Home Blog Page 536

Beesha caalamka oo soo saartay 11 qodob oo khuseeya doorashada Somalia ee 2020

beesha caalamka2

 Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2020/21, ayaga oo sheegay inay muhiim tahay in doorashadu noqoto mid wax ku ool ah, oo ku dhacda waqtigii loogu talo-galay.

Xubnaha saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa waxay kusoo bandhigeen qoraalkooda 11 qodob oo ku dalbadeen in laga helo hanaanka doorashada 2020/21, waxayna ay yiraahdeen “si waafaqsan ballan-qaadyadii ay sameeyeen dowladda federaalka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxay saaxiibadu boorinayaan in hanaanka doorashada mustaqbalka uu noqdaa mid:-

1 – Dhowraya dastuurka

2 – Xaqiijinaya in dhammaan doorashooyinka federaalka lagu qabto waqtigooda ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021, ayada oo aan muddo kordhin loo sameyn baarlamanka ama xukuumadda.

3 – Xaqiijinaya in dhammaan bulshooyinka Soomaalida ay helaan metelaad caddaalad ah.

4 – Siinaya dadka Soomaaliyeed fursad ay wakiilada matalaya ugu doortaan hab “qof-iyo-cod ah”.

5 – Ku daraya kaalinta xisbiyada siyaasadda ee doorashooyinka.

6 – Damaanad qaadaya in haweenka ay 30% ku yeeshaan xildhibaanada baarlamanka.

7 – Xaqiijinaya ka qeyb-galka ugu ballaaran uguna macquulsan, oo ay ku jiraan dadka gudaha dalka ku barakacay.

8 – Haysta taageerada dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

9 – Doorashada loo qaban karo si hufan oo nabad ah oo soo jiidan karta taageerada dhaqaale si loo fuliyo qodobadan.

10 – Natiijada ka dhaataa, noqotaa doorashada hogaamiyeyaal sharciyad haystaa, iyo mid

11 – Ilaalinaya muddo xileedka Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Saaxiibada caalamka ayaa ugu baaqay labada aqal ee baarlamaanka inay ka hor dhammaadka 2019 meel-mariyaan sharciga doorashooyinka iyo kan xisbiyada.

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dowladda wanaagga iyo taabo-gelinta dhamaman qodobada kor ku xusan.

Bayaankan ayaa waxaaa si wadajir ah usoo saaray Amisom Canada, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Kenya, Norway, Sweden, Switzerland, UK, QM and Mareykanka.

Shacabka degmadda Cadaado oo bilaabay cunista Ayaxa

ayax2

Degaano ka tirsan Gobollada Dhexe ayaa mudooyinkii dambe waxaa fara ba’an ku hayey Ayax dadka iyo duunyada ay ka harsan kari waayeen.

Meelaha saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay waxaa kamid ah Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo la isku dayey in la buufiyo balse lagu guuleysan kari waayey tiro badnidiisa awgeed, waxaase la yaab noqotay in Maqaayadaha Cadaado qaarkood laga bilaabay in dadku cunaan Ayaxaasi.

Cadaado carfoon waxaa lagu bilaabay in Ayaxa la cuno, halka deegaanada Somaliland qaarkood loo adeegsado hubka culus.

Jadwalka cusub ee doorashada Galmudug oo la shaaciyey

calanka galmudug

Guddiga mamaul u dhisidda Galmudug ee ay dhistay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka cusub ee dhismaha iyo doorashada maamulka, kadib markii uu fashilmay jadwalkii hore.

Guddiga ayaa 19-ka ilaa 23-ka December u gooyey xaqiijinta odayaahsa dhaqanka iyo xalinta khilaafyada, ayada oo xidlhibaanada lasoo xulayo inta u dhaxeysa 24-ka ilaa 30-ka December.

Guddiga ayaa sheegay in guddoonka golaha wakiilada Galmudug la dooranayo 4-ta bisha Janaayo ee 2020, ayada oo doorashada madaxweynaha cusubna ay dhaceyso 9-ka bisha Janaayo.

Jadwalka cusub ayaa yimid kadib markii dhowaan ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca (ASWJ) heshiis ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyey ee ku salaysnaa dhismaha dowladda cusub ee maamulka Galmudug.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in Ahlu-Sunna la siiyo 20 ka mid ah 89-ka xildhibaan ee Golaha Wakiilada lasoo dhisayo ee Galmudug.

Hoos ka aqriso jadwalka cusub


Daawo Warbixin ka hadlaysa taariikhihii uu soo maray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho

Stadium Mogadishu

Warbixin ka hadlaysa taariikhihii uu soo maray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, kaas oo hadda dayactirkiisa uu marayo meel gebogebo ah.

FG: Muuqaalada qaar waxaa xuquuqdooda leh AMISOM

Garoonka ciyaaraha Muqdishu

Warbixin ka hadlaysa taariikhihii uu soo maray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, kaas oo hadda dayactirkiisa uu marayo meel gebogebo ah. FG: Muuqaalada qaar waxaa xuquuqdooda leh AMISOM

Slået op af BBC News Somali i Torsdag den 19. december 2019

Emailo sir ah oo kashifay qorshe ka dhan ah Turkiga oo Imaaraadku ay ka wadaan Mareykanka

capitol hill

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku howlan cadaadis xooggan oo ay sharci dejiyayaasha congress-ka Mareykanka ku saareyso in cunaqabateyn rasmi ah lagu soo rogo dalka Turkiga, sida ku cad qoraallo Email oo la helay

Wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaa heshay qoraalo dhanka Email-ka ah oo muujinaya sida dowladda Imaaraadku ugu howlan tahay in Mareykanka uu xayiraado saaro Turkiga.

Emailadaasi ayaa waxa ka dhex muuqday magaca shirkada ‘Akin Gump’ oo ah shirkad ka shaqeysa dhanka ololeyna siyaasadda, oo fadhigeeduna yahay Washington, DC, taasi oo ay qoraal ugu dirtay Senator-ada Conngaress-ka kadib markii Aqalka Wakiiladu uu qaatay qaraar ka dhan ah dowladda Turkiga.

Shirkadan oo wakiil toos ah ka aheyd Safaarada dowladda Imaaraadka ee Washington ayaa waxay Email u kala dirtay 7-November qaar kamid ah Senator-ada Congaresska, kuwaasi oo qeyb ka ah cadaadis xoogan oo la rabo in Mareykanku uu cunaqabteyn ku soo rogo Turkiga, sababo la xidhiidha howlgaladii Milateri ee uu ka fuliyay Suuriya.

Emailadaasi ayaa sidoo kale waxa laga dheehan karayey cambaareynta tooska ah ee Dowladda Imaaraadku ugu jeedinayso Turkiga geedi socodka nabada ee waqooyiga Suuriya, iyo weliba in uu Imaaraadku taageerayo cunaqabateynta ka dhan ah Turkiga, kaasi oo ah go’aan qabyo ah oo ay meel-marinayaan golaha wakiilada Mareykanku.

“Andrew iyo Matt – Waxaan idinla soo xiriirayaa aniga oo wakiil ka ah safaaradda Imaaraadka ee Washington si aan u muujino cambaareynta Imaaraadka ee gardarrada Turkiga ee Syria, una taageerno cunaqabateyn ka dhan ah,” waxaa sidaas email-ka ku diray Charles Johnson oo ka tirsan shirkadda Akin Gump.

Waxa sidoo kale qoraalka Emailadaasi loo kala diray Senator-ada Congaress-ka lagu xusay in dowladad Qatar ay ka caawiso dowladda Ankara ee Turkiga howlgalkii ‘Guga nabada’ ee Suuriya.

“Waxaan rajeynaynaa in macluumadkani idinka caawin doono maadama uu Mareykanku sii wado la socodka arrimaha Suuriya, maadaama xubnaha golaha senate-ka ay ka fakarayaan in cunaqabateyn lagu soo rogo dowladda Turkiga” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalada Email-kaasi.

Lamana shaacin ilaa hadda magacyada Senatorada loo kala direy Emailkaasi ay dowladda Imaaraadku ku rabto in cunaqabateyn rasmi ah lagu soo rogo Turkiga oo muddooyinkii dambe saaxiib dhow la noqday dowladda Qatar.

Dalka Kenya oo qaaday tallaabo uu kaga hortegayo weerarada Al-Shabab

kenyan police

Basaska ka howlgala degaanada hoostaga gobolka Waqooyi Barri ee Kenya ayaa lagu amray in ay gal-biyaan ciidamo boolis ah, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Taliyaha booliska gobolka, Maxamed Biriq, ayaa sheegay in talaabadan ay salka ku hayso badbaadinta rakaabka.

Biriq ayaa carabka ku dhuftay in darawaladii aan u hogaansamin amarkan cusub ay xabsi u taxaabi doonan.

Go’aankan ayaa si gaar ah u quseeya Basaska adeegsada wadada isku xirta Garissa-Holugho, Garissa-Liboi iyo Garissa-Wajir.

Talaabo noocaan ah ayey Kenya horey u soo saartay, balse darawaladda qaarkood ma aysan dhaqangelin, waxaana taliye Biriq uu caddeeyay in lala xisaabtami doono shaqsiyaadkaas.

“Waa ayaan darro in darawaladda qaarkood ay kasoo horjeesteen. Hase ahaatee, doorkan ma ogolaan doono in waxay doonan ay sameeyaan,” ayuu Biriq yiri xili uu saxaafada kula hadlay Garissa.

Laba todobaad kahor ayey ahayd markii Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadey Bas ku socdaalayey wadada Kutulo-Wargadud, halkaas oo ay ku dishay sideed askari, laba macalin iyo dhakhtar.

Kumanaan dibadbaxayaal ah oo lagu xirxiray Hindiya

india police

Tobnaan kun oo dibadbaxayaal ah oo ku kala sugan gudaha Hindiya ayaa jebiyay amarkii dowladda ee ahaa inaysan dibadbaxyo sameyn, iyagoo ka cabanaya sharciga cusub ee dhalashada ee lagu muransan yahay. Booliiska ayaa xirxiray arday iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha. Kumannaan booliis ah ayaa lagu daad gureeyay magaalada caasimadda ah ee Delhi, halkaasoo ay dhowr meelood ka socdaan dibadbaxyada.

Adeegyada isgaarsiinta ayaa laga joojiyay qeybo ka mid ah magaalada Delhi, gaar ahaanna meelaha ay ka socdaan dibadbaxyada oo qaarkood ay rabshado wataan.

Sharciga cusub ayaa dhalashada Hindiya siinaya muhaajiriinta sharci darrada ah ee aanan Muslimiinta ahayn, kuwaasoo ka yimid dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Afghanistan.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Ramachandra Guha, oo ah taariikh yahan caan ah kaasoo dowladda Hindiya mucaarad ku ah.

Sharcigan ayaa aad loogu kala qeybsamay gudaha India.

Dowladda federaalka ah, ee uu hoggaamiyo xisbiga (BJP), ayaa sheegtay in sharcigan uu dadka ka badbaadinayo in waxyeello loo geysto, balse dadka mucaaradsan ayaa sheegay inuu qeyb ka yahay hindisaha dowladda ee hoos loogu dhigayo in ka badan 200 oo Mulsimiin ah oo Hindiya ku nool.

Madaxa booliiska gobolka Uttar Pradesh, OP Singh, ayaa ka codsaday inaysan dibadbaxyo sameyn.

Balse bannaan baxyada ayaa ka socday gobollada Uttar Pradesh, Bangalore, Hyderabad, Patna, Chandigarh, Mumbai, Delhi iyo magaalooyin kale – ururrada bulshada rayidka, axsaabta siyaasadeed, ardayda iyo dadka caadiga ah ayaa baraha bulshada dadka ugu baaqayay inay ka soo qeyb galaan dibadbaxyada.

Booliiska ayaa sidoo kale jidgooyo dhigay waddada weyn ee isku xirta Delhi iyo magaalada Jaipur iyagoo baaraya dhammaan gawaarida galaya caasimadda.

Dadka la sheegay in dhalashada Hindiya la siinayo ayaa haysta diimaha – Hindu, Sikh, Buddhism, Jainis, Parsis iyo Christian.

Wasiirka Maaliyadda DF oo shaaciyay xilliga deynta laga cafinayo Soomaaliya

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyey Warbixintii ay soo saartay Kristalina Georgieva oo ah Agaasimaha maamulka IMF, taasi oo ku saabsaneyd meel marinta qorshaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayaa sheegay in Hay’adda IMF ay Soomaaliya aad ugala Shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay heyso wadadii deynta looga cafin lahaa.

“IMF aad iyo aad waxay nagala shaqeeyeen dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka, anagoona guulo muhiim ah ku gaarnay Barnaamijkooda dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Beyle.

Sidoo kale Wasiir Beyle waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay socdaan qorshaha lagu dar dargelinayo in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasna uu hirgalayo marka la gaaro Bisha labaad ee sanadka soo socda ee 2020.

“Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Agaasimaha ug sareeysa IMF Kristalina Georgieva oo ay ku sheegtay in IMF-ta ay heshay Waddadii Soomaaliya Deynta looga Cafin lahaa iyagoo kaashanaya Beesha Caalamka.

” Sida warbixinta ku cad, anagana aan wada ogsoonahay, wali dadaalka inta hartay annaga ayay inoo taalaa in aan dhameystirno” ayuu yiri wasiir Bayle.

Shalay ayey aheyd markii ugu horeeysay ee golaha wakiillada dalka mareekanku ansixiyeen cafinta deynta lagu leeyahay soomaaliya.

Beelihii ku dagaalay Mudug oo shan qodob ku heshiiyey

Tciidanka Lugta SG cxamiid M dirir2

Taliyaha Ciidanka Dhulka xooga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjoog ka ahaa heshiiskaas oo lagu dhameynayo colaad ka taagneyd Degaannada Af-barwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga Mudug.

Odayaasha Labada dhinac ayaa Ku heshiiyay Shan qodob si loo dhameeyo Colaada labada Beelood, kuwaas oo kala ah.

1- In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah

2- In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood,

3- In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah

4- In qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho

5- In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaannadaas ayaa kormeeray dhammaan meelihii laga kala qaaday ciidanka Beelaha dagaallamay.

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wefti ka socday Beesha Caalamka

somaliland beesha caalamka1

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Belanga Martinez.

Wafdigan ayaa waxaa ka  mid ahaa qaar ka mid ah safiirada dalalka Yurub ugaga wakiil ah Soomaaliya sida Safiirka Talyaaniga Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday dalalka Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark.

Kulanka ayaa waxaa  lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka  iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wuxuu u xaqiijiyay wafdiga inay xukuumadiisu ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta  isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY