Home Blog Page 69

ISIMADA SSC RABITAANKA SHACABKA IYO JAMAAHIIRTA WAXAAN AHAYN CIDNA KUMA METELAAN

isimo gudi aayo katalin

Isimadda SSC iyo Gudiga Aayo ka talinta, xusuusnaada Shirka aad u fadhidaan dhalinyaraddii u dhimatay masaafo 30 talaabo ka yar, iyagoo eegaya oo indhaha kala haya ayaa xabad lidka diyaaradaha lagu dilay, qaarna jidhkoodii baa lagu jarjaray sida Hoodo Cabdikariin, sidaasdarteed inaad dhiiggii dumarka iyo dhalinyaradda caagleysataan laydiinku sharfi maayo.

Waxaa la sugayaa oo laydiin igmaday waa wax cad, waa qodobo nuxurkoodu yahay:

Wadajirka Islaamka iyo midnimadda Soomaaliya waa lama taabtaan.

Muddo shareeco ka dib in lagu Jihaado Maleeshiyadda Gooni-u-goosatadda ee degaamadda SSC xasuuqa iyo tacadiyadda ka geystay.

Degaamada SSC waa dhul Soomaaliyeed Maamulkooduna wuxuu hoos tegayaa Dawladda Federaalka Soomaliya.

Nuxurkii intaas iyo farsamadiisa ka baxsan cidna kuma mateshaan, waxaadna la meeqaam noqonaysaan Horgallada, kacdoonkuna idiin joogsan maayo. Waa lala socdaa in cadowgu ku rajoweyn yahay inuu idiin kala qaybiyo, siduu idiinka bartay. Xusuusnaada Isim walba wuxuu halganka ka geysto taariikhda ayey u gelaysaa.

Jamaahiirta Dhalinyaradda Kacdoonka ee Goboladda SSC, shirka loo fadhiyaa waa masiirkiinii aad dhiigga u soo shubteen, Soomaaliya iyo Caalamkuba indhaha ayey idiinku hayaan, dhalinyaradda Soomaaliyeed oo dhan ee qabiilku kala qoqobayna waxay eegayaan sida kacdoonkiinu u guuleysto, taariikh cusub baad dhigteen, sidaasdarteed waxaa laydiinka baahan yahay inaad feejignaan dheeraada muujiyaan, oo cadowga gudaha iyo horgallada qarsoon iska ilaalisaan. Isu soo baxa, tallada dacalka qabsadda oo ogaadda waxa soo baxaya, si aan dhiigiina loo caagleysan.

QOFKII LEEXDOW ADIGAA GUNNIMO DOORTAY KACDOONKUNA WUU SOCONAYAA.

GUUL IYO GOBANIMO JAMAAHIIRTA SSC.

#SSCGENOCIDE

SHIRKA AAYO KATALINTA SSC OO MAALINTII 2AAD SI HABSAMI AH U SOCDA

aayo katalinta ssc

Shirweynaha Aayo ka talinta Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maalintii 2aad galay.

Madaxda dhaqanka iyo Gudiga Aayo ka talinta ee 33 qof ayaa ku mashquulsan inay si qotodheer u gutaan waajibaadkii loo xilsaaray.

SHIINAHA: MASHQUUL BADAN OO LA SOO DERSAY DADKA SAMEEYA NAXASHYADDA

naxash china

Dadka naxashka ruuxa meydka ah lagu qaado, ee Waqooyiga Shanxi ee dalka Shiinaha, ayaa waxay ahaayeen kuwo mashquul ah habeen iyo maalin.

Waxaan aragnay sida ay nijaarradii u ururinayeen kuwa qeyriin ee geedaha laga sameeyo naxashka.

Dhowr bilood ka hor, ayaa waxay sheegeen in ay si aan kala joogsi lahayn u shaqaynayeen.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan tuuladaas, ayaa tilmaamay in mararka qaar ay iyagu sameeyaan naxash, inkastoo aanay aqoon u lahayn.

Waxa uu si qosol ah ugu sharxay in kuwa wax-qabtey, “ay cunayaan ganacsigooda.”

Waxaa weli si weyn loo hadal hayaa tirada dadka ku dhintay dalka Shiinaha, tan iyo markii uu cudurkaasi uu ka dilaacay dalkaasi, oo uu mar ku yimid hakad.

Cudurka ayaa wuxuu saameeyay boqolkiiba 80 – in ka badan 1 bilyan oo qof – oo ka mid ah dadka waddanka, tan iyo markii la joojiyay sharciyada ilaalinta bishii Diseembar, sida uu sheegay dhakhtar lagu magacaabo Wu Zunyou.

Toddobaadkii hore, Shiinaha ayaa baahiyey 13,000 oo dhimasho ah oo la xiriirta cudurka Covid-19, taasoo ka badan tiradii lasoo gudbiyey tan iyo bishii December, oo ah 60,000 oo dhimasho ah.

Laakin tirade dhimashada la baahiyey, ayaa ah oo kaliya kuwa ku jira isbitaalada oo kaliya. Tuulooyinka ma jiraan daryeel caafimaad oo sax ah, marar badanna dadka waxay ku dhintaaan guriga lamana xisaabiyo.

Ma jiraan tiro rasmi ah oo dadka ku dhintay tuulooyinka, balse BBC-da, ayaa heshay calaamado muujinaya inay jiraan dhimasho badan.

Waxaan booqanay goobtii lagu gubayay dadka, waxaan la kulanay dad aad u tiro badan, waxaan ku aragnay dad eheladooda aasaya, oo soo xiranaya dhar cad cad, iyagoo u keenaya sanaadiiq yar yar oo ay ku muuqato dambas eheladooda kale.

Tuulo kale, waxaa la arkayey dad tiro badan: Waxaa jiray nin iyo naag ku raran boorso, musqul macmal ah oo lagu qaaday baabuur weyn. “Tani waa fursad dhanka aakhiro ugu jihaysan doonaan,” ayay tiri haweeneydu.

Qof kasta oo aan kula kulanay gobolka Shanxi, ayaa waxa uu ku xiran yahay meheradda aaska oo uu lacag laga helo, waxaana la xaqiijiyey sheekada ku saabsan sida ay shaqada u helayaan, iyada oo aan kala joogsi lahayn, sababo la xiriira kororka dhimashada ee cudurka safarmaka ee coronavirus.

DAAWO HADALJEEDINTII GARAAD CLAAHI GARAAD SALEEBAAN EE FURITAANKII SHIRKA AAYO KATALINTA SSC

garaad claahi garaad saleebaan

DAAWO HADALJEEDINTII GARAAD CLAAHI GARAAD SALEEBAAN EE FURITAANKII SHIRKA AAYO KATALINTA SSC.

DAAWO HADALJEEDINTII GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL EE FURITAANKII SHIRKA AAYO KATALINTA SSC

garaad jaamac garaad ismaaciil

DAAWO HADALJEEDINTII GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL EE FURITAANKII SHIRKA AAYO KATALINTA SSC.

DAAWO HADALJEEDINTII GARAAD GUUD EE SSC G JAAMAC G CALI EE AAYO KATALINTA SSC

garaad jaamac garaad cali

Daawo hadaljeedintii Garaad Guud ee Gobolladda Sool, Sanaag iyo Cayn ka jeediyey Shirka Aayo ka talinta SSC.

ISIMADDA IYO CULIMADA SNM MIDNA LAASCAANOOD LOOGAMA BAAHNA JAMAAHIIRTANA

soodhoweyn garaad jaamac g cali3

Hadalhaynta Hargeysa waxaa maalmihii u dambeeyey ku soo badanaysay in magaaladda Laascaanood loo diro Isimo, Cuqaal, Culimo iyo wax la mid ah oo Jamhadda SNM ka soo jeeda.

Dhalinyaradda Jamaahiirta Kacdoonka waxaa ku waajiba inay dadkaas magacyadda sheeganaya ay degaamadooda ka ilaaliyaan, waayo waa kuwii 15 sanadood ku faraxsanaa xasuuqii Goboladda SSC ka socday.

Weli miyaad aragteen Sheekh ka mid ah Culimadda Jamhadda SNM oo leh war xasuuqa iyo tacadiga dadkaas lagu hayaa waa xaaraan ee degaamadooda uga soo baxa? Jawaabtu waa maya, weli miyaad aragteen iyagoo ka hadlaya midnimada iyo Wadajirka diintu Muslimiinta ku waajibisay? waa Maya, wax cusub ma soo kordhinayaan, dusha ayey culimo uga egyihiin, hoostana Muuse Biixi iyo Ina Kaahin.

Guud ahaan Jamaahiirta Degaamada SSC waxaa la gudboon inay ogaadaan in muranka hargeysa yaal aanu ahayn wanaag, balse Isimadda, Xisbiyadda, Ururadda, Culimadda iyo waxgaradba ay Muuse Biixi ku haystaan, inuu khalday siduu Xasuuqa u fuliyey oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xirsi ka fiicnaayeen.

GUUL IYO GOBANIMO JAMAAHIIRTA DHALINYARADDA SSC, DHIIGGIINA IYO KACDOONKIINU KHASAAROOBI MAAYO, CIDNA MA IIBSAN DOONTO, HIIGSIGIINU WAA MIDNIMO SOOMAALIYEED INTA QOF IDIINKA NOOL YAHAY IYO DEGAAMADIINA OO AAD U TASHATAAN.

DAAWO DHALINYARADDII DUGSIYADA IYO JAAMACADAHA SSC OO HUBKA QAATAY

Dhaliyaraddii Dugsiyada iyo Jaamacadaha ee Gobolladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa qaatay hubka si ay degaamadooda uga xoreeyaan Maleeshiyadda Jamhadda SNM.

SUDAN IYO ITOOBIYA OO KA HESHIIYEY BIYO XIREENKA WEBIGA NILE

Abiy Ahmed iyo Gen Abdel Fattah al Burhan

Hogaamiyaha militariga Sudan, ayaa sheegay in “Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan” biyo xireenka weyn ee Itoobiya.

Biyo xireenkan ayaa lagu muran sanaa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Sudan ee Suna.

Isagoo ka hadlayay mar uu Khartuum kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Khartoum Khamiistii, Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Itoobiya.

Abiy ayaa waxa uu sheegay in biyo xireenka wabiga Niil uusan “wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka faa’iidaysan doono maamulka Khartoum dhanka korontada”.

11-kii bishan Janaayo, ayaa wasiirada arrimaha dibadda ee Sudan iyo Masar waxay ku heshiiyeen “in la sii wado wada tashiyada” ku saabsan biyo xireenka Itoobiya.

Maamulada Addis Ababa iyo Khartoum iyo Masar, ayaa waxaa u dhexeeya muran dheer oo ku saabsan biyo-xireenka, kaasoo dowladda Sudan iyo maamulka Qaahira ay ka cabsi qabaan inuu yareeyo saamiga ay ka helaan biyaha webiga Niil.

SAWIRRO GARAAD MAXAMED GARAAD ABSHIR OO SI BALAARAN LAASCAANOOD LOOGU SOO DHOWEEYEY

soodhoweyn laascaanood garaad maxamed g abshir3

SAWIRRO GARAAD MAXAMED GARAAD ABSHIR OO SI BALAARAN LAASCAANOOD LOOGU SOO DHOWEEYEY.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY