Home Blog Page 49

MAAMULKA KHAATUMO OO DEGMADA CAYNABO U MAGACAABAY GUDOOMIYE DEGMO

magacaabis gudoomiyaha caynabo

Wareegto ka soo baxday Maamulka Goboleedka Khaatumo ayaa Aadan Warsame Dirir loogu magacaabay Gudoomiyaha Degmada Caynabo ee Gobolka Sool.

MUUSE BIIXI OO BADHASAABKA G SOOL U MAGACAABAY CABDIKARIIM S AW CABDI

ceo svo ckariim siciid2

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Cabdikariim Siciid Aw Cabdi u Magacaabay Badhasaabka Gobolkii Sool ee laga faramaroojiyey, xili laga cabsi qabo in dhamaan horgalladii Goboladda SSC ka soo jeeday ay baxsadaan. Cabdikariim ayaa ah ninka keliya ee la aaminsan yahay inuusan maamulka Muuse ka baxsan doonin ama dhaqaale lagu aamini karo, iyadoo xitaa wasiiraddii laga aamin kabaxay.

Madaxtooyadda Somaliland ayaa ku mashquulsan siday u dhisi lahayd shebekad isku xiran oo baraha bulshada ku qorta qabyaalada iyo kala qaybinta qabaailka iyo Jamaahiirta SSC, kuwaas oo loo qoondeeyey dhaqaale badan, iyadoo la doonayo in laga dhex sameeyo Jamaahiirta.

MAXAA KA JIRA IN WHATSAPP DHEGEYSTO TELEFOONKAAGA?

Whatsapp

Mid ka mid ah injineerrada shirkadda Twitter ee ay xifaaltamaan shirkadda facebook ee whatsapp iska leh ee dhawaan loo baxshay Meta ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in Abka Whatsapp uu makarfoonka taleefankiisa isticmaalay dhowr jeer isaga oo hurda.

Foad Dabiri ayaa soo dhigay sawir uu kasoo qaaday xilliyada Whatsapp-ku isticmaalay makarafoonka oo taleefankiisu diiwaan geliyey, waxuuna kusoo qoray sidan: “whatsapp wuxuu isticmaalayey makarafoonka taleefankayga si qarsoodi ah aniga oo hurda tan iyo markaan soo kacay lixdii subaxnimo (kaliya waa qayb ka mid ah xilliyada!) Siday wax u jiraan?” ayuu yiri.

Madaxa Shirkadda Twitter – ninka laguy magacaabo Elon Musk oo ka fal celinayey qoraalka uu injineerkiisu soo bandhigay ayaa qoray; “Whatsapp lama aamini karo”.

Dhanka kale Whatsapp oo ka falcelnaysay qoraalka injineerka iyo hadalka Musk ee is daba socday ayaa sheegay in ay tani tahay cillad ka jirta talefoonada Android oo loo tiiranayo aaladdooda whatsapp waxayna sheegaan in ay shirkadda google ka codsadeen in baadhitaan lagu sameeyo arrinkan.

“24 saac ee ugu dambeeyay waxaan la xiriiraynay injineerka Twitter ee soo dhigay cillad ka jirta taleefankiisa Pixel iyo Whatsapp. Waxaan aaminsannahay in tani ay tahay cillad ka jirta Android oo si aan sax ahayn wax uga sheegaysa asturnaanata xogta, waxaanuna shirkadda Google ka codsannay in ay baadhitaan ku sameeyaan dhexdhexaadinna ka noqdaan Muranka.” Ayaa lagu yiri qoraalka Whatsapp soo dhigtay barteed ay Twitter-ka ku leedahay.

Si kastaba ha ahaatee Twitter iyo Meta – oo ah shirkadda iska leh Whatsapp iyo Facebook ayuu xilfaaltan adag ka dhexeeyaa maadaamada ay yihiin shirkadaha baraha bulshada ee ugu waaweyn.

DHAQAALAHA MARAYKANKA KAGA BAXAY SOOMAALIYA OO LA SHAACIYEY

friendship between somalia and usa

Machadka daraasaadka caalamiga ah iyo arrimaha bulshada ee jaamacadda Brown ee dalka Maraykanka ayaa soo saaray warbixin ku aaddan dhaqaalaha Maraykanka kaga baxay la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007.

Sida Machadka lagasoo xigtay Maraykanka ayaa sheegay in ay kaga baxday arrimaha la dagaalanka aragagixisada ee Soomaaliya dhaqaale gaaraya $2.5 bilyan oo Doolar tan iyo sannadkii 2007, markaas oo ciidamadii ugu horeeyay ee Maraykanku gaareen Soomaliya si ay ula dagaalamaan waxa ay ugu yeeraan argagixisada caalamiga ah, inta ugu badan dhaqaalahan ayaa ku baxay taakuleynta dawladda Soomaaliya iyo ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ee hadda loo yaqaan ATMIS horena loo odhan jiray AMISOM iyo sidoo kale ciidamada dawladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in lacagta kor ku xusan aanay ku jirin dhaqaalaha kaga baxa Maraykanka isla Soomaaliya sida ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan iyo arrimaha sirdoonka, sababtoo ah Maraykanku ma soo bandhigo xogta ku saabsan labadan arrimood ee aan xusnay, sidaa darteedna waxaa adkaata in la garwaaqsado ama la fahmo hawlgallada noocan ah.

Sida uu ku xusan daraasadda uu machadku sameeyay, waxyaabaha la ogaaday ayaa ka mid ah, in la dagaalanka milteri ee ‘argagixisada’, ay “sahlayso in dhaqaalaha laga weeciyo gaarista xal aan dagaal ahayn”.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in hadafkeeda Soomaaliya uu yahay in la ciribtiro Al-Shabaab iyo horumarinta nabadda iyo dib u heshiisiin. Laakiin sida uu machadku sheegay siyaasadaha Maraykanka ayaa leh saameyn lid ku ah arrimahaas.

“Mashruucu wuxuu muujinayaa sida dadaallada la dagaalanka argagixisanimada ee Mareykanka ee Soomaaliya aysan kaliya wax uga geysan colaadaha, balse sidoo kale ay gacan uga gaystaan in uu dagaalku uu sii socdo.” ayaa lagu yiri war bixinta oo lasoo koobay.

Dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo lagu magacaabo Matt Gaetz uu muuqaal toos ahaa oo uu markii dambe soo dhigay Baraha Bulshada ku sheegay inuu qorsheynayo mooshin uu ku doonayo in ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ku sugan dib loogusoo celiyo dalkooda.

“Waxaan doonayaa in ciidamadeenna Soomaaliya jooga gurigooda lagu soo celiyo” ayuu yiri Matt Gaetz.

Joogitaanka militeriga Mareykanka ee Soomaaliya ayuu Matt ku tilmaamay mid aanay caddeyn faa’iidada laga helayo isla markaana luminaya tamarta iyo dadaalka ciidamada Maraykanka iyo muwaadiniintaba.

Isagoo taas sii sharraxaya ayuu yiri: “Sababtoo ah natiijada la filayo ma cadda, waxaana ku lumaya dadaal.”

Inkasta oo matt uu ku guuleystay in mooshinka cod toos ah loo qaado haddana codkii ayuu ku guul darreystay mooshinkaas, iyadoo si aqlabiyad ah ay xildhibaannada aqalka kongresku ku diideen in ciidamada Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya.

Inta ay joogeen ciidamada Maraykanku Soomaaliya waxay Al-Shabaab u geysteen duqeymo badan, oo sare loo sii qaaday sannadihii ugu dambeeyay, balse duqeymahan qaarkood ayuu khasaare ka soo gaaraa dadka rayidka ah;

Warbixin uu 2022-kii soo saaray ururka dabagalka wax yeellada duqeymaha cirka ee dadka rayidka ah – oo la socda isla markaana baara dhibaatooyinka shacabka loogu geysto weerrarada dhanka cirka ee ka dhaca waddamada dagaalladu ka socdaan oo ay Soomaaliya ku jirto – ayaa sheegay in tan iyo 2007 markii ay ciidamada Maraykanku tageen Soomaaliya ay duqeymaha ku dileen 73 illaa 153 qof oo 20 illaa 23 ka mid ah ay ahaayeen caruur.

BOORAME OO CALANKII SOOMAALIYA LAGA TAAGAY IYO SHACAB LA XASUUQAY

mudaharaad boorame3

Maleeshiyadda Maamulka Muuse Biixi ayaa si arxandarro ah qoryaha tiknikadda ula dhacay shacabka Magaaladda Boorame oo maanta muujiyey rabitaankooda midnimadda Soomaaliya.

Wararka Hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in la xasuuqay dhowr dhalinyarro ah, halka uu jiraan dhaawacyo badan.

Muuse Biixi ayaa ah caadeyste dhiigga shacabka muslimiinta ah.

SAWIRRO MUDAHARAADYO BALAARAN OO KA BILOWDAY MAGAALADDA BOORAME

mudaharaad boorame2

Mudaharaad xoogan ayaa maanta dib uga bilaabmay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, shacab gadoodsan ayaana la wareegay xafiiskii badhasaabka.

Shacabka oo wadooyinka isugu soo baxay ayaa saaka ku dhowaaqayey “Dooni mayno Dawlad Isaaq, iyagoo ku hanjabayey in Boorama noqonayso Laascaanood2″.

MUWAADINIIN SOOMAALIYEED OO KA SOO CARARAY COLAADDA SUUDAAN

soomaali suudaan katimid

Sida lagasoo xigtay warbaahinta dawladda Soomaaliya, waxaa maanta dalka lagu soo celiyay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho Ku soo dhoweeyay 73-qof halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay magaalada Garoowe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow ayaa ka warbixiyay soo dhoweynta muwaadiniinta isagoo sheegay in dalwdda Soomaaliya ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la ah dalkaasi.

Dhanka kale Ku simaha safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Ayaan Maxamuud Sheekh ayaa sheegtay in Muwaadiniin gaaraya 1250 ay safaaraddu ka soo gudbisay xadka Sudan ay la wadaagto Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore muwaadiniin kasoo daabushay colaadda dalka Sudan iyada oo la kaashaneysa wadamada deriska iyo saaxiibada.

Tan iyo markii dagaalladu sii xoogeysteen, waddamada caalamka ayaa diblomaasiyiinta iyo muwaadiniintooda kala baxayey Sudan.

FAYSAL CALI WARAABE OO KU HANJABAY INUU MUQDISHO KA DEGAYO

faysal cali waraabe6

Ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wadahadalladii Soomaaliya iyo Maamulka somaliland ee jeex-qalalku ku dhacay ay dib u bilaabanayaan ayuu guddoomoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe sheegay in xukuumadda hadda jirta ee Somaliland aanay xaq u lahayn in ay wadahadal la gasho cidna.

Waxa uu ku hanjabay in isaga laftiisu Muqdisho ka dagayo haddii madaxweynaha Somaliland uu isku dayo in uu galo wadahadal aan iyaga lagala tashan.

Faysal ayaa sheegay in markii hore ee wadahadallada lala furayey Soomaaliya ay saddex xisbi ka heshiiyeen kadibna baarlamaanka loo gudbiyey sidaasna ay “maqaam dowladeed” kula tageen wadahadalka, “markii aan 2012 kii wadahadallada bilaabeynay waxay martay habraac, saddex xisbibaa ku heshiiyey in arrintaa la galo, kadib baarlamaankaa la geeyay baarlamaankuna wuxuu ka saaray qodobkii ahaa ‘in aan Soomaaliya lala hadal’ intaas kadibna waxaan la tagnay maqam qaran oo la isku wada faaqsan yahay” ayuu yiri Faysal Cali mar uu ka hadlayey sidii ay kusoo bilowdeen wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa uuna sheegay in aanay jirin wax “hoos hoos u dhacay”, saas darteedna aanu oggolaanayn heshiis aanay wax ka ogeyn, “maantana waxaa weeye, ma dhaceyso wadahadal Soomaaliya iyo Somaliland dhex mari kara” isaga oo intaas kusii daray, “Kow Somaliland qalalaasay ku jirtaa, mid dagaal bay ku jirtaa mid siyaasadeed bay ku jirtaa… madaxweynaha waqtigiisii wuu dhammaaday, wax aan isla ogayna ma jirto,” ayuu yiri guddomiye Faysal oo sababeynayey waxa uu ku diidayo wada hadal dhex mara Soomaaliya iyo Somaliland.

MUXUU BOQOR CHARLES CALEEMA-SAARKA UGA BAAHAN YAHAY?

boqor charles

Caleema saarka Boqor Charles-ka saddexaad ee maanta dhacaysa ayaa lagu soo bandhigay nooca xafladda quruxda badan ee Ingiriisku caanka ku yahay. Laakiin sidoo kale waa munaasabad diineed oo si qoto dheer ugu dhex milan yihiin caadooyin qarniyo soo jiray oo dadka qaar ula muuqan karta wax aan muhiim ahayn xilligan lagu jiro 2023-ka. Munaasabaddani muhiimaddii ay mar lahaan jirtay ma leedahay Boqorkuse ma u baahan yahay in loo dhigo?

Malaayiin dad ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee UK ayaa daawanayay munaasabaddan naadirka ah.

In kasta oo laga yaabo in aan u barannay raynraynta dad badan iyo xafladaha waddooyinka ee ay weheliyaan dabbaaldegyada boqortooyadu, hadana 70 sano ayaa laga joogaa tan iyo markii inoogu dambeysay caleema saarkan. Tani waa arrin gebi ahaanba ka duwan sida aad moodeyso waxaana ka buuxa waxyaabo xiiso leh: dhaarta qarniyadii dhexe, saliid barakaysan oo lagu shubayo malqacad 12 qarni jirta, iyo kursi 700-sano jir ah oo hoy u ah dhagax la aaminsan yahay inuu guuxay markii uu aqoonsaday boqortooyada saxda ah.

Khubarrada qaar ayaa u ekeysiiya isku shabbaha caleema saarkan iyo aroos – laakiin halkii lammaane la isu guurin lahaa, boqorka ayaa loo guurinayaa dawladda. 2,000 oo qof oo daawanayay Boqor Charles oo lagu caleemo saaray Westminster Abbey ayaa la weydiinayay inay u aqoonsan yihiin inuu yahay boqor iyo in kale. Kadibna waxaa la siiyay giraanta taajka waxaana la waydiiyay in uu dhaarto.

Haddii waxaas oo dhami kuula eg yihiin wax qarniya hore ahaa, waxaa sababta u ah xafladaha caleema saarka ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa wax yar uun iska badddelay 1,000-kii sano ee la soo dhaafay. Sharci ahaan, looma baahna xafladdan, maaddaama boqorku si toos ah u dhaxlo geeridii kuwii ka horreeyay. Laakiin waa tilmaan astaan ah oo si rasmi ah u qeexaysa ka go’naanshiyaha boqorka ee doorkiisa Boqornimo, ayuu yidhi Dr George Gross, oo hogaaminaya mashruuc cilmi-baaris ah oo ku saabsan Caleema saarka ee kulliyadda King College London.

Waxa uu aaminsan yahay in ballan qaadka Boqorku ka sameeyo fagaaraha uu yahay mid “xoojinaya sharciga iyo cadaaladda naxariista wadata” ayna tahay waqti gaar ah.

“Xilli dunida aan lagu kalsoonaan karin oo ay hoggaamiyeyaashu jebiyaan shuruucda caalamiga ah mar walba, Boqorkeenu waa inuu dhahaa ‘kuwaasi waa waxyaabaha aasaasiga ah ee muhiimka ah’, taasina aniga ima saameynayso.”

Charles
Qoraalka sawirka,Saliidda sanadkan loo adeegsaday caleema-saarka waxay ka sameysan tahay saliid saytuun ka baxday Qudus

Isku keenista wixii hore iyo midka cusub?

Waxa xiga ee dhici doona ayaa qeexaya malaha waxa uu caleema saarku ka dhigan yahay: Munaasabad diineed asal ahaan. Waxaa madaxa, gacmaha iyo laabta boqorka lagu sharxayaa iskutallaab iyadoo la isticmaalayo saliid barakaysan, oo lagu shubay qaaddo ka timid qarniyadii dhexe.

Habraaca boqridda ayaa ku dhawaad “boqorka u dallacsiinaysa baadari”, ayuu Dr Gross, waxay iftiiminaysaa kaalinta boqorka ee madaxnimda kaniisadda.

“Waa xaflad Anglican ah oo subkidu waxay lama huraan u tahay taas oo ah bixinta nimcada Ilaah ee boqortooyada,” ayuu yidhi Dr David Torrance, oo qoray warqad cilmi-baaris baarlamaani ah oo ku saabsan boqortooyada.

“Laakiin sidoo kale waa Kaniisadda Ingriiska oo xasuusinaysa qof walba inay ka mid yihiin kaniisadaha dhidibada looga taagay Boqortooyada Ingiriiska, boqorkuna uu yahay madaxa ugu sarreeya ee kiniisadda.”

Xilligan waxaa loo sameeyaa si gaar ah sababtoo ah waxaa loo arkaa inay tahay tani ay tahay mid xasaasi ah, iyo sababo la taaban karo madaama uu boqorku xiran yahay dhar yar xilligan la sameynayo habraacyadan, ayay tiri Dr Elena Woodacre, oo ah maamulaha Shabakadda Daraasaadka Boqortooyada. Waxay u badan tahay in kaamirooyinka la saaro sidii tan iyo markii boqoradda Elizabeth laga xayuubiyay shumacadeedii iyo dahabkeedii intii lagu jiray caleema saarkii 1953.

Halkii laga isticmaali lahaa saliiddii caleema-saarkii hore – sida boqorrada qaar yeeleen – mid cusub ayaa la sameeyay sanadkan. Markii hore waxa ku jiray wax soo saarka xoolaha sida subagga xawayaanka sivet iyo shaawada nibiriga, laakiin noocan hadda oo naxariis-la’aan ka bed qaba ayaa qayb ahaan laga sameeyay saytuunka.

Laakiin doorashada saliidda ayaa sidoo kale la socota “dareenka casriga ah”, ayuu yidhi Dr Woodacre, isaga oo intaa ku daray in ay “isku darayso dhaqanka iyo sii wadidda la qabsiga iyo isbeddelka” xilli ay qaar su’aal gelinayaan in boqortooyadu ay weli meeli u bannaan tahay.

“Caleema-saarku waa fursadda boqorka si uu isugu dhejiyo awoodda hore iyo qaabenyta mustaqbalkiisa. Dhammaan dhaqammadan qadiimiga ah sida kaniisadda Abbey iyo isticmaalka qaaddada ayaa gacan ka geysanaya xoojinta booskiisa.”

Charles

Ma deneynaa dhaqan?

Charles
Qoraalka sawirka,Qaaddo jirtay qarniyo oo ka mid ah caleema-saarka boqorka

Graham Smith, oo ka tirsan ururka Republic oo u ololeeya in madaxda dalalka la doorto, ayaa qu’aalo ka qaba in caadadu tahay wax loo baahan yahay marka ay dhan walba iska beddelayaan xafladaha caleema-saarka.

“Dadka intooda badan ma xusuustaan markii ugu dambeysay, marka ma aha caadadu in cid walba micno u sameyneyso,” ayuu yiri. “Sidoo kale ma laha qiime dastuuri ah, looma baahna, haddii aynaan sameynina, Charles weli wuu noqon doonaa Boqor.”

Xaqiiq, boqortooyo uma baahna caleema-saar si ay dadka u xukunto qaar badan ayaana la’aanteed sameeyay, sida Edward VIII. Boqortooyooyinka Yurub ayaa muddo dheer kahor iska daayay caleema-saar ra’yi-ururin la sameeyay ayaana sheegeysa in xiisaha loo qabo ay ka sii guureyso gudaha UK.

XIGASHO BBCSOMALI

MUUSE INUU SOOL KU JABAY YAMYAM IYO QADAADWEYN BAA LOOGA TAAG LAYAHAY

Madaxweyne muuse biixi aftaag

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan markii taliskii jabayey ayaa qolyo aan markii hore la hadli kari jirin oo u soo baxbaxsanaya arkay, wuxuu yiri “IN LAYGA BAXAY WAXAAN KU GARTAY YAMYAM IYO QADAADWEYN BAA LAYGA TAAG LAYAHAY”, in Muuse Biixi Gobolka Sool ku jabay waxaa kuu cadeynaya sida maanta dadka aan la hadli kari jirin ugu baxbaxsanayaan, kuwii shalay BOORAME ka lahaa “Reer Soolow walaalayaal Dawlad lalama dagaalamee hubka dhiga oo isdhiiba 1994 baa Somaliland waxba laga qaadi kari waayey”, ayaa maanta laga qaqaban layahay oo leh sidii reer SSC baan yeelaynaa, tii Sayid Maxamed C Xasan baa haysata!!!

Muuse Waxaad jabtay maalintii aad kuwii xasuuqii Kalshaale ka dambeeyey ee cuqdada qabiilka iyo aargoosigu ka buuxay aad macalin ka dhigatay, waxaad Somaliland burburisay markaad madfacii ugu horeeyey Laascaanood ku riday oo aad Caruurtii Daraawiishta dagaalka kala hortagtay kuwaas oo taagnida iyo orodka kugu cunay, taasoo ku sabab siisay in dagaalkii iyo Siyaasaddii lagaaga adkaado, mustaqbalka adiga iyo caruurtaadana mugdi gelo, waxaad qabriga gashay oo iilka lagu dhigay markaad Goojacade isku adkaysay oo garan weyday carar oo naftaada la baxso oo degaamada intoodda kale isku hay, waa abaalkaaga in YAMYAM IYO QADAADWEYN ay mindi caloola quf ah kugu caydhsadaan.

Waxaa Muhiim ah in shacabka SSC ogaadaan in Madaxweyne Muuse Biixi ka wanaagsani aanu Somaliland soo marin, soona mari doonin, waa ninka waqooyi Galbeed iyo togdhaar ugu cuqdada iyo ciilqabka yar, dilka, shirkadaha Shiidaalka, ciidamada madaxjebiska iyo in Reer SSC qoys qoys laysku diro oo 10% miisaaniyadda lagu bixiyo xukuumaddii Siilaanyo ayaa abuurtay, Muuse baa sidii la rabay u sii wadiwaayey waana waxyaabaha maanta fududeeyey midnimadda SSC.

Reer Awdal waxay doonayaan in ninka Daraawiishtu dishay ay maydkiisa fadhaan, balse waxaa ku waajiba inay iska hubiyaan inuu Muuse Biixi hoosta ka nool yahay oo suuxsan yahay iyo in kale, Harag Libaax Haadi ma jiidee, weli fursad baa u furan oo wuu idinku soo noolaan karaaye.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY