Home Blog Page 465

Al-Shabaab oo farriin u diray Soomaalida gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

shabaab sarkaal

Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dowladda Kenya, iyagoo fariin u diray dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay codka Afhayeenka ururka Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) oo arrimahaas ka hadlaya mudo ku siman 20 daqiiqo, isagoo sheegay in ay u damqanayaan dadka Muslimka ah ee ku nool gobolkaas.

“Iyadoo laga duulaayo walaaltinimada Islaamka iyo soo celinta dhulalka islaamka ayay walaalihiina Al-Shabaab idiin soo gurmadeen si ay dhulkiina idiinku soo celiyaan, si aad u xorowdaan, aayihiinana ugu madax -bannaanaataan” ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in haatan dowladda Kenya ay ku jirto xaalad rafasho ah, “Dadka Muslimiinta ah waxaan uga digayaa in ay Kenyaatigaasi garab u noqdaan”ayuu yiri.

Sidoo kale sarkaalkan u hadlay Al-Shabaab ayaa dadka ku nool gobolka Soomaalida ee NFD ugu baaqay in aysan ku kalsoonaan siyaasiyiinta gobolkooda ku metela dowladda dhexe ee Kenya. Oo uu ku tilmaamay “Fulayo aan wax damiir ah laheyn”.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ee NFD ayuu Afhayeenka Al-Shabaab kula taliyey in ay isku tashadaan, “Waxaan kalsooni ku qabnaa in ay karti iyo aqoon ku filan u leeyihiin oo ay heli karaan macallimiin Muslimiin ah, dhaqaatiir Muslimiin ah iyo aqoonyahanno Muslimiin ah intaba, mana muuqato sabab ay ugu baahan yihiin Kenyaatiga” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Qeybaha dambe ee hadalkiisa Cali Dheere waxa uu uga hadlay weerarradii ay Al-Shabaab halka maalin ka geysteen saldhigga miluiteriga  Soomaaliya ee Ceel-saliini, Qoryooley iyo deegaanka Lafoole oo ka wada tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere waxa uu sheegay in seddaxdii weerar ee maalinkaas ay fuliyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab in ay ku furteen hub iyo gaadiid badan oo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dileen askar badan.

Warka Cali Dheere waxa uu imaanayaa xilli weerarkii ugu dambeeyey ay Al-Shabaab waaberigii hore ee saakay ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin tuulo lagu magacaabo Dabasiti oo hoos tagta degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay ku sheegteen warkooda in ay ku burburiyeen saldhiggii ciidamada iyo xarun ay deegaanka ku laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ka howlgasha dalka Kenya.

MADAXWEYNAHA IRAN OO MARAYKANKA U JEEDIYAY EEDAYN LA XIRIIRTA CORONAVIRUS

trump iyo rouhani

Madaxweynaha waddanka Iran Hassan Rouhani ayaa maanta oo Arbaco ah dowladda Maraykanka ku eedeeyey  in ay dalkiisa ku baahinayaan cabsi aan jirin oo ku saabsan faafidda cudurka Coronavirus.

Coronavirus ayaa dalka Iran ku dilay 19 qof oo ka mid ah 139-ka qof ee uu saameeyey, oo uu ku jiro wasiir ku-xigeenka caafimaadka, taasi oo Iran ka dhigtay dalka labaad ee ugu dhimashada badan cudurka kadib Shiinaha.

Madaxweyne Rouhani ayaa sheegay Iran in aysan ogolaan doonin in dowladda Maraykanku ay dalkooda ka abuurto cabsi daran oo la xiriirta Coronavirus.

Hadalka Rouhani ayaa yimid maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu Iran ku eedeeyey in ay caburinayso akhbaaraadka ku saabsan cudurkan ka dillaacay dalkeeda ee Coronavirus .

Mr Pompeo ayaa sheegay in Iran ay qarinayso heerka rasmiga ah ee uu gaarsiisan yahay cudurkan.

Iran ayaa tan iyo Arbacadii la tacaaleysay inay xakameyso cudurkan, markaasi oo ay ku dhowaaqday labadii qof ee ugu horreeyey oo ku dhintay magaalada Qom, oo ah xarun lagu barto diinta Islaamka.

IMF oo xaqiijisay maal-gelinta deyn-cafinta Soomaaliya

imf

Agaasimaha maamulka hay’adda lacagta adduunka ee IMF Kristalina Georgieva ayaa maanta ku dhowaaqday in IMF ay xaqiijisay ballan-qaadyo maaliyadeed oo ku filan, si loo maal-geliyo deyn-cafin buuxda oo loo sameeyo Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay IMF, 100 dal oo xubno ka ah IMF ayaa ballan-qaaday in ka badan 334 milyan oo dollar oo lagu maal-gelinayo deyn-cafinta Soomaaliya.

“Marka ballan-qaadka laga dhigo rasmi, waxaa xigi doona hanaanka deymaha looga tirayo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Tani waxay gacan ka gaysan doontaa in la fasaxo lacag cusub oo kaalmo horumarineed ah, taasi oo dhabbaha u xaari doonta kobac sare oo buuxa.”

Ms. Georgieva ayaa ballan-qaadka cusub ku qeexday inay fursad taariikhi ah u tahay Soomaaliya, si ay ugu dhaqaaqdo deyn-cafin buuxda oo ay ka hesho IMF iyo Beesha Caalamka.

“Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno dib usoo kabashadeeda kadib muddo fog oo dagaalo iyo burbur ahaaa” ayey tiri Kristalina Georgieva.

Kristalina Georgieva ayaa taageeradooda uga mahad-celisay dalalka xubnaha ka ah IMF.

“Tani waxay astaan cad oo lagu qirayo u tahay dadaallada xooggan ee joogtada ah ee Soomaaliya ay ku sameyneyso is-beddelo maaliyadeed iyo kuwa dhaqaale, inkasta oo ay jiraan marxalado caqabad leh,” ayey tiri.

Soomaaliya ayaa la filayaa in deynta lagu leeyahay, oo ka badan 5 bilyan dollar, laga cafiyo dabayaaqada bisha March.

Somaliland: Wasiir Raaf oo raaligelin ka bixiyey eedayntii uu Shirkada HASS kula dulkufay

Cabdirashiid Qambi3

Daawo Wasiir Cabdirashiid Ducaale Qambi oo raaligelin ka bixiyey eedayn aan sal iyo raad toona lahayn oo uu kula dulkufay Shirkada HASS.

Masuul u hadlay Shirkadda ayaa sheegay inuu baad iyo laaluush weydiistay.

Wasiir Beyle oo sheegay in Ciidamadu qaateen Mushaharkii la kordhiyey

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Militariga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidanka.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira dib u habeynta lagu sameeyay ciidamada dowladda iyo kordhinta mushahaarka Ciidanka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ciidamada ay u kordhiyeen lacag gaareysa 70 doolar laga soo bilaabo bishii Janaayo ee Sannadkaan 2020-ka.

Dib-u-habeynta hey’adeheena amniga ayaa inoo sahashay guusha wadajirka ah ee heer gobol & heer Dowladeed” ayuu yiri Wasiirka

Guushaan dib-u-habeynta ah waxaa wehliya koror dhan $70 oo ah mushaarka Ciidanka oo aan bilownay bixinteeda laga bilaabo January 2020. Ciidamadeenu waa kuwa aad ugu qalma qadarin iyo taageero joogta ah in aan la garab istaagno”ayuu yiri sii raaciyay.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka maanta dhex maray Somaliland iyo Puntland

Sarreeye Gaas yaasiin Cumar Dheere puntland

Warar dheeriya ayaa ka soo baxaya dagaal maanta deegaanada gobolka Sanaag ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalkaasi oo saaka ka dhacay deegaanka Hadaaftimo, ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo aan si rasmiya loo wada ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Taliska guud ee Ciidamada Somaliland oo war ka soo saaray dagaalkaasi ayaa guulo ka sheegtay, iyadoona warkaasi lagu sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid.

Dhinaca kale, taliska ciidamada daraawiishta Puntland ayaa sheegay in saaka arroortii hore in ciidamo ka tirsan Somaliland weerar kusoo qaadeen Ciidamada Puntlamd, hase yeeshee ay iska difaaceen.

Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay ku filan tahay difaacidda dhulkeeda, waxaana loogu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda, ayada oo baaq loo diray dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka lagu sheegay inaysan Puntland mas’uul ka noqon doonin cawaaqibka ka dhashay dagaalka.

Sida ay sheegeen dad deegaanka ah xaalka guud ee deegaanada saaka lagu dagaalamay ayaa laga dareemaya daganaan, kadib markii Ciidamada Somaliland ay ku noqdeen deegaanka Yube oo hore ay dagaalka uga soo qaadeen.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay cabsi badan dareemayaan, maadama ay saaka saacado badan ku dul dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, ayna ka cabsi qabaan inuu dib u qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada labada maamul.

Al-Shabaab oo burburiyey xarun ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Safaricom Kenya

alshabab somalia

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu burburiyey Xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee laga leeyahay dalka Kenya taas oo ku taalla deegaan lagu Magacaabo Dabasiti oo hoostagta degmada Ceelwaaq Kenya.

Deegaanka la weeraray ee Dabasiti ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya,waxaana la sheegay in dagaalka kadib ay Ciidamadaas isaga baxeen taas oo keentay inay Al-Shabaab galaan.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen inay weerarkaas ku gubeen oo ay dab qabadsiiyeen Xarunta Shirkadda Safaricom oo ay leedahay Dowladda Kenya.

Si kastaba weerarkaan ay Al-Shabaab ku burburiyeen Xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Goorisa oo hoostaga Magaalada Gaarisa,kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Sheekh M Idiris oo faallo cajiib ah ka qoray Gen. Odowaa Taliyaha Ciidanka Xooga dalka (Sawirro)

general odowaa

Sheikh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu Caansan ayaa ka hadlay sida uu Arko Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaaa iyo Waxyaabaha uu kusoo Xasuusto

“General Odowaa Yusuf Raage, waa Taliyaha xoogga dalka soomaaliyeed, aqoon shakhsiya uma lihi, laakiin waxaa i soo jiitey haybadda iyo lebbiska xooggeena ee ka muuqda.

Markii aan arkaba wuxuu i xusuusiyaa Gen. Daud Cabdille Allaha u naxariistee, oo markii aanu ardayda iskuuleyda ahayn, wadaniyadda nala ku baray, tusaalena u ahaa, qiimiga iyo quruxda xoogga dalka soomaaliyeed.

 Weliba Gen. Odowaa sida quruxda leh ee koofiyadda uu u saarto, wuxuu i xusuusiyaa Gen. Daud, anoo oday ah ayaan is iraahdaa: war ciidanka ma qorataa!!

Gen. Odowaa waa nin dhalin yar, ay dhici karto in khibrad badani u dhimantahay, hayeeshee waxaan indhihiisa ka akhristay: Daacadnimo, geesinimo iyo xamaasad wadaninimo.

Waxaan is leeyahay haduu helo aragti iyo istraatiijiyad siyaasadeed iyo qalabkiisa oo loo dhamaystiro, malaha wiilkaasu xuduudaha waa soo xiri lahaa! cadawgana meel buu uga soo hari lahaa! “

Taliye guulayso!

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo markale ku dagalaamay gobolka Sanaag

puntland iyo somaliland

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in goor dhow dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland uu dib uga qarxay deegaanka Hadaaftimo oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaana Yubbe ay saakay u soo ruqaansadeen dhinaca Hadaaftimo, halkaas oo ay dagaal xoogan kala horyimaadeen ciidamada maamulka Puntland.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayaan daryanka hub culus oo ay  haatan is weydaarsanayaan labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac, balse weli lama oga intay la egyahay khasaaraha.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana meesha uu iska hor imaadka ka socdo ku sii qul qulaya ciidamo kala duwan gurmad ah oo ku biiraya dagalkaasi.

Shalay ayey aheyd markii maamullada Somaliland iyo Puntland ay ku dagaalameen degmada Laasqoray oo ka tirsan isla gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Shacab Soomaaliyeed oo Rodney Hunter ku eedeeyey inuu laaluushka qaatay Imaaraadka iyo Kenya

muqdisho no4

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dareen cadho leh ka muujiyey hadal uu Isuduwaha dhanka siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, Rodney Hunter ka jeedinayey kulanka golahaasi oo ku saabsanaa xaaladda Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyey in uu dhaqaale ka qaatay Dawladaha Imaaraadka iyo Kenya.

Mr. Hunter ayaa ugu horreyn ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay dowladda federaalka ka wado gobolka Gedo ee K/Soomaaliya, wuxuuna sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid aan la aqbali karin oo weecineyso dhaqaaliihii loogu talagalay amniga.

“Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daad gureeyey, looguna dagaal galiyey gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taasi weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiisyey ee loogu talagalay howlgallada amniga”. ayuu yiri Isuduwaha dhanka siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan golaha ammaanka.

Sidoo kale Mr. Rodney Hunter ayaa carabka ku dhuftay in mas’uuliyadda ciidamada dowladda iyo dowlad goboleedyada ay tahay la dagaalanka Al-Shabab, waxaana uu sheegay in la ilaaliyo isku dhac labada ciidan ah lana soo afjaro khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) in uu soo afjaro dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda ay ka wadaan degmooyinka gobolka Gedo, islamarkaana khilaafka kala dhexeeya madaxweynaha Jubbaland uu ku dhameeyo wadahadal iyo deganaan.

“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo madaxweynaha Jubbaland Madoobe waa in ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin” ayuu  yiri isu duwaha arrimaha siyaasadda u qaabilsan Mareykanka.

Ugu dambeyn Rodney Hunter ayaa carabka ku dhuftay in sanadkaan 2020-KA Soomaaliya uu u yahay mid adag, islamarkaana laga rabo inay wax ka qabato barnaamijka deyn cafinta, u diyaar garowga doorashooyinka soo socda iyo inay AMISOM kala wareegto amniga.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY