Home Blog Page 464

Wasiir Khadiija oo si anshax xumo ah uga jawaabtay Fadeexadii ay ka sameysay Garoonka Muqdisho

Wasiirada dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa si anshax xumo ah oo aan dawladnimo iyo masuuliyadi ka muuqato uga jawaabtay Fadeexadii ay ka sameysay Garoonka Muqdisho, kadib markii ay diiday baaristii ka hortaga ahayd ee xanuunka CORONAVIRUS oo caalamku la dagaalamayey, iyadoo markii Khadiijo ay baaristii diiday dadkii shacabka ahaa iyana diideen.

Wasiirad Khadiijo Maxamed diiriye oo la soo macaabishay hogaamiye kooxeedyadii iyo kuwii dhaqan xumada u saaxiibka noqday, ayaa laga sugayey inay shacabka Soomaaliyeed ka raaligeliso falkii fooxa xumaa ee ay ku kacday, islamarkaana ay xilka Wasiirnimo iyo Xildhibaanimo banayso, maadaa ay xaaladii caafimaadka ee dalka oo dan khatar gelisay.

Khadiijo waxay si aan xilkasnimo iyo aqooni ku dheexnayn u eedaysay, hawlwadeenadii iyo Wasaaradii Caafimaadka, xukuumadii ay ka tirsan tahay, sidoo kale waxay soo bandhigtay isdifaacid ay caqliga shacabka u qalmin, iyadoo hadalkeedii ku sheegtay inay taageeroyaasheeda kula hadlayso, taasoo gef weyn ku ah shacabkii Soomaaliyeed ee ay nidaamkoodii iyo caafimaadkoodii burburisay.

Madaxweynaha iyo Raiisulwasaaraha Soomaaliya waxaa shacabku uga fadhiyaa in xilka laga xayuubiyo Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, si ay tusaale ugu noqoto maamul Wanaaga, dibna loogu soo celiyo kalsoonidii shacabka ee ay dhaawacday.

Daawo Jawaabta Wasiirad Khadiija Maxamed Diiriye

Daawo fadeexadii ay Garoonka ka sameysay:

Dib ugu soo laabashadeydii dalka.

Slået op af Hon Khadija Mohamed Diriye i Tirsdag den 25. februar 2020

Daawo Nuxurka Shir Jaraa’id oo Hogaanka Xisbiyada Kulmiye, Ucid iyo Waddani wadajir u qabteen

cirro faysal muuse

Daawo Nuxurka Shir Jaraa’id oo Hogaanka Xisbiyada Kulmiye Ucid iyo Waddani wadajir u qabteen.

Banaanbax lagu taageerayey Dowladda oo Beled-Xaawo ka dhacay

beledxaawo

Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigeen Shacabka ku nool degmadaas, kaas oo lagu taageerayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loogana soo horjeeday hadal kasoo yeeray Mareykanka.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gedo, waxaana looga soo horjeeday hadalkii dhawaan kasoo yeeray Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, kaas oo uu ku sheegay inay qalad aheyd Ciidankii Dowladdu geysay Gobolka Gedo.

Dadka banaanbaxa dhgayay ayaa waxaa ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo madaxbannaan oo ismaamula, isla markaana hadalkii kasoo yeeray Rodney Hunter uu yahay mid waxba kama jiraan ah Ciidamada Dowladana ay tegi karaan meel kasto oo dalka ah.

Dhinaca kale banaanbaxayaasha iyo mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ayaa waxaa ay dowladda Kenya ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso dhulka Soomaaliyeed, iyaga oo digniin culus u direy.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa banaanbaxa ka sheegay in Shacabka Beled-Xaawo ay u diyaar garoobaan difaaca xaduudka Soomaaliya, isla markaana cidna aysan gorgortan kala gelayn.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay geysay Gobolka Gedo ay Shacabka dalbadeen, isla markaana Ciidamadaas ay awood u leeyihiin inay Xaduudka xiraan halkii markii hore ay Ciidamada Kenya xiri jireen.

Dhulbahante waxay leeyihiin Xiditinimo, Abtinimo, hiil diineed iyo hiil dadba (Daawo Sheekh Xasan Daahir Aweys)

xasan daahir aweys

Wadaadka caanka ah ee mudada dheer u xirnaa Dawladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys oo talooyin u jeedinayey kooxdii ku shirtay Muqdisho ee sheegatay magaca Mudulood ayaa dhaqano badan ku dhaliilay Beesha Abgaal, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Guurka, xiditinimada, Abtinimada iyo hiilka, iyadoo uu Sheekh Xasan uu tusaale u soo qaatay inay kaga daydaan Beesha Dhulbahante.

“Beri dhoweyto oo aan guur doonayey, waxaan raadiyey Dhulbahante, waayo waxay leeyihiin, xiditimo, wiilkay dhalaana way difaacayaan sidii Maxamed Sayid Cabdule Xasan, waxay kale leeyiiin hiil diineed iyo hiil dadba, waana ku amaanayaa ilaahay kheyr ha siiyo” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Daawo Sheekh Xasan Daahir Aweys:

Daawo Warbixin Xiiso badan CR Terra: Isbedelka Geeska iyo Saamaynta Soomaalida

geeska africa

Daawo Warbixin CR Terra: Isbedelka Geeska iyo Saamaynta Soomaalida:

Warbixin: Isbedelka Geeska iyo Saamaynta Soomaalida

Slået op af Gacal Show i Onsdag den 26. februar 2020

Somalia oo ka hadashay Go’aankii Bangiga Adduunka iyo halka uu maraayo qorshaha Deyn cafinta

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay waxa uu soo dhaweeyay go’aanada wax ku oolka ah ee ka soo baxay hay’adda lacagta adduunka IMF iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deynta Soomaaliya.

“Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hadalkiisa ku daray “Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in hay’adaha kale iyo dalalka Soomaaliya deymaha ku leh inay ku dhawaaqaan go’anno la mid ah kuwan oo kale.

Barnaamijka wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayaa socday saddexdii sanno ee la soo dhaafay, waxaana haatan uu marayaa heer go’aanno laga gaaro deyn cafinta Soomaaliya, taasi oo Soomaaliya u horseedeyso inay dib u hesho xiriirka dhaqaalaha caalamiga ah iyo maalgelin horseedo kobaca dhaqaalaha iyo yareynta faqriga.

Uhuru oo hogaamiyayaasha Soomaalida Kenya 14 maalmood u qabtay

uhuru kenyatta2

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hogaamiyayaasha Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida ah u qabtay 14 maalmood, si ay ula yimaadaan xal wax looga qabanayo dhibaatooyinka amni-darro iyo falalka argagixiso ee ka jira gobolka.

Uhuru ayaa dalabkan hor-dhigay barasaabyada kala ah Cali Roba (Mandhera), Maxamed Cabdi Maxamud (Wajir), iyo Cali Korane (Gaarisa), oo ay wehliyaan hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale, iyo xildhibaano uu ka mid yahay Adan Kenynan.

Sida uu weriyey wareyska The Standard, madaxweynaha ayaa xubnahan u sheegay in falalka argagixiso ee gobolka ka socda ay gaysanayaan dad gobolka kasoo jeeda, ayna qasab tahay inay wax ka qabtaan dadka gobolka.

Sida ay sheegeen dad goobjoog u ahaa kulanka, Uhuru ayaa u sheegay mas’uuliyiinta Soomaalida ina hay’adaha amniga Kenya ay xireen xuduudda Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin xubno Shabaab ah oo usoo gudbaya Kenya.

Uhuru ayaa sheegay in xalka wax looga qabanayo saameynta ay weerarada ku yeesheen gobolka uu u yaallo hoggaanka gobolka.

Barasaab Cali Korane ayaa kulanka ku sheegay mid miro-dhal ahaa, islamarkaana ay madaxweynaha hordhigeen arrimaha gobolka ka taagan sida amniga iyo waxbarashada.

“Waxa uu ballan-qaaday inuu xallin doono, hase yeeshee waxa uu dalbaday inaan annaga ka cayaarno kaalin fir-fircoon,” ayuu yiri Korane.

Hogaamiyayaasha ayaa soo bandhigay dhibaatada ka dhalatay macallimintii aan Soomaalida ahayn ee gobolka isaga baxay kadib markii ay kordheen weerarada, hase yeeshee Uhuru ayaa dalbaday in marka hore xaalaadaha qaar wax laga qabto si macallimiinta dib loogu soo celiyo.

Macallimiinta aan Soomaalida ahayn ama kasoo jeedin deegaanka ayaa laga saaray gobolka markii weeraro badan si toos ah loola beegsaday.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeri ah gaysay gobolka, hase yeeshee ma muuqato in taas ay yareysay weeraradii Al-Shabaab ay ka gaysaneysay gobolka.

Ma cadda sida hogaamiyayaasha Soomaalida ay hadda xal ula iman karaan muddo laba toddobaad gudahood ah.

Puntland: Haramcad haddii ay Gaalkacyo keenaan Shabeel baa u diyaarsan

puntland logo

Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo wareysi gaar ah siiyay qaar ka mida saxaafada, ayaa ka warbixiyay hawlgal culus oo Booliisku ka bilaabeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

hawlgalkaasi oo habeen ka hor ka bilowday Garoowe, ayaa Taliyuhu sheegay in lagu qabto dad ka badan 30 ruux oo ay ku tuhunsan yihiin dambiyo kala duwan, kuwaasi oo haatan ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe, islamarkaana dhowaan sharciga la horgeyn doono.

Gen Muxiyadiin, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay dib u-habayn ballaaran oo ku socota ciidanka Booliiska Puntland, si loo helo ciidan Booliis ah oo tiro sugan leh.

Taliyaha oo la weydiiyay, waxa Puntland uga qorshaysan, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Gaalkacyo keento Booliiska gaarka ah ee loo yaqaanno HARAMCADKA? Ayaa ku jawaabay “ HARAMCAD haddii ay keenaan Shabeel baa u diyaarsan.”

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

Man City oo guul soo laabasho ah ka gaartay Real Madrid

UEFA champions league

Labo kulan oo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa caawa oo Arbaco ah laga ciyaaray qaarada Yurub.

Kooxda Manchester City ayaa hal lug la sii gashay wareega siddeed dhamaadka ee tartanka kooxaha Yurub ee Champions League, ka dib markii ay guul soo laabasho ah oo 2-1 ah ka gaartay kooxda Real Madrid oo marti loogu ahaa gurigeeda Santiago Bernabeu, lugta hore ee wareega 16-ka.

Kooxda Real Madrid ayaa goolka la hormartay waxaana u dhaliyay Isco, balse labo gool oo afar daqiiqo gudahood ku dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Kevin De Bruyne ayaa Manchester City ka caawiyey in ay kooxda ugu hanashada badan tartankan ay guul taariikhi ah ka gaarto.

Real Madrid ayaa ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan, markii dhammaadka ciyaarta kaarka cas loo taagy Sergio Ramos oo maqnaan doona kulanka lugta labaad oo ka dhici doona magaalada Manchester 17-ka besha soo socota ee Maarso.

Dhanka kale Juventus ayaa guuldaro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Faransiiska ee Lyon oo marti loo ahaa lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.

Lyon ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 3-aad, markii uu shabaqa soo taabtay Tousart, waxayna ku guuleysatay inay shabaqa ka ilaashato Juventus ka hor lugta labaad ee Torino ka dhacaysa 17-ka besha soo socota ee Maarso.

Bankiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka cafiyay $122.55 Milyan oo dollar

Bankiga Horumarinta Afrika ayaa Soomaaliya ka cafiyay $122.55 Milyan oo dollar oo ka mid aheyd deyntii lagu lahaa Soomaaliya.

Kulan ay shalay oo Arbaco ah yeesheen Agaasimayaasha bankiga horumarinta Afrika iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika ayaa lagu ansixiyey in Soomaaliya looga cafiyo deyntaas lacageed si ay hesho fursado maalgashi, isla markaana ay wadada ugu xaarto in Soomaaliya ay u gudubto waa cusub oo horumarineed.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka jawaabaya Go’aanka uu Bankigu Horumarinta Afrika uga cafiyey Deynta ayuu sheegay Bangigu inuu Soomaaliya ka caawiyey isbadalo adag oo ay sameysay, taasoo Soomaaliya ka dhigi karta meel Soomaalida u wanaagsan.

Wasiir Beyle ayaa muujiyey, sida ay uga go’antahay isbadal dhaqaale oo uu xusay inay muuqato faa’iidooyonkii ay dowladdu ka heshay iyo awooda ay ku maamulan karto dhaqaalaheeda, isagoo xusay muhiimadda isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah ay u leeyihiin dadweynaha.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina ayaa ku tilmaamay maalin taariikhi ah oo si wada jir ah loogu faani karo, marka loo eego culeyskii ay arintaaas laheyd.

Akinwumi waxa intaa ku daray in bulshada caalamku aqoonsatay dadaalka ay madaxda dowlada Soomaalia ee waqtigii cuslaa iyo dib u habeynta balaarneyd ee ay sameeyeen.

Bankiga horumarinta Afrika ayaa qorsheynaya inuu sida ugu degdeg badan wada shaqeyn dhaw ula bilaabo dowladda federaalka ee Soomaliya, isagoo balan qaaday inuu ka caawin doona isbadalada iyo dib u habeynta kale ee lagama maarmaanka u ah, si Soomaaliya ay mar kale u gaarto hadafka ugu sareeya.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY