KooxdaAl-shabaab ayaa waxay toogasho ku fuliyeen mar kale shan qofood oo ay ku eedeeyeen inay basaabiisn ahaayeen, waxaana ay toogashadani ka dhacday deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe.
Goobta ay ka dhacday toogashadan Shantaan Qof oo dhamaantood rag ahaa waxaa ku sugnaa boqolaal ka mid ah shacabka deegaankaas, kuwaasoo Al-shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada u daawadaan.
Shanta ruux ee ay Al-shabaab ku toogatay meesha fagaaraha ah ayaa lagu kala sheegay magacyadooda;
Maxamuud Bashiir Hilowle oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.
C/xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo ay ku eedeeyen inuu la shaqeynayay Dowlad-goboleedka Jubbaland.
C/raxiim Axmed Yuusuf oo lagu eedeeyay inuu sirdoonka Mareykanka la shaqeynayay.
Isxaaq C/llaahi Xasanoow oo ay kooxda Al-shabaab ku eedeeyaan inuu la shaqeynayay maamulka Koonfur-galbeed.
Idiris Yuusuf dhallin oo lagu eedeeyay inuu la shaqenayay ciidamada ban-craft ee ee uu tababaray Mareykanka.
Qaaliga Maxkamadda Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu dilay shantaan qof, isagoo sheegay in deegaanno kala duwan laga soo qabtay, isla markaana ay iyagu qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay, sidaas darteedna ay ku xukumeen dil toogasho.
Ugu dambeyn, Waa maalintii labaad oo xriir ah oo ay kooxda Al-shabaab ku fuliyaan toogasho dad ay ku eedeynayaan inay la shaqeeyaan DF iyo dalalka taageera, waxaana maalin ka hor fagaaro ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen shan ruux oo rag ah oo ay dhamaan ku eedeyisnaa basaasnimo.
Haweeneydi ugu horreysay oo ay boqortooyada Sacuudiga u magacaawday danjiraha Mareykanka ayaa howlaheeda diblumaasiyadda ka billaawday Washington DC.
Boggeeda Tweetarka waxay Amiirad Rima Bint Bandar Al-Saud ay ku qortay: “Sharaf ayey ii tahay inaan warqadda danjiranimada la iigu soo magacaabay aan wareejiyo”
Waxayna sii raacisay iney howsha loo igmaday ay aad ugu faraxsan tahay “Noolasheedana ay baal cusub oo horumar leh ay uga billaabaneyso Washington DC, ayna la shaqeyn doonto shaqaala adag”.
16-ka bishi April ayuu boqorka Sacuudiga boqor Salman bin Abdul Aziz uu si rasmi ah uu u magacaabay Amiirad Rima Bint Bandar Al-Saud iney noqota danjiraha cusub ee boqortooyada Sacuudiga u fadhiyi doonto Washington DC.
Amiirad Riima Bint Bandar Al-Saud waxay beddeleysaa, Amiir Khaalid bin Salmaan oo uu dhalay boqor salmaan.Article share tools
Bilooyinkii ugu dambeeyay dalka Hindiya waxaa kasoo baxayay warar ku saabsan in qaar kamid ah dumarka kasoo jeeda qoysaska saboolka ah ay iska saaraan ilmo galeenka.
Haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada ayaa waxaa dalkaasi laga rumeysan yahay inay yihiin dad wasakh ah isla markaasna looma ogolo dumarka Hindiya inay ka qeybgalaan munaasabadaha diimaha iyo kuwo bulshada.
Sannooyinkii lasoo dhaafay, dhaqamadan gurucan ee ka dhanka ah haweenka waxaa loolan ugu jiraa sidii lagu ciribtiri lahaa aqoonyahanno iyo da’ yar dalkaas u dhashay.
Waxaa jira dhacdooyin muujinayaa in dhibaato lagu hayo haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada, gaar ahaan haweenka kasoo jeeddo qoysaska saboolka ah ee aanan helin wax waxbarasho ah ama aanan helin cid u dooddo. Waxay tallaabadan ku reebtaa noloshooda saameyn dhanka caafimaadka ah.
Gobolka galbeedka ku yaalla ee Maharashtra, kumanaan dumar ah ayaa waxay isku sameeyeen qaliin ay isaga saarayaan ilmo galeenka, waana arrin soo taagneyd saddexdii sanno ee lasoo dhaafay. Dumarkan iskaa saaray ilmo galeenka waxay ka shaqeeyaan beeraha qasabka.
Waxay doonayeen inay beeraha qasabka ka helaan shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda.
Sannad kasta, tobonaan kun oo qoysas sabool ah oo ku nool magaalooyinka kala ah Beed, Osmanabad, Sangli iyo Solapur ayaa waxay u qaxaan dhinaca deegaanada ku yaalla galbeedka si ay shaqo ugu raadsadaan beeraha qasabka, waxay beerahaas ka shaqeeyaan muddo lix bilood ah oo uu soo go’ayo qasabka.
Mana shaqaaleysiiyaan haweenka maadama guridda qasabka ay tahay howl aad u adag, haddii ay ka shaqeyaana waxay la kulmayaan dhibaato marka ay caadada ku dhacdo, haddii hal maalin aysan shaqada tegin waa la ganaaxaya.
Tobannaan kun oo haween ah ayaa ka shaqeeya beeraha qasabka dalka Hindiya
Nolosha ka jirta beeraha qasabka waa mid xun, waxay haweenku ku nool yihiin tenddooyin ama guryo cooshado ah, mana lahan Suuli, mararka qaar waxay shaqada ku gaarayaan xilli habeen ah, mana jirto wakhti cayiman oo shaqdoodu ku eg ama ay ku hurddaan, haweenka waxaa xilliyada qaar ku dhaca dhiigga iyagoo hayo howshan adag.
Naadafad darro ka jirta beeraha ay ka shaqeynayaan, waxay dumarku mararka qaar ku dhaca xannuuno ama caabuq.
Dadka u ololeeyo xuquuqda dumarka ee ku sugan halkaas ayaa kusoo warramaya in dhakhaatiirta qaar ee aanan la aamini karin ay ugu baaqeen haweenka inay qaliin isku sameeyaan waa haddii uu ku yimaado xannuunada haweenka ku dhaca ee la daaweyn karo.
In badan oo kamid ah haweenka Hindiya waxaa la guursadaa iyagoo da’ yar, marka ay gaaraan da’da 20-ka waxay qaarkood heystan 2 ilaa 3 carruur ah.
Dhakhaatiirta qaar uma sheegaan haweenka dhibaatada ka dhalan kartaa haddii ay iska saaraan ilmo galeenka.
Waxaa dalka Hindiya ka jiraa tuulooyin dhowr ah oo aysan dumarka ku nool aysan laheyn wax ilmo galeen maadama ay qalin isku sameeyeen si ay isaga saaraan.
Sannadkii lasoo dhaafay xilli xildhibaan laga soo doorto deegaanka uu horkeeyay dhibaatadan baarlamaanka hoose ee gobolka. Wasiirka caafimaadka ee gobolka Maharashtra, Eknath Shinde waxaa uu qiray inay jiraan kiisas gaarayo 4,605 oo ku saabsan haweenka iska saaray ilmo galeenka ee ku nool degmada Beed saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, waxaa uu sheegay in dhammaantood aysan aheyn haweenka ay yihiin kuwo ka shaqeeya beeraha qasabka ee aggaas.
Wasiirka waxaa uu sheegay in arrintaas ay u xilsaareen guddi gaar ah si ay baaritaanno ugu sameeyaan dhacdadaas.
Weriye BBC ka tirsan oo booqatay tuulada Vanjarwadi oo hoostagta degmada Beed ayaa waxay sheegtay in laga bilaabo bishii Oktoobar ilaa Marso sannad kasta, boqolkiiba 80 dadka deegaanka ay shaqooyin u raadsadaan beeraha qasabka, waxaana dadkaas u badan haweenka iska soo saaray ilmo galeenka si ay noloshoodu umaareeyaan.
Dumar badan oo ay la kulantay weriyaha waxay u sheegeen in qaliinka uu dhibaato caafimaad ku reebay, haweeney ayaa waxay tiri “Waxaan xannuun joogta ah ka dareemaa dhabarka, luqunta iyo lugaha” . halka haweeney kale ay sheegtay ‘inay dareento wareer joogta ah’
Waxay dhammaan haweenka ka dhawaajiyeen in nolosha ay ku qasbeyso inay kasii shaqeeyaan beerahaas.
Dhanka kale, waxaa jirtaa dhacdo ku saabsan in haweenka ka shaqeeyo warshadda dharka ee gobolka Tamil Nadu la siiyo dawooyin marka ay dareemaan xannuunka ka dhasha dhiigga caadada si ay shaqada usii wataan.
Warshadda dharka ee ku taalla gobolka Tamil Nadu waxaa ka shaqeeyaa 300,000 oo haween ah
Sida laga soo xigtay Reuters, ku dhawaad 100 haween ah oo kasoo qoysaska saboolka ah ayaa la siiyay daawadaas maadama ay sheegeen in aysan dooneyn in shaqada ay hal maalin ah dhaafto si ay maareeyaan noloshooda.
Waxaa loo sheegay in aanan loo sheegin magaca daawada iyo waxa ay tahay.
In badan oo kamid ah haweenkaas waxay sheegeen in daawada ay ka dhaxleen xannuuno hor leh sida murugo, xannuun ku yimaado kaadi heyska.
Guddiga qaran ee arrimaha haweenka dalkaas ayaa xaaladda haweenka gobolka Maharashtra ku tilmaamay mid gurucan isla markaasna mas’uuliyiinta waxay ugu baaqeen in laga hortaggo masiibadaas.
Maamulka gobolka Tamil Nadu waxaa uu sheegay inuu kormeerayo xaaladda caafimaad ee shaqaalaha ka howlgala warshadda dharka.
Dalalka Indonesia, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo dalal kale ayaa waxay haweenka siiyaan maalin fasax ah marka uu ku dhaco dhiigga caadada. Waxaa sidoo kale tallabadaas sameeyay shirkado gaar ah.
Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale la wareegtay hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo maanta gaaray degmadaasi ayaa si wadajir ah u la wareegay hub fara fara badan, gawaari iyo maleeshiyaadkii isticmaalayay.
Ciidamadan ayaa la sheegay in la Qarameyn doono, islamarkaana lagu biirin doono kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in dhawaan la diiwan gelinayo maleeshiyaadkaasi, ayna heli doonaan tababaro dheeraad ah.
Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo xoogan oo dowladdu ay ku dooneyso in lagu mideeyo Galmudug, laguna heshiishiiyo Beelaha daga gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Dhawaan ayey aheyd markii Ra”iisul wasaare Khayre uu Kooxda Ahlu-Sunna kala wareegay ciidamo, kuwaas oo si rasmi ah loogu daray kuwa xooga dalka Soomaaliyeed.
Qareenka guud ayaa doonaya in Kenya ay ku khasbaan in ay ka baxado kiiska badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka.
Kennedy Ogeto ayaa sheegaya kiiska ay geeyeen Kiriro wa Ngugi iyo labaatanka qof ee kale uu yahay mid iska ciyaar ah. Dacwad oogeyaasha ayaa waxaa matalayay qareen Kibe Mungai.
Kenya ayaa Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka waxaa ka dacweeyay Soomaaliya bishii August ee sannadkii 2014-kii, kadib markii ay ku murmeen dhul badeed gaaraya ilaa 100,000 oo kilometre oo isku wareeg ah.
Markaa kadib Kenya ayaa iyadana soo oogtay dacwad ay Soomaaliya isaga difaaceyso, iyada oo ku doodeeyso in Maxkamadda ICJ aysan awood u lahayn in kiiskan ay dhageeysato.
Kenya ayaa ku doodeeysay in marka hore la raadiyo waddo kale oo lagu xalliyo khilaafka dhanka badda ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Soomaaliya.
Maxkamadda ICJ ayaa 2-dii bsihii Febaraayo ee 2017-kii gaashaanka u daruurtay, taas oo ku doodeeyso in heshiiska is afgarshada uunsan xal u noqon Karin kiiska badda ee Soomaaliya.
Kiriro iyo 19-ka kale ee sharci yaqaanada ah ayaa aaminsan ka qeeyb qaadashada Kenya ee kiiska badda ee loo asteeyay in la dhageeysto inta u dhxeeyso 9-ka September iyo 13-ka, uu wax ka baddeli karo xadkeeda iyo khariiraddeedaba.
Waxa ay doonayaan in Maxkamadda Sare ay soo saarto qoraal amar ah oo ay ku joojinayso in ICJ ay dhageeysato kiiska badda ee Soomaliya kala dhexeeyo maadaamaa aysan haynin caddeymo sharci ah, sidoo kalan heshiiska is afgarshada ee la gaarayna uu mad-madaw ku jira.
Labaatanka qareen ayaa waxay aaminsan yihiin in dawladda Kenya aysan horay usii wadi karin kiiskan iyadoo la eegayo sharciga kenya u yaalla.
Labaatankan ayaa sheegay in Kenya aysan sii wadi dooonin ka qeeyb qaadashada dhageysiga Maxkamdda iyada oo aan ka baqayn in dhulkeeda lumo sidoo kalana ka cabsi qabin in dhulkeeda iyo madax-banaadideedaba gorgortan u gelin .
Maxkamdda ayaa waxaa loo sheegay in inkastoo Kenya ay aqoonsantahay xukunka ICJ, haddana Kenya uu shaki uga jiro kiiskaasi.
Dadka dacwadda geeyay ayaa waxay aaminsayihiin sababta ay uga hor yimaaden inay tahay inay suutro gal ahayn in dhammaan khilaafyada lagu xalliyo maxakamadaha.
Dhibaatooyinka ama khilaafyada qaar ayaa waxa ay u baahan-yihiin in lagu xalliyo geedi socod dhanka siyaasadda ah amaba diblomaasiyadda ah taasi oo ay lagama maarmaan tahay in la’ is hor keeno muwaadiniinta waddamada khilaafka uu ka dhaxeeyo oo ay iyaga go’aanka ugu dambeeya gaaran.
Khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal
Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay.
Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.
Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.
Amiirad Haya Bint al-Hussein, oo ah xaaska Amiirka Dubai Sheikh Mohammed Al Maktoum, ayaa ninkeeda isaga tagtay sababa aan la garan, iyada oo dhacdadaasi lagu tilmaamay tii ugu horreysay oo ka dhacday aqalka looga arrimiyo iisu tagga Imaaraadka Carabta.
Amiiraddu waxay sheegtay iney guri ku yaalla bartamaha magaalada London ay ku sugan tahay.
Amiiradda ayaa la sheegay in horraantii sannadkan ay u baxsatay dalka Jarmalka halkaas oo ay magangalyo weydiisatay, kadibna ay aaday magaalada London oo ay ku leedahay guri weyn.
Ila wareedyo xog ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay iney Amiirad Haya nafteeda u cabsatay maadaamaa ay iisu diyaarineysay iney ninkeeda maxkamad soo taagto.
Halkey ku soo barbaartay?
Amiirad Haya waxay dhalatay May 1974. Aabbaheed waa boqor Xeseenka Urdun, hooyadeedna waa boqorad Caalia al-Xuseen. Seddex jir ayey ahayd marki hooyadeed ay ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta dalka.
Haya bint Al-Xuseen waxay sheegtay in dhimashada hooyadeed ka dib ay aad u murugootay, oo ay joojisay inay dadka dhex-gasho, ka dibna aabbaheed, Boqor Xuseen, ayaa siiyay Faras, sidaasna waxay ku noqotay qof aad uga hela fardaha iyo tartamada la xiriira.
Amiirad Haya Bint Al-Xuseen waxay isku aabe yihiin boqorka haatan Urudun, Cabdalla Bin Al-Xuseen.
Amiiradda carruurnimadeedi ugu badneyd waxay ku soo qaadatay dalka Britain.
Amiirad Haya ayaa haatan ah 45 jir, waxay wax ku baratay dalka Britain, oo waxay ka soo qalinjebisay Jaamacadda Oxford, oo ah halka ay ka soo baxeen inta badan madaxda Britain iyo dunidaba.
Mar sii horresya Amiirad Haya waxay sheegtay iney aad u jeceshahay shiishka iyo waditaanka gawaarida waaweyn, iyada weliba intaa ku dartay iney tahay haweeneyda keli ee dalka Urdun ka haysata leysanka waditaanka gawaarida waaweyn.
Amiirad Haya sawir laga qaaday 18 jirkeedi sanadka marka uu ahaa 1993
Waxay takhasus aad u dheer u leedahay farda fuulka iyada oo guud ahaanba ciyaaraha xiiseyso, markay da’ddedu 20-ka madaxa la gashayna waxay u biya shubatay iney noqoto ciyaaryahan farda fuulka tartan ku gala.
Tartannada caalamiga iney ka qayb qaadatana waxaa lagu ogaaday ciyaarihi Olombikada ee 2000 lagu qabtay magaalada Sydney iyada oo xilligaasi sidday calanka dalkooda.
‘Waan nasiib badanahay inaan isaga ku dhawaado’
10-ka bisha April 2004-tii, iyada oo 30 jir ah ayey Amiirad Haya guursatay Shekh Mohammed oo xilligaasi ahaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’isal wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna noqday madaxa Dubai. Amiir Mohamed xilligaa wuxuu ahaa 53 jir waxayna u ahayd xaaski lixaad oo uu guursado wuxuuna xaasas kala duwan uu ka dhalay 23 carruur ah.
Si la mid Amiirad Haya isaguna wuxuu ahaa mid aad u jecel farda fuulka waana aasaasaha ahna mulkiilaha madasha tartanka farda fuulka caalamiga ee Godolphin. Waxayna labada lammaane isku guursadeen oo uu arooskooda ka dhacay xaflad aroos oo lagu qabtay Cammaan.
Amiirad Haya muddadi ay Amiir Shekh Mohammed la nooleyd waxay ka hadli jirtay iey xiriir wanaagsan la leedahay seygeeda Sheik Mohamed oo wax dhib ah ka jirin, waxayna ku muujin jirtay sawirro quruxbadan oo ay ku tilmaameyso iney noolasheeda ku faraxsan tahay.
Amiirad Haya iyo Seygeeda Amiir Sheikh Mohammed
“Maalin walba waan la yaabaa waxa uu sameeynayo” ayey tiri, mar ay Amiirad Haya la hadleysay wargeyska arrimaha dumarka ka faallooda sanadki 2016-kii. “Maalin walbana waxaa ilaahey uga mahadin jiray nasiibka uu ii siiyey inaan Amiirka noolal la wadaago.”
Balse waxay arrintani cusub soo ifbaxday sanadki hore Sheikha Latifa oo uu dhalay Sheikh Mohammed iney isku dayday iney dalka ka baxsato. Muuqaal ay baraha bulshada ku faafisay Amiiradda Sheikha oo 33 jir ah waxay sheegtay iyada iyo qoyskeeda iney aragtida iyo dookhaba ay ku kala duwanaadeen “oo ay xorriyaddeeda iyo rabiytaankeedaba ay ka helin”, iyada oo cadaadiska ay qoyskeeda kala kulanta ku tilmaantay xadgudub baahsan.
Ugu dambeyntina waxaa la sheegay iney Sheikha Latifa ayaa dhanka badda uga baxsatay Imaaraadka iyada oo uu baxsashada gacan uu ka sii nayey nin Faransiiska u dhashay, hase yeeshee ciidamada ilaalada badda ayaa badda Hindiya ka soo qabtay oo Dubai dib ugu soo celiyey.
Bishi December0na waxaa la shaaciyey sawir muujinaya iyada oo garab fadhida madaxweynihi hore ee Irish Mary Robinson oo Imaaraadka booqasha ku timid.
Sheikha Latifa Maxa ku dhacay?
Hay’adaha ay quseeysa arrintan ee Dubai waxay diideen inaan Sheikha Latifa “wax xad gudub ah aan loo geysan” haddana “ay Dubai ku nabad qabto”. Waxayna Amiira Haya ay xilligaasi sheegtay “in hadalka hay’adaha Dubai ka soo yeeray aan la rumeysan karin ayna ka fogtahay xaqiiqda dhabta ah ee jirta.”
Balse hadda, lix bilood kaddib ilo wareedyo ku dhaw Amiirad Haya waxay BBC u sheegeen iney Amiirad Sheikha ay ka baxsatay cadaadiska ay kala kulanto ninkeeda iyo qoyska intiisa kalaba. Waxayna sheegtay inuu ammaankeeda sugnaaneyn haddii ay Dubai sii joogto waxayna marki hore u baxsatay Jarmalka inta ay Britain aadin ka hor.
Hase yeeshee, ninka qaba Sheikha Latifa wax jawaab ah kama bixin eedda ay xaaskiisa u soo jeedisay ee ay ku sheegtay inuu Amiirka iyo qoyka guud ahaanba ay u geysteen.
Prince Haya oo sheegtay iney ku noolan doonto guri ay ku leedahay Kangstan Palace oo ay qiimahiisu ku kaceyso $107 milyan oo doolar, ayna iisu diyrineyso dagaal dhanka sharciga ah iney ka billaawdo Maxkamadda sare ee daa UK.
Somaliland ayaa si weyn uga carootay goaankii ay Dawladda Somalia xiriirka ugu jartay dalka Guinea Conakry, oo si heer sare loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Arintan ayaa waxaa ka hadlay dhowr Wasiir oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Warfaafinta iyo Arimaha Gudaha.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta ciidamada Ahlu Sunna si ay uga mid noqdaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo qayb galay Munaasabadda daah-furka qaramaynta iyo diiwaan gelinta ciidanka dowladdu ay kala wareegtay Ahlu Sunna, ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay qaranka iyo dowladnimada.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in munaasabadda maanta Dhusamareeb ka dhacday ay farriin u dirayso kooxda Kharaarijta ah, isaga oo ugu baaqay shacabka hubka heysta in ay ku daydaan Ahlu Sunna oo ay hubka ku wareejiyaan dowladda, si loogu isticmaalo difaacidda qarannimada.
Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay kamid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka, ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan.
Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta maanta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidanka qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan welinta habka Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa fulinta Ahlu sunna, xildhibaanno, wasiirro, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda kadib kormeeyay xarumo ay ka billaabatay diiwaan gelinta ciidanka, waxa uuna faray mas’uuliyiinta ku howlan in sida ugu dhaqsaha badan ay shaqada ku qabtaan, si ciidanku ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaannada cadawgu uga suganyahay dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirkii deblomaasiyeed u jirtay dalka Guinea-Conakry oo dhaca galbeedka Qaaradda Afrika kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu casumaad ka helay madaxda dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay dowladdu ay xiriirka u jartay dalka Guinea-Conakry ee ku yaalla galbeedka Afrika kadib markii uu ku xadgudbay Qarannimada iyo wada-jirka jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dhinaca kale Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta shirkoodii Khamiislaha ka digay tallaabooyin ay sheegeen in ay qaadday dowladda Soomaaliya oo khatar gelin kara amniga Mandiqadda islamarkaana qalalaase ka abuuri kara Geeska Afrika sida ay hadalka u dhigeen.
“Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer” ayaa lagu yiri qoraalka.