Home Blog Page 68

XILDHIBAANADA B. FEDERAAL EE SSC OO QORAAL U DIRAY URURKA IGAD IYO BEESHA CAALAMKA

xildhibaan cabdi qawdhan2

Xildhibaanadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Goboladda SSC ayaa maanta qoraal u gudbiyey Urur Goboleedka IGAD Iyo Beesha Caalamka.

Qoraalka ayaa xildhibaanadu caalamka ugu cadeeyeen inaan Isimadda SSC wax wadahadal ah la gelayn Maamulka Hargeysa ilaa maleeshiyada SNM laga saaro degaamada SSC, sidoo kale aanay Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ka mid ahayn gooni-u-goosatada sheegata Magaca Somaliland. Akhriso qoraalka:

DAAWO GARAAD CABDILLAAHI GARAAD SALEEBAAN OO MAXAMED KAAHIN JAWAAB WAAFI AH U DIRAY

garaad claahi g saleebaan3

Garaadka guud ee Maxamuud Garaad SSC Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan, ayaa jawaab Waafi ka bixiyey hadalo daalaadhacayn ah oo ka soo yeeray mid ka mid ah horjoogeyaasha Hargeysa oo lagu Magacaabo Maxamed Kaahin.

DAAWO ISIMADDA SSC OO KU DHOWAAQAY IN AANAY SOMALILAND KA MID AHAYN

aayo katalinta ssc

Isimadda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn oo hadda war deg dega soo saaray ayaa cadeeyey mowqifkoodii Somaliland iyo shirka dhexdhexaadin ee IGAD sheegtay inuu wado Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Isimadda ayaa kyu dhowaaqay inaan Goboladda SSC aanay ka mid ahayn Somaliland, waxay si cad u yiraahdeen “Anagu Somaliland ma nihin”.

LABO QODOB OO HORTAAGAN HESHIISIINTA ISMAACIIL C GEELLE EE KHAATUMO IYO SOMALILAND

somaliland vs khaatumo

Sida ku cad hadaljeedinta (Riix halkan iyadoo English ah) Xoghayaha Fulinta Arbaca Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, 1da Febraayo 2023 firqadihiisa 48 iyo 49, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tuurta ku qaatay inuu heshiisiiyo Maamuladda Hargeysa iyo Laascaanood.

Arrintan ayaa waxaa la soo gudboonaaday labo caqabadood oo keliftay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Jabuuti ka aamusaan oo maadaama ay qarax siyaasadeed ka dhalin karto shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah:

Reer Khaatumo ma ogola inay gorgortan ka galaan Midnimadda Soomaaliya, taasoo haddii shacabka Soomaaliyeed ogaado in lagu cadaadinayo dhalin karta kacdoon xoogle oo Saameeya Madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti, sidoo kale waxay ku dhegan yihiin in Maleeshiyadda Maamulka Hargeysa Gobolladda SSC laga saaro.

Maamulka Hargeysa labadaas qodob midna ma aqbalayo maadaama uu mudo dheer sheeganayey Dawlad Madaxbanaan.

Sida muuqata dhexdhexaadinta uu Madaxweyne Ismaaciil Caalamka ka balan qaaday ayaa isu bedeshay arin Muuse Biixi loogu daneynayo si uu u helo waqti uu ku fuliyo gabood-fallo dheeraada, kuwii uu horey u geystayna loo daboollo, islamarkaana uu ku raadsado fursado ku burburiyo midnimadda shacabka SSC.

JAMAAHIIRTA LAASCAANOOD ”DAGAAL IYO DHIMASHO AYAAN DIYAAR U NAHAY”

Fagaaraha Buluuga13

Jamaahiirta Dhalinyaradda Kacdoonka SSC oo shalay galab isugu soo baxay barxadda shuhadada shacabkii ay Maleeshiyadda Gooni-u-goosatada SNM xasuuqday, ayaa wacad ku maray inay kacdoonka sii wadayaan ilaa inta ay kacdoonkooda ka midho dhalinayaan.

Jamaahiirta ayaa fariin adag u diray Isimadda iyo Gudiga Aayo ka talinta.

GUDOOMIYE KU XIGEENKA 1AAD EE URURKA REJO OO ISU CASILAY XASUUQII LAASCAANOOD DARTIIS

Cabdirisaaq Maxamed jaamac sanweyne

Gudoomiye Ku Xigeenka Urur Siyaasadeedka REJO Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (SANWEYNE) ayaa iska casilay xilkii uu ururkaas u hayey.

Gudoomiyaha oo qaar saxaafadda ka mid ah la hadlay ayaa iscasilaadiisa sal uga dhigay xaalladda Colaadeed ee Maamulka Muuse Biixi ka waddo Gobolka Sool iyo xasuuqii Magaaladda Laascaanood laga geystay.

MAAMULKA JAMHADDA SNM OO LACAGTII UGU BADNAYD LAASCAANOOD U DIRTAY

madaxweyne muuse biixi5

Maamulka Jamhadda SNM ee uu hogaamiyo GACAN-KU-DHIIGLE Muuse Biixi Cabdi ayaa labaddii maalmood ee ugu dambeeyey Magaaladda Laascaanood u dirtay lacagtii ugu faraha badnayd ee ay abid degaamadaas u diraan.

Dhaqaalahan ayaa loo qoondeeyey liis uu gudbiyey Gudoomiyaha baarlamaanka Jamhadda SNM Cabdirisaaq Khaliif, kuwaas oo ka kooban Garaado, cuqaal iyo Gudiga Aayo ka talinta.

Shax lagu qorsheeyey guriga Jamhadda looga taliyo ayaa isimada, cuqaasha, iyo Gudiga loo kala saaray 3 qaybood, kuwo lagu tilmaamay xagjir fogaaday oo aan laga rejo qabin, koox ay ugu yeereen dhexdhexaad u baahan in shaqo dheeraada la geliyo iyo koox lagu sifeeyey goljilic la socda balse ka gabanaya Jamaahiirta Kacdoonka SSC.

Lacagta oo la qorsheeyey in qofkii loogu tallogalay ay qarsoodi u gaarto.

Maamulka Jamhadda SNM ayaa ku rajo weyn in shirka Isimadda ay ka soo baxdo baaq nuxurkiisu yahay in Somaliland iyo Reer Khaatumo wadahadlaan.

Jamaahiirta Kacdoonka Buluugga ee SSC waxaa looga baahan yahay inay difaacdaan Masiirkooda oo qarka u saaran in la caagleysto.

GUUL IYO GOBANIMO JAMAAHIIRTA SSC.

DAAWO ISIMADDA SSC OO SI ADAG UGU JAWAABAY HOGAAMIYAHA MAAMULKA HARGEYSA

garaad jaamac garaad cali

DAAWO ISIMADDA SSC OO SI ADAG UGU JAWAABAY HOGAAMIYAHA MAAMULKA HARGEYSA.

DAAWO MAHDI GUULEED OO SOMALILAND KU SHEEGAY DAL MADAXBANAAN

RWKX Mahdi Maxamed Guuleed2

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, ahna haatan xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta hadal buuq badan dhaliyay ka dhex sheegay kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriira arrinta madax bannaanida ee Somaliland.

Mahdi Guuleed oo ka hadlay dooda ku aadan hindise sharciyeedka hay’adda NISA ayaa soo hadal qaaday sida uu sharcigaan uga hir-geli karo dalka, ulana jaan qaadi karo waddamada dariska ah, isaga oo dalalkaas ka tilmaamay Somaliland oo uu ku sheegay inay tahay dal daris la ah Soomaaliya.

“Haddaba is barbar dhig baanu sameynay oo aanu la eegnay shuruucda kale iyo weliba Geeska Afrika iyo Somaliland qudheeda, ninbaa oran jiray Somaliland waxay kamid tahay waddamada dariska ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dowladda dhexe.

Intaas kuma ekaan, wuxuuna Mahdi Guuleed u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax bannaan, isaga oo sheegay inay ku jirto wadamada dariska la ah Soomaaliya.

“Marka waddamada dariska ah waan wada eegnay Somaliland-na ay ku jirto,” ayuu markale yiri xildhibaan Mahdi Guuleed oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hargeysa.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa sameeyey fal-celin, waxaana hadalka Mahdi Guuleed ka dhashay buuq ay sameeyeen xubnaha Golaha, waxaana kadib soo farageliyay guddoonka.

“Xildhibaanada sharafta leh garaaca joojiya cidda toosin sameyneyso waa la siinayaa,” ayuu yiri guddoonka sare ee Golaha Shacaabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa sidoo kale hadal heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada, waxaana dadka ka falceliyay ay soo jeediyeen in tallaabo laga qaado Mahdi, si uu u bixiyo raali-gelin.

Si kastaba, Mahdi Guuleed ma’aha mudanihii ugu horreeyay ee Baarlamaanka ka sheega hadalkan, waxaana uga horreysay Xildhibaan Gobsan oo iyadana ka soo jeeda Somaliland, taas oo shaacisay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo ay tahay in lagu ixtiraamo.

DAAWO DHALINYARADA GOBOLKA AWDAL OO KU BAAQAY XUSKA XASUUQII SNM KA GEYSATAY AWDAL

dhalinyarada awdal

Dhalinyarada Gobolka Awdal ayaa ku dhowaaqay in 4 Feb /2023 Sabtida ay tahay maalinta xuska xasuuqii SNM ka geysatay Gobolka Awdal.

Dhalinyaradda ayaa shacabka ugu baaqay inay si weyn uga soo qaybgalaan.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY