Home Blog Page 484

Tartanka qaadista miisaanka culus oo Muqdisho lagu qabtay

qaadis culeys

Magaalada Muqdisho waxaa todobaadkan lagu soo gabagabeeyay tartanka qaadista miisaanka culus.

Tartankan waxaa ka qaybgalay dhawr iyo toban dhalinyaro ah kuwaasoo kamid ah dhalinta jirkooda dhisa ee taga xarumaha jirdhiska ee magaalada.

Kama dambeysta tartankaasi waxaa isugu soo hartay afar wiil oo qaadista miisaanka culus ka bilaabay 140kg wuxuna qofkii ugu dambeeyay ee guuleysta uu qaaday 165kg.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibrahim Maxamad Aadan oo goobjoog u ahaa gebagabada tartankaasi ayaa ku soo warramaya in tartankan uu ahaa mid xiise leh.

Muqdisho
Mid ka mid ah dhalinayaradii ka qeybqaadatay tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Tartanku waxa uu socday muddo labo maalmood ah kaas oo awoodooda wax qaadista ay ku soo bandhigeen 12 dhalinyaro ah oo mudooyinkii dambe ku hawllanaa sidii ay jirkooda u dhisi lahaayeen.

Maalintii koowaadba waxa tartanka ka haray 8 tartame, waxana kamadambeysta isugu soo haray afar kaliya, oo kala ahaa Maxamed Cabdirashiid Maxamed oo uu culeyskiisu yahay 78kg, Cabdifitaax Cabdillahi Cali oo yahay 83kg, halka Cabdullaahi Xasan Maxamed 71kg iyo Cabdicasiis Maxamed Sabriye oo culeyskiisu yahay 75kg.

Muqdisho
Mid ka mid ah dhalinayaradii ka qeybqaadatay tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Maxamad Cabdirashiid ayaana aakhirkii noqday guuleystaha tartanka isagoo la siiyay abaal marin lacageed iyo borootiinada jirka lagu dhiso.

“Runtii dedaal badan ayaan soo sameeyay iyo in badan oo aan soo tababaranayay, maanta runtii waan arkaa faa’iidada natiijada waanan ku faraxsanahay boqolkiiba boqol oo aan bilowgii horaba aaminsanaa.” ayuu yiri Maxamed Cabdirashiid.

Muqdisho
Mid ka mid ah dhalinayaradii ka qeybqaadatay tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Mar la waydiiyay sida ay ku dhacday in halmar dhulka laga rujiyo oo kor looqaado 165kg ayuu Maxamed waxa uu ku jawaabay “Waa dedaal aan soo waday muddo afar sanadood ah, maantana waxaan awood u yeeshay inaan dadka hortooda ku soo bandhigo ileen wax aan shalay bilaabay ma ahan oo afar sanadood halkan kama dhawa runtii waa dedaal badan oo aan soo waday.”

“Runtii maanta 165kg waaye laakiin bilaha soo socda insha Allaah hadafkeygu waa inaan gaarsiiyo 200kg ilaa 220kg.” ayuu ku daray Maxamed.

Muqdisho
Dad u soo daawasho tagay tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Cabdifitaax Cabdillaahi ayaa isna kaalinta labaad ee tartanka ku soo baxay waxana la gudoonsiiyay lacago kaash ah.

“Laba sanadood ayaan tababar waday laakiin muddo hal bil ah ayaan dedaalaayay oo aan tartankan isku diyaarinaayay haddana kaalin fiican ayaan galay, waanan ku faraxsanahay kaalinta aan hadda gaaray,” ayuu yiri Cabdifitaax Cabdillaahi.

Muqdisho
Garsoorayasha tartanka qaadista miisaanka culus ee Muqdisho lagu qabtay

Maxamed Axmed, madaxa mac-hadka jirdhiska ee City oo tartankan qabtay ayaa BBC-da u sheegay in hadafkoodu ahaa in dhalinta jirkooda dhisa la muujiyo kaalintooda, mustaqbalkana loo diyaariyo inay tartamo kale ka qeybgalaan.

“Muhiimaddu waxay aheyd in dhalinyarada dhigta xarumaha jirdhiska inay helaan meel ay ku soo bandhigi karaan xirfadooda iyo qaab hufan oo ay medadaalo u heli karaan,” ayuu yiri Maxamed Axmed.

“Caqabado badan ayaan la kulannay qaar badan oo waddooyin inoo furayna way jiraan, oo iskudubaridka markii aan howshan qaban qaabinaynay dadka qaar waxa ay u arkayeen in aan sameynayno wax aan micno lahayn, laakiin alxamdulillaah hadda waxaan helnay taageero badan.” ayuu ku daray Maxamed Axmed.

Daawo Xuska 100 guuradii duqayntii Diyaaradaha gumeysiga ee Taleex M Farmaajo iyo Kheyre oo la matiqaaday

daraawiish

Baroordiiq balaaran ayaa shalay magaalada Taariikhiga ah ee Taleex loogu sameeyey 100 guuradii duqayntii Diyaaradaha gumeysiga ee Taleex, taas oo shalay bishu ahayd 7 feb ku beegnayd.

Tobanaan ku oo shacab ah ayaa duqayntaas ku dhimatay.

Bulshadda Reer Taleex ayaa martiqaad u fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyre, iyagoo ka codsaday inay soo booqdaan Taleex.

Daawo:

BARNAAMIJ DHAMAYSIRAN..Xuska 100 sano guuradii Daraawiishta.Muuqaalka Fadlan 5K Share gaarsii Hadaad Darwiish tahay..Bidhaan Media Wehelka bulshada…

Slået op af Bidhaan Media i Fredag den 7. februar 2020

Xarun ay lahayd Shabaab oo duqeyn lagu burburiyey

us africom

Milatariga Mareykanka ayaa tafaasiil dheeri ah ka bixiyey laba duqeyn oo 6-dii Febraayo, 2020, ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in lala eegtay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd halkaas.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xarun ay Al-Shabaab lahayd “si weyn loogu burburiyey mid kamid ah duqeymaha”.

“Laba kamid ahaa argagixisadda Al-Shabaab ayaa ku dhaawacmay labadda duqeyn,” ayuu raaciyey war-saxaafadeedka.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa meesha ka saarey in waxyeelo soo gaarey shacab ay ka dhasheen howlgalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Mareykanka oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Afar maalmood kahor ayay ahayd markii duqeyn Mareykanka uu ka geystay degaano ka tirsan Jubada Hoose la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalame ka tirsanaa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta safar ugu baxay dalka Itoobiya

farmaajo dhoof3

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wax yar kaddib markii uu saxiixay Sharciga Batroolka.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta ay ku beegan tahay 8-da February 3 sano guuradii ka soo wareegatay markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ka hor inta aanu Madaxweynuhu ka dhoofin garoonka waxaa loo xiray wadada ka baxda Madaxtooyada, hor marta Dekeda Muqdisho illaa School Polizio.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadlaha ah.

Madaxweynaha ayaa bilihii u dambeeyay safarada ugu badan ku tagayay magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa, oo Madaxda labadaas dal ay ku mideysan yihiin isbaheysi saddex geesood ah oo iskaashiga dhaqaalaha iyo is dhex galka saddexda dal ee Somalia, Eritrea iyo Itoobiya.

Aqalka Sare oo ansixiyey SHARCIGA doorashooyinka

aqalka sare

Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa waxa ay dood adag ka yeesheen akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyaga oo maanta ugu dambeyn ansixiyay sharcigaasi.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee ka soo baaraan-dagiga sharciga doorashooyinka Senator Maxamed Amiir Sheekh Cusmaan ayaa markii hore Golaha ka hor akhriyay sharcigan wixii ay ka soo baaraan dageen oo ay turxaan bixin ku sameeyeen.

Codeyn kadib, guddoonka golaha aqalka sare ayaa sheegay in cod aqlabiyad leh ay Senetarada golahaasi ku meel mariyeen sharciga doorashooyinka qaranka oo dood adagi ay ka taagnayd.

Sharcigan waxaa ogaaladay 27 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin.

Sharcigaan ayaa horay waxaa u soo meel mariyay 28-kii December xildhibaanada golaha shacabka Soomaalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu saxiixo Sharciggaan si uu dhaqan galo.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga batroolka

farmaajo saxiix

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo

Sawirro: DF oo soo furatay caruur ay si qasab ah ku askareysay Al-Shabaab

caruur askarayn shabaab

Maamulka gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidanka Xoogga dalka ku soo furteen caruur la sheegay in si qasab ah lagu askareeyey oo kooxda Al-Shabaab ku tababareysay deegaan hootaga gobolkaasi.

Guddoomiyaha amniga ee degmada Xudur, Mudane Ibraahim Isaaq Ibraahim (Shaati) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in caruurtaasi oo gaaraya illaa sideed gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo lagu heystay deegaanka Doodaali ee gobolka Baay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caruurtaasi inta badan si xoog ah looga qafaashay dhulka miyiga ah ee gobolka Bakool.

Mr. Ibraahim Shaati ayaa sidoo kale intaasi ku daray in u jeedka uu ahaa in caruurtan yar yar loo adeedsado dagaalka ay dalka ka wado kooxdaasi.

Xilliga la qabanayey ayuu sheegay in ay la socdeen mootooyin nooca seddex lugleyda ah oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-Jirow, isaga oo carabka ku dhuftay in sidoo kale lala qabtay laba darwal oo kaxeynayey mootooyinkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan caruurta lagu hayo saldhigga Booliska Xudur, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Cabdirashiid Janan oo ka warramay qaabkii uu xabsiga uga soo baxsaday

cabdirashiid janan

Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay.

Dad badan waxay su’aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda federaalka.

Janan, oo aan warbaahinta la hadlin tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay BBC-da uga warramay qaabkii ay ugu suurtagashay inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay.

Xabsi la ima geynin

“Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka”, ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu BBC-da u sheegay in xaafado caadi ah lagu hayay intii uu ku jiray gacanta ciidamada dowladda Federaalka.

“Markii la i qabtay kaddib waxaa la i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku sugnaa.

Janan aya ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay.

“Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan”.

Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xiray.

“Markii ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe”, ayuu yiri.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan, laakiin waxay shaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi bani’aadannimo.

Siduu ku baxsaday?

Markii aan weydiinnay su’aasha ku saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay, wuxuuna ka bixiyay sharraxaad:

“Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday”, ayuu yiri.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yiri: “Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda”.

“Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”, ayuu yiri.

Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado.

Wuxuu si kooban u sheegay inay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado.

Dhinaca kalena wuxuu beeniyay warar sheegayay in diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay inuu hadda ku sugan yahay Buulaxaawo qorsheynaya inuu qabta degmoyin ka tirsan gobolka Gedo.

Dadaalka ku saabsan dib usoo qabashada Cabdirashiid Janan

Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Kenya ka dalbatay inay xirto Cabdirashiid Janan, kaddibna ku wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Amnesty ayaa sheegtay in Janan uu ku eedeysan yahay “xadgudubyo waaweyn” oo ka dhan ah xuquuqul-insaanka, loona baahan yahay “inuu caddaaladda Wajaho”.

Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya, oo dadaal ugu jirta dib usoo qabashada Cabdirashiid Janan ayaa codsatay in lo soo gacan galiyo.

Taliska booliska Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saaray 4-tii bishan February ayaa dowladda Kenya ka dabaday inay usoo xiraan Jajan, waxayna sidoo kale codsi u direen booliska adduunka ee INTERPOL, kuwaasoo ay weydiisteen inay ka caawiyaan sidii dib loogu soo gacan galin lahaa.

Laakiin dowladda Kenya kama jawaabin labada dalab midna.

Maamul goboleedka Jubbaland, oo si joogto ah u dhaliilayay xarigga Janan ayaa sheegay inuusan wax dambi ah lahayn, xariggiisii horena loo maray waddo aan sharciga waafaqsaneyn oo afduub ah.

Cabdirashiid ayaa dabayaaqadii bishii August ee sanadkii 2019-kii xabsiga loo taxaabay isagoo safar ku marayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, tan iyo xilligaasna hal mar ayaa maxkamad tasoo taagay.

Qaban-qaabada kulanka Mohamed Bin Salmaan iyo Netanyahu

Bin Salman Netanyahu

Dowladda Mareykanka ayaa isku dayeysa inay kulan ka dhacaya magaalada Qaahira horaanta bisha March isugu keento ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, waxaa sidaas wariyey wargeyska Israel Hayom.

Diblomaasiyiin Carab ah ayaa u sheegay wargeyska Israel Hayom in muddo sanad ah ay wada-hadallo u socdeen saraakiil Mareykan, Israel iyo Sacuudiyaan ah, kuwaasi oo uu dhex-dhexaadinayey xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo.

“Maalmihii dhowaa waxaa aad u xoogeystay wada-hadallada Washington, Israel, Masar iyo Saudi Arabia, si loo agaasimo kulanka Qaahira oo dhacaya toddobaadyada soo socda, xitaa ka hor doorashada Israel, oo dhaceysa 3-da March,” waxaa sidaas wargeyska u sheegay diblomaasi sare oo Carab ah.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegay, in marka laga reebo Masar oo martigelineysa kulanka, ay sidoo kale ka qeybgeli doonaan dalalka Imaaraadka Carabta, Sudan, Bahrain, iyo Oman.

Ilo-wareedyo Carab ah ayaa u sheegay Israel Hayom, in sidoo kale kulanka lagu casuumay boqorka Jordan Abdullah, balse uu doonayo in sidoo kale la casuumo hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas. Cabas ayaa muujiyey inaanu diyaar u ahayn inuu aqbalo caasuumaddaas.

Saudi Arabia iyo dalal dhowr ah oo ku yaalla Khaliijka ayaa sanadihii dhowaa billaabay inay xiriir hoose la yeeshaan Israel, taasi oo sare u qaaday walaaca laga qabo inay doonayaan xiriir rasmi ah oo ay la yeeshaan Israel, islamarkaana dhinaca isaga riixaan Falastiiniyiinta u dagaalamaya inay dal helaan.

Mohamed Bin Salman ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu cayaaro door la mid ah kii madaxweynihii hore ee Masar Anwar Sadat, oo uu noqdo hoggaamiyaha Carbeed ee ugu horreeya ee toos xiriir ula yeesha Israel.

“Mohamed Bin Salman waxa uu ka mid yahay jiil cusub, oo agtooda aysan ku weyneyn taariikhda, islamarkaana aan wax calool dabac ah u hayn Falastiiniyiinta. Marar badan ayuu sidan muujiyey,” waxaa sidaas yiri ilo-wareed la hadlay wargeyska Middle East Eye.

Toddobaadkii tegay, maamulka Trump ayaa shaaca ka qaaday “heshiiska qarniga” ee muranka badan dhaliyey, kaasi oo inta badan dhulka Falastiin loogu gacan gelinayo Israel. Saudi Arabia ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee sida weyn u taageersan qorshahan.

Xildhibaan kala tuuray gabar waardiye ahayd oo is casilay

mp Evode Uwizeyimana

Wasiirkii arrimaha sharciga Rwanda, Evode Uwizeyimana ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu kala tuuray haweeney waarddiye ah.

Isniintii ayay aheyd markii xildhibaanka uu tallaabadan ku dhaqaaqay, sida barta Twitter-ka uu ku shaaciyay qof goob jooga ah.

Xildhibaan Evode Uwizeyimana ayaa raali gelin ka bixiyay dhacdada isla markaasna ka qoomameeyay waxa dhacay.

Wuxuu markii dambe wasiirka booqday xafiiskii ay ka howlgaleysay gabadhaha waarddiyaha ah si ay uga raali geliso arrintaas.

Qaar kamid ah shacabka Rwanda ee adeegsado baraha bulshada ayaa ku cadaadiyay xildhibaanka inuu xilka ka dego balse Khamistii xafiiska ra’iisul wasaaraha Rwanda ayaa shaaca ka qaaday in Evode Uwizeyimana uu xilka iska casilay.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY