Home Blog Page 537

Aqalka Wakiilada Maraykanka oo isku raacay xil ka xayuubinta Madaxweyne Trump

trump2

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii saddexaad ee Mareykanka soo mara ee Aqalka Wakiilada isku raacaan in xilka laga xayuubiyo.

Trump ayaa sugaya in bisha Janaayo ay Aqalka Senatka ay u fariistaan xilka xayuubinta la gudbiyay inuu sax yahay iyo inkale, waxaana la filayaa in Aqalka Senatka uu diido  xilka xayuubinta maadaama ay ku badan yihiin xisbiga jamhuuriga oo uu Trump ka tirsan yahay.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeysan “qiyaano qaran” iyo in dhiggiisa Ukraine uu ku cadaadiyay sidii uu baaritaan ugu sameyn lahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine.

Aqalka Kongresska oo fadhiyay muddo lix saacadood ah ayaa dhammaan xubnaha Dimuqraadiga ay oggolaadeen xil ka xayuubinta halka dhammaan Jamhuuriyiintana ay diideen.

Hay’adda IMF oo ansixisay qorshaha maali-gelinta deyn cafinta Soomaaliya

imf

Guddiga fulinta hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ansixiyey qorshe maali-gelin oo IMF ka caawin doona inay bixiso saamiga uga aadan deyn cafinta Soomaaliya, sida ay sheegtay agaasimaha IMF Kristalina Georgieva oo bayaan soo saartay.

Qorsha maal-gelinta ayaa waxaa ka mid ah kaash damaanad qaad ah oo loo adeegsan doono in lagu tiri dhammaan deynta IMF ay ku leedahay Soomaaliya.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii Soomaaliya looga caawin lahaa hanaanka ay dib ugu soo celineyos xiriirka ay leedahay beesha caalamka, islamarkaana ay horumar uga sameyneyso sidii ay ugu guuleysan lahayd in deynta laga cafiyo, ayada oo loo marayo hindisaha HIPS ee IMF” ayey tiri Kristalina Georgieva.

Go’aanka deynta looga cafinayo Soomaaliya ayaa waxa uu u dhici karaa sida ugu dhaqsiyaha badan marka dhammaan dalalka xubnaha ka ah IMF ay ballaan-qaadaan taagaeerada maaliyadeed ee loo baahan yahay, ayada oo Soomaaliya-na looga baahan yahay inay sii waddo is-beddelada xooggan oo ay sameyneyso.

Soomaaliya ayaa waxaa lagu leeyahay lacag ku dhow 5 bilyan oo dollar, taasi oo u dhiganta 100% wax soo saarkeeda gudaha ee dalkaa (GDP).

Georgieva ayaa deyn cafinta Soomaaliya ku qeexday ahmiyadda IMF, waxaana ay sheegtay inay dhiirigelisay taageerada xubnaha IMF.

“Deyn-cafinta waa ahmiyadda IMF. Tani waxay gacan ka gaysan doontaa in Soomaaliya ay hesho kheyraad maaliyadeed oo cusub oo wax looga qabanayo horumarka ballaaran ee Soomaaliya ay u baahan tahay iyo yareynta saboolnimada.” Ayey tiri.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka kusoo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen xubnaha IMF.

“Waxaan u mahad-celineynaa dhammaan saaxiibada sii wada taageerada ay siinayaan safarka aan ugu jirno inaan helno deyn-cafin. Waxaan sii wadi doonaan is-beddelada xooggan” ayuu yiri Beyleh.

Kenya oo welwelsan loolanka adag oo ay Jabuuti kala kulantay

Jabuuti Kenya flag

Kenya waa musharaxa rasmiga ah ee midowga Afrika ee kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka QM, hase yeeshee taasi Jabuuti kama joojin inay loolan adag u gasho kursigan.

Kenya waxay markii hore rumeysneyd inaysan Jabuuti kala kulmi doonin loolan adag, oo ay kursigan hanan doonto bisha June ee 2020, marka ay dhacdo codbixinta.

Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska Business Daily Africa, dadaallo diblomaasiyeed oo xooggan oo bilihii dhowaa ay wadday Jabuuti, ayaa taxliiliyayaasha siyaasadda ee Kenya ku dhaliyey tuhun ku saabsan in Jabuuti ay isku haleeneyso taageerada dalalka ugu saameynta badan golaha ammaanka.

Prof Macharia Munene, oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda caalamiga ah ee Mareykanka ee Afrika (USIU-A), ayaa sheegay in Shiinaha iyo Mareykanka ay yihiin laba dal oo si hoose u taageeraya dadaalalda Jabuuti.

Dowladda Mareykanka weli kuma aysan dhowaaqin go’aankeeda ku aaddan cidda ay taageereyso Jabuuti iyo Kenya.

“Waxaan rumeysanahay in Beijing iyo Washington ay kursiga ku fariisin karaa cidda ay doonaan,” ayuu yiri Prof Munene, oo intaas ku daray in tallaabada noocaas ah ay ku iman karto dalka juqraafi ahaan ay muhiimka u arkaan.

Fallanqeeyayaasha ayaa tilmaamay in saldhigga militari ee China ay ku leedahay Jabuuti uu calaamad u yahay cidda ah muhiimadda juqraafi ee Beijing.

Mareykanka iyo France iyo sidoo kale saldhigyo militari ku leh Jabuuti.

Saddexdan dal ayaa ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka, waxayna gebigood dano ka leeyihiin ahmiyadna u leh Jabuuti, taasi oo taageeradooda u weecin karta Jabuuti.

Kenya ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan la leh dalalkan, hase yeeshee uma lahan muhiimad la mid ah tan Jabuuti.

Warbixinta ayaa tiri, haddii Kenya aysan ka hor codbixinta xaqiijin taageerada Mareykanka iyo China, ayadoo Faransiiska uu taageerayo Jabuuti, waxay la kulmi doontaa lama filaan marka doorashadu dhacdo bisha June ee 2020, kumana filna oo kaliya taageerada Midowga Afrika.

Taliyaha Xabsiga Dhexe oo shaqada laga joojiyey

Gen Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile

Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyey in shaqada laga joojiyey taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kadib eedeyn loo jeediyey.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa, kaasi oo kadib geeriyooday.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar xirsiile oo ah taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay, in ruuxaas oo ku xukunnaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay.

Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa,  uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday.

Afhayeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey taliyaha xabsiga dhexe, isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska loo heyso.

Ruuxa bukaanka ah ee xabsiga ku geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow, waxaana eheladiisa ay sheegeen in aan meydkiisa la’aasi doonin illaa iyo inta cadaalad ay ka helayaan.

Hoos ka daawo afhayeenka ciidanka asluubta

Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyey in shaqada laga joojiyey taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kadib eedeyn loo jeediyey.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa, kaasi oo kadib geeriyooday.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar xirsiile oo ah taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay, in ruuxaas oo ku xukunnaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay.

Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa,  uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday.

Afhayeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey taliyaha xabsiga dhexe, isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska loo heyso.

Ruuxa bukaanka ah ee xabsiga ku geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow, waxaana eheladiisa ay sheegeen in aan meydkiisa la’aasi doonin illaa iyo inta cadaalad ay ka helayaan.

Hoos ka daawo afhayeenka ciidanka asluubta

Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyey in shaqada laga joojiyey taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kadib eedeyn loo jeediyey.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa, kaasi oo kadib geeriyooday.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar xirsiile oo ah taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay, in ruuxaas oo ku xukunnaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay.

Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa,  uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday.

Afhayeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey taliyaha xabsiga dhexe, isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska loo heyso.

Ruuxa bukaanka ah ee xabsiga ku geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow, waxaana eheladiisa ay sheegeen in aan meydkiisa la’aasi doonin illaa iyo inta cadaalad ay ka helayaan.

Hoos ka daawo afhayeenka ciidanka asluubta

Taliyaha Xabsiga Dhexe oo shaqada laga joojiyey

Talliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shaqada ka joojiyey Taliyihii xabsiga dhexe Jeneral Xiirsiile oo Bukaan uu Isbtitaalka kala baxay uu dhintay.

Slået op af Caasimada Online i Onsdag den 18. december 2019

MAXAY KA WADA-HADLEEN PUNTLAND IYO WEFDIGA BEESHA CAALAMKA?

deni iyo james swan2

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay wefti ka socda Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, oo ay ka midyihiin xubno ka socda Midawga Yurub, Midawga Africa iyo urur goboleedka IGAD.

Kulanka intii uu socdey ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Dayn Cafinta Soomaaliya iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee DFS. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka. Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn tilmaamay in ay ka wadahadleen dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaadho dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha dalka.

Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqday wefti uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, Midawga Yurub, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, waxaan ka wadahadalnay dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaadho dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha, wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan oo aan aragtiyo aad u badan aan isku weydaarsanay, sidii loo dardargelinlahaa horumarna looga gaadhi lahaa arrimaha hortaagan in Dowladda Soomaaliya hore u dhaqaaqdo”.

Waxaan kaloo ka wadahadalnay sidii loo dardargelinlahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee ka Dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo ay dhicidoonaan kulamo intan kasii balaadhan oo looga hadlidoono doorashooyinka Soomaaliya ee 2021, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta oo iyaguna meel aad u wanaagsan maraya iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaadhilahaa. Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jewi wanaagsan. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan ayaa dhankiisa sheegay in kulanka muhiim ka ah ee ay wadaqaateen weftiga uu hogaaminayey iyo Madaxda Puntland uu kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, isla markaana ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo u baahan wax ka qabasho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya 2021, dhammaystirka Dastuurka KMG-ga ah ee dalka, arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, maamul wanaagga, doorka siyaasadeed ee haweenka, sare u qaadidda dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana uu intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan ururada bulshada rayidka ah, dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Hoos ka daawo muuqaalka

RWasaare Kheyre oo la kulmay Agaasimaha Maamulka Bangiga Adduunka

Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli Dowlada Maraykanka ay ansixisay misaaniyad ay ku jirto deyn cafinta dalka Soomaaliya.

Dhuusamareeb: Nin Ina Adeerkiis dilay oo la qabtay

ciidamada onkod 1

Ciidamada amniga oo saaka illaa xalay howlgallo ka waday Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay Faa’id Salaad Caraale oo la sheegay in nin ay ilmo adeer ahaayeen uu ku dilay xaafadda Waabari ee degmadaasi.

Taliyaha Booliska Dhuusamareeb, ahna taliyaha ciidanka Xasilinta ee magaaladaasi, Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in ninkaasi la soo qabto, isagoo uu ku dhuumaaleysanayey xaaafadda uu dilka ka geystay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan eedeysanaha, islamarkaana ay u xaqiijin doonaan waxa ku sababay dilka walaalkiis.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa tilmaamay inay dib ka faah faahin doonaan natiijada baaritaankooda, islamarkaana ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabayey Raage Saalax Caraale, waxaana la sheegay in labadooda uu ka dhexeeyey khilaaf sababay gacan ka hadal.

Falkaan ayaa si aad ah ay u hadal hayaan dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska lahaa marxuumka iyo ninka dilka geystay.

Dhacdadan ma’ahan mid ugub ah, waxaana magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho iyo kuwa kale ka dhacay dilal noocaan oo kale ah.

Aqalka Kongreska Maraykanka oo maanta u codeynaya Mooshinka Xilka Qaadista Trump

capitol hill

Aqalka Kongreska Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu u codeeyo maanta mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Donald Trump.

Mooshinkan oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in cod ay u qaadaan Xildhibaanada aqalka Congreska.
Hase yeeshee waxaa go’aan ka gaaraya mooshinka Aqalka Sanetka oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sidoo kale warqad uu xanaaq badan ka muuqdo u qoray Gudoomiyaha Aqalka Kongreska, Nancy Pelosi oo uu ku eedeyay in ay dagaal ku tahay dimuqraadiyadda Mareykanka.

Haddii Kongreska uu meel mariyo qorshahan, waxaa loo sii gudbin doonaa aqalka sare ee Senetka, oo ka dib go’aan ka gaari doona soo jeedinta Kongreska.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeysan “qiyaano qaran” iyo in dhiggiisa Ukraine uu ku cadaadiyay sidii uu baaritaan ugu sameyn lahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine.

Warqadda uu Trump u qoray Gudoomiye Nancy Pelosi, Wuxuu sidoo kale ku sheegay in qorshaha la doonayo in xilka lagaga qaado isaga ay tahay isku day afgembi. Sida loola dhaqmayana wuxuu ku tilmaamay dhibanayaashii qarnigii 17-aad ee Salem, kuwaas oo la dilay ka dib markii lagu helay dembi ah in ay sixiroolayaal ahaayeen.

Hase yeeshee duqa Magaalada Salem wuxuu sheegay in madaxweyne Trump ay tahay in uu waxka barto taariikhda, wuxuuna intaa ku daray in xukunkii ku dhacay sixiroolayaashii Salem uu aaa mid aan wax cadeyn ah loo heynin xilligaas.

Afhayeenka aqalka Kongreska ee Mareykanka, Ms Pelosi ayaa sheegtay in aysan wada akhrinin warqadda uu usoo qoray Trump, balse ay tahay mid aan nuxur badan lahayn.

War qoraal ah oo ay soo saartay Nancy Pelosi ayay ku sheegtay in Kongreska uu gudan doono mid ka mid ah awoodaha uu siiyay dastuurka.

Waa suuragal in masuuliyiinta Dimuquraadiga ee hor kacaya mooshinka ka dhanka ah trump in ay la kulmaan caqabad, maadaama Aqalk Sanetka ay u badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu ka tirsan yahay.

Hoggaamiyaha Aqalka Senetka, Mitch McConnell ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa qorshaha xil ka qaadista madaxweyne Trump.

Soomaaliya oo si fir-fircoon uga qeyb qaadanaysa howlaha ururka ARABSAT

wbitdfs iyo arabsat

Weftiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed ee loo yaqaan ARABSAT oo saldhigiisu yahay magaalada Riyaad.

Madaxweynaha ahna Agaasimaha Guud ee ARABSAT Mudane Eng. Khalid A. Balkheyour oo ku soo dhoweeyey wafdiga xarunta Ururka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan ka qeybqaadashada firfircoon ee soomaaliya ee howlaha Ururka ARABSAT maadaama dalkeenu uu ka midyahay saamileydii asaastay Ururka, kulamadan labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd adeegyada ARABSAT iyo sidii dalkeena loogu caawin lahaa kaalmo farsamo oo la xiriirka dhinaca horumarinta Isgaarsiinta.

“waxaa naga go’an in aan si firfircoon uga qeybqaadano dhammaan howlaha Guddiyada, Hay’addaha iyo Urrurada Gobol, Qaaradeed iyo Caalami ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, kuwaas oo aannan badankood ka dhex muuqan muddo, taasna waxa ay muhiim u tahay wadaagista khibradaha iyo mideynta dadaalada,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “iskaashiga iyo isku-xirnaanshaha adduunka gaar ahaan dhinaca tiknolojiyadda waxa uu marayaa maanta heer aysan suurto-gal ahayn in aan gooni u socono, daddaaladan dhamaantoodna waxa ay leeyihiin hal ujeedo oo ku saabsan fulinta qeybaha kala duwan ee Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Sidoo kale wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa ay booqasho ku tageen xarunta safaaradda dalkeena ee Magaalada Riyaad halkaas oo ay kula kulmeen diblomaasiyiinta ka howlgesha safaaradda, Wasiirka ayaa waxa uu warbixin ka siiyey diblomaasiyiinta xaaladda dalka, howlaha Tubta horumarinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan howlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaarantahay Wasaaradda.

Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddada ay joogaan dalka Sacuudigaa waxa ay ka qeybgali doonaan Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalalka carbta, waxa ayna sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doonaan masuuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalka Sacuudi carabiya.

Soomaaliya oo qunsuliyado ka furaneysa magaalooyinka Mareykanka

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay qunsulyaddo ka furato qaar kamid ah magaalooyinka Mareykanka, sidda uu ka dhawaajiyey safiirka waddanka u fadhiya Washington.

Danjire Cali Shariif oo ka hadlayey xaflad ka dhacday gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota ayaa tilmaamay in qorshahaas uu u gudbiyey madaxda sarre ee xukuumadda Muqdisho.

Soomaaliya ayaa bishii September, 2019, dhisme u iibisay safaaradeeda Washington. Dhismaha oo ku yaala degaanka Wyomin waxaa 4.3 milyan oo Doolar laga siiyey Colombia. Lacagta waxaa bixisay Qadar.

Soomaalida oo kamid ah dadyowga qaxooti ahaan ku galay gudaha Mareykanka ayaa waxay safka hore kaga jiraan Jaaliyadaha ugu tiradda badan.

“Waxay kaloo safaaradda ay ku talajirtaa, talana aan ku siinay madaxda-yadii, maadaama ay Jaaliyadu balaaran tahay waddankana [Mareykanka] meelo kala duwan ay ka joogto in adeega loosoo dhaweeyo oo qunsul-yaddo laga furo meelaha ay dadka ku badan yihiin si adeega ay Washington DC ugu imaan lahaayeen ay uga helaan meeshooda wixii suurtogal ah,” ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay Cali Shariif, arrintaan ayaa kamida qorsheyaasha safaaradda ku talajirto in ay fuliso sanadka dambe ee 2020-ka.

“Dhib kasta ha jiro, waxaan rajeynaynaa in sanadka 2020-ka, qarnigaas in uu noqdo qarnigii Soomaalida,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhinaca kale, safiirka oo ku celiyey in dowladdu taageersan tahay murashaxnimadda Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramadda Midoobay ayaa Soomaalida ku booriyey in ay garab-istaagaan.

Ugu dambeyntii, danjiraha oo si lamid ah Soomaalida ku tartarsiiyey in ay xoojiyaan wadajirkooda ayaa ku waaniyey in ay kaalin ka cayaaraan sidii dalka looga saari lahaa liiska wadamada uu xayiraada saarey Trump.

MUUQAALKA SAFIIRKA

Safiir Shariif Cali Shariif axmed”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Safiir Shariif Cali Shariif axmed” ayaa caawa la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota

Slået op af Xogmaal Media i Søndag den 15. december 2019

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY