirkaas jaraa’id, deegaan doorashadiisuna tahay gobolka Hiiraan, ayaa sheegay dad ganacsato ah ay Al-Shabaab Dhagaxaas uga soo iibsadeen lacag dhan $264,000, (Labad boqol lixdan iyo afar kun oo dollar).

Dhagaxaas ayuu sheegay Xildhibaan Jeesow in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qabteen deeganka Siinka-Dheer ee koonfurta Muqdisho, sidaasna ay kula wareegeen.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa madaxda dowladda federaalka ka dalbaday in ay dib ugu celiyaan dadkii lahaa Dhagaxaas oo si xoog ah ay Al-Shabaab uga qaateen, lacagta intaas la egna uga iibsaday dad ganacsato ah.

Xildhibaan Maryan Axmed Haaruun ayaa si lamid ah iyaduna dalbatay in maadaama dhalinyaro badan lagu dilay dhagaxaas ay dowladdu ku wareejiso dadkii lahaa, iyadoo si gaar ah baaqaan ugu dirtay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Dhankiisa guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa ciidamada maamulka Hir Shabeelle ugu baaqay in ay ka hor tagaan dadka qaadanaya kheyraadka deegaanada maamulka, waxuuna dowladda federaalka uga mahad celiyey sida ay gacanta ugu dhigeen dhagaxaas laga helay deegan ka tirsan Hir-Shabeelle.

“Cidii Shabaab kala macaamisha kheyraadka dalka Shabaab ayey lamid tahay” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id

Dhagax laga soo qaaday Deegaanka Ceel Cali

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo XIldhibaano ka tirsan baarlamaanka oo si kulul uga hadlay dhagax weyn oo ay sheegeen in uu aad qaali u yahay oo xoog looga soo qaatay deegaanka Ceel Cali ee gobolka HiiraanAbdirahim Hussein Caylaawe

Slået op af Official Somali Cable i Søndag den 23. februar 2020

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyey miisaaniyad gaareysa 17 Malyan

baarlamaanka galmudug.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah oo looga doodayey Miisaaniyadda ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaas.

Xildhibaanada oo dood dheer geliyey miisaaniyadda ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa ugu dambeyn isku raacay ansixinta Maasaaniyadaas oo gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Cali Gacal ayaa sheegay inay Xildhibaanada Galmudug u codeeyeen Maasaaniyadda lasoo gudbiyey isla markaasna ay hadda wixii ka dambeeyo tahay mid ansax ah.

Miisaaniyadda Maamulka Galmudug ayaa waxay sanadkii 2018 aheyd 8 Malyan, waxayna sare u kacday 50% marka la fiiriyo Miisaaniyadda sanadkaan 2020.

Fadhigii Maanta ay Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyeen Miisaaniyadda sanadkaan 2020 ayaa waxaa loo diiday inay ka qeyb galaan Saxaafadda.

Ilaa hadda Guddoonka Baarlamaanka Galmudug faahfaahin kama bixin sababta keentay in saxaafadda loo diido isla markaasna ay noqoto ansixinta Miisaaniyadda 2020 mid qarsoon.

Shabaab oo Gaarisa kasoo afduubtay WIIL la dhashay mas’uul ka tirsan KENYA

alshabab somalia

Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Kenya ayaa shaacisay in dagaalyahannada Al-Shabaab wiil dhalinyaro ah oo la dhashay mas’uul ka tirsan dowladda ay Jimcihii ka soo afduubteen magaalada Gaarisa, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi

Saraakiisha laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in wiilkaasi oo lagu magacaabo Daa’uud Bashiir Guure dagaalyahannadu ay kala baxeen hoygiisa.

Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in Daa’uud lala soo aaday dhinaca Soomaaliya, islamarkaana ragga afduubtay tiradoodu ay gaareyso illaa 20 qof.

Dhinaca kale saraakiisha Boolisku wali ma carabaabin mas’uulka uu la dhashay wiilkaan, marka laga tago in kaliya xogtaas ay bixiyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Daa’uud Bashiir Guure kooxda Al-Shabaab ay uga shakisay inuu bixiyey xog la xariirta weerarada ay ka fuliyaan Waqooyi Bari, Kenya.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro khasaara geysta ka fuliya dalkaasi, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada DF Soomaaliya oo ku dhowaaday halka ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland ee Mandheera

sagootin ciidan4

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal shalay ay ka sameeyeen Gobolka Gedo waxay ku taggeen, oo ay ku saldhig dhigteen xuduuda kala qaybisa Degmooyinka Beled Xaawo iyo Mandhera, oo ku yaala xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Dowladda ayaa aad ugu dhawaaday goobta ay xuduuda dhanka Mandhera kaga sugan yihiin Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, taas oo baqdin ku keentay dadkii xuduuda deganaa, oo baqdin awgeed uga barakacaya guryahooda.

Daahir Aadan Maxamuud oo ka mid ah dadka dhaqan Degmada Beled Xaawo ayaa warbaahinta Dhacdo u sheegay in Ciidamada Dowladda la wareeegeen xaafadaha Dhabad, Xaashaawe iyo Immigration-ka, oo ku yaala xuduuda, soona xigga dhinaca Soomaaliya.

“Ciidanka Dowladda waxay saakay ku fideen xuduuda. Ciidanka ayaa la wareegay gacan ku haynta xaafadaha Xaashaawe, Dhabad iyo Immigration-ka oo ka soo horjeeda Kastamka xuduuda, oo Kenya ay maamusho.” Ayuu yiri Daahir Aadan Maxamuud.

Daahir Aadan Maxamuud oo sawir ka bixinaya goobaha ay Ciidamada Dowladda la wareegeen iyo ujeedada ay xilligan u taggeen ayaa yiri “Meelaha ay Ciidanka Dowladda la wareegeen waa waddo dheer oo xuduuda ku taala, hadana waxay jooggaan dhulka xuduuda ee labada dal ay wadaagaan, gaar ahaan qaybta Soomaaliya ayay jooggaan, kuwii kale ee Jubbaland ayagana waxay ku sugan yihiin meesha la dhaho BIBI ONE, waa xuduuda dhinaca Kenya.”

Sidoo kale wuxuu yiri “Laba habeen ka hor ayaa madaafiic lagu soo tuuray Xerada Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Beled Xaawo, madaafiicdaas ayay baareen, waxayna ogaadeen inaysan Al Shabaab ka dambeen, oo kuwa Jubbaland ay soo tuureen, laakiin weerarkii toddobadkii hore lagu soo qaaday Xerada UK ee Ciidanka Dowladda ku leeyihiin magaalada, askarta Jubbaland kama aysan dambeen, Al Shabaab ayaa weerarkaas soo qaaday.”

Daahir Aadan ayaa xaqiijiyay in hawlgalka ay Ciidamada Dowladda kula wareegeen deegaanada xuduuda dhaca, ay baqdin ku abuurtay dadkii deegaanka, kuwaas oo bilaabay inay isaga barakacaan xuduuda.

“Marka la wareegitaanka Ciidanka Dowladda ee xuduuda waxay cabsi ku keentay dadka ku dhaqnaa Xaashaawe iyo Dhabad, aad ayaa looga soo barakacay Xaashaawe. Dadka kale ee ku nool deegaanada xuduuda qaybta Kenya ayagana barakac ayay sameeyeen, dhanka Mandhera ayay u barakaceen. Labada dhinacba dadka waxay cabsi ka muujinayan in lagu dul dagaalamo.” Ayuu yiri Daahir Aadan.

Waa markii ugu horeysay ee Ciidamadii Dowladda 4-tii bishan la wareegay Degmada Beled Xaawo, ay gaaraan xuduuda degmadaasi la leedahay Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Maxaa sababay in Xoogaga Nabad iyo Nolol ay baraha Bulshada qabsadaan

nabad iyo nolol

Madaxweyne Farmaajo, Raiisul Wasaare Kheyre iyo Masuuliyiinta ugu sareeyaa Soomaaliya maaha kuwo inta badan waqti ku lumiya u jwaabista dadka dhaliila, waxay xoogooda saaraan waxqabad iyo wax toosin.

Laakiin waxaa jira kooxo kale oo aan Dawladda ka tirsaneyn oo intay kugu degaan qurub qurub kuu goosanaya oo godadkoodu kuu jiidanaya, kuwaas oo hoy ka dhigtay baraha Bulshada, qofka ama maamul Goboleedkii ay u arkaan inuu dawladda lugta jiidayo sidii raxan Yey ah (Wild dog) oo ugaadh heshay ayey nololsha ku cunayaan, run ahaantiina maaha dad dhaqaale isu keenay ee mabda ayey ka mideysan yihiin, waxay aaminsan yihiin inay yihiin dad sharaf leh oo qarankoodii burburay dhisaya.

Afku-Xoogleyaashani waa kuwii Madaxweyne Siciid Deni kaga yeersiiyey tolayeey Internet, Facebook ayaa Puntland laga soo weeraraye halaga dagaalamo, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariifna ay welwelka faraha badan ka muujiyeen, Ina Cabdi Shakuurna diinta ka saaray, Ina Cabdi Rashiid iyo rag la mid ahna fara ku gabad ka dhigay.

MAXAA SABABAY INAY DANEYSTE KASTA KA ADKAADAAN OO DADKA KA REEBAAN?

Jamaahiirtani waxay isticmaalaan hal ku dhigyo, muddo dheer Soomaalidu baahi u qabtay oo u boholyowday sida NABAD IYO NOLOL, MIDNIMO, DAWLAD DHEXE OO AWOOD BADAN, QARANIMO IYO SHARAF, CADAALAD, intaas wixii ka baxsan waa qabiilkii iyo qudhunkii lagu burburay, qofkii ka soo horjeestana uma harin hal-ku-dhig soo jiidasho leh oo dad kala duwani ku raaci karaan, waxaana si fudud looga dheehanayaa ama ku si foobayaa qabiil ama shisheeye u adeegaye.

Mida labaad ee wax weyn u sahashay ayaa ah dadka Dawlada ka soo horjeeda oo ah dad horey loo soo tijaabiyey oo iin wada leh, sida mid bad gaday, mid dumar gaday, mid shisheeyey iyo wadamo ku calaamadsan cadowga Soomaaliya u adeegaya. Weli lama arag Mucaaridka oo Dawladda iyo Dalka la safanaya, marka laga reebo ururo dhowr ah oo uu ka mid yahay RAIISUL WASAARIHII HORE CALI MAXAMED GEEDI.

Kooxahan oo magacyo qurux badan la baxay sida Gurmad Qaran, Xooggaga Wadaniyiinta, Badbaado Qaran, Nabad iyo Nolol waxay quutaan guusha Dawladda, Tusaale ahaan 2 February waxaa la doortay Madaxweyne Qoor Qoor, 3-dii bisha way isku hambalyeynayeen, 4-tii February waxay u ahayd maalin kale oo cusub kadib markii Baraha Bulshadda la soo dhigay Ciidankii Soomaaliya oo Magaalooyinka Xuduuda Gobolka Gedo gucle ku dhexmaraya shacabkuna caleemo qoyan ku soo dhoweynayaan, ciidamadaas oo aan magacyo qabiil sidan balse sita magacyada Xirfadooda sida HARIMCAD, GORGOR, DANAB, DARAAWIISH IWM.

Awoodda Dhalinyarada ku soo wareegaysa iyo Ciidamada Quruxda badan ee maalin walba soo muuqanaya ayaa saameyn ku yeeshay guusha kooxdan iyo qalbiga shacabka Soomaaliyeed, sawirka hoose waa ninka gacanta ku haya boos halbowle u ah rajada ummadda Soomaaliyeed, waa Taliyaha Xoogga Soomaaliyeed Generaal Odawaa oo boqolaal Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gorgor soo dhoweynaya, waa dhamigiisu waa soo celinta Libaaxyadii Africa, waa dhalinyaro lagu dayan karo.

komandoos gorgor ururka4 2

Hoos ka daawo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo isagu ka duwan Generaal Odawaa wuxuu marayaa Mudulood iyo in Soomaaliya dib loogu celiyo xiligii Cabdilaahi Yuusuf iyo shir dib u heshiineed iyo shirbeeleedyo hor leh.

Tani Gabadh Mudulood ah oo cagta marisay Cali Mahdi, Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif, diidana in lagu Awr kacsado, una sheegaysa in Dawladu dhaqaaqday oo aan cidla loo joojinayn.

Gabar Caqli Badan Oo Runta U Sheegtey. #Mudulood iyo Cali Mahdi #SoomaaliNimoBaaNadeeqo#share

Slået op af TVGA Arrimaha Bulshada. Somalia i Søndag den 23. februar 2020

Sawirka hoose waa Madaxweyne Farmaajo oo saxiixaya sharciga Doorashada qof iyo codkiis, wuxuu niyadjab ku riday Maamulgoboleedyada Dawladda diidan iyo kuwa diidan in dadku awoodooda dib loogu celiyo, arintani waxay kuu cadeynaysaa sida loo kala fogyahay ama loo kala mabda wanaagsan yahay.

saxiix sharciga doorashada dfs1

Kuwan hoose waa Madaxweyneyaal hore iyo xubno mucaarid iyo Xisbiyo sheeganaya, maalin walba Dawladda ayey eedeeyaan, xaalkoodu wuxuu gaaray yaan deynta nalaga dhaafin, xunaqabateynta nalaga qaadin, Kenya iyo Imaaraadka anagaa ka gardaran, rajadoodii waxay quus noqotay markii awooddii shacabka loo celiyey oo doorashada qof iyo cod laga dhigay, degaan Soomaaliyeed oo looga codeynayaa ma jirto, rajada u dhimani waa inay isku dayaan kicin qabiil.

mucaaridka soomaaliya

Hoos waxaa yaalo labo barnaamij oo uu soo diyaariyey Cabdirisaaq Terra oo ka mid ah dadka loogu daawashada badan yahay, oo isagu kuwan sare ka duwan, wuxuu aaminsan yahay in Dawladdu wax badan qabatay, labadan Video wuxuu kaga hadlayaa dhismaha Ciidamada iyo isbedelka lagu sameeyey, iyo guulaha gaaray.

Kuwan hoose waa da’yar cusub oo aan laga filayn inay qayb ka noqdaan muusanowga midnimaddda Soomaaliyeed, dhowaan ayey baraha ka soo muuqdeen, maskaxdooduna taageerayaal badan bay soo jiidanaysaa.

Shacabku way ka daaleen, Sheekooyinka 100ka qof ka taajireen. Dhalintani waa reer Burco oo waa Hal-abuurkii ugu magaca dheeraa qaarkood.Jiil walba cimrigoodu waa 60 sannadood, dhalinta Somaliland Cimrigoodi 30 sannadood haday SNM siiyeen, maanta maalin uguma darayaan.

Slået op af Abdirisaq Terra i Torsdag den 23. januar 2020

Inkasta maalin walba ay dadkii burburka qabiilka ku ciidamiyey ay leeyihiin Dawladda waan ridaynaa, haddana Dawladnimadda, nabadgelyada iyo horumarku waa sii xoogeysanayaa, Sawiradan hoose waa xuskii 100 guuridii duqayntii iyo Burburinta halgankii daraawiishta oo Caasimadda Soomaaliya laga xusayo, taasi waxay ku tusaysaa inaan shacabku dheg u jalaqsiinaynin daneysteyaal la soo tijaabiyey, taasoo ka mid ah guulaha iyo halganka xooggaga baraha Bulshada ee Dawlada garab taagan, kuwaas oo ah mashiin awood badan oo meeshii ay diiradda saaran ruxmayso, waxaana hubaal ah in Dawladu ay dhawaaqooda dhegaysato ama uu si deg deg u gaaro, waxaana maalin walba soo badaneysa isku kalsoonida iyo hankoodu ku aadan inay dalkoodii oo burburay dib u dhisayaan, waxayna ku sii socdaan heer ay ku hadaaqaan in qofkii ay danta dalka u arkaan la doorto ama Dawladan 2 Sano oo ay wax badan ku qabato loogu daro, xisaabta kuma darsadaan Beel Caalam iyo cadaadiskii Dawladiii hore la kulmi jireen.

Image may contain: one or more people, sky, cloud and outdoor
Image may contain: one or more people, wedding, sky and outdoor
Image may contain: 5 people
Image may contain: 2 people, outdoor
Image may contain: 6 people, people smiling, people standing
Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor

Milateriga Israa’iil oo weeraray Qaza iyo Suuriya

duqayn israil saldhigiran suuriya

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen marinka Qaza yo Suuriya ay ku bartilmaameedsadeen kooxo jihaad doon ah.

Weeraradan ayay Israa’iil sheegtay in looga jawaabayay gantaalo lagu soo weeraray dalkeeda gaar ahaan dhanka Koonfureed.

“Waxaanu bartilmaameedsanay saldhigyo ay kooxaha jihaad doonka ah ku leeyihiin Koonfurta caasimadda Dimishiq iyo marinka Qaza,”ayay yirahdeen milatreriga Israa’iil.

Waxaa adag in Israa’iil ay sheegato weeraro ay ka fuliso gudaha dalka Suuriya, waxaana ay sheegeen in milaterigoodu uu bartilmaameedsaday “xarun ay ka hawlgalaan kooxaha jihaad doonka ah” oo ay sheegtay inay ku dhuumaleystaan gudaha Qaza iyo Suuriya.

Haseyeeshee Dowladda Suuriya ayaa sheegtay inay soo ridday inta badan madaafiicdii lagaga soo tuuray dhanka Israa’iil. Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen Qaza, isla markaana aysan jirin wax dhimasho ah.

Weeraradan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay Koonfurta Israa’iil kusoo dhaceen madaafiic gaaraya 20 oo laga soo riday marinka Qaza, mana jirto wax khasaara ah oo ka dhashay weeraradaasi.

Xiisadda ayaa bilaabatay maalin kahor, kadib markii Israa’iil ay sheegtay in xadka Qaza ay ku dishay shakhsi ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ee Falastiiniyiinta ah.

Getty Images

Xukuumadda Tel Aviv waxaa kale oo ay sheegtay in ninkaasi uu qaraxyo ku rakibayay dhanka xadka.

Muuqaalo si aad ah loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya cagacagaf Israa’iil leedahay oo qaadaysa meydka ninka la dilay, arrintaas oo ka careysiisay dad badan oo Falastiiniyiin ah.

Qaar kamid ah shacabka Falastiiniyiinta ayaa ku baaqay in loo aarguda, saacado kadibna waxaa madaafiic lagu garaacay Israa’iil, taas oo keentay in la weeraro Qaza.

Kooxda Islamic Jihaad ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna ku tilmameen mid looga jawaabayo dilka mid kamid ah oo lagu dilay dhanka xadka.

Islamic Jihad, oo ay taagaeerto Iran, waa mid kamid ah kooxaha ugu adag ee ka dagaalama marinka Qaza, waxayna xulafo la yihiin kooxda kale ee Xamaas, kuwaas oo dagaallo dhowr ah la galay Israa’iil.

Gacan ka hadalka u dhaxeeya Israa’iil iyo kooxdan ayaa soo bilawday bishii Nofembar ee sanadkii hore, xilligaas oo Israa’iil ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay sarkaal sare oo katirsan kooxdaas gacan saarka la leh Iran.

Isku dhaca ciidamada Israa’iil iyo Falastiniyiinta ayaa dhacay horraantii sanadkan, maalma uun kadid markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu daaha ka rogay qorshihiisa cusub ee nabadda bariga dhexe.

Maxaad ku oran lahayd ninkii dilay hooyadaa?

Sarah Salsabila

Maxaad ku oran lahayd raggii dilay hooyadaa? miyaad cafin kartaa? Su’aalahani ayaa ahaa kuwii ka guuxayay Sarah Salsabila oo 17 jir ah oo bishii Oktoobar ee sanadkii hore booqatay xabsi ku yaal jasiirad ku taal Indonesia.

Iwan Setiawan wuxuu saarnaa mooto ama dhug-dhugleey, wuxuu xawaare ku ag marayay safaaradda Australia ku leedahay Jakarta. Waxaa uu ka fikirayay xaaskiisa, oo la saaran mootada isla markaana dhexda haysatay. Waxay ahayd uur oo wuxuu dareemayay caloosheeda oo taabanaysa dhabarkiisa. Waxay uurka ku sidday cannugoodii labaad oo ay filayeen usbuucyo gudahood, waxayna ku sii jeedeen isbitaal si loo baaro.

“Si lama filaan ah ayaa waxaan maqlay jug aad u culus oo mootada naga tuurtay,” ayuu yiri Iwan oo xusuusanaya wixii maalintaasi dhacay.

Iwan ma ogeyn waxa dhacay ilaa goor dambe oo uu ogaaday in qarax ismiidaamin ah uu dhacay, kaa oo ay gaysatay kooxda xag jirka ah ee Islaamiga ah ee Jamaacah Islaamiyah, oo ah koox xagjiriin ah oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida. Kooxdan ayaa mas’uul ka ahayd weerarro isdaba joog ah oo ka dhacay dalkaasi Indonesia, oo ay ku jiraan qaraxyadii Bali ka dhacay sanadkii 2002 oo ay ku dhinteen 202 qof oo ka kala yimid daafaha dunida.

“Waxaan arkay oo kaliya dhiig. Dhiig aad u badan. Biro ayaa burburiyay mid ka mid ah indhahayga.”

Qaraxa ayaa xaaskiisa ka soo tuuray mootada, waxayna ku dhacday meel hal mitir u jirta. Labaduba waxaa loola cararay isbitaalka. Halila Seroja Daulay oo qabto dhaawacyo aad u xun ayaa markiiba waxaa qabtay fool.

“Waxaa loola cararay qolka qalliinka ka dib markii ay foosha qabatay. Laakiin Ilaah baa mahad leh, si kastaba ha ahaatee waa ay umushay iyada oo aan qalliin galin,” ayuu yir Iwan.

Habeenkaasi waxaa dhashay Rizqi.

Bali

“Hooyaday waxay ahayd qof adag,” ayay tiri Sarah oo ah curudka Iwan iyo Halila. “In kasta oo lafaheedu ay burbureen, haddana waxaa u suurtagashay in ay qalliin la’aan umusho. Waxay ahayd qof adkeysi badan.”

Haseyeshee Halila kama aysan soo kaban dhaawacii ka soo gaaray qaraxaasi, waxa ayna u dhimatay laba sano ka dib, xilligaa oo ku beegnayd shan sano guurada dhalashada Sarah oo ahayd curuddeeda.

“Waxaan waayay saaxiibkeeyga ugu wanaagsan, lamaanaha naftayda, iyo qofkii i dhameystiray. Aad ayay iigu agad tahay inaan ka hadlo,” ayuu Iwan.

bali
Sarah iyo hooyadeed Halila.

Markii hore, Iwad wuxuu ka fikirayay in uu u aargudo xaaskiisa.

“Waxaan rabay in la dilo shakhsiyaadkii falkaasi geystay ee ka badbaaday qaraxa, balse sidoo kale ma aanan doonayn in ay si dhakhso ah u dhintaan,” ayuu yiri Iwad.

Waxaan doonayay in marka hore la jirdilo. Waxaan doonayay in haragga laga bixiyo iyaga oo nool oo milix lagu shubo jirkooga dhaawaca ahi, si ay u dareemaan xanuunka qarixii ay gaysteen”

Oktoobar sanadkii 2019, ayuu Rizqi oo hooyadii ay mootan tahay 13 sano, waxa uu raacay aabihii Iwad iyo walaashii Sarah. Waxay raaceen doon si ay u booqdaan xabsiga ugu ilaalada badan dalkaasi Induniisiya.

bali

Halkaasi ayay ahayd in ay kula kulmaan laba nin oo dil toogasho ah ku xukuman. Labadaasi nin ayaa lagu helay dambi ah in ay gaysteen qaraxaasi oo carruur badan waalid la’aan dhigay isla markaana kala geeyay lamaane is-jecel.

“Wadnaha ayaa I garaacmayay oo waxaan dareemayay dareen aad u qiiro badan. Ma tilmaami karayn wixii ka guuxayay maskaxdeyda,” ayuu yiri Iwan.

“Waxaan rajaynayay uun in safarkani uu furi doono quluubta dadkii qaraxaasi fuliyay ee dadka laayay.

Iwan ayaa mar sii horreysay la kulmay mid ka mid ah raggaasi toogashada ku xukuman. Arrintaa waxaa ka soo shaqeeyay barnaamijka dhaqancelinta kooxaha xagjirka ahi oo kulan u qaban qaabiyo mintidiinta xabsiga ku jira iyo dadka ay ehelkooga laayeen. Balse waa markii ugu horreysay oo carruurtiisa ay la kulmaan raggan.

Bali

Muddadii ay doonta sii saarnaayeen, ayaa Sarah waxay ku mashquulsanayd taleefoonkeeda, waxayna iska qaadeysay sawirro balse mar la weydiiyay waxa ay isu mashquulinayso ayay ku jawaabtay “waxaan filayaa in kulankani uu fikir ku abuuri doono argagixisada oo ay Ilaah ka codsan doonaan facis. Haddii dabcan ay ka qoomamaynayaan wixii ay sameeyeen, waxaa suurtagal ah in arrintaasi ay saameyn ku yeelato kuwo kale, waxaannan rajaynayaa in arrintaa oo kale aysan mar dambe dhici doonin”.

Iwan Darmawan Munto oo ku magac dheer Rois waxa uu ka mid yahay raggaasi dilka ku xukuman, waxa ayna Iwan iyo carruurtiisa ugu tageen qol yar oo martida loogu tala galay. Rois waxa uu saarnaa baaskiilka dadka naafada ahi ay ku socdaan.

Rois waxa uu ku farxay xukunka maxkamadda oo ahaa dil toogasho ah, waxa uuna yiri “aad baan u faraxsanahay in dil la igu xukumo waayo waxaan dhimanayaa aniga oo ah shahiid. Sababtu waxay tahay, safaaradda Australia waxaa loo beegsaday taageerada milatari ee ay siiso Mareykanka oo dalka Ciraaq dagaal ka waday xilligaasi.

Laba askari oo hubeysan oo wajiyada soo duubtay ayaa dhinacyada ka taagnaa Rois. Iwan iyo xubnaha kale ee qoyskiisa iyo weriyahay BBC-da ee la socday ayaa loo sheegay in ay gidaarka miciin bidaan haddii ay dareemaan wax halis ah.

Bali

Iwan, Sarah iyo Risqi ayaa salaamay Rois, waxa ayna ku fariisteen kuraas caag ah oo meesha tiilay. Iwad ayaa hadalka billaabay oo yiri “carruurteydu waxay aad u danaynayaan in ay la kulmaan qofkii sababay in ay waayaan hooyadood islma markaana aabahood dhigay il la’aan.”

Rois wuxuu weydiiyay Iwan halkii uu joogay markii uu qaraxaasi dhacayay. Iwan ayaa u sheegay in xaaskiisa oo uur la hayd iyo isaga ay ka mdi ahaayeen dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi. Wuxuu sidoo akle u sheegay in xaaskiisa ay habeenkaasi dhashay wiilkiisa Rizqi oo uu farta ugu fiiqay. Haseyeeshee Rois ayaa ku jawaabay sida tan “aniguna waxaan dhalay cannug. Muddo sanado ah ma aanan arag xaaskeyga iyo cannugeyga. Xaaladda ku haysata mid ka xun baan dareemayaa waayo adiga waxaa kula jooga carruurtaada. Anigu cannugayga xitaa ima yaqaan.”

Rois wuxuu eegay Sarah iyo Rizqi oo gacmahooga eegaya, oo ka baqaya in toos ay u eegaa Rois. Sarah waxay Rois weydiisay sababta uu weerarkaasi u gaystay, wuxuuse ku jawaabay “Waad fahmi doontaa marka aad weynaatid. Anigu ma gaysan waxa ay igu eedeeyeen. Ma jirto sabab aan u qirto. Anigu raalli kama ahi in aan qayb ka noqdo weerar dadka ku dhimanaya ay yihiin Muslimiin. Sax ma ahan. Ma ahan in aad disho qof Muslim ah.”

Weriyaha ayaa weydiiyay in uu taageerayo dilka dad aan Muslimiin ahayn, wuxuuna sheegay in marnaba uusan raalli ka ahayn in dad la laayo.

Rois waxaa kaligii hadda lagu hayaa qol gooni ah oo ku dhex yaal xabsigaasi. Iwad iyo carruurtiisa inta aysan tagin, ayaa Rois waxa uu dalbaday cafis, wuxuuna yiri “Bani’aadanka oo dhami waa ay khaldamaan. Haddii aan khalad kaa galay, fadlan icafi. Aad ayaan u dhibbanahay.”

Bali

Markii bannaanka uu u baxay, Iwan, wuxuu dareemayay cii loo wuxuu lahaa “fursad ayaa I dhaaftay oo in aan ka aarsado ayay ahayd.”

Iwan iyo carruurtiisa waxaa loo geeyay Axmad Xasan oo ah ninka labaad ee dhacdadaasi lala xiriirinayo. Iwan wuxuu Axmad u sheegay in halkan ay u yimaadeen si uu ula kulmo carruurtiisa oo uu dilay hooyadood. Waxa uu yiri “carruurteydu waxay doonayaan in ay ogaadaan sababta aad u dishay hooyadood isla markaana aad anigu indhaha ii tirtay.”

Axmad wuxuu ku jawaabay “anigu ma doonayn in aan dhibaateeyo aabahiin. Meesha ayuu marayay balse saaxibkey oo qaraxa siday ayaa halkaa isku qarxiyay. Waxaan filayaa in aad iska key cafin doontaan.”

Waxa uu sheegay in Ilaah uu qadaray in uu carruurtani la kulmo oo uu cafis weydiisto, maadaama sida uu sheegay uu yahay bani’aadam, khaladna uu gali karo.

bali

“Isma celin kari, Sarah waxaan u arkaa in ay tahay gabadheyda. Fadlan, fadlan, fadlan iska key cafi. Cafiskeygu wuxuu ku jiraa gacantaada,” ayuu yiri Axmad.

Jawiga qolkii uu kulanka ka dhacayay ayaa isbadalay oo Iwan iyo carruurtiisa iyo Axmad oo ah ninka ku eedeysan qaraxaasi waxay dhammaantood billaabeen in ay ooyaan.

Iwan ayaa markii dambe sheegay in ereyada Axmad ay aad u taabteen dareenkiisa, wuxuuna yiri “Markii aan arkay Axmad oo ooynaya, ayaan ogaaday in uu ahaa nin fiican. Waxa uu dareemayaa xanuunka dadka kale ay dareemayaan. Waxaa laga yaabaa in dad xun ay duufsadeen, haatanse uu xaqiiqada ogaaday.”

Bali

Kulankaasi ka dib Iwan iyo carruurtiisa waxay sawir la galeen Axmad, iyaga oo dhammaantood gacmaha is-haysta.

Sarah ayaa sheegaty in “Axmad uu u sheegay in uu ka xun yahay wixii dhacay. Waxaan ogaaday in qofku uu wax xun sameyn karo balse gadaal uu iska badali karo oo uu noqon karo qof fiican. Sidaa awgeed, anigu waan cafiyay. Hadda waan faraxsanahay waayo wixii aan waligey doonayay ayaan helay jawaabtooda oo hadda waan qancay,” ayay tiri.

Bali

BBCSOMALI

Hooyadey waxay i dhihi jirtay cidna kuma iibsan karto oo qaalibaad tahay

caruus ghana

“Lacagta ama xoolaha Yarad ahaan gabadha looga bixiyo uma arkayo in loo bixinayo in aniga la igu guursado, sababta oo ah haddii uu qof damca inuu lacag igu iibsado qaali ayaan ku noqonayaa” ayey tiri Angela oo u dhalatay Ingiriiska isir ahaanna ka soo jeedda dalka Ghana.

Waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya qoyska gabadha dhalay Yarad ahaan lacag ama xoola ayaa loo siiyaa. Soomaaliduna waxay ka mid tahay bulshooyinka gabadhooda marka la guursanaya Yarad ka qaato.

“Ninka aan guursaday iyo qoyskiisaba iney lacag igu soo iibsadeen iney u arkaan ma rabo, balse waxaan doonayaa iney ii arkaan hanti qaali ah oo qoyskooda ku soo biirtay” ayey tiri Angela.

Sida uu dhigayo dhaqanka dalka Ghana qoyska ninka gabadha guursanaya lacago ama hadiyad ama labada oo la isku daray ayaa qoyska gabadha Yarad ahaan u siiyaan haddii wixi lagu heshiiyo markaasi ay awoodinna inyar inyar wey isaga bixin karaan.

Angela inkasta oo ay ku dhalatay kuna barbaartay dalka Ingiriiska haddana waxay dooneysaa iney dhaqankeeda dhowrto isla-markaana ay ilaaliso.

“Xilligi Afrikaannimada oo keli ah cadaadis lagala kulmi jiray waa laga soo gudbay, xaaladuhu hadda wey isbeddaleen. Waxaan hadda awood u yeelannay inaan dhaqamadeenna Afrika aan shaacinno isla-markaana aan meel marinno.”

Angela seygeeda Joffrey oo isna ka soo jeeda dalka Ghana wuxuu ku dhashay dalka Ingiriiska. Wuxuuna aaminsan yahay lacagta Yarad ahaan loo siiyo qoyska gabadha iney tahay oo keli ah ‘Gabadhiinna maadaamaa aad na siiseen waad ku mahadsan tihiin’ oo wax kale ma aha.

“Haddiise lacagta yaradda aad loo buunbuuniyo yaraddu markaasi ayey micna beeleysaa. Waxayna la mid noqoneysaa adiga oo gabadha lacag ku gatay sidaana ku kaxeystay.

Arooskooda weyn inta uusan dhicin hal usbuuc ka hor Joffrey iyo Angela waxay dhigteen aroors dhaqanka Ghana waafaqsan, waxayna ku heshiiyeen iney reerkooda oggolaasha weydiistaan si ay u wada noolaadaan.

Balse si ay dhaqanka wax ugu beddelaanna lacagti la helay iyo hadiyadihi arooskooda loo keenay ayey dib uga qaateen qoyska gabadha si ay noolashooda ugu kabaan.

“Hooyadey waxyaaba badan ayey iiga sheekeyn jirtay. Waan xusuustaa carruurnimadeysi ‘Adigu ma tihid qof la iib geynayo, oo cidna kuma iibsan karto” ayey tiri Angela.

Blising iyo Chelsea oo Ingiriiska ku nool waxay iyagu arrintu ku qaabileen si taa ka duwan.

Blising iyo Chelsea

Bilising wuxuu ka soo jeedaa dalka Zimbabwe lacagta yaradda ee la siinayo qoyska gabadha si uu u helo wuxuu xusuustaa inuu laba shaqo uu qaban jiray. Inkasta oo ay noolashu adag tahay haddana maadaamaa uu dhaqankeygu yahay waan ku qasbanaa inaan sidaa sameeyo ayuu yiri.

“Chelsea dhaqankooda sida uu dhigayo lacago iyo hadiyado kale in yarad ahaan reerkeeda loo siiyo dhaqankooda ayaa dhigaya hase yeeshee raalli kama aysan ahayn maadaamaa uu aabbaheed nooleyn. Anigu laakiin marki aan ka dhaadhiciyey ayaan ugu dambeyntii ku heshiinnay inaan yaradda qoyskooda siinno.”

Bilising wuxuu sidan u sameeyey si uu qoyska gabadha uu si kalsooni oo aan cabsi laheen uu ula hadlo.

.
Image caption.

Gabadh reer Zimbabwe oo u dhaqdhaqaaqda in la joojiyo dhaqanka soo jireenka ah ee yaradka lagaga bixiyo dumarka la guursanayo kaas oo wadamada Koonfurta Afrika looga yaqaan Lobola.

Priccilar Vengesayi oo ah qareen ayaa qudheedu doonaysa in la guursado waxaanay rumaysantahay in dhaqanka yaradka haweenka lagaga bixiyaa yahay mid lagu liidayo qiimaha dumarka, waxaa kale oo ay sheegtay in waalidiinta qaarkood ragga hablaha uga soo fadhiista ku xidhaan xoolo badan arintaasina ay dhaqanka yaradka ku noqotay foolxumo.

Dacwad ay u gudbisay maxkamadda dastuuriga ah ayey dooddeeda ku sheegtay in dhaqankaasi yahay mid duugoobay, waxaanay dalbatay in lamaanaha is calmada loo ogolaado in ay isguursadaan oo aan lagu khasbin in ninku yarad bixiyo.

Dhaqanka yarad bixintu waa arin aad looga yaqaan dalka Zimbabwe oo dhan, waxaana gabadh caana oo haysata horyaalka tartarkanka dabaasha oo la yidhaa Kirsty Coventry waalidkeed ka dalbadeen ninkii u soo fadhiistay in uu bixiyo sac iyo digaag, halka gabadh uu madaxweyne Mugabe dhalay oo la yidhaa Bona iyadna laga bixiyey yarad dhan kun doolar oo lacag ah iyo 15 neef oo lo’ ah.

Rasaas hubka lidka diyaaradaha oo xalay Laascaanood laga maqlay

war deg deg

Xalay abaara 3 habeenimo ayaa mar qudha magaalada Laascaanood waxaa laga maqlay dhawaqa rasaaska ka dhacday lidka diyaaraha, gaar ahaan dhashiikaha iyo Shilkaha sida ay sheegeen dadka degaanku.

Madaama ay goor habeenimo ah oo waqti dambe ahay Ilaa hadda wax faahfaahin ah lagama helin sababta keentay in hubkaas la adeegsado.

Wixii warar ee ka soo kordha gadaal ayaan ka soo sheegi doonaa.

Shaqaalaha dalka Mareykanka oo xitaa kirada guryaha aan iska bixin karin

lamaane usa corin iyo shaun

Corin Kealoha iyo Shaun Karagory, waa nin iyo xaaskiisa. Labaduba waxay haystaan shaqo, balse marnaba ma awoodaan in ay nolashooda maareeyaan oo xitaa cunno ma heli karaan. Sidaa awgeed, waxay ku nool yihiin raashinka ay ka soo qaataan goobaha lagu quudiyo dadka saboolka ahi.

“Xitaa ma maareyn karayno nolashayada oo waxa aan mushaar ahaan u qaadanno kuma filna nolashayada,” ayuu yiri Corin oo 46 sano jir ah isla markaana ka shaqeeyo qeybta soo dhaweynta ee hoteel ku yaal magaalada Reno ee gobolka Nevada ee dalkaasi Mareykanka.

Lamaanahani waxay raashin u raadsadaan xarunta St Vincent’s Food Pantry ee lagu quudiyo dadka saboolka ah, halkaasi oo ay ka helaan cunno sida rooti, caano iyo xitaa hilib.

Xaaladdooda nolaleed ayaa astaan u ah wajiga kale ee xaqiiqada madaxweyne Trump ee ah in Mareykanku uu dhaqaale ahaan aad u soo kabsaday muddadii uu madaxweynaha ahaa.

Trump ayaa horraantii sanadkan sheegay in dhaqaalaha Mareykanka uu soo kabsaday, waxa uuna yiri: “Shaqooyinku waa kuwo joogta ah, waxaa sidoo kale kordhay dhakhliga dadka, waxaa meesha ka sii baxayso saboolnimadii baahsanayd iyo sanaddadii dhaqaale kuduudsiga.”

Mareykan

Hadalkaasi ayaa ah mid uu rajeynayo in uu ka caawin doono in mar kale uu ku guuleysto madaxtinnimada dalkiisa, gaar ahaan in uu cod ka helo gobolka Nevada, oo sanadkii 2016 aad looga codeeyay Hillary Clinton.

Ganacsiga guryaha ee gobolkani ayaa haatan xoogaa soo kabsaday tan iyo sanadkii 2008-dii, xilligaasi oo dalku uu guud ahaan galay dhaqaale kuduudsi ba’an.

Balse si aad u ogaatid heerka soo kabashada, waxaad u baahan tahay oo kaliya in aad eegtid dariiqyada ku yaal bartamaha magaalada Reno.

Tusaale ahaan, waddada North Virginia Street, waxaad ku arkeysaa dabaqyo aad u dhaadheer iyo hoteello casri ah iyo dad dalxiiseyaal ah oo sawirro ku qaadanaya Reno Arch oo ah halka ugu caansan magaaladaasi, waxaana halkan aad ku arkeysaa dad ladan.

Balse haddii aad eegtid dhanka kale, gaar ahaan waddada East Fourth Street, xaaladdu sidaa waa ay ka duwan tahay oo waxaad arkeysaa maqaaxiyo yar yar iyo dad dawirsanaya ama safaf ugu jira goobaha dadka lagu quudiyo.

Inta badan dadkani ma ahan kuwa darbi jiifta ahi balse waxaa ku jira oo waliba u badan dad shaqeeya balse waayuhu ka hiilliyay.

Mareykan

“Waxaa halkan noogu yimaada qiyaastii 350 ilaa 450 qoys oo cusub bil kastaa,” ayuu yiri Carlos Carrillo, oo ah madaxa barnaamijka cunno qeybinta ee xarunta St Vincent’s food pantry.

“Waayadii hore waxaa inoo imaan jiray dad badan oo shaqo la’aan ay haysato balse in dhawaale waxaa inoo imaanayay dad u badan shaqaale balse nolashu ay ku adag tahay.”

Raashinka halkan lagu qeybiyo waxaa ka mid ah tan la siiyo Eeyaha iyo bisadaha, waxaana qiyaastii raashinka noocaasi ah halkani qaato bil kastaa qoysas gaaraya ilaa 1,500 oo qoys – waana astaan muujinaysa in mararka qaar qoysaskani ay gaajo ku seexdaan si ay u quudiyaan xayawaanaadka guri joogta ahi ee ay haystaan.

Inta badan dadka ku tiirsan raashinka laga qeybiyo xaruntan ayaa waxay sheegayaan in nolashii ay ku adkaatay oo xitaa ay iska bixin la’yihiin ijaarka guryaha oo haatan aad qaali ugu ah.

Gobolka Nevada ayaa dadka saboolka ah iyo kuwa dakhligooda uu yar yahay waxaa ku haysta dhibaato dhanka guryaha ahi, sida ay sheegtay koox u dhaqdhaqaaqda arrimaha dadka dan yarta ahi.

Mareykan

Dadka deggan magaaladan Reno ayaa sare kaca ku yimid qiimaha kirada guryaha ku eedeynaya dadka hawlgabka ah iyo shaqaalaha shirkadaha tiknoolajiyada ee ka soo guuraya gobolka deriska ah ee California, oo xudduud la leh Nevada iyo sidoo kale dhismaha guryaha oo aad ugu yar magaaladan.

Corin iyo Shaun ayaa ka mid ah dadka ay arrintaasi saameynta ku yeelatay. Shaun oo 39 sano jir ah, ayaa ka shaqeyn jirtay shirkad dhanka ammaanka ah, waxaana markii dambe ku dhacay xanuun ku khasbay in ay shaqada isaga tagto.

“Hooy la’aan ayaan noqonnay sababtoo ah waxaan iska bixin weynay kirada guriga aan deggannahay,” ayuu yiri Corin. “Ugu dambeyn waxaan miciin bidnay gaarigayaga oo aan hooy ka dhigannay.”

Corin iyo Shaun, waxay haatan saacaddiiba ku shaqeeyaan toban doolar balse kirada guriga ay haatan deggan yihiin ayaa ah 900 oo doolar bishiiba, taa oo ka dhigan in wixii ay shaqeytaan ay inta badan ku bixiyaan kirada guriga.

Mareykan

“Wali xaaladdayadu ma ahan mid deggan – oo xitaa ma hubno xaaladda aan wajihi doono mustaqbalka,” ayuu yiri Corin oo dhoolla caddeynaya. “hadda maalin waliba si baan u nool nahay.”

Jim Eaglesmith waxa uu muddo afar sano ah daryeelayay hooyadii oo xanuunsan, waxaana markii dambe ku dhacday shaqo la’aan maadaama uu wakhtigiisa inta badan ku bixinayay daryeelka hooyadii.

“Kharashaadka ku baxaya kirada guriga, cunnada, caafimadka ayaa fuuqsaday dhammaan wixii dhaqaale ahaa ee aan haystay… saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaan dhameysannay wixii lacag ahaa u yiilay hooyadey iyo 401,000 oo doolar oo aan anigu keydsaday. Wixii aan haysannay oo dhan waan dhameysannay,” ayuu yiri.

Intaa ka dib waxa uu sheegay in muddo laba bilood ah ahaayeen hooy la’aan, waxa uuna la seexanayay saaxibbadii. Markii dambe wuxuu u guuray tuulo ay ku yaalliin guryo loogu tala galay dadka dan yarta ahi, waxa uuna kiro ahaan u bixyaa bishiiba 400 oo doolar.

Mareykan

Daryeelka caafimaad ayaa aad qaali uga ah gudaha Mareykanka, taana waxay ka dhigan tahay in dadka saboolka ahi iyo dan yartuba aysan u sahlanayn in ay helaan daryeel caafimaad.

Riyada ah in qof kastaa oo Mareykan ah uu helo guri uu leeyahay ayaa haatan u muuqata mid aan marnaba suurtagal ahayn, maadaama dad badan oo ay ku jiraan kuwo shaqeeya aysan haatan awoodin in ay guryo iibsadaan.

Kirada guryaha oo qaali ah iyo kharashka badan ee ku baxaya caafimaadka ayaa halis gelinaya nolasha dadka dakhligoodu yar yahay ee ku nool dalkaasi Mareykanka.

Angel Mcceig-Escalanti oo 44 sano jir ah ayaa sheegeysa in dakhliga soo gala qoyskeeda intiisa badan lagu bixyo ijaarka guriga ay deggan yihiin.

“Nooma aysan suurtagelin in gebi ahaanba aan lacag dhiganno, nolasha ayaan la daalaa dhaceynaa.

Mareykan

Angel iyo seygeeda waxaa la nool hooyadeed iyo cannug ay dhashay, waxa ayna deggan yihiin guri laba qol ka kooban oo kiradiisu tahay 1,270 oo doolar bishiiba. Sidaa awgeed, midkood ayaa waxa uu ku seexdaa kuraasta taalla qolka fadhiga.

Angel ayaa gargaar iyo kaalmo u raadsata xarunta St Vincent’s Food Pantry iyo xarumo kale ee laga qeybiyo raashinka, si ay u quudiso qoyskeeda.

Warbaahinta iyo siyaasiinta Mareykanka uma kala soocna soo kabashada dhaqaale ee dalka iyo xaaladda adag ee ay wajahayaan qoysaska saboolka ah.

Dadka shaqaalaha u badan ee dalkaasi ayaan isu arkin in ay sabool yihiin balse intooda badan waxaa ku adag nolasha oo ma awoodaan in xitaa ay iska bixiyaan kirada guryaha ay deggan yihiin.

Mareykan

Arbacadii la soo dhaafay ayaa dood dhex martay musharrixiinta xisbiga Dimuquraadiga ee Bernie Sanders, Elizabeth Warren, Pete Buttigieg iyo Amy Klobuchar, waxay dhammaan ballan qaad u sameeyeen dadka shaqeeya, waxayna soo hadal qaadeen arrimo ay ka mid yihiin in shaqaalaha mushaarka loo kordhiyo.

Balse marka ay timaado codbixinta, qof waliba waxa uu leeyahay go’aankiisa oo uu u madax bannaan yahay, waxaase jirta in siyaasiintu ay codadka dadka dabaqadda dhexee ee shaqaalaha u badan u arkaan kuwo ay mar waliba ku xisaabtamaan.

Mareykan

BBCSOMALI

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY