Home Blog Page 588

RW Kheyre oo la tashaday madax Maamul Goboleed oo magacaabay guddi cusub

kheyre laftagareen xaaf waare

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la’aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Kalfadhigii 45-aad ee B Puntland oo furmay iyo Deni oo si kulul uga jawaabay su’aal la weydiiyay

baarlamaanka puntland2

Waxaa hadda xarunta Baarlamaanka Puntland ka furmay kalfadhigii 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, Xafladda furitaanka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, gudoonka Baarlamaanka, xildhibaano, wasiiro, issimo, culumo, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Kalfadhigan waxaa horyaalla dhowr ajande oo ay ka mid yihiin ansaxinta Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah iyo ansaxinta miisaaniyadda Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa si aad u kulul uga jawaabay su’aal uu weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Cawil Xassan Daad.

Xildhibaanka ayaa madaxweyne Deni weydiiyay su’aal ahayd bal in uu is casilayo maadaama sida xildhibaanku sheegay ay gebi ahaanba fashilantay xukuumadda uu hoggaamiyo.

Balse madaxweynaha oo xildhibaanka uga jawaabay su’aashaasi ayaa si caro badan uga falceliyay waxaana uu sheegay in xukuumaddiisu ay guul waaweyn ka gaartay arrimihii ay ballan-qaadday balse maamulkii isaga ka horreeyay oo Cawil Daad uu agaasime ku xigeen madaxtooyo ka ahaa ay  arrimo badan ku fashilmeen.

sidoo kale madaxweyne Deni ayaa markii uu su’aashaasi ka jawaabay si deg deg ah uga baxay Baarlamanka.

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo kumaaandoos ah geysay Dhuusamareeb

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

Waxaa markale saaka garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ka degay labo diyaaradood oo siday ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee Kumaandooska dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadan lagu xoojinayo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay hordhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha oo laga yaabo inuu dib ugu laabto Galmudug

Shalay ayey aheyd markii 60 askari oo ka mid ah ciidamada dowladda la geeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dhaq dhaqaaqyadani ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu sii xoogeysayo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Khilaafka ayaa ka dhashay magacaabista guddiga farsamada doorashada Galmudug oo ay ku dhawaaqday dowladda dhexe, kadibna ay ka hortimid Ahlu Sunna.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse dowladda Soomaaliya ayaa tan markii ay la wareegtay howlaha Galmudug waxa ay ciidamada badan geysay maamulkaasi.

RW Khayre oo Kulan soo dhaweyn ah la qaatay Safiirka cusub ee dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub ee Talyaaniga ayaa looga hadlay xoojinta xariirka qotada dheer, soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Talyaaniga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ku bixiyo horumarka dalka oo ay qayb ka tahay qorshaha deynta uga cafinayo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019 warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Alberto Vecchi.

Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Galmudug oo doortay Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa

gudiga doorashada galmudug

Magaalada Dhuusamareeb waxaa Galabta ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Galmudug iyo kuxigeenkiisa, guddigaas oo ah kii ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay guddoomiye u doorteen Cabdinaasir Geelle Cilmi halka kuxigeen u doorteen Axmed Caafi oo kamid ah Xubnaha Guddiga.

Dhinaca kale Guddiga kale ee Maamul u sameynta Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa iyana la filayaa inay guddoon Cusub doortaan.

Xaalada magaalada ayaa ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

Daawo Masaajida Soomaaliya oo Khudbadii Jimcaha looga hadlay Somaliland iyo inaan goista loo dhameyn

sheekh cabdi xayi2

Daawo Masaajida Soomaaliya oo Khudbadii Jimcaha looga hadlay Somaliland iyo inaan goista loo dhameyn

sheikh abdi hayi oo rer somaliland runta u sheegay ,

Slået op af Hubaal media i Onsdag den 23. oktober 2019

DF oo ciidamada Gor-gor ku xoojisay amaanka Dhuusamareeb

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas laga dajiyey diyaarad siday ciidamo.

Ciidamadaan oo gaarayo ilaa 60 Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor ee Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxay diyaarad ka qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Ciidamadaa ay yihiin ilaalada gaarka ah ee Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filayo in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada laga dajiyey Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo xilli Magaalada ay xalay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda uu rasaaseeyey Shiikh Shaakir iyo ilaaladiisa.

Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

DF Somalia oo lacagtii ugu horreysay ka heshay kirada xirmooyinka shidaalka dalka

wkbatroolka maxamed cabdiqaadir hilaal

Shirkadaha Shell iyo ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya xirmooyin Shidaal ayaa 30 Sano kadib billaabay bixinta kirada xirmooyinkaas, sida ay shaaca ka qadday xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir ku -igeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Maxamed Cabdiqaadir Hilaal, ayaa sheegay in shirkadahan ay bixiyeen lacag dhan 1.7 Milyan oo dollar.

Waxaa uu sheegay in lacagtaan hadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku heyso, islamarkaana Shirkaddahaasi ay diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan kaalintoodii Shidaalka Soomaaliya.

“Maamulka lacagtan waxaa habraac u ah heshiiskii Kheyraaad wadaaga ee DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DF ku kala saxiixdeen magaaladda Baydhabo sanadkii tagay,” ayuu yiri Hilaal.

Waa markii ugu horeysay muddo 30-sano kadib ay shirkadahan bixiyaan Ijaarka, sidda lagu sheegay qoraalka wasiir ku xigeenku soo dhigay bogagiisa xiriirka bulshadda.

Hilaal ma uusan soo bandhigin cadadka guud ee kirada lagu leeyahay shirkadda, inta baaqiga ku ah marka laga jiro qadarka ay haatan bixiyeen iyo halka ay ku dhaceyso lacagtaas.

Daawo Hadal-jeedinta Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyey Russia-African summit Sochi 2019

Farmaajo africansummit2

Daawo Hadal-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shir-weynaha Afrika iyo Ruushka ee Sochi.

https://youtu.be/TGZubrtkxr4

Sawiro Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Putin Farmaajo2

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka mid ah Madaxda Afrika ee ka qeyb galaya shirka Madasha Iskaashiga ee Afrika iyo Ruushka ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

Kulankan is aragga ayaa ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha Ruushka Putin u sameynayay madaxda Afrika ka socota, isagoo istaagga ku qaabilay mid mid walba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xalay ka qeyb galay Casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Ruushka dhammaan Madaxda ka qeyb gashay shirka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu ka cafiyay qaaradda Afrika deyntii uu ku lahaa, tan oo jid cusub u fureysa xiriir qoto dheer oo iskaashi uu Ruushka la sameysto Afrika.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY