Home Blog Page 288

Madaxweyne Farmaajo oo xil u magacaabay Yuusuf Garaad

yuusuf garaad

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xilkan ayaa waxaa banneeyay la-taliyihii ugu dhowaa madaxweyne Farmaajo, Maxamed Balal oo hadda noqday Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda.

Wareegto kasoo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Danjire Yuusuf in u xilsaaray inuu sii amba-qaado doorka dalkeenu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wada-jirka ah ee heer Gobol.

Farmaajo ayaa u igmaday Danjiraha cusub inuu xooga saaro wax wada qabsiga, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalalka gobolka.

“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.”

Sidoo kale waxa wareegtada madaxweynaha lagu sheegay inuu Danjiruhu yahay xeeldheere diblumaasiyadeed, oo hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa Danjiraha u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo mas’uuliyaddan culus, isaga oo kula dar-daarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Idiris oo musharaxiinta mucaaradka ku sifeeyay kuwa huwan calanka Kenya

sheekh maxamed idiris

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culimadda Soomaalida ugu waaweyn ayaa ka hadlay loolanka doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaradka.

Sheekhu wuxuu barta uu Facebook ku leeyahay soo dhigay qoraal uu qaabkiisa ku saleeyay kubadda cagta kana dhigay in labada kooxood ay qaab ciyaar ah isku wajaheen, wuxuuna guusha siiyay dowladda dhexe isagoo siyaasiyiinta mucaaradka ku sifeeyay kuwa huwan calanka Kenya.

Labada kooxood uu ka hadlaayo wuxuu ugu magacdaray kooxda (Jaziira) oo uu kala jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo koox uu ugu magac daray (Villa) oo uu kala jeedo dowladda dhexe.

Sheekh Maxamed Idiris wuxuu qoraalkiisa kusoo koobay in siyaasiyiinta Mucaaradka looga adkaaday wixii dhacay maadaama ay dowlad shisheeye dharkeeda soo xirteen, waana mid ka mid ah qoraalada aadka looga hadal haayo baraha bulshada maanta.

Halkaan ka akhriso qoraalka Sheikh Maxamed Idris:

shacabka soomaaliyeed wuxuu daawanayaa ciyaarta tartanka (doorashada dadban) ee koobka soomaaliya 2020/21.

Maadaama aanu cod iyo ra’yi ku lahayn. Ciyaarta qaybteedii hore kooxda (jaziira) ayaa weerarka u badnayd oo dhawr goor shabaqa (villa) sigtay, laakiin kooxda (villa) ayaa difaac adag xiratay oo weeraradaas wiiqay.

Ciyaartii shalay galab ayaa ahayd mid kala bax ah oo la xiisaynayey, hayeeshee taktiiga ciyaarta iyo natiijadeeduba wexey noqotay lama filaan!

Kooxda (jaziira) ayaa garoonka ku soo gashay finaanado calanka kenya ku sawiran yahay! halka kooxda (villa) ku lebbisnayd finaanadda calanka buluugaa ee soomaaliya! Malaha tababaraha kooxda (Jaziira) kuma baraarugin in garoonka ciyaartu yahay soomaaliya, shacabka daawanayaana yihiin soomaali soocan, taasoo fursad lama filaana siisay kooxda (villa).

Sidaa awgeed ayaa natiijadii noqotay (5 iyo 0) lagu garaacay shabaqa kooxda (Jaziira) oo ay qaar iyagu si qalad ah isaga dhaliyeen! Ciyaartoyda (Jaziira) waxaa ka muuqdey koox aan ciyaarta isla haysan! halka kooxda (villa) ay mintideysey, gaar ahaan No. 9 iyo 10 oo weerar qorshaysan ciyaaray. Waxaan sugnaaba waa ciyaaraha fiinaalka inshallah.

Wasiirka Warfaafinta: Nairobi waxay noqotay meesha lagaga soo duulo Soomaaliya

somalia kenya flag

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa faah faahin ka bixiyay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay ugu yeeratay Safiirkii u joogay Naiorbi, kuna amartay Safiirkii Kenya ee Muqdisho joogay inuu wadatashi dib ugu laabto.

Wasiir Dubbe oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in Kenya aanay ka muuqan deris wanaag, isla markaana uu ka muuqdo damac riyo maalmeed ah oo ku hunguriyeyneyso dhulka iyo badda Soomaaliya.

“Nairobi waxay noqotay meesha Soomaaliya lagaga soo duulo, lagana noqdo heshiisyada lagu gaaray Soomaaliya, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed oo ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeena”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay dowladda Kenya inay u dhaqemeyso sidii faragelintii Nidaamkii TPLF ay ku heysay Soomaaliya.

Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in mar walba Soomaaliya ay muujineysay biseyl iyo siyaasad qaan-gaarnimo ah, ayna dhowrayeen derisnimada, isla markaana ixtiraamayeen, isagoo xusay in Kenya ay sanad iyo 10 bilood ka hor ay qaaday tallaabo ay ugu yeeratay Safiirkeeda, isla markaana safiirkii Soomaaliya ay dib ugu soo celisay Soomaaliya.

“In 10 Musharax intay Nairobi ka soo baxaan Xamar yimaadaan, ma doorashaa ma ololaa, waa qalqal gelin amniga, shacabka iyo midnimada iyo dalka, ka waran anaga haddii 10 musharax haddii aan xamar ka dirno oo diyaarad ka saarno oo Nairobi u dirno oo Kenyaati ah maxaa dhici lahaa”ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu sii hurinayaa xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya.

DAAWO:

Axmed Madoobe oo soo saaray dalab la xiriira DF

Axmed Madoobe3

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad u jeedinayey ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka.

Waxa uu sheegay in Jubaland ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada doorasho dalkan uga dhacda qaabkii lagu heshiiyay, isla markaana ay Jubbaland xaq u leedahay inay maamusho doorashada qeybta ka dhaceysa deegaanadeeda, isagoo xusay in dalka ay astaan u tahay afartii sanaba mar inay doorasho ka dhacdo.

“Waxaan dooneynaa gobolka Gedo in gacanta Jubbaland lagu soo celiy… Waxaan rabnaa inaan Soomaali u hor-seedno doorasho xor iyo xalaal ah, waxaan rabnaa in Jubbaland ay la sinaato dowlad goboleedyada, waxaan Soomaali ka dalbaneynaa inay garta nada qaadaan, anaga iyo madaxda dowladda federaalka, in maamullada dhan ay doorashada qeybtooda qabsadaan, Jubbaland-na la dhaho anagaa u qabaneyna ma xaqbaa? Arrintaas waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaan u deynayaa inay garteeda qaadaan oo sheegaan waxa Jubaland inta kale ay uga duwantahay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadalada xanafta leh ee ay adeegsanayaan madaxda dowladda federaalka,  kuwaas oo diinta ka saaraya dadka ka aragtida duwan, sidii lagu yaqaanay buu yiri “figradaha xagjirka ah ee argagixisada wax loo dulqaadan karana aanay ahayn.”

“War colaad iyo aflagado waan ka soo daalnay, Shabaab ayaa takfiiri jiray cida ka aragtida duwan oo yiraahda waa waajib in la dilo,  maalmahaan waxaad moodaa in warkaasi uu ka bilaawday Muqdisho, waad maqleyseen maalin dhaweed … Dadkii Shabaabku murtadiinta u yaqaaneen haday A iyo B u kala baxayaan soo dhibaato maaha?,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri “Waxaan leeyahay dowladda Soomaaliya haku ciyaarinina dhuxul dab ah ayaad ku cayaareysaane, wax aadnaan garaneyn ayaad ku cayaareysaan, haku cayaarinina meel aadnaan horay u arkin ayaad maanta ku indha dilaacsateene, haku cayaarinina guriga aad ku jirtaan ee askariga AMISOM ilaaliyo, waxaan leeyahay Soomaaliyey gogol nabadeed isugu imaaw oo tasho, doorashadu sidii ay u dhici jirtay ha u dhacdo.”

Hoos ka Daawo

https://www.facebook.com/watch/?v=679130906127195

IRAN oo farriin cabsi leh gaarsiisay Imaaraadka

Zayed Al Nahyan uae

Iran ayaa “si toos ah” ula xiriirtay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed toddobaadkii tegay, uguna hanjabtay weerar culus oo jawaab u ah weerar kasta oo Mareykanka ay ku qaadaan Tehran, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye.

Iiraaniyiinta ayaa heegan culus ku jira kadib dilkii Jimcihii loo gaystay sanyisyahankii ugu sarreeyey nukliyeerka dalkaas Mohsen Fakhrizadeh.

Inkasta oo sirdoonka Israel ay si qarsoodi ah ugu sheegteen dilkan xiriir ay la sameeyeen wargeyska New York Times, haddana Iran ayaa sidoo kale rumeysan in laga yaabo in madaxweynaha xilka ka degaya ee Mareykanka Donald Trump uu ku qaadi karo weerar ku ciil bax ah ka hor 20-ka Janaayo.

“Mohammed bin Zayed waxa uu hanjabaad toos ah ka helay Iran. Cidna looma soo marin,” ayuu yiri il-wareed sare oo Imaaraati ah oo la hadlay Middle East Eye.

Sida uu sheegay il-wareedkan, Iran ayaa ku tiri Mohammed bin Zayed “Adiga ayaa mas’uul ka noqon doona khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh.”

Imaaraadka Carabta, oo 70km oo dhanka badda Gacanka ah u jirta Iran, ayaa xulufo la ah madaxweyna Trump, waxayna dhowaan xiriir rasmi ah la yeelatay Israel.

Sida uu sheegay il-wareedyo, xiriirka ay Iran sida tooska ah ula sameysay Mohammed bin Zayed ayaa yimid saacado ka hor inta aysan Imaaraadka Carabta soo saarin Axaddii qoraal ay wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ku cambaareysay dilka Mohsen Fakhrizadeh.

Iran ayaa wacad ku martay in jawaab cabiran oo aan lagu degdegin ka bixin doonto dilka Mohsen Fakhrizadeh.

Tehran ayaa rajeyneysa in maamulka cusub ee Mareykanka ee Joe Biden uu wax ka beddeli doono xiisadda Bariga Dhexe, ayada oo la rumeysan yahay in Biden uu doonayo in wada-hadal iyo xal wax lagu dhameeyo, si ka duwan Trump oo ay adeegsadaan Sacuudiga iyo Israel.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka oo sheegay hadal dhabarjab ku ah Trump

William Barr

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa sheegay in waaxdiisa cadaaladda aysan helin wax caddeyn ah oo ay ku taageerto sheegashada madaxweyne Donald Trump ee musuqmaasuqa doorashada 2020-ka.

Mr Barr wuxuu ka mid yahay dadka aadka ugu dhow madaxweynaha iyo xeer ilaaliyeyaasha loo igmaday inay baaraan wax isdaba marinta la sheegay Laakiin wuxuu sheegay inuusan arkin wax dhanka kale u rogi kara guusha Joe Biden.

Mr Trump wuxuu sii waday sheegashooyinka aan salka lahayn ee ah in doorashada lagu shubtay waxa uuna gaashanka u daruuray inuu qirto in laga guuleystay. Wuxuu kulan Aqalka Cad kula qaatay Mr Barr.

Qareenada madaxweynaha (Rudy Giuliani iyo Jenna Ellis) ayaa sheegaya in xeer ilaaliyaha guud uusan wax badan ka qaban baaritaanka, waxayna wacad ku mareen inay sii dagaalamayaan.

Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu dhabar jab weyn ku yahay madaxaweyne Trump, kaasi oo ganafka ku dhuftay inuu aqblo in laga guuleystay.

Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden ayaa ka adkaaday madaxweynaha hadda xilka haya ee Trump oo helay codad dhan 232 halka Bidena uu helay 306 oo ah codadka Electral collage-ka, halka codadka caadiga ah uu Biden ku hogaaminayay in ka badan 6.2 milyan.

Tan iyo doorashadii 3-dii Nofeembar, Mr Trump wuxuu si isdaba joog ah u sheeganayay sheegashooyin aan sal iyo raad lahayn oo ku saabsan musuqmaasuq baahsan oo xagga cod-bixiyayaasha ah, xubno ka tirsan kooxdiisa difaaca sharciga ayaa ka hadlay shirqool la sheegay inuu caalami ahaa oo Mr Biden loogu gacan gelinayo guusha.

Haatanna ka dib markii la sii daayay hadallada Mr Barr, madaxweynaha ayaa dhowr jeer bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku tilmaamaya musuqmaasuq la xiriira codbixiyeyaasha, isagoo aan mar kale hayn wax cadeyn ah.

Mr Barr wuxuu sheegay in Waaxda Caddaaladda iyo Waaxda Amniga Gudaha ay baareen sheegashadaas, “illaa iyo haddana, ma aanan arag wax caddeyn ah oo ku aadan arrintaas”.

Afhayeen u hadlay Waaxda Caddaaladda ayaa markii dambe sheegay in waaxada aysan weli soo gababgabeyn baaritaankeeda, waxa uuna sheegay iney sii wadi doonaan baaritaanka.

Dhanka kale, hogaamiyaha xildhibaanada Dimuqraadiga ee senate-ka Chuck Schumer ayaa warbixinta Mr Bar ka dib yiri: Waxaan qiyaasayaa in Mr bar uu noqon doono qofka xiga ee shaqada laga eryi doono.

Chris Krebs, oo madax ka ahaa Amniga dhanka internet-ka ee Mareykanka ayaa shaqada laga eyriyay bishii hore ka dib markii uu muran ka keenay sheegashada Mr Trump ee been abuurka ah.

Gudaha Aqalka Cad kaddib guuldarradii Trump

trump

Joogitaankii Aqalka Cad ee Trump oo ku sii siqaya maalmihiisii ugu danbeeyey, xasillooni darro ayaa hadhaysay dhismahaasi iyadoo la isku dayayo in laga doodo habkii natiijada doorashada iyo qaabkii loo wejahi lahaa maxkamadaha.

Brian Morgenstern, oo ah ku xigeenka agaasimaha isgaadhsiinta ayaa xidhnaa jaakad ay ku xardhan tahay astaanta Aqalka Cad xafiiskiisa oo ku yaal dhanka West Wing. Jaakadda ayaa uu kor isaga siibayay, sida oo uu sii baxayana waa u muuqday. Qolkan, oo xoogaa dhawr albaab ah ka durugsan Xafiiska Oval, wuu madoobaa, oo hooska qofka ayaa sawirmayey. Waxaana sawirkaasi mid caddaynaya sida xaal yahay

Maamulihiisa, waa madaxweyne Trump e, wuxuu ku sugnaa qeyb kale oo ka tirsan Aqalka Cad. Daqiiqadaas, Donald Trump wuxuu khadka taleefanka kula hadlayey Rudy Giuliani, oo ah madaxa dedaalladiisa sharci ee ka dhanka ah doorashada, iyo koox xildhibaano gobolka ah oo isugu yimid “dhageysiga”, sida ay hadalka u dhigeen, hoteel ku yaal Gettysburg , Pennsylvania.

Madaxweynaha ayaa qadka taleefanka ka lahaa “doorashadan wax isdaba marin ayaa dhacday oo ma ogolaan karno inay taasi dhacdo.”

Dadaalkii Trump ee ahaa ka dhanka ahaa natiijooyinka doorashada ee Pennsylvania ayaa guuldarreystay Jimcihii, waqti aan dheereyn ka dib waxan ay ugu yeedhaan dhageysiga, xitaa taas asaaskooda sharci ma uu fadhiyin. Qaadiga maxkamada racfaanka ayaa sheegay in “aysan jirin wax aasaas ah” oo uu ku dhisan yahay ka hortagiddiisa ka dhanka ah natiijada doorashada. Shahaadada codbixinta ayaa muujisay Madaxweynaha la doortay Joe Biden inuu ku guuleystay gobolka in ka badan 80,000 oo cod.

Codbixinta Arizona waxaa la xaqiijiyey Isniintii iyo Wisconsin oo iyana la filayo dhowaan – labada gobolba Biden ayaa ku guuleystay. Saraakiisha dowladda waxay bilaabeen inay ka shaqeeyaan xaaladdii kalaguurka ee maamulka cusub, madaxweynaha cusubna wuxuu bilaaban doonaa muddo xileedkiisa 20-ka Janaayo

Trump wuxuu sii wadaa sheegashadiisa guusha. Hase yeeshe dhabarka dambe ee Aqalka Cad, dadku waxay toos u arkaan sida xaal yahay. Waxay ogyihiin maalmahoodii ay ku sugnaayeen Wing West inay yihiin kuwo kooban. Waxay sidoo kale ogyihiin in marka ay guuldareystaan madaxdoodu, ay fiicantahay in laga fogaado.

Morgenstern wuxuu yidhi waa ganacsi sidii caadiga ahayd: ” kor ayaan u kacnay. Weli waxaan u shaqeynaynaa si adag.” Si kastaba ha noqotee wuxuu ahaa midka kaliya ee ku jira xafiisyada West Wing.

Badanaa xafiisyadaas waxaa ka buuxa dad – kalkaaliyeyaal shaqeeya saacadaha oo dhan. Laakiin hadda ma ahan sidii hore.

Jack O’Donnell, oo mar maamuleyay goob khamaar ku taal Atlantic City, New Jersey, Trump, wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay sababta dadka u shaqeeya madaxweynaha ay uga yaaci doonaan waqtiga sidan oo kale ah.

“Waxaad ku socotaa qolofka ukunta. Qofna ma doonayo inuu sheego wax qaldan.”

Madaxweynaha xanaaqiisa, iyo hamigiisa iyo hamigiisa, ayaa weli ahaa kuwa taagan oo waaraya. Wuxuu ku guuleystey qayb ahaan dadka iyo diidmada guuldarada, oo qaybta kale ahayd. Waxa kale oo uu lahaa qaab hoggaamineed o u gaar ah intii danbe se galay ka badbadin.

Wuxuu ka soo muuqday qolka warbixinta ee West Wing usbuucii la soo dhaafay si uu ugu faano suuqa saamiyada. Dow Jones wuxuu xiray wax ka badan 30,000, heer rikoor ah. Madaxweynaha, ayaa sidoo kale yidhi Morgenstern, “wuxuu u dabaaldegayay guusha suuqa oo runtii qeyb ahaan sabab u ahayd siyaasadiisa”, sida “hagaajinta heshiisyada ganacsiga” iyo “madax-bannaanida tamarta”.

Si uga hortago guuldarrooyinka, Trump waa dafiray xaqiiqda, ayaa ay yidhaahdaan kuwa isaga yaqaan.

“Maskaxdiisa, ma lumin doono,” ayuu yidhi O’Donnell, oo sharraxayay doorashada. “Waligiis ma qiri doono. Had iyo jeer waxay noqon doontaa: ‘Aniga ayaa layga qaaday oo badiyey.’ halkudhiggiisu

Trump ayaa hadda u dagaallamaya sidii xisbiga Jamhuurigu u maamuli lahaa aqalka Senate-ka wuxuuna qorsheynayaa inuu tago Georgia maalinta Sabtida si uu u taageero musharrixiinta doorashada ku celiska ah

Dhanka kale, bannaanka xafiiska Morgenstern, mid ka mid ah miisaska madhan ayaa lagu qurxiyay weedh ah: “Guul darradu maahan ikhtiyaar.”

Hal ku dhiggu wuxuu soo koobayaa falsafada Trump iyo sida uu ula dhaqmayo madaxtinnimada – ugu yaraan ilaa uu ka tago.

Muxuu Faarax Macallin ka yiri go’aankii ay DF Somalia ku ceyrisay safiirka Kenya?

faarax macalin

Gudoomiye ku-xigeynkii hore ee baarlamanka Kenya, Faarax Macallin ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo keentay in dowladda federaalka ay dalka ka cayriso safiirka Nairobi.

Faarax Macallin ayaa ugu horeyntii qiray in dowladda Kenya ay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, midaasi oo uu sheegay inay ka hor imaaneyso qawaaniinta caalamiga ah ee dalalka deriska ah.

Waxa kale oo uu garab istaag u muujiyey go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka kaga cayrisay safiirka Kenya, isla markaana ay ugu yeeratay safiirkeedii, kadib markii ay shaacisay inay tabashooyin dhowr ah ka qabto xukuumadda Nairobi.

“Inay Soomaalidii maanta go’aan gaarto oo ay tiri yeysan nasoo fara-gelin (Kenya), ma aha wax la yaab leh oo waa wax uu wadan kasta sameyn lahaa” ayuu yiri Faarax Macallin oo wareysi siinayey idaacada VOA.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in fara-gelinta Kenya ay inbadan soo jiitameysay, iyada oo si badheedh ah ugu gaftay qaranimada dalkeena.

Faarax ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowlada Itoobiya ay iyada laftigeedu ay sameysay xad-gudubyo ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya, isaga oo eedeyntaasi la xiriiriyey xukuumaddii ka horeysay Abiy Axmed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay xukuumadda Nairobi u adeegsato fulinta danaheeda guracan, taasi oo qeyb ka noqoneysa faro-gelinta uu sheegay inay Nairobi ku hayso xukuumadda Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Axadii dalka ka ceyrisay safiirkii dowladda Kenya, iyadoo ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, Sidoo kale waxay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay Axadii soo saartay dowladda Soomaaliya.

Midowga musharaxiinta oo war ka soo saaray go’aankii ay DF ka qaadatay Kenya

Musharaxiin somalia

War-saxaafadeed ka soo baxay midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac looga muujiyey isku dayga uu madaxweyne Farmaajo cadaawadda Kenya ugu adeegsanayo ololihiisa doorashada, si la mid ah sidii uu Ethiopia ugu adeegsaday 2016.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa go’aannada Xukuumadda muddo xilkeedu dhamaanayo ka qaadanayso arrimaha muhiimka ah ee saamaynaya danaha Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta midoobey.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in Goluhu uu u arko go’aanka ay xukuumaddu hoos ugu dhigayso xiriirka Kenya in uu yahay mid loo isticmaalayo olole doorasho ee aan loo xeerin danta qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Goluhu wuxuu madaxweynaha uga digayaa in uu siyaasadda arrimaha debedda dalka u adeegsado olole doorasho, nacayb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharaxiinta.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goluhu wuxuu ka welwelsan yahay saamaynta taban ee xiriir xumida labada dal ku yeelan karo Soomaalida ganacsiga ku leh dalka Kenya, ardayda wax ka barata, qaxootiga xeryaha Kenya ku jira, iyo dadka degan iyo kuwo safraya intaba.”

War-saxaafadeedka musharaxiinta ayaa sidoo kale lagu muujiyey shaki ah in madaxweyne Farmaajo uu ololaha doorashadan ku geli doono Kenyaan naceyb, si la mid ah kii hore oo uu ku galay Itoobiyaan naceyb.

“Waxaa xusid mudan in sanadkii 2016 ay Kenya ay ahayd saldhigga ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo, iyadoo hal hayska ololihiisa doorashana uu ahaa in Itoobiya tahay cadawga Soomaaliya, Kenyana saaxiib, laakiin xilligan ay sida kale isku rogtay” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntii qoraalka midowga musharaxiinta ayaa lagu yiri, “Xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska waa inuu ku salaysnaadaa danaha joogtada ah ee dalku leeyahay ee aysan marba la rogrogmin rabitaaanka, laablakaca iyo ololaha siyaasadeed ee Madaxweynaha.”

DF oo shaacisay tirada Shabaab looga dilay dagaalkii ay shalay kula galeen Bacaadweyne

astaanta soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug, iyadoo ugu horeyn bogaadisay shacabka ku nool deegaankaas oo si adag isaga caabiyey Al-Shabaab, kadib markii ay ka taag roonaadeen ciidankii dowladda ee halkaas ku sugnaa.

“Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda  argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Warkan waxaa lagu sheegay in wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe uu Taliska ciidanka xoogga dalku u xaqiijiyay in Al-Shabaab weerarkii ay ku qaadeen Bacaadweyne looga dilay 51 dagaalame, isla markaana looga qabtay lix qof oo dhaawac ah, kuwaas oo uu ku jiro ninkii weerarka hogaaminayay.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku qaadeen Bacaadweyne uu tusaale cad u yahay “in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan si fudud lagu joojin karo weerarrada Al-Shabaab.”

Sida lagu sheegay qoraalkan, warbixinta saraakiisha dowladdu siiyeen wasiir Dubbe waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay weerarkaas ku dileen 15-qof oo isugu jira askar iyo shacab.

“Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u diray  ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana ka  go’an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la taaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY