Home Blog Page 538

Maxaad ka taqaannaa ninkii madaxweynaha ka dhigay Vladimir Putin?

vladimir putin

In muddo ah, madaxdii soo maamushay dalka Ruushka waxay awoodda ku qabteen qaabab kala duwan.

Xilligii ay boqortooyada ka jirtay waddankaas, boqorka wuxuu xilka ku heli jiray dhalasho.

Vladimir Lenin, oo Ruushka Ra’iisul Wasaare ka ahaa xilligii midowga Soviet, isaguna wuxuu maamulka ku helay kacdoon awgiis.

Sidaas waxaa Ruushka uga billaabatay dhaqdhaqaaqyada ay xisbiyada siyaasadeed sameynayeen, dad badan ayaana sugayay inay markooda fursadda helaan.

Laakiin 20 sano ka hor, Vladimir Putin gacanta ayaa loo galiyay furaha aqalka madaxtooyada ee loo yaqaanno Kremlin. Ninkan oo horay u ahaan jiray askari ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Midowgii Soviet ee KGB, waxaa gacanta soo qabtay madaxweynihii Ruushka ee lagu magacaabi jiray Boris Yeltsin, waxaana fikirkaas ku raacay golihiisii hoose ee ku hareereysnaa.

Ujeeddadoodu waxay ahayd inuu Putin Ruushka ku hoggaamiyo qarniga 21-aad.

Laakiin maxaa lagu xushay Mr Putin?

“Ku xigeenkii cajiibka ahaa”

Valentin Yumashev wuxuu door muhiim ah ka qaatay in Vladimir Putin uu noqdo madaxweynaha Ruushka. Ninkan oo horay wariye u ahaan jiray inta uusan ku biirin saraakiisha madaxtooyada Ruushka waa dhif inuu bixiyo wareysi, laakiin wuxuu aqbalay inuu la kulmo wariye ka tirsan BBC-da, oo sheekadiisa uu la wadaagay.

Mr Yumashev wuxuu ka mid ahaa ragga uu sida weyn ugu kalsoonaa madaxweyne Boris Yeltsin – wuxuuna xitaa guursaday gabadh uu dhalay Mr Yeltsin, oo lagu magacaabo Tatyana.

Maadaama uu ahaa madaxa shaqaalaha ee Mr Yeltsin, wuxuu sanadkii 1997-kii Putin shaqadii ugu horreysay ka siiyay xarunta madaxtooyada ee Kremlin.

“Madixii maamulka ee Mr Yeltsin, Anatoly Chubais, oo markaas shaqada kasii tagayay ayaa ii sheegay inuu yaqaannay maamule karti badan oo ii noqon karay ku xigeen fiican”, ayuu yiri Mr Yumashev, isagoo dib u xasuusanayay markii ugu horreysay ee uu la kulmayay Putin.

“Wuxuu i baray Vladimir Putin, waxaana billownay inaan wada shaqeyno. Durbadiiba waxaan fahmay shaqada cajiibka ah iyo firfircoonida uu lahaa Putin. Wuxuu la imaan jiray fikrado cajiib ah oo la xiriira howlaha, aadna wuxuu ugu fiicnaa falanqeynta iyo difaacidda ra’yiga uu keeno”.

Wariyaha BBC-da ayaa weydiiyay su’aal ahay: “Ma jirtay mar aad ku fikirtay inuu Putin noqon doono madaxweyne?

.
Mr Putin, oo sawirkan qasriga madaxtooyada ee Kremlin looga qaaday 11-kii bishan December, 2019, wuxuu horay u ahaan jiray askari ka tirsan ciidamadii KGB ee ruushka

“Yeltsin wuxuu niyadda ku hayay dhowr qof oo xilka madaxweynaha u qalmay, sida Boris Nemtsov, Sergei Stepashin iyo Nikolai Aksenenko. Aniga iyo Yeltsin wax badan ayaan ka sheekeysannay qofka ay suurtagalka tahay inuu ku wareejiyo xilka. Xitaa mar waan ka wada hadalnay Putin.

“Yeltsin wuxuu igu yiri: ‘Bal ka warran Putin?’ Waxay ila tahay inuu yahay nin si wanaagsan ugu qalma xilka, ayaan ugu jawaabay. Waxay ila tahay inaad tixgalisid. Way caddahay kartidiisa, waxaana looga jeedaa shaqada uu hadda hayo, taasina waxay muujineysaa inuu diyaar u yahay howlo intaas kasii adag”.

Wariyaha BBC-da ayaa weydiiyay su’aal kale oo ahayd: “Putin miyey saameyneysay xubinnimadii uu ka ahaa ciidanka sirdoonka Soviet-ka ee KGB?”

“Qaar badan oo ka mid ah askartii sirdoonka ee KGB, sida Putin, way isaga tageen shaqadaas, ka dib markii ay ogaadeen inay noqotay hay’ad kalsoonida lagala noqday. Xaqiiqada ku saabsaneyd inuu horay xubin uga ahaa KGB wax micno ah ma sameyneynin. Sababtoo ah Putin wuxuu caddeeyay inuu ahaa nin dimuqraaddi ah oo dhexdhexaad ah, islamarkaana doonayay inuu sii wado isbaddalka”.

Xil la wareegistii qarsoodiga ahayd

Bishii August ee sanadkii 1999-kii, Boris Yeltsin wuxuu Vladimir Putin u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha. Taasi waxay ahayd astaan cad oo muujineysay in madaxweyne Yeltsin uu Putin u diyaarinayay la wareegista qasriga madaxtooyada ee Kremlin.

Mr Yeltsin wuxuu qorshihiisu ahaa inuu sanad kale xafiiska sii joogo, laakiin bishii December ee sanadkii 1999-kii ayuu qaatay go’aan lama filaan ah oo ahaa inuu xilka ka dago wakhti hore.

“Saddex maalmood ka hor sannadka cusub, Yeltsin wuxuu gurigiisa ugu yeeray Putin. Anigana wuxuu iga codsaday inaan goob joog ka ahaado, sidoo kalena wuxuu kulankaas kasoo qeyb galiyay madixiisii golaha wasiirrada, Alexander Voloshin. Wuxuu u sheegay Putin inuusan meesha iska fadhin doonin ilaa bisha July, ee uu doonayo inuu iscasilo 31-ka December.

“Dad kooban oo kaliya ayaa ogaa arrintaas: waana aniga, Voloshin, Putin iyo Yeltsin gabadhiisa Tatyana. Yeltsin xitaa sirtaas uma uusan sheegin xaaskiisa”.

Mr Yumashev waxaa loo xilsaaray inuu diyaariyo khudbaddii iscasilaadda ee uu jeedin lahaa madaxweyne Yeltsin.

“Waxay ahayd khudbad ay adagtahay in la qoro. Way iska caddeyd in qoraalkaas uu taariikhda gali doono. Farriintu waxay ahayd muhiim. Taas ayeyna ahayd sababta aan u qoray sadarkii caanka ahaa ee ‘Iska key cafiya’.

Maalintii ka horreysay sanadka cusub, Boris Yeltsin wuxuu duubay khudbaddiisii ugu dambeysay ee telefishinka isagoo ku sugan qasriga Kremlin.

“Qof walba waxay la noqotay layaab, marka laga reebo aniga, maadaama aan ahaa qofkii qoray khudbadda. Dadku way wada ilmeeyeen. Waxay ahayd xaalad dareenka kicisay.

Vladimir Putin wuxuu islamarkiiba noqday madaxweynaha ku simaha ah. Saddex bilood ka dibna, wuxuu ku guuleystay doorashada.

.
Boris Yeltsin (bidix) iyo Mr Putin maalintii uu doorashada ku guuleystay bishii May 2000

‘Qoomamo ma jirto – Dadka Ruushka way aamineen Putin’

Mr Putin wuxuu awoodda maamulka Ruushka hayay muddo 20 sano ah, marka la isku daro xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha iyo marka uu madaxweynaha noqdayba.

“Yeltsin wuxuu aaminsanaa inay howl u taallay, Putin isaguna isla sidaas ayuu aaminsan yahay”, ayuu yiri Mr Solovei

Maanta Vladimir Putin dad badan uma aqoonsana inuu xilka ku helay sarkaalka sare ee BBC-da wareysiga siiyay awgiis. Marka Ninkan horay madaxda ugu ahaa Putin miyuu ka qoomameysan yahay inuu shaqadii ugu horreysay siiyay?

“Kama qoomameynayo”, ayuu yiri Mr Yumashev, wuxuuna intaas kusii daray: “Way caddahay in dadka Ruushka ay wali aaminsan yihiin Putin”.

Ilaa hadda, Mr Yumashev wuxuu qabaa fikirka ah in iscasilaaddii Boris Yeltsin ay cashar fiican u tahay madaxweyneyaasha Ruushka, Casharkaasoo ah “inay muhiim tahay in xilka loo banneeyo dadka dhalinyarada ah. Yeltsin arrintan waxay u ahayd mid aad muhiim u ah”.

Xigasho: BBCSOMALI

Dawo kalabar ka hortageysa kansarka naasaha

dhakhtar

Dawo kalabar ahaan ka hortageysa halista ay haweenka ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka kansarka naasaha ayaa laga soo saaray daraasad cusub, waxaana la sheegay in dumarka isticmaala ay yaryihiin.

Cilmibaaris ay sameeyeen dhakhaatiir ku sugan UK ayaa natiijadeeda lagu ogaaday in dawadaas ay shaqada sii waddo xitaa marka uu qofku iska joojiyo isticmaalkeeda.

Dawadan oo lagu magacaabo Anastrozole waxay hor istaagtaa unugyada abuura caabuqa kansarka naasaha.

Waxay horayba u taallay UK, iyadoo dhammaan dumarka ay ka heli karaan waaxda adeegga caafimaad ee qaranka (NHS).

Cilmi-baareyaasha daraasadda soo saaray waxay soo jeediyeen in haween badan looga baahanyahay inay dawadan qaataan.

Yaa qaadan kara?

Anastrozole waxaa loogu talagalay inay isticmaalaan haweenka ay caadadu ka go’day oo kaliya, sababtoo ah waxba uma tari karto gabdhaha iyo dumarka wali aan da’da dhalma-goyska gaarin.

Hase ahaatee waxaa horayba loogu adeegsan jiray in lagu daweeyo qofka uu ku dhaco kansarka noocaas ah.

Hadda waxay dhakhaatiirtu ku talinayaan in dawadan diiradda lagu saaro ka hortagista kansarka naasaha, maadaama ay kalabar difaaci karto.

Daraasad hore oo la soo saaray ayaa muujisay in dawada anastrozole ay kansarka qeyb ahaan uga hor tagto shanta sano ee ugu horreysa marka ay haweeneydu isticmaasho ka dib.

Laakiin hadda, tijaabooyin lagu sameeyay 3,864 haween ah ayaa lagu ogaaday in dumarkii dawadan qaatay ay 49% ka yaraatay khatarta ay ugu jireen kansarka naasaha, xitaa toddobo sano ka dib markii ay joojiyeen isticmaalka dawadaas.

Markii dhinaca kale loo dhigo – faa’iidada dawadan way sii socotaa.

Natiijada daraasaddan waxaa lagu daabacay wargeyska Lancet, waxayna taallaa xarunta astaamaha kansarka naasaha ee San Antonio, oo ku taalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

“Kansarka naasaha waa nooca ugu badan ee ku dhaca haweenka, walina way sii kordheysaa khatartiisa”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Barfasoor Jack Cuzick, oo ah agaasimaha mac-hadka Wolfson ee soo saarista dawooyinka ka hortagga ah.

Wuxuu intaas ku daray: “Hadda waxaan heysannaa dawo waxtar fiican leh, oo cilladda ka iman karta ay aad u yartahay”.

Sidey dawadan u joojisaa kansarka?

.
Kansarka naasaha ayaa halista ugu badan ku ah dumarka ay caadada ka go’day

Kansarku waa baruur jirka caafimaadsan ku jirta oo xumaatay.

Hase ahaatee, xubin ay unugyadeedu caafimaad qabeen, hal habeen ku galo kansar.

Waxay qaadataa muddo xoogaa ah ilaa inta ay baruurtaas isku baddaleyso caabuqa kansarka.

Dawada Anastrozole waxay u muuqataa inay awood u leedahay dilitaanka unugyada qaarkood, marka ay sii gaarayaan heerka uu uga sameysmo kansarka.

Amar ka soo baxay maqaayada Tim Hortons iyo Soomaalida Canada oo si kala duwan uga hadashay

Tim Hortons

Tim Hortons oo ah maqaayad caan ah oo ku taala dalka Canada, iibisana cuntooyinka fudud iyo qaxwada ayaa soo rogtay sharci cusub oo dood badan ka dhex abuuray dadka ku nool dalkaas oo ay ka mid yihiin Soomaalida.

Maqaayaddan ayaa lagu dhajiyay wargelinta ay ku sheegtay in qof kaste oo cunto ama cabitaan ka iibsada Tim Hortons uusan fadhin karin wax ka badan nus saac (30 daqiiqo) qofkii intaa ka badan fadhiyana loogu yeeri doonaa booliska.

Dadka inta badan fariista maqaayaddaas waxay kaga nastaan mashquulka shaqada, waxayna ka cabaan shaaha iyo kafeega, hasayeeshee kafateeriyada Tim Hortons ayaa go’aanka soo rogtay.

“Meesha isaga tag 30 daqiiqo ka dib marka aad wax iibsato, haddii qofka uu sii fadhiyo wax ka badan nus saac, waxaa loogu yeerayaa booliska,” ayaa lagu sheegay wargelinta.

Xuquuqda Sawirka @CTVChristina@CTVCHRISTINA

Maamulka maqaayadda ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan ay ku wargeliyeen laamaha amniga.

Fadhi ku dirirka iyo guri joogga

Inkastoo aysan kala cadeyn sababta keentay go’aankan, haddana waxaa jira Soomaali badan oo ku nool dalka Canada, kuwaas oo inta badan fadhi ku dirir ku qabsada halkaas iyo maqaayadaha la midka ah, waxaana go’aankan so dhaweeyay qaar ka mid ah dumarka Soomaalida ee ku nool dalkaas.

“Waa arrin aad iyo aad u wanaagsan, waana go’aan fiicaan, waayo xaqiiqadu waxay tahay in qurbaha aan joogno, qoysaskii dhibaato badan ay ka heysata,” ayey tiri Fowziya Maxamuud oo ka shaqeysa arrimaha qoyska.

“Dhibaatooyinkaas oo ah aabihii oo reerka ka maqan xilliga ugu muhiimsan ee la doonayo in caruurta wax loo qabto, xilliyada ay ragga Soomaaliyeed fariistaan maqaayadaha waa habeenkii, waana xilliyada ugu muhiimsan ee aabaha la doonayo in uu wakhtigiisa la qaato qoyskiisa”, ayey hadalka ku dartay.

.
Image caption.

Waxay intaa raacisay in arrin wanaagsan aysan ahayn in ragga Soomaalida ay marwalba fariistaan fadhi ku dirirka, loona baahan yahay in guryahooda ay wakhti ku qaataan.

Hasayeeshee go’aanka maqaayaddaas waxaa kasoo horjeystay qaar ka mid ah ragga Soomaalida ee dalka Canada oo inta badan ku qaxweeyaa Tim Hortons.

“Sababta dadka ay u jecel yihiin Tim Hortons waxay tahay fadhiga oo wanaagsan iyo qaxwada laga cabo, dadka yimaadana waxay isugu jiraan dhowr nooc, arday ayaa ka mid ah, kuwa kalena waxay u yimaadaan sheeko, qaar ayaa ganacsi u yimaada, waxaas oo dhanna caqabad ayay ku noqoneysaa,” ayuu yiri Liibaan Gabeyre oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Canada.

Wuxuu intaa raaciyay in tallaabadan ay saameyn dhaqaale ku yeelan doonto Tim Hortons, oo dadku ay aadi doonaan goobaha kale ee lagu qaxweeyo.

RW Kheyre oo Geneva Kula Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden

sweden fm Ann Christin Linde-iyo-Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Geneva ee dalka Swizerland kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Sweden, ann christin linde, oo kamid ah madaxda Geneva uga qayb geleysa madasha qaxootiga adduunka ee looga hadlayo xal u helidda qaxootiga caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta, waxa ayna isla qireen inay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta.

Dowladda Sweden ayaa Soomaaliya ka taageertaa barnaamijyada dib-u-kabashada, dib-u-habeynta iyo dib-u-dhiska dalka.

Kulanka ayaa qayb ka ah shirar doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb galeysa madasha Qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha oo doraad madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, la yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, ayaa shalay ka qayb galay madasha qaxootiga oo maanta lasoo xirayo.

Congress-ka Mareykanka oo meel-mariyey deyn cafinta Soomaaliya

ilhan omar4

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa meel-mariyey miisaaniyad ay ku jirto deyn-cafinta Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalkaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayey Ilhaan Cumar ku sheegtay in miisaaniyadda Aqalka Wakiilada ee lambarkeedu yahay H.R 1158 lagu xaqiijiyey deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigtay dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tiri Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay.

“Tani ma saameyneyso kaliya Soomaalida ku nool Soomaaliya, balse sidoo kale kumanaan Soomaali Mareykan ah oo ku nool degmada aan matalo, sidoo kalena ay ehel ka joogaan gobolka” ayey tiri Ilhaan.

“Xermadan deyn cafinta waa tallaabo aad u weyn oo caddeyneysa horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay sanadihii tagay. Tani ma ahan in loo arko dhammaad, balse waa inay bilow u noqotaa soo cusbooneysiinta xiriir diblomaasiyeed oo lala yeesho Soomaaliya.

“Waa in wax badan oo dheeri ah la sameeyaa marka ay noqoto adkeynta dimoqraadiyadda, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo xiriirka ka dhaxeeya Villa Somalia, dowlad goboleedyada iyo shacabka. Mareykanka kaalin ayuu ka qaadan karaa dhammaan arrimahan.” Ayey tiri Ilhaan.

Waxay intaas ku dartay “Deyn cafinta waa tallaabo loo qaaday jihada saxan, waxaana sii wadi doonnaa inaan ka shaqeeyo helista Soomaaliya xor ah, nabad ah, oo dimoqraadi ah oo dhammaanteen aan dooneyno inaan aragno.”

Warka kasoo baxay Ilhaan ayaa imanaya ayada oo dhowaan wargeyska Foreign Policy, uu qoray in wasaaradda arrimaha dibedda iyo tan maaliyadda Mareykanka, ay hilmaameen inay ku wargeliyaan Congress-ka in lacagta lagu taageerayo deyn cafinta Soomaaliya lagu daro miisaaniyadda 2020 ee uu dhowaan diyaariyey congress-ka.

Khaladkaas ayaa u muuqday mid meesha ka saarayeyin Soomaaliya ay hesho deyn-cafin sanadka 2020, maadaama barnaamijka deyn cafinta Bankiga Adduunka iyo IMF ee HIPC uu u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura.

Si kastaba, miisaaniyaddii uu horey u ansixiyey Aqalka Wakiilada, ayaa waxaa dib usoo celiyey aqalka Senate-ka, taasi oo Aqalka Wakiilada siisay fursad labaad oo deyn cafinta Soomaaliya loogu daro miisaaniyadda.

Bilaha hore ee sanada 2020 ayaa la filayaa in IMF iyo Bankiga Adduunka ay si rasmiga ah deynta uga cafiyaan Soomaaliya, kadib marka ay isku wada raacaan dhammaan dalalka deymaha ku leh Soomaaliya. Ka hor Mareykanka, dalal badan ayaa horey sidaas u ballan-qaaday.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Ilhaan Cumar 

Xidig oo cadeeyey mowqifka is-bedel doonka Jubaland kadib la-kulankii Swan

Cabdirashiid Maxamed Xidig

Xildhibaan Cabdirashiir Xidig oo horay u sheegtay madaxweynaha garab la magacbaxay isbedel doonka ee Jubbaland ayaa qoraal uu soo dhigay bariita xiriirka bulshada waxa uu ku sheegay in shacabka reer Jubbaland muddo dheer ku soo jireen caburin, balse hadda la joogo markii ay ka bixi lahaayeen.

Waxaan leeyahay Shacabka Jubaland Mudo dheer oo aad maamulkii hore ee Jubaland kala kulmayseen cabudhin iyo caga jugleyn Waxay saacadu dul hoganeysaa xiligii aad ku naaloon lahaydeen go,aan ka gaadhista mustaqbalkiina Jubalandna ay ka dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xidig.

Cabdirashiid Xadig ayaa sidoo kale sheegay inay lagama maarmaan tahay in is bedel kla dhaco Jubbaland si ciidamadu u heleen xuquuq joogto ah ardayduna u helaan deeqaha waxbarasho oo ay helaan asaagooda.

“Waa in is bedel dhacaa si Ciidamada Jubaland ay u helaan Mushaar joogta ah oo lamida midka Ciidamada kale ee dalku qaataan, Ardayduna heli lahaayeen waxbarasho dalka Iyo dibada ah,dhalinyaradu heli lahaayeen shaqooyin iyo xirfado lamida mida asagoodu helaan”ayuu Xidig sii raaciyey qoraalkiisa.

Ugu danbeyntii Xildhibaan Cabdirashiid ayaa maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu xarago mooday u dhoofidda Nairobi iyo ka dhuumashada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulkii hore ee Jubaland wuxuu xarago mooday inay Nairobi u dhuuntaan oo Muqdisho ka dhuuntaan jawaabta arintan Shacabka soomaaliyeed ayaan u daynayaa: Isbedel doonka Jubaland Waxaa deeqa Doorasho xor iyo xalaal ah oo kaliya” ayuu qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyey madaxweynaha garabka is bedel doonka Jubbaland Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.

Hadalka Xildhibaan Xidig ayaa ku soo aadaya iyadoo uu maanta magaalada Kismaayo kula kulmay wakiilka Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya James Swan, kaas oo ay ka wada hadleen arimaha Jubbaland iyo ay sidii loo xalin lahaa khilaafkii ka dhashay dib u doorashadii Axmed Madoobe.  

Madaxweynne Musharaf oo xukun dil ah lagu riday

president parvez musharraf

Maxkamadda sare ee waddanka Pakistan ayaa xukun adag ku ridday madaxweynihii hore ee wadankaas gacanta birta ah ku maamulayay ahaana Jeneraal Militeriga katirsan.

Guddoomiyaha maxkamadda khaaska ah ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in Pervez Musharraf lagu xukumay dil ah kadib markii lagu helay dambiyo dhowr ah.

Mas’uuliyiin Pakistaaniyiin ah ayaa sheegay in maxkamadda la dagaallanka Argagaxisada Pakistan ay kaligii taliye Musharaf ku xukuntay in la dilo xilli uu dalka dibaddiisa ku maqanyahay.

Dambiyada ugu waaweyn ee Musharaf lagu helay waxaa kamid ah in uu ku dhacay khiyaano qaran kadib markii uu jebiyay qodobka 6-aad ee dastuurka u degsan Pakistan.

Qadiyadaha lagu ciqaabayo Pervez Musharraf waxaa ugu waaweyn Afar qodob sida in uu cilladeeyay dastuurka wadanka, in uusoo rogay xaalad degdeg ah sanaddii 2007 islamarkaana uu casilay madaxii guddiga garsoorka ninka lagu magacaabo Iftikhar Chaudhry.

Sanaddii 2007 ayuu Musharaf xaalad degdeg ah kusoo rogay wadanka kadibna ciidamada Melleteriga ayuu u safaxay in ay duullaan dad badan lagu xasuuqay ku qaadaan gobolka Iswaad ee wadanka Pakistaan.

Lama oga in go’aankan maxkamadda sare ay gaartay uu fuli doono iyo inkale maadaama Musharaf uu ku suganyahay wadanka Imaaraadka tan iyo sanaddii 2016-kii xilligaas oo safar caafimaad uu ku aaday magaalada Abu Dubai.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Galmudug iyo xulista xildhibaannada

calanka galmudug

Waxaa weli magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Galmudug, gaar ahaan xareynta odayaasha soo xulaya xubnaha cusub ee baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in guddiga farsamada ee maamul dhisida Galmudug uu wado dadaallo xoogan oo lagu dardar gelinayo doorashada, kadib markii heshiis dhab ah laga gaaray khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyey dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Doorashadaan ayaa marar badan dib u dhacday, waxaana maanta oo ay ku beegan tahay 17-ka December la filayey in la qabto doorashada Madaxweynaha, sida ku cad jadwalkii ugu dambeeyey ee guddiga farsamada, inkastoo uu isbedal ku yimid jadwalkaasi.

Dib u dhac kasta oo ku yimaada howlaha Galmudug ayaa waxa uu sii foogeynayaa dadaallada loogu jiro dhismaha maamul loo dhan yahay.

“Maanta 17-ka December waxaa ku beegan tahay maalintii ay dowladda sheegtey in Madaxweyne loo dooranaayo Galmudug, xitaa weli Baarlamaanka lama sameyn, hadaba su’aasha meesha taalo waxay tahay hadiiba ay dowlada 8 bilood ay Galmudug doorasho ka sameyn la’ dahay sidee 10 bilood oo ka hartey doorashada guud ee 2020/2021 qof iyo cod u qabaneysaa dowladda?” ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Galmudug oo uu waqti badan kaga baxay dowladda dhexe ayaa hadda xaaladeeda waxa ay tahay mid ku jirta marxalad kala guur ah, waxaana socda qorshihii ugu dambeeyey ee doorashada xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.

Puntland oo shaacisay habraaca diiwaan-gelinta ee ururada siyaasadeed

puntland logo

 Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka maamulka Puntland oo soo saaray Warsaxaafadeed cusub ayaa shaaciyey shuruudaha iyo habraaca loo marayo diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed ee maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in is-diiwaan gelintu ay bilaabatay 15-kii bishan, kuna ekaan doonto illaa 15-ka March ee sanadka soo socda 2020-ka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in urur kasta laga rabo liiska aas aasayaasha, xeerka u dagsan iyo inuu bixiyo 3500 oo Dollar-ka Mareykanka, taas oo aan celis laheyn.

Warka ka soo baxay guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in shuruudaha laga doonayo ururada ay ka mid yihiin: in urur kasta lix ka mid ah gobollada Puntland uu ku leeyahay ugu yaraan 300 oo taageeraayaal ah, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha cod-bixinta iyo sidoo kale in ay reeban yihiin ururada ama xisbiyada leh muuqaalka qabiil ama ciidan.

Dhowaan ayuu si rasmi ah Madaxweyne Deni uu daah-furay qorshe howleedka guddiga doorashooyinka Puntland, kaas oo shalay codsiga is-diiwan gelinta ka guddoomay ururkii ugu horreeyey ee qaata formka.

Puntland waa maamulkii ugu horreeyey ee ka aas aas-ma Soomaaliya, waxaana tan iyo intii jirtay horumar ka sameysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

habraac isdiiwaangelinta x

AFRICOM oo sheegtay inay duqeyn ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

AlShabaab drone

Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo lala beegsaday deegaanka Dujumma oo 6Km u jira degmada Bu’aale ayaa waxaa fuliyey ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadooda Soomaaliya

Sidoo kale AFRICOM ayaa shaacisay in weerarkaasi dhinaca cirka ah lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaan aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Dowladda dalka Mareykanka ayaa sanadkaan 2019-ka xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sidoo kale ciidamada huwanta ay ballaariyeen dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY