Home Blog Page 289

Guddiga doorashada heer federaal oo ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay

gudiga doorashada 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii uu guddiga shaqadiisa si caadi ah u bilowday, xilli ay ka maqan yihiin xubnaha Jubbaland iyo Puntland.

War-axaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga ay u suurtagashay dhameystirka qodobada kala ah:

  1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir.
  2. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.
  3. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.
  4. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada Doorashada.
  5. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddiga uu hadda gacanta ku hayo sameynta shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorashada Soomaaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale xusay in shirarka guddiga ay soo xaadirayeen kooram gaaraya 20 xubnood oo ka mid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Ugu dambeyntii war saxaafadeedka guddiga ayaa lagu sheegay in xubnaha guddiga ku matalo Puntland iyo Jubbaland ay diideen inay ka qeyb galaan kulamada iyagoo taas shuruud uga dhigay inay fasax ka helaan maamulada soo magacaabay.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa kusoo aadaya ayada oo maanta ay xaqiiq noqotay in doorashada Soomaaliya ay wajahdsay dib u dhicii ugu horreeyey. Jadwalka doorashada ayaa waxaa ku xusan inay maanta ahayd in la billaabo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamanka, taasi oo aan dhicin.

Dhanka kale, guddiga ayaa waxaa weli ka maqan xubnaha matalaya maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, taasi oo su’aal gelineysa go’aano kasta oo ay qaataan.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay guddiga

War-saxaafadeed: Hawlaha u qabsoomay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal

Muqdisho (1da Diseembar, 2020): Shirkan Jaraa’id waxaan u qabannay inaan ku iftiiminno waxyaabihii u qabsoomay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal oo labadii toddabaad ee u dambeysay shirar joogta ah kulahaa Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu guddigan ka kooban yahay xubno ay magacawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka yimid Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna ka dhashay Heshiiskii Siyaasadeed ee Madaxda labada heer ay ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Magacaabista Guddigan waxey timid kaddib markii habraacyadii heshiiskaas la dhammeystiray, ay ansixyeen labada Aqal ee Barlamaanka JFS, uuna saxiixay Madaxweynaha.

Taniyo intii uu Guddigan hawshiisa guda galay, waxaa noo qabsoomay inaan dhammeystirno qodobadan;

  1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir.
  2. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.
  3. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.
  4. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada Doorashada.
  5. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

Waxaa kale oo aan hadda gacanta ku haynaa shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacdo.

Waxaa hawlaha haatan socda kasoo qeybgalay kooram gaaraya 20 xubnood oo kamid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Guddiga intii uu shaqeynaayay wuxuu xiriiro joogta ah la yeeshay qaar kamid xubnaha 4ta ah ee ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Xubnahaas walaalaheen ah ee magacaaban balse aan soo xaadirin kulamada waxay qaar kamid ah noo sheegeen in ay nagu soo biiri donaan marka ay ogolaansho ka helaan Madaxdooda.

Haddaba, annaga oo og in muddo bil ah uu jiray, haddana jiro dib u dhac jadwaleed oo saameeyay waqtiyadii loo ballansanaa in doorashada loo dareero, waxaan rabnaa inaan mar kale ku baraarujinno in ay sida ugu degdegsan noogu soo biiraan maadaana ay maalmo kooban uun ay naga xigto xilliga loo asteeyay doorashada Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa oo diyaarinteeda aan hadda guddi u saarnay. Waa muhiim ah xilligan adag inaana waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin.

Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.

Wabillaahi Towfiiq

Cilad ku timid diyaarad ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan HirShabelle

diyaarad

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa cilad ku timid diyaarad ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Diyaaradda oo ka soo amba-baxday magaalada Jowhar ayaa cilad dhinaca matoorka ah ay ku qabsatay hawada, waxaana ay sidday wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cabdixakiin Luqmaan Muxumed, islamarkaana uu ka mid ah wasiirka amniga maamulkaasi Maxamed C/raxmaan Khayre.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda uu si deg-deg ah duuliyaha uga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey jiritaanka warkan, iyaga oo shaaciyey in cilada ay ku timid ka mid ka mid ah matoorada diyaaradda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta HirShabelle ay diyaarad kale ka qaateen garoonka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa ku socday Beledweyne, si ay uga qeyb uga noqdaan xallinta xiisada ka taagan gudaha magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo laga bixiyey shilkaasi, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay cilaada ku timid diyaaraddaasi.

Madaxda dowlad goboleedka HirShabelle ayaa inta badan isticmaala diyaarado marka ay tagayaan degmooyinka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, maadaama ay inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab go’doomiyeen deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

RW Abiy Axmed oo eedeymo culus u jeediyey hoggaankii TPLF ee laga adkaaday

abiy axmed2

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa eedeyn culus u jeediyey hoggaanka TPLF ee dagaalka kula jira ciidamadiisa.

Abiy Axmed oo warbixin siinayey baarlamaanka Itoobiya ayaa ku eedeeyey TPLF inay sumeeyeen janaraal ka tirsan ciidamada militeriga ee dalkaasi, kaa oo ka howlgalayey saldhig ku yaalla gobolka Tigray, ka hor inta aysan bilaaban dagaallada labada dhinac.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in janaraalka la sumeeyey oo lagu magacaabo, Diriba Mekonnen uu dhibkii kasoo gaaray sunta uu ilaa iyo hadda kasoo kici la’ayahay isla markaana uu shaqada ku laaban waayay, tan iyo markii la sumeeyey

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in sarkaalkaas la sumeeyey, kaddib markii uu lasoo qadeeyey madaxda TPLF.

Abiy ayaa sidoo kale intaasi ku daray in tan iyo markii uu billowday dagaalka ay ku qaadeen gobolka Tigray in hal qof oo rayid ah aanan lagu dilin howlgalkaasi, balse waxaa hadalkaasi si weyn uga soo horjeestay hoggaanka sare ee gobolka Tigray.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xukuumadda Itoobiya ay ku dhowaaqday wejigii ugu dambeeyey ee dagaalka waqooyiga dalkaasi ee u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa TPLF, waxaana dowladda ay sheegatay inay qabsatay caasimada Makelle.

Ciidamada ammaanka DF oo toogasho ku dilay nin qarax ku aasayey Warta Nabadda

booliis howlgal amni

Ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa xalay saq-dhexe toogasho ku dilay nin la sheegay inuu miino ka aasayey xaafadda Nation-ka oo ka tirsan degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaasi xilliga la tooganayey uu gacanta ku watay miino, islamarkaana uu damacsanaa inuu ku aaso Waaxda Horseed ee degmadaasi.

Zeynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda ayaa faah faahin ka bixisay, sida uu u dhacay howl-galkaasi, waxaana ay sheegtay in ciidamadu ay ka hortageen in la aaso qaraxaasi, si loogu waxyeelo dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay u mahadcelineyso ciidamada fuliyey howlgalkaasi iyo dadkii shacabka ahaa ee la soo wadaagay xogta ama la shaqeeyey.

Qaraxyada nooca miinada ah oo geysta waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba ciidamada dowladda ayaa dhankooda xoojiyey howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee caasimada oo marti-gelin doonto doorashada soo socota ee 20/21.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo faah-faahiyey go’aanka ay ka qaateen Kenya

somalia kenya flag

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale ka hadashay xiriirka diblumaasiyadeed ee sii xumaanaya ee dalka Kenya, xili ay shalay cayrisay safiirkii Kenya ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi siiyey VOA ayaa ugu horeyntii sheegay inaysan ceyrin Safiirka Kenya balse ay xukuumadiisa Kenya ugu dirtay inuu wada-tashi la soo sameeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Safiirka Kenya lama eryin ee dowladda Soomaaliya iyada oo qabta tabashooyin waxay safiirka Soomaaliya u fadhiya ugu dirtay dowladiisa inuu lasoo sameeyo wada-tashi,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in kal hore ay sidan oo kale Kenya u yeeratay safiirkeeda, arrintana ay dabo socoto xiriirka labada dal, isla markaana ay qeyb ka tahay tabashooyin ay ka qabaan xukuumadda Nairobi.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Kenya ay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo xiligan xaalad cakiran ka abuurtay Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Kenya inay cadaadis ku hayso madaxda maamul goboleedyada, iyada oo war-saxaafadeed ay shalay soo saartay si gaara ugu carabaabtay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay dalka ka ceyrisay safiirkii dowladda Kenya, iyadoo ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, Sidoo kale waxay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u faragelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka shalay ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Kenya oo jawaab rasmi ah kasoo saartay go’aankii DF kusoo ceyrisay safiirkeeda

astaanta kenya

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ramsi ah kasoo saartay go’aankii dowladda Soomaaliya ay shalay ku cayrisay safiirkii Kenya u fadhiyey Muqdisho, uguna yeeratay safiirkeeda Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayada oo u adeegsaneysa Axmed Madoobe inay carqaladeyso doorashooyinka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya waxay sheegtay inaysan xiriir rasmi ah, mid qoraal ama mid af, ka helin dowladda Soomaaliya, taasi oo la xiriirta in safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo wada-tashi loogu soo diray Nairobi.

Si kastaba, wasaaradda waxay sheegtay inay ka war heshay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo arrintaas la xiriira, kaasi oo ay sii daayeen warbaahinta.

“Dowladda Kenya waxay si qoto dheer uga xun tahay ficillada nasiib-darrada ah ee u muuqda inay qaadday dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay uga codsatay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo, inuu dalka ka tago, oo uu wada hadal ugu soo laabto dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ficilkan waxaa saldhig looga dhigay eedeymo aan sal lahayn, oo ku saabsan ‘farogelin socota oo Kenya ay ku sameyneyso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ay ixtiraamtaa, oo ay ilaalisaa mabaad’ida caalamiga ah, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Kenya ayaa sheegtay inay ku celineyo taageerada ay u hayso tallaabooyinka ay qaadday dowladda federaalka ee la xiriira fulinta tub siyaasadeed ku saabsan siyaasad loo dhan yahay, oo ay ku jirto heshiiskii September ay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka gaareen hanaanka doorashada.

Waxay intaas ku dartay inay ku taageereyso dhammaan shacabka Soomaaliyeed raadinta ay ugu jiraan nabad iyo xasillooni loo maro diblomaasiyad, ayada oo caawimaad ka gaysaneysa dib aas-aasidda

hay’adaha maamulka siyaasadeed, dib u habeynta laamaha amniga, ganacsiga, kaalmada horumarka iyo gargaarka bani’aadamnimada.

“Ujeedada dadaalladaan ayaa ah in la kobciyo nabadda, xasilloonida iyo deris-wanaagga oo dammaanad qaadaya aasaas adagna u noqonaya barwaaqada siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Biden oo lug ka jabay isaga oo Eeygiisa la ciyaaraya

joe biden

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lug ka jabay waxayna u badan tahay inuu xirto kabo caafimaad, kooxdiisii ayaa sidaas xaqiijiyay ka dib markii 78 jirkaan loo qaaday dhakhtarka ka dib markii jabay isagoo la ciyaaraya eeygiisa.

Biden, oo noqon doona madaxweynihii ugu da’da weynaa ee Mareykan ah marka xilka loo dhaariyo basha Janaayo ayaa waxaa gaaray dhaawac mid ka mid ah labadiisa lugood isaga oo la ciyaaraya Eaygiisa.

Kevin O’Connor dhaqtar gaar ah ee madaxweynaha Maraykabka ayaa sheegay in Raajada aysan soo saarin wax jab ah oo muuqda, laakiin wuxuu intaas ku daray in lagu samaynayo baaritaan dheeri ah oo CT ah.

Baadhitaankaas ayaa ayaa la xaqiijiyay jab yar in uu jiro sida uu sheegay O’Connor oo bayaan ka soo saaray xaaladda Caafimaad ee Baden.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweyne ku xigeenkii hore, oo ka guuleystay doorashadii uu la galay Donald Trump bishii Nofeembar, “ay u badan tahay inuu u baahan doono kabmo lug ah oo dhowr toddobaad”.

Iyada oo labadaba Biden iyo Trump ay ku jiraan da’da 70 ayaa ayaa wajahay xaalad caafimaad maadama Trump uu ku dhacay Xanuunka Coronavirus.

Caafimaadka Trump ayaa muddo kooban walaac xoog leh galay ka dib markii laga helay Covid-19, laakiin madaxweynuhu wuxuu dib u bilaabay ololihiisa ka dib markii uu helay daaweynno taxane ah – oo ay ku jiraan tijaabooyin tijaabo ah.

Ciidamada DF oo dagaal culus kula wareegtay Bacaadweyn

ciidanka xoga1

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas laga saaray maleeshiyadii ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab ee saaka aroortii hore soo weerartay gudaha magaalada iyo taliska qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga.

Dagaalka oo muddo socday, islamarkaana ku billowday qaraxyo ayaa waxaa kooxda Al-Shabaab u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan inta badan magaalada iyo saldhiggii ay daganaayeen ciidamada 21-aad ee xoogga dalka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay 4 gaari oo kuwa dagaalka ah oo laba kamid ah ay saarnaayeen qoriga suugga.

Saacado kadib waxaa magaalada iyo banaankeeda ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyey dadka deegaanka Bacaadweyne, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab taasoo keentay in ugu dambeyn laga adkaado Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Sida ay dadka deegaanku ay xaqiijiyeen, dagaalkii labaad ee ka qarxay magaalada ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad 25 ka tirsan Al-Shabaab-kii weerarka soo qaaday, waxaana dadka deegaanka u suurtagashay inay dib usoo celshaan laba kamid ah gawaaridii ay Maleeshiyada Al-Shabaab weerarkii koowaad ku qabsatay.

Sidoo kale, dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in gacanta lagu dhigay 4 ka mid ah maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday oo 3 kamid ah ay yihiin dhaawac aad u daran.

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirada dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab ee lagu laayey dagaalka iyo mid kamid ah kuwii gacanta lagu dhigay iyagoo nool oo la sheegay inuu ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee dagaalka Maanta dhacay.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa weerarka ay aroortii hore soo qaaday ku dishay illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugnaa gudaha saldhigga 21-aad, waxayna dadka deegaanka xaqiijiyeen in 4 kamid ah 6-da askari ee la dilay la gowracay.

Waxaa hadda dagan xaaladda magaalada Bacaadweyne, waxaana goobihii lagu dagaalamay dib u qabsaday ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayo ciidamo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan gudaha Magaalada.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo aadayo xilli Gobollada Mudug iyo Galmudug uu todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay kala sameynayeen Ciidamada DFS gaar ahaan qaybta 21-aad, askarta Galmudug & Al-Shabaab.

21-kii June 2020, Al-Shabaab ayaa weerar ay u adeegsatay gaari walxaha qarxa ay kusoo rartay ku weerartay xeradaan, balse taliska qaybta 21-aad ayaa sheegay xiligaas in uusan khasaare gaarsiin qaraxaas, isla markaana ciidamada ay toogteen wadaha.

Saudi Arabia: Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca oo loo xiray eedeymo culus

saudi flag

Boqortooyada Sucuudiga Carabiya ayaa shaacisay in la bilaabay baaritaanka lacag lagu qiyaasay 325 milyan oo dollar, taas oo ay lunsadeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

Wakaaladda ka hortagga musuq maasuqa ee dalka Sacuusiga ayaa sheegtay in dadka baaritaanka lagu hayo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin iyo ganacsato waa weyn.

Sidoo kale dadka lagu hayo baaritaankan musuq maasuqa la xariira waxaa kamid ah xubno ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada ee Boqortooyada Sacuudiga.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga ayaa sheegtay in la xaqiijiyey in “dhawr sarkaal iyo shaqaale rayid ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga lagu helay falal lunsi maaliyadeed ah oo shaki leh iyo sidoo kale in lagu helay laaluush iyo ku takri fal awoodeed oo ay dadkaasi awoodooda u adeegsadeen in ay lunsadaan lacag dhan 229 bilyan oo Riyaal.”

Warbixinta wakaaladdu waxay intaa ku dartay in “48 qof la baaray lana ogaaday in 44 ka mid ah maxkamad la soo taagi doono, sidoo kalana haatan laga shaqaynayo sidii lacagtaa ay lunsadeen loogu soo celin lahaa khasnadda dawladda”.

Waayadan dambe ayaa dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, wuxuu ku faanayey in uu wado olole ballaaran oo ka dhan ah musuq maasuqa, kaas oo ka bilaawday dalkaas, isagoo sheegay inuu taas muhiimadda koowaad siinayo.

Sannadkii 2017-kii ayaa boqolaal qof oo isku jira amiirro, wasiirro iyo ganacsato lagu xiray hoteel ku yaalla magaalada Riyadh, si loogu qasbo in ay lacag malaayiin dollar ah ugu bedeshaan xorriyadooda.

Hoos u dhaca sicirka saliidda, dagaalka Sucuudigu ka wado Yemen iyo duruufo dhaqaale oo kale oo dalkaa ka jira, ayaa khubarada dhaqaaluhu sheegayaan in ay kellifeen in hoos u dhac dhaqaale soo food saaro dalka Sucuudiga.

Xukuumadda ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ay doonayso in ay ku kordhiso dakhliga, iyadoo la seddax laabay cashuurta iibka ee saaran badeecadaha dadku iibsadaan.

Tallaabadaas ayaa qayb ka ah qorshaha tashiilka ee la doonayo in lagu bari-taaro dhaqaalaha dalka oo Coronavirus ku dhaawacmay.

Sidoo kale Xukuumadda Riyaad ayaa sheegtay in ay joojinayso gunnadii maciishadda ee ay siin jirtay shacabka, si loo yareeyo kharashka dowladda.

Dalkan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo intii sicirka shidaalka ee caalamku dhulka galay Corona awgii, waxaa burburay dhaqaalihiisii.

Kenya oo ka jawaabtay go’aankii ay Soomaaliya ku ceyrisay safiirkeeda

amb macharia kamau

 Dowladda Kenya ayaa jawaab kooban ka bixisay go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ceyrisay safiirkii Kenya ee Muqdisho, uguna yareetay midkii Soomaaliya ee Nairobi.

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid ayada oo dowladda federaalka ay Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Nairobi “ay ka xun tahay” go’aanka ay dib ugu u yeeratay safiirkeeda, wuxuuna ballan-qaaday in labada dal ay arrintan uga wada-hadli doonaan hab diblomaasiyadeed.

“Waxaan arrintan uga jawaabi doonnaa marinnada rasmiga ah, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Mr. Kamau.

Go’aanka Soomaaliya ayaa yimid, ayada oo saraakiisha dowladda Kenya ay dhowaan muujinayeen inay doonayaan in Soomaaliya kala hadlaan ganacsiga, iyo fududeynta dhaq-dhaaqyada shacabka, xilli Soomaaliya ay mamnuucday jaadka Kenya.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ku dhowaaqay go’aanka Soomaaliya ayaa yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray.”

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY