Home Blog Page 589

Kenya oo dhaqaalo daro ka dhaxashay khilaafka muranka Badda

kenya iyo somalia map

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in uu hoos u dhac weyn ku yimid Qaadkii ay u dhoofin jirtay Soomaaliya kaddib xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay Badda Soomaaliya ee ay dooneyso Kenya.

Bangiga dhexe ee dalka Kenya ayaa sheegay in lacagihii ka soo geli jiray Qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya ay aad hoos ugu dhaceen islamarkaana marayaan halkii ugu hooseysay muddo 10 Sano ah.

Kimathi Munjuri, oo ah Guddoomiyaha Ururrada Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay in labo arrimood ay sabab u tahay hoos u dhaca Qaadkii ay dhoofsan jirtay Soomaaliya.

Midda 1aad waxaa uu ku sheegay khilaafka u dhaxeeya labada dal ee dhinaca Badda isaga oo sheegay in subaxyada qaar Ganacsatada Soomaaliya ay ku wargelinayaan iyaga in aysan dooneyn Qaad guud ahaan sidaasna lagu khasaarayo maalintaas.

Waxaa kale oo uu sheegay in Abaarta ku dhufatay Kenya sidoo kale hoos u dhigtay wax soosaarka Qaadka inta yar ee la soo saarana suuqyada ku xunyihiin.

Kimathi Munjuri ayaa Dowladda Kenya ka codsaday in ay suuqyo cusub uga raadiyo Israel, Jabuuti iyo Mozambique.

Soomaaliya ayaa maalintii Kenya ka qaadan jirtay 50 tan oo Qaad ah kuwaas oo ka dega Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Hargeysa, Laascaanood, Baydhaba iyo magaalooyin kale.

Kumaandooska Somalia oo xalay weeraray saldhigyo waa weyn oo ay leeyihiin Al-Shabaab

danab kumandoos

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ah ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ku qaadeen Saldhigyo Milateri oo ay dagaalmayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen degmooyin ka tirsan gobalka Jubada Hoose ee koonfurta Soonaaliya.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa weerarka goobaha ay ku qaadeen waxaa kamid ah fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale ee gobalka Jubada Hoose waxaana la sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Xubno ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in ay beegsadeen Saldhig milateri oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Bu’aale oo kamid degmooyinka ay ku xoogan yihiin.

Sidoo kale ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah waxay xalay weeraro kale ka fuliyeen degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, iyo tuulada Jameeca ee gobalka Shabeelada dhexe oo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen ciidamo ay uga hortagaan abaabul dagaal oo ay wado dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Milateriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska ayaa sheegay in ay shaacin doonaan xog ku saabsan weeraradaan ay xalay ka fuliyeen fariismaha Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qorsheysay dagaal saf ah oo ay ciidamada Soomaaliya ka bilaabi doonaan Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle waxaana ka hor howlgalkaasi bilaawday dhaq dhaqaaq dhanka cirka ah oo lagu beegsanayo Saldhigyada Al-Shabaab.

Trump oo ku dhawaaqay inuu ka qaaday Turkiga cunaqabateyntii la saaray

trump erdogan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in laqaaday dhamaan cuna qabateynadii la saaray dowladda Turkiga kadib weerarkii ay ku qaadeen waqooyi bari dalka Suuriya.

Go’anka Trump ayaa imaanaya ka dib markii Turkigu uu ogolaaday inuu xabad joojinta waqooyiga Suuriya sii wadayo.

Isaga oo ka hadlayay Magaalada Washintoon ayuu sheegay Mr Trump in Dolwadda Turkiga ay u balan qaaday in ay joojinayso howgallada ay ka wado waqooyiga Suuriya.

Waxa uu yiri :”Aroortii hore ee saaka dowladda Turkiga ayaa waxey maamulkayga u sheegeen inay joojinayaan gulufkii ay ka wadeen Suuriya ayna heshiiska xabad joojinta ka dhigayaan mid toos ah”.

‘Marka sidaa darteed waxaan la hadlay Xoghayaha Maaliyadda waxaana u sheegay in Turkiga laga qaado dhammaan cunaqabateenadii la saaray 14-kii bishaan Octobar” ayuu kusii daray.

”Cunaqateenada waa la qaaday marka ilaa aan ka aragno waxyaabo aanu ku faraxsanyn ee goboladaasi ka dhaca ma jiri doonaan cuna qabateynno kale”, sidaasi waxaa hadalkiisa ku sheegay madaxeyne Trump.

Sidoo kale madaxwaynaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Turika iyo Ruushka.

Shirka Madasha Dhaqaalaha ee Ruushka iyo Afrika oo si rasmi ah u furmay

farmaajo africa russia summit

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala qeyb galay madaxda kale ee Qaaradda Afrika kulanka furitaanka Madasha Dhaqaalaha ee Ruushka iyo Afrika oo socon doonta 23-24 bishan.

Shir oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Ruushka ayaa waxaa ka qeyb-galaya inta badan wadamada Qaarada Afrika, ayaa waxaa siwadajir ah u furay Madaxweynaha Ruushka iyo dhigiisa dalka Masar Cabdul Fataax Al-Siisi ahna Gudodomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Shirka faah faahin ka bixinayey ayaa sheegay in looga hadlayo soo bandhigida iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika.

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Masar ayaa khudbado kala duwan ka jeediyey Shirka, iyada oo la soo bandhigay heerka uu la egyahay xiriirka ka dhaxeeya dalalka Afrika iyo wadanka ruushka iyo caqabadaha ku hor gudban.

UN Monitoring Group oo warbixin ka soo saartay weerarada loo geysto xarumaha shirkada Hormuud

hormuud

Kooxda UN Monitoring Group ayaa oo soo saartay warbixinteeda ku saabsan Soomaaliya ayaa kusoo dartay beegsiga ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda ugu weyn ee Soomaaliya dhanka Isgaarsiinta.

UN Monitoring Group ayaa si faahfaahsan kaga hadashay weeraradii loo geystay Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kadib duqeymo iyo weeraro uga imaaday Ciidamada Kenya ee ka tirsan howgalka AMISOM.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu soo qaaday weeraro ay kooxda Al-Shabaab u geysteen Shirkadda Safaricom oo laga leeyahay dalka Kenya, waxayna warbixinta caddeysay sababta keentay in labada shirkadood la beegsado.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta UN Monitering Group oo dhameystiran:

Bartilmaameedka laga dhiganaayo Hormuud, shaqaalahooda iyo agabyadooda kala duwan.

Guddi khuburo ah ayaa helay warbixino ku aadan weerarka ay ciidamada difaaca Kenya ku qaadeen 12 xarumood oo Hormuud maamusho kuna yaala gudaha Soomaaliya. Laga soo bilaabo 2017 dhamaan xarumaha Hormuud ee Gedo,  waa la weeraray waxayna sababeen dhimashada labo shacab ah.

Guddigaan khuburada ah waxay awood u yeesheen si madax banaan inay u ogaadeen in shan ka mid ah weeraradaas halmar la wada qorsheeyay sii xiriir ah isla lahaayeen weliba ay ku jiraan labo weerar oo la qaaday ayadoo hadda lagu shaqeenayo Mandate-ka u dagsan ciidamada Kenya, waxaana ku dhinteen labo qof oo rayid ah.

Sidoo kale guddiga waxay heleen sawiro caddeymo ah oo muujinayaan bambooyinka labo qarax oo aan qarxin oo xarumaha la weeraray lagu arkay, waana mamnuuc in bambooyinkaas la adeegsado sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah 2008 oo mamnuucay in duqeyn ahaan loo adeegsado, xitaa xeerka dhaqan ee Kenya u yaalo ma dhigaayo in bambooyinkaas la adeegsado, waxaana lagu arkay haraadigaas bambooyinka labo qarxaan oo aan qarxin xarun Hormuud ku leedahay Ceel Waaq oo la weeraray  2-dii Maarso 2019.

24-kii July 2018 ciidamada Kenya waxay si ku tala gal ah duqeyn ku dileen waardiyihii shirkadda Hormuud iyo qaraabadiisa xarunta ku taalo Hiis Ugur oo ku taalo hareeraha Ceel Waaq oo gobolka Gedo ka tirsan.

15-kii Janaayo ciidamada xoogga Kenya waxay si ku tala gal ah u burburiyeen xarun Hormuud ku laheyd tuulada Cali Buulaay kana tirsan degmada Afmadooye ee gobolka Jubada Hoose sidoo kalena waxay  jir dileen waardiyihii ama ilaaladii shirkadda Hormuud halkaas u joogay.

27-dii Maarso 2019 ciidamada Kenya waxay burburiyeen si ku tala gal ah xarun Hormuud ku lahaayeen deegaanka Caws –Quraan oo ka tirsan Ceel Waaq, gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya wey beeniyeen ku lug lahaan ashkato oo ku aadan weerarada lagu qaaday xarumaha shirkadda Hormuud.

Dhinaca ciidamad Kenya waxay aad ula dagaalayaan Hormuud si ay u yareeyaan adeegsiga Shabaab u adeegsanayaan qaraxyada Mobile-ka lagu xariiriyo ee isgaarsiinta u baahan. Laakiin midaas cudur ma noqoneyso madaama dhibaato Bini,aadanimo, mid dhaqaale iyo mid hantiba ay ciidamada Kenyan-ka geesanayaan. Weliba burburinta xarumaha Hormuud waxay keentay dhibaato ku aadan xariirka hay’adaha samafalka wada sameyn lahaayeen si gurmad Bini,aadinimo gudaha Soomaaliya looga fuliyo xili walbo.

Sidoo kale xawaaladaha dadka shacabka ah lacagaha isugu diraan iyadana dhibaato xoogan ayay kala kulmeen tan iyo markii ciidamada Kenya bilaabeen inay xarumaha Hormuud weeraro ku qaadaan oo ay isgaarsiinta jaraan.

Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe ka dalbatay in doorasho cusub la qabto

Axmed Madoobe3

 Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay toos u soo waceen madaxweyne Axmed Madoobe kalana hadleen doorasho kale oo lagu qabto Jubaland.

Xubnaha aan warkaan ka soo xiganay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe laga dalbaday in uu u hogaansamo doorasho kale oo laga qabto Kismaayo islamarkaana ay goob joog ka noqdaan dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, si loo xaliyo tabashooyinka jira.

Sidoo kale xubnahaan ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la hadlay Xidig iyo Seeraar iyo waliba dowladda Soomaaliya waxayna sheegeen in daganaan ay ku dhameyn doonaan arrimaha ka taagan Jubbaland.

Dadka Axmed Madoobe la hadlay waxaa kamid ah Safiirka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya James Swan iyo wakiilo kale oo ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya Arimaha Soomaaliya.

“Waxaa loo sheegay in beesha caalamka ay taageereyso daganaanshiyaha Jubbaland islamarkaana aysan aqoonsaneen doorashadii ka dhacday Kismaayo ilaa ay xubnaha goob ka noqdaan doorashada iyadoo la kaashanayo DF” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Lama oga sida uu Axmed Madoobe ku ogolaan doono doorasho kale oo ka dhacday degaanada Jubbaland waxaana maalmaha soo socda la filayaa in uu aado dalka Kenya islamarkaana uu kulamo la soo qaato masuuliyiin ka tirsan Kenya, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in safarkii Kenya uu baajiyay balse wafdi Kenyan ah ay u imaan doonaan maalmama soo socda.

Go’aanka beesha caalamka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay uga digtay dowladda Soomaaliya inay doorasho ku qabato gobolka Gedo, taasi oo ay sheegtay inay kasii dari karto xiisadda taagan.

Weerar kooxda Al-Shabaab ay la beegsan rabeen Uhuru Kenyatta oo la fashiliyey

uhuru kenyatta2

Hey’adda Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaacisay inay fashilisay weeraro qorsheysan oo kooxda Al-Shabaab ka fulin rabtay gudaha dalka Kenya.

Hey’adda Sirdoonka ayaa sheegtay inay weerareen kowdii October guri ay Kooxda Al-Shabaab ku diyaarineysay weeraro qorsheysan oo Kenya laga fulin rabay maalinta dabaaldagga geesiyaasha Kenya oo ku beegneyd 20-kii October.

Kenya ayaa sheegtay in gurigaas uu ku yaalay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ah meel loo dalxiis tago halkaas oo lagu diyaarinayey shabakad isku xiran oo weeraro ku qaadi rabtay meel uu ka khudbeen lahaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale meelaha la weerari rabay ayey sheegtay Hey’adda Sirdoonka Kenya inay kamid ahaayeen xarumaha waaweyn ee Dowladda Kenya ee ku kala yaalo Nairobi iyo Mombasa.

Weerarkaas ay sirdoonka Kenya qaadeen ayaa lagu dilay xubin kamid ah kuwii fulin rabay weerarkaas halka laba kalana gacanta lagu dhigay sida ay sheegtay Hey’adda.

Guriga labada Nin ee xiran laga soo qabtay ayey hey’adda Sirdoonka Kenya sheegtay in laga helay Hub aad u farabadan oo ay doonayeen in ay ku fuliyaan weerarka islamarkaana dhibaato weyn ku geystaan.

11-ka November ayaa la dhageysan doonaa dacwadda labada nin ee gacanta lagu hayo markaas oo ay kasoo muuqan doonaan maxkamad sida uu sheegay Dickson Indaru oo ah baare ka tirsan Hay’adda ka hortagga Argagixisada Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro waaweyn horey uga fulisay gudaha Kenya waxaana weeraradaas ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyadeed, waxayna weeraradaas keeneyn inay yaraadaan dadkii usoo dalxiis tagi jiray Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay sii wadi doonaan weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya inta Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga saarayo.

Kismaayo: Ciidamo guryaha kala baxay dhowr dhallinyaro

airport Kismaayo

Waxay faah faahin ka soo baxaysaa hawlgal qorsheysan oo Ciidamada Jubbaland ay shalay ka sameeyen qaybo ka mid ah xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Booliska & Nabad Suggida Jubbaland oo ka jawaabaya dilkii laba habeen ka hor Magaalada Kismaayo loogu gaystay Nabadoon/ganacsade Siciid Ciise Cabdi (Siciid Adoon) ayaa gacanta ku soo dhigay dad dhalinyaro u badan.

Ciidamada ayaa waxay gudaha u galeen guryo ku yaala Calanley, waxayna ka soo qab qabteen dhalinyaro, kuwaa oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin falal amni-darro.

Labada ciidan ayaa dhalinyaradaasi ula dhaqaaqay xarumaha hay’adaha ammaanka ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay dib xoriyadooda u siiyeen dhalinyaro kale oo laga soo qab qabtay xaafadda Calanley, ka dib markii la xaqiiqsaday inaanay khatar amniga ku ahayn.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalka dhalinyarada lagu soo qab qabtay uu ahaa mid qorsheysan.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadkaasi uu soo galay tuhun dhinaca amniga ku aadan, isagoo intaa ku daray in iminka wax laga weydiinayo farmuuqa lagu sameeyay.

Afhayeenka ayaa qiray inay jiraan dhalinyaro kale oo xaafadda Calanley laga soo qab qabtay, kuwaa oo dib loo sii daayay, ka gadaal markii lagu waayay wax dembi ah.

Cabdinuur Ibraahim ayaa laamaha amniga ka codsaday inay si deg deg ah sharciga ku horkeenaan kuwii ka masuulka ahaa dilkii Siciid Ciise Cabdi, oo ka mid ahaa dadka hodanka ah ee Magaalada Kismaayo ku dhaqan.

Dilkan ayaa ka careysiiyay bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo qaybtood, iyadoo ay shalay magaalada ka sameeyen dibadbax ay kaga soo horjeedaan dilka ganacsadaha.

Siciid Adoon ayaa lagu dilay agagaarka Sarta Calaaca ee xaafadda Calanley, iyadoo uu u dhintay rasaas ay huwiyeen rag la sheegay inay wejiyada soo xirteen.

DF oo war kasoo saartay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya ee kiiska badda

safiir tarsan

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter uu Muqdisho kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalana hadlay in Soomaaliya ka laabato kiiska badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda.

“Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Kyle McCarter.

“Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” ayuu yiri safiirka.

Si kastaba, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha, inkasta oo Tarsan uu qiray in safiirka uu yimid magaalada Muqdisho.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook.

“Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” ayuu sii raaciyey.

Daawo Somaliland oo ku baaqday inaan Somaliya Hub la siinin deyntana laga cafiyin

maxamed muuse diiriye wwsl

Daawo Somaliland oo ku baaqday inaan Somaliya Hub la siinin, islamarkaana aan deynta laga cafiyin.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY