Home Blog Page 485

Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiis la isugu furayo hawada labada dal

wasiirada somaliya omar iyo rwanda Gatete

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salad halka dowlada Rwanda uu u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Claver Gatete.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salad ayaa aad u soo dhoweeyay horumarka uu gaaray dalka Rwanda isagoo ku tilmaamay in heshiiskan uu xoojin doono ganacsiga labada dal

“Aad ayaan idinkugu hanweynahay adinkoo dagaalo sokeeye iyo xasuuq ka soo kabatay haatana heer wanaagsan aad gaarteen,waxaan rajeynayaa in arrintan ay noqon doonto tallaabadii ugu horeysay ee dhinaca ganacsiga labada dal ay hore u qaadeen,”ayuu yiri Wasiir Salad.

“Waxaan hubaa in dhowaan aad arki doontaan ganacsato badan oo Soomaali ah kuwaasoo ku qulqulaya dalkiina si ay u maalgashtaan,adinkana waxaan idinka rajeyneynaa in ganacsatadiina ay Soomaaliya yimaadaan,”ayuu sii raaciyay Wasiirka gaadiidka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal.

Dalka Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeeya waxa uu gaarayaa horumar dhinaca xiriirka dalalka caalamka ee dhinaca isgaarsiinta hawada iyadoo diyaarado laga leeyahay wadamada Kenya, Jabuti, Turkey, Qadar, Uganda iyo Ethiopia ay duulimaadyo ku yimaadaan garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNE DENI OO DADKA REER PUNTLAND ISUGU YEERAY SHIR WEYNE WADA-TASHIYA

siciid deni 182019

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay shirweyne ay isugu imanayaan reer Puntland, oo looga tashanayo aayahooda, xilli uu sheegay in dowladda federaalka ay dagaal ku hayso.

Shirkaasi ayaa 15-ka Bisha Maarso ka dhacaya magaalada Garoowe, wuxuuna Deni u yeeray xildhibaannada labada gole ee baarlamanka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan waxgaradka reer Puntland.

Saciid Deni oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya “ay shaqo ka dhigteen sidii loola dagaalami lahaa” maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ay hantidii qaranka iyo ciidamadii loo soo tababaray in ay waddanka ka xorreeyaan argagixisada ay u adeegsaneyso inay ku burburiso maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay gobolka Gedo ku daabuleyso ciidamo “ujeedka laga leeyahay uu yahay caburinta shacabka.”

Saciid Dani ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda federaalka inay baal-martay nidaamkii federaalka ee lagu doortay, islamarkaana ay isku koobtay arrimihii masiiriga ahaa ee dalka, halkii ay wada-tashi kala yeelan lahayd dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo Saciid Deni

MADAXWEYNE DENI OO FARIIN ADAG U DIRAY DOWLADA FEDERAALKA

Slået op af SBC Somali TV i Fredag den 7. februar 2020

IMF oo shaacisay in dalalka khaliijka ay ku faqrin doonaan 15 sano, hal sabab darteed

khaliijka carabta

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa Khamiistii sheegtay in ay baabi’in doonto hodantinimada dalalka Khaliijka ee ku dhisan saliidda, 15-ka sano ee soo socda, haddii aysan sameyn is-beddelo misaaniyadeed.

Lixda dal ee la iskiu yiraah Golaha Iskaashiga Khaliijka, ee kala ah Bahrain, Kuwait, Oman, Qatar, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka Carabta, oo hodantinimadooda ay gaareyso laba trillion oo dollar, ayaa soo saara 20% shidaalka laga isticmaalo caalamka. Hase yeeshee waxaa dhaawacaya hoos u dhaca qiimaha shidaalka dunida.

IMF ayaa sheegtay in dalabka dunida ee shidaalka uu dhammaan doono sanadda 2040 ama ka hor, haddii ay sii socdaan dadaallada lagu bad-baadinayo deegaanka iyo isticmaalka tamarta aan ku dhisneyn shidaalka.

“Dhammaan dalalka Khaliijka waxay garowsan yihiin caqabadaha ay wajahayaan, hase yeeshee xawaaraha ay ku sameynayaan is-beddelo ma xasilin doonto dakhligooda,” ayay tiri IMF.

Dalalka Khaliijka ayaa sanado badan waxay hodantinimadooda tamarta u adeegsanayeen inay mallaayiin ka mid ah muwaadiniintooda siiyaan shaqooyin dowladeed, iyo adeegyo bilaash ah.

Hase yeeshee, shaqooyin dowladeed oo lacag badan lagu bixiyo, ayada oo shaqaalaha aysan wax soo saar wanaagsaneyn, iyo shacabka oo sii kordhaya, ayaa sare u qaadi doonta qiimaha ku baxaya.

Dalalka Khaliijka ayaa dhowaanahan billaabay inay canshuur saaraan adeegyada iyo iibka walxaha qaarkood, si ay dakhli cusub usoo kordhiyaan, hase yeeshee taasi wax weyn kama tarin in miisaaniyadad dowladda ay hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan.

IMF ayaa tusaale usoo qaadatay dalka Kuwait oo ay sheegtay in lixda sano ee soo socota ay miisaaniyadda dowladda ka dhinaan doonto 180 bilyan oo dollar, sababo la xiriira dakhliga kasoo galo shidaalka oo sii yaraanaya.

Sidoo kale miisaaniyadda dowladda Sacuudiga ayaa waxaa sanadkan ka dhinnaa 50 bilyan oo dollar, taasi oo ka badan tii sanadkii 2019 oo ahayd 35 bilyan.

IMF, waxay sheegtay in qiimaha shidaalka oo hoos usii dhacaya darteed, uu sii kordhi doono gaabka miisaaniyadda dalalka khaliijka.

Boqolaal macalimiin ah oo ka cararaya weerarada Al-Shabaab ka gaystaan Waqooyi Bari ee Kenya

kenyan police

Ugu yaraan 804 macallimiin ah ayaa uga tagay magaalada Mandheera ee dalka Kenya nabadgelyo xumo darteed, kadib markii ay ka baqeen weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, sida uu daabacay wargeysa Daily Nation ee ka soo baxay dalka Kenya.

Guddiga Adeegga Macallimiinta (TSC) ayaa bilaabay wareejinta dhammaan macallimiinta aan ka soo jeedin Mandheera, ka dib weerar lagu qaaday oo ka dhacay magaalada  Gaarisa, kaas oo ay ku dhinteen Saddex macalin.

Mandheera waxay horey u haysatay 1,009 macallin oo aan degaanka ahayn, kuwaas oo dhigayay dugsiyada hoose iyo kuwa sare.

550 macallimiin ah ayaa ka tegey dugsiyada hoose halka 254 ay ka isaga  baxeen dugsiyada sare,” ayuu yidhi Issak Giro, oo ah Gudiga waxbarshada ee degmada Mandheera, isagoo raaciyay in yar oo ka hartayna ay sii baxayaan.

DF Somalia oo si rasmi uga hadashay ciidamada Gedo la geeyey iyo ujeedkooda

wasiir maareeye

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay ciidamada dhowaan ay ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo qabsaday degmooyin ka mid ah gobolka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada tegay gooblka Gedo ay yihiin kuwa militari, islamarkaana tegistooda ay qeyb ka tahay difaaca dalka.

“Sida sharciga uu qorayo, difaaca dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe, ciidamada militariga ee hadda dhismaya ayagaa howshaas mas’uul ka ah, sidaas ayayna u tageen Gedo,” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya ay sidoo kale tagi doonaan gobollo kale, oo dalka ka mid ah, islamarkaana aysan jirin sabab arrintaas sharaxaad looga bixiyo.

Hadalkiisa ayaa imanaya, ayada qoraal shalay kasoo baxay golaha wasiirada Jubaland lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo.

Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubaland.”

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowrkii malamood ee tagay qabsaday degmada Beled-Xaawo iyo Doolow, taasi oo macanaheedu yahay in si buuxda uu gobolka Gedo, oo ka tirsan maamulka Jubaland, iminka yy gacanta ugu jiro dowladda dhexe.

Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyey habka uu u xalinayo Khilaafaadka

qoorqoor

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed  Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Madaxweyne Qoor Qoor oo maalmihii ugu dambeeyey kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa tilmaamay inuu wado dadaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee taagan iyadoo taas loo marayo odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanka.

” Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashada Maamulka Galmudug iyo kala aragti kuwanaanshaha waxaa lagu dhameynayaa wadahadal iyada oo loo kaashanayo odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Galmudug” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khilaaf Siyaasadeed iyada oo dhowr madaxweyne lagu doortay deegaanada maamulkaas, waxaase balan qaaday arrintaan in la dhameynayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye  ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato dhinacyada kale sida Ahlu Sunna oo madaxweyne u dooratay Sheekh Shaakir oo ay ku wada sugan yihiin Dhuusamareeb iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Magaalada Gaalkacyo ku dhisay Galmudug kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii dhismaha Galmudug waxa ay sheegtay in la dhisayo Galmudug loo dhanyahay, inkastoo doorashada Qoor-qooq ay aqoonsatay dowladda fedraalka Soomaaliya iyo qaar ka tirsan maamul gobaleedyada.

Diyaarad rakaab ah oo ku duuleysay hawada Suuriya oo gantaal lagu toogtay

map syria

Diyaarad rakaab ah oo ku duuleysay hawada dalka Suuriya ayaa lagu khasbay inay khadka baddalato ka dib markii uu aad u sigay gantaal lidka diyaaradaha ah oo ay ku rideen ciidanka difaaca hawada ee dalkaas, sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka.

Warbaahinta ruushka oo soo xiganeysay saraakiil dhinaca difaaca ah ayaa sheegtay in diyaaraddaas ay damacsaneyd inay ka caga dhigato magaalada Dimishiq, laakiin ay la kulantay jawaab ay ciidamada cirka ee Suuriya ka bixinayeen duqeymo la sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay aroornimadii Khamiista ka fulinayeen gudaha Suuriya.

A Russian Sukhoi SU-30 SM jet fighter standing on a runway at the Hmeimim airbase in Syria

Diyaaradda ku sigatay in uu gantaalka ku dhaco, oo uu nooceedu yahay Airbus 320, ayaa si deg deg ah ugu dagtay garoon ay ciidamada cirka ee Ruushka ku leeyihiin magaalada Hmeimim ee waqooyiga-galbeed Suuriya, sida ay wasaaradda shegetay.

In ka badan 172 ruux oo rakaab ah ayaa xilligaas saarnaa diyaaraddan.

Israa’iil wax war ah kama aysan soo saarin duqeymaha dhacay Khamiistii, base waxay xustay inay boqollaal duqeymo ah ka fuliyeen gudaha Suuriya dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, iyagoo ku bartilmaameedsanayay fariisimo ay leeyihiin maleyshiyaad taageero ka heysta Iiraan.

Waxay sidoo kale mas’uuliyiinta Israa’iil sheegeen inay wiiqayeen awoodda ay Suuriya kusii yeelanayaan xoogagga Xisbullah ee ay taageerto dowladda Iiraan.

.
Muuqaal ay shaaciyeen warbaahinta ayaa lagu arkayay qarax daba socday weerarka lagu eedeeyay diyaaradaha dagaalka ee Iisraa’iil

Israa’iil ayaa wacad ku martay inaysan oggolaan doonin in Iiraan, oo cadowgeeda ugu weyn ah, ay awood qota dheer oo dhinaca milatariga ah kusii yeelato Suuriya, taasoo xukuumadda Tel Aviv ay u aragto isku day ay Iiraan iyo maleyshiyaadka taabacsan ku hareereynayaan Israa’iil.

Wali lama shaacinin dalalka ay u kala dhasheen dadkii saarnaa diyaaradda khatarta weyn gashay.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegay in diyaaraddaas ay kasoo duushay magaalada Tehran ee caasimadda u ah dalka Iiraan. Warar horay usoo baxayna waxay sheegeen in diyaaradda asal ahaan laga leeyahay Ruushka.

Muxuu sheegay Ruushka?

Igor Konashenkov, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka, ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay weerarradooda cirka ku beegaan xilliyada ay hawada ku jiraan diyaaradaha rakaabka ah, si ay ugu gabbadaan, ugana badbaadaan gantaallada ay isku difaacayaan ciidanka cirka ee Suuriya, marka ay howlgalladaas socdaan.

Arrintan, ayuu sheegay, “inay khatar galineyso boqollaal qof oo ah shacab aan waxba galabsan”.

Khariidadda Suuriya

Xukuumadda Moscow ayaa xulafo weyn la ah dowladda Suuriya ee uu madaxweynaha ka yahay Bashaar al-Asad.

Bishii September ee sanadkii 2018-kii, 15 askari oo Ruush ah ayaa dhintay ka dib markii ay ciidamada cirka ee Suuriga si kama’ ah gantaal ugu dhufteen diyaaraddooda, xilli ay ka jawaabayeen howlgal duqeyn ah oo ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil.

Warkan kasoo baxay Ruushka ayaa yimid hal bil ka dib markii ay 176 ruux oo rayid ah ku dhinteen diyaarad rakaab ah oo ay ciidamada Iiraan si khaldan gantaal ugu dhufteen, wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka magaalada Tehran.

Diyaaraddaas oo laga lahaa Ukraine ayaa dhexda u gashay xiisaddii dagaal ee u dhaxeysay Iiraan iyo Mareykanka.

Muxuu ahaa bartilmaameedka duqeyntii Khamiista?

Hay’adda kormeerta xaaladda Suuriya ee uu fadhigeedu yahay UK, una doodda xuquuqda aadanaha ee Suuriya, ayaa sheegtay in duqeyntii Khamiista dhacday lagu beegsaday fariisimo ay leeyihiin maleyshiyaadka ay taageerto Iiraan, oo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, halkaasna lagu dilay 23 ruux.

Hase ahaatee wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya ee Sana ayaa sheegtay in 8 ruux uun lagu dhaawacay duqeyntaas.

Iiraan iyo kooxaha ay taageerto, oo ay ka mid tahay Xisbullah, ayaa si buuxda u garab taagan madaxweyne Bashaar al-Asad, iyagoo ku caawinaya dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda tan iyo sanadkii 2011-kii.

Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Gacanka Carbeed oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Qasim Al Raymi alqaacida

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hoggaamiyihii Al-Qaacidda ee Gacanka Carbeed Qasim Al-Raymi lagu dilay howlgal laga fuliyey gudaha dalka Yeman.

Howlgalkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in ciidankiisa ay dileen hoggaamiyahaas oo xilkaas hayey tan iyo sanadkii 2015.

Labaatankii sano ee lasoo dhaafay, hoggaamiyaha la dilay ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey weeraro ka dhan ah danaha dalalka reer Galbeed.

Hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ayaa waxaa horey duqeyn dhanka cirka ah ku dileen ciidamo ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Garabka Al-Qaacidda ee Gacanka Carbeed ayaa la sameeyey sanadkii 2009, waxaana loogu talagalay in looga hortago danaha Mareykanka iyo dalalka reer Galbeed ay ka  leeyihiin Gobolka.

Garabkaan ayaa si weyn ugu xoogaana dalka Yeman, waxaana fursad weyn siisay xasilooni darrida ka jirto dalkaas, waxaana Yemen howlgal Militari ku qaaday dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafooda inkastoo aan weli wax natiijo ah laga gaarin.

Warka ku saabsan dilka Hoggaamiyahaan ayaa wuxuu soo ifbaxay bartamaha Bishii January ee sanadkaan inkastoo garabka Al-Qaacidda ee Gacan Carbeed ay sheegeen inaan la dilin iyagoo soo bandhigay cod uu hoggaamiyahooda duubay balse u muuqday inuu ahaa mid xilli hore la duubay.

Qoraalka kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in si rasmi ah loo dilay Qasim Al-Raymi balse laguma xusin waqtiga la dilay.

“Dhimashadiisa waxaa ay sii kala daadineysaa Al-Qaacidada gacanka Carbeed iyo dhaqdhaqaaqa kooxda ee caalamka, waxaana ay inoo suurtagalineysaa in aynu ka takhalusno khatarta ay kooxdaas ku heyso nabadgelyada caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalkii kasoo baxay aqalka cad.

Ingiriiska: 90 tahriibayaal oo doomo laga soo badbaadiyey

doon degtay 3

Sagaashan tahriibayaal oo ay carruur ku jiraan ayaa lagu soo badbaadiyey xeebaha dalkaasi Ingiriiska.

Siddeed doomood oo kuwa yaryar ayaa soo gaaray biya xireenka Dover, mid ka mid ah doomahaasina ay sidday 21 tahriibayaal oo rag ah.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Ingiriiska waxay sheegtay dadkaasi muhaajiriinta ee la soo badbaadiyey inay u dhasheen waddamada Suuriya, Yemen iyo Maali.

Carruurta la soo badbaadiyey si ay daryeel u helaan waxaa loo gudbiyey xaruumaha adeegga bulshada ee carruurta lagu xannaaneeyo.

Lix doomood oo ka mid ah doomaha tahriibayaasha laga soo badbaadiyey waxaa gacanta ku haya ciidamada ilaalada xadka iyaga oo tahriibayaasha qaarkoodna ay booliska ku qabteen bartamaha magaalada Dover halka shan qof oo kalana laga soo qabtay beerta Samhire Hoe.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikoobtarka loo yaqaanna iyo ciidamada badbaadada xeebaha ayaa ku howlan baadi goobka haddii ay jiraan tahriibayaal kale oo biyaha ku go’doonsan.

Tony Eastaugh, oo ah agaasimaha ka hortagga dambiyada iyo howlgallada wuxuu sheegay dowladdu iney ku howlan tahay ‘sidi ay u xakameyn lahayd qaxootiga sharci darrada ah meeshey doonaaba dalka ha ka soo galaana, laamaha ay doonaanna ha soo maraane’.

‘Waxaa sida oo kale aad u kordhay ilaalada xeebaha Faransiiska oo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, doonyaha gaarka ee dheereeya iyo aalada kale’ ayuu yiri.

Sanadki tagay oo keli ah dalka Britain waxaa doon ka soo galay dhanka biya xireenka 1,892 oo qof oo muhaajiriin ah.

Hay’adaha dowladda Faransiiskana waxay sheegeen 371 qof oo muhaajiriin ah oo sanadki hore isku dayay iney xadka tallaabaan 95 ka mid ah ay ku guuleysteen intooda kalana la qabtay.

Trump: “Codawgeyga siyaasadeed waan ka guuleystay”

trump2

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayey guusha raacday kaddib marki maalin ka hor qorshihi xil ka qaadista la laalay, hadal uu aqal cad uu ka jeediyeyna uu ka sheegay guushaasi iney tahay mid uu ka guuleystay cadowga siyaasadeed uu leeyahay.

“waxyaabo qaldan oo aan sameeyay nolashayda ayaa jira, waana qiranaya…balse natiijada kama dambeysta ah waa sidan,” ayuu yiri isaga oo kor u haya jaraa’id cinwaan looga dhigay ”Trump oo ka badbaaday xil ka qaadis”.

“Si cadaalad dari ah ayaa noola bartilmaamedsaday, wax khalad ah oo aan sameynayna majirto”, ayuu yiri isaga oo ku sugan aqalka cad.

Mar sii horreysayn ayuu u dhaleeceeyay khiyaanada xilka ka qaadista cadawtinimadiisa ku aadan ciribtirka diintooda.

“waa talaabo qurux badan.uma maleynaynin inay sidan u wanagsanaanayso,” ayuu yiri xili warbaahinta la hadlayay goobtana ay ku sugnaayeen taageerayaashiisa iyo golahiisa wasiirrada.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga oo ku sugan aqalka cad xilli uu Mr Trump khudbeynayey
Xubnaha xisbiga Jamhuuriga oo ku sugan aqalka cad xilli uu Mr Trump khudbeynayey

Mr Trump waxaa xilka ka qaaday aqalka kongreeska bishi December kadib markii lagu eedeyay in uu awoodisa ku takrifalay iyo inuu kasoo hor muuqan wayay aqalka kongreeska, balse maalinkii arbacada ayuu ka badbaaday xil ka qaadis kadib labo isbuuc, oo dhagaysi dhacwadiisa ah ay ka socotay Aqalka Senetka oo ay ku badan yihiin xildhibaanada xisbiga madaxweyne Trump ee Jamhuuriga ayaa 52 waxay u codeeyeen in uusan wax dembi ah gelin, halka 48 xildhibaan oo u badan xisbiga dimuqraadigana ay u codeeyeen in madaxweyne Trump uu ka tallaabsaday sharciga, xilkana laga qaado.

Waxaa uuna Madaxweyne Trump sadaaliyay in xildhibaanada dimuqradiyiinta ay mar labaad xilka ka xayuubini karaan hadii u dambi yar galo.

Mr Trump wuxuu u mahad celiyey qareenkiisa iyo xubnaha xisbiga jamhuuriga ee labada aqal ka tirsan
Mr Trump wuxuu u mahad celiyey qareenkiisa iyo xubnaha xisbiga jamhuuriga ee labada aqal ka tirsan

Madaxweyne Donald Trump oo markale doonayo in uu u tartamo doorashada xigta ee dhammaadka sanadkan ka dhic doonta Mareykanka ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday eedeymaha loo jeediyay.

War qoraal ah oo kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu madaxweynaha diiradda saari doonaa sidii uu hawlaha Qaranka uga shaqeyn lahaa.

“Wax matarayaasha Dimquraadiga waa ay ogyihiin in aysan iga adkaan karin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY